Khamiis 30, May 20224 {HMC} Matabaan oo Laga Billaabay Dhismaha Garoon Diyaaradeed.
{DAAWO MUUQAALKA} Xaalada Caafimaad ee Boqorka Sacuudiga oo laga Deeyrinayo.
Khamiis 30, May 20224 {HMC} Xaalada Caafimaad ee Boqorka Sacuudiga oo laga Deeyrinayo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomalia iyo Safiirka Imaaraadka oo gaaray Balcad
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay waddadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qaadidda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku saabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga saddexaad ka dhageystay Injineerada gacanta ku haya dhismaha waddada, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee maalgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwaas oo u huray naftooda.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guuleysatay argagixisada, isla markaana la xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.
Kormeerkan oo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Dowladda Qatar. Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xiraya Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

DFS oo Digniin u dirtay dadka Warbaahinta iyo baraha bulshada sida khaldan u isticmaala
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa ka hadlay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ee ku soo gudubiya waxayaabahaa liidiga ku ah xeerarka dalka u yaalah iyo qawaaniinta ay hoosta ka xariiqay in ay dowaadda Soomaaliya marnaa raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulsada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.
”Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan,qof maanta cabsi darteed awoodi wayay in u gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah,sharcigana waafaqsan in u jiro umalayn maayo sidan Aaminsanahay,Mabda’a xuquuqul Insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,waana lama taabtaan,dastuurka iyo sharuucda dalka ayey ku qoraantahay.
Sidoo kale Al-Cadaala ayaa sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadal ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada ,waxaan la arkaya Idaacaddo ay ka socdaan gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso,waxaa nuucaas ah Anshaxa iyo xeerarka Saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata,waana in aan kala saarno wixii anshaxa saxafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana,dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka,anshaxa,Islaamnida,dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen,sharciga ayaana la geyn doona”.
Dhanka kale wasiirka wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha diinta mudane Mukhtaar Roobow Cali iyo qaar ka mid ah Culuma udiinka ayaa si kuluul uga hadlay saameynta si xun u isticmaalida barah bulshada loogu soo gudbiyo waxyaabo aysan Diinta Islaamka iyo Shaceerda raalli ka ahayn in bulshada lala wadaaggo.
Ciidanka NISA oo gacanta Kuso Dhigay Xubno Ka Tirsanaa AS.
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magalaada Baydhabo ayaa soo bandhigay sadax xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay.
Sadaxdaan xubnood ee lagu soo bandhigay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.
Ciidanka NISA oo gacanta ku haayo sadaxdaan nin ee kasoo goostay Al-shabaab waxay sheegeen in ragaan la marsiin doono habraaca loogu talo galay xubnaha kooxda ee isku soo dhiiba gacanta dowladda.
“Xubnahaan ayaa ku dhuumaaleysa jireen Gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen dhibaatooyinka AS ku wajaheysta duurka, waxayna saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan.” ayaa lagu qoraal kasoo dowladda.
Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha wali ay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab, waxaana sidoo kale xusid mudan in Koonfur Galbeed ay tahay halka ugu badan oo ay iska dhiibaan xubanaha kasoo goosta kooxda Al-shabaab.
IMF oo meel marisay $10 milyan oo lagu taageerayo Doowladda Soomaaliya
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Guddiga Sare ee IMF oo dhameystiray dib u eegistii ugu horeysay ee hoos timaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya, ayaa ogolaaday in si degdeg ah loo bixiyo ilaa 10 milyan oo doolar si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.
Taageeradan ayay IMF sheegtay in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada maaliyadeed ee IMF ee Soomaaliya $50 milyan .
IMF ayaa dhinaca kale sheegtay in Kobaca dhaqaale ee Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba sanadkan 2024 marka la barbar dhigo 2.8 2023.
“Soomaaliya waxay sii waddaa inay horumariso ajandaheeda dib-u-habaynta, waxqabadka. Waa in la joogteeyo xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda dawladda, kor u qaadida qoto-dheeraanta maaliyadda, hagaajinta maamulka, iyo kor u qaadida tirakoobka,”ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda IMF.
IMF waxa ay sheegtay taageeradan inay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.
Bishii December ee sanadkii hore, Soomaaliya ayaa la kulantay guul weyn oo taariikhi ah, ka dib marki dalka laga cafiyay deymihii ugu badnaa ee lagu lahaa. IMF iyo World Bank waxay sheegeen in Soomaaliya ay haysato fursad wanaagsan oo ay ku heli karto deeqo caalami ah iyo maalgashi ballaaran.
{DAAWO SAWIRADA} Interlog La Saaray Wadada Gasho Xarunta Dhaxe ee SoDMA oo Xariga Laga Jaray
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA , Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xarigga ka jaray waddo Interlog la saaray taas oo gasha xarunta dhexe ee SoDMA.
Wadadaan ayaa dhirirkeedu dhan yahay ku dhawaad hal KM, waxaana iska gaashaday dhismaheda dadka degaanka, ganacsato iyo hay’adda SoDMA oo 50% dhiibtay.
Jidkaan ayaa waxaa hore maristeeda ugu dhibqabay dadka deegaanka iyo gaadiidka adeegsada, waxaana xarig jarkaan Guddoomiyaha ku weheliyay Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, iyo Masuuliyiin kale oo SoDMA ka tirsan.

Kuuriyada Waqooyi oo buufinno ay ku jiraan qashin u dirtay Kuuriyada Koonfureed
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Kuuriyada Waqooyi ayaa dalka dariska la ah ee Kuuriyada Koonfureed ku daadisay ugu yaraan 260 buufin ah oo siday qashin, taasoo keentay in maamulku uga digo dadka deegaanka inay guryaha kasoo baxaan.
Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale shacabka uga digay inay taabtaan buufinnada cad cad iyo bacaha ku xiran sababtoo ah waxaa ku jira “qashin wasakh ah iyo waxyaabo xun”.
Buufinnada ayaa laga helay siddeed ka mid ah sagaal gobol oo ku yaalla Kuuriyada Koonfureed, waxaana hadda la baarayaa dhab ahaantooda.
Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed waxay labaduba adeegsadeen buufino ololahooda dacaayadda tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.
Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa goor sii horeysay sheegay in ay baarayaan in ay jiraan waraaqo borobogaando ah oo Kuuriyada Waqooyi ay kusoo dartay buufinnada.
Dhacdadan dhawaan dhacday ayaa timid maalmo kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay sheegtay in ay ka aargoosan doonto “warqadaha iyo qashinka kale ee inta badan lagu daadiyo” meelaha xuduudka ah ee ay wadaan dhaqdhaqaaqayaasha koonfurta.
{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Maaliyadda oo kulamo La Sameeysay Wasiirro reer Galbeed ah
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa uu halkaas kulamo gaar ah kula yeeshay madax ka socotay Dowladaha UK, Norway iyo Netherlands.
Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa si gaar ah ula kulmay Wasiirada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway. Waxa ay wada hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.
Sidoo kale, Mudane Wasiir Biixi ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dhammaan dowladihii madaxdooda uu la kulmay, qaabka wanagaasan ee ay uga soo qeyb qaateen geedi socodkii hannaanka isbaddalka Maaliyadda Soomaaliya oo soo maray waddooyin kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Alcadaala “oo ka hadlay Sharciga ay Dowlada Cuskatay ee lagu Xeray dhalinyarada”
Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wasiir Alcadaala “oo ka hadlay Sharciga ay Dowlada Cuskatay ee lagu Xeray dhalinyarada”



