Home Blog Page 2355

{DAAWO SAWIRADA} DFS oo Bahrain uga qeyb-gashay shir xasaasi oo taageeray Loogu Muujiyay falastiin

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa caasimadda Boqortooyada Bahrain uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabbad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama yaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

AFRICOM denies role in Puntland’s deadly AS airstrike


Wednesday May 29, 2024

Mogadishu (HMC) — The U.S. Africa Command (AFRICOM) has denied involvement in a recent military operation in the Calmadow Mountains of Somalia’s Sanaag region, according to a text message clarification sent to VOA following inquiries about the incident.

On May 26, the Somali government reported that its National Army, with support from international partners, killed more than 20 al-Shabaab militants, including three key leaders, in an airstrike in the Calmadow Mountains. Somalia State TV said the operation targeted militants planning an attack and injured several others.

However, the Puntland administration disputed this claim the next day. Puntland’s Minister of Information, Mohamud Ayidi Dirir, asserted that Puntland forces control the area and that the federal government lacks the capability to conduct such operations there. He confirmed that explosions had occurred but refuted the federal government’s assertion of responsibility for the operation.

The Puntland Ministry of Information released a statement denying the federal government’s report and reaffirming Puntland’s ability to manage its security. They emphasized their commitment to eliminating terrorist groups in the region.

Somalia’s Deputy Minister of Information, Abdirahman Yusuf Al-Addaala, had stated earlier that the federal government, with international support, launched the attack targeting top al-Shabaab leaders in Puntland. He added that al-Shabaab militants had regrouped in eastern Puntland after defeats in Galmudug and Hirshabelle.

{DAAAWO SAWIRADA} Heshiis laga gaaray doorashada Garowe ee Doowlad Goboleedka Puntiland

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godab-jiiraan oo sanadkii hore la hakiyay ayaa laga gaaray heshiis cusub, ayada oo la shaaciyay goorta la qabanayo.

Doorashada saddexdan degmo ayaa la isku raacay in la qabto 1-da August ee sanadkan 2024, kadib shir xalay ay yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Ilyaas Lugatoor iyo madaxda 8 xisbi siyaasadeed.

Sanadkii hore ayaa qorshaha ahaa in la qabto doorashada qof iyo cod ee saddexdan degmo, hase ahaatee khilaaf siyaasadeed oo xilligaas taagnaa darteed ay dib ugu dhaceen.

Puntland oo horay u qabatay doorashooyin qof iyo cod golayaasha deegaanka ayaa hadda isu diyaarineysa inay mar kale ka qabato degmooyin cusub, iyada oo aanay weli diyaar noqon ama la suura-gelin in Muqdisho iyo degmooyinka dowlad-goboleedyada kale laga qabto doorasho dadweyne.

Xisbiyada go’aankan cusub gaaray ayaa waxay kala yihiin; Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah.

Kulanka lagu gaaray heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.

Sanadkii hore ee isla bishaan May ayay aheyd markii Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland uu hakiyay doorashada saddexda degmo ee ku jirto Garoowe, si aanay saamayn ugu yeelan doorashooyinka kale ee ka dhacay degmooyinka kale ee Puntland, kuwaasi oo loo dareerayey xilligaasi.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Sheegay in Turkiga kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidanka Soomalia.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024 kaas oo ka socda dalkaas.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku yiri, “Waxaan maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraalkiisa ku xusay in Turkiga uu kaalin weyn ka qaato dhismaha ciidanka, isaga oo qoraalkiisa ku yiri, “Walaalaheena Turkiga waxa ay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena horumarintooda iyo la dagaalanka Khawaarijta.”

Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxiibada dhaw la ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo ka taageerta dhismaha ciidanka Xoogga dalka iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran, si lamid ah waxa ay ka qeyb qaadataa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal oo 15 sanno ku dhaw ayaa dalalka isdhaafsaday arrimo labada dhinac u wada muhiim ah, Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhistay Safaaradda ugu weyn ee caalamka uu ku leeyahay, halka Soomaaliya lagu abaal mariyey in loo dhiso Safaaradda ugu weyn ee ku leedahay dalka dibaddiisa.

Muxuu Yahay Dalabka Madaxweyne Erdogan kadib weerarkii Israel ee Rafax Ku Qaaday?

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay “Dunida Islaamka” inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Gaza.

“Waxaan hayaa kalmado aan ku iraahdo dunida Islaamka: maxaad sugaysaan si aad go’aan midaysan u qaadataan?” ayuu Erdogan u sheegay xildhibaano ka tirsan xisbigiisa AKP.

“Israel khatar kuma ahan Gaza oo kaliya balse waxay khatar ku tahay dhammaan bani’aadamka.”

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in ruuxdeeda ay ku dhimatay Gaza.

“Qaramada Midoobay xitaa ma ilaalin karto shaqaalaheeda, maxaad sugeysaan si aad tallaabo u qaadaan? Ruuxdii Qaramada Midoobay waxay ku dhimatay Gaza,” ayuu yiri Erdogan.

Hadalka Erdogan ayaa ku soo beegmay xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan ka yeeshay weerar lagu hoobtay oo ay Israel ku qaadday xero barakacayaal oo ku taalla galbeedka Rafah Talaadadii, kaasi oo ay ku dhinteen 21 qof, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan difaaca madaniga ah oo ku sugan Gaza.

“Ma jirto dal ammaan ah ilaa iyo inta aysan Israel raaceyn sharciga caalamiga ah oo aysan dareemeyn in uu qabanayo sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo ku celceliyay eedeymaha ah in Israel ay “xasuuq” ka geysanayso Gaza.

 

Shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo furmay

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.

Shirkaan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga {FMDC} iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo hadal kooban ka jeediyey shirka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga wanaagsan ee kheyraadka badaha ee dalka, waxa uu sheegay in Kalluunku uu kamid yahay kheyraadka uu ALLE ku manneystay dalkeenna haddii si wanaagsan looga faa’iideystana ay horseedi karto in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa furitaanka shirka ka sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirarka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga, waxa uu sheegay in mudnaansiinta horumarinta Kalluumeysiga qaranka ay tahay waxyaabaha munaanta koowaad u ah golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah u sheegay in meel looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkan ayaa la filayaa laga soo saaro warmurtiyeed lagu faahfaahinayo qodobada mudnaanta u leh golaha ee diiradda la saari doono si guulo looga gaaro ajendeyaasha qaran iyo heer federaala ee dhinaca Kalluumeysiga.

Maraykanka oo iska fogeeyay weerar duqayn ah oo ka dhacay buuraha Calmadow

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ku lug lahayn weerar duqayn ah oo ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Idaacadda VOA Soomaali ayaa sheegtay in taliska Maraykanka ee Afrika uu farriin qoraal ah ugu sheegay in aanay jirin wax duqayn ah oo ay geysyteen ciidamada Maraykanka.

Warkaan ayaa kusoo beegmay, maalmo ka dib markii Dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah, hase ahaatee ma xusin magaca dowladda fulisay howgalkaas lagu bartilmaameedsaday Alshabaab.

Puntland ayaa camabaaraysay sheegashada dowladda ee ku aaddan in howlgalkaas ay qeyb ka qaateen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in maamulkooda ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas.

Wasiirka ayaa qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo dhaceen, waxaase uu sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisa.

MD Xasan Sheekh oo ka qeybgalay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Lagu Qabtay Kenya

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

RW Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka dalka Kenya u jooga Soomaaliya

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Kubai Iringo.

Kulanka ayey Xamse Barre iyo safiirka Kenya uga wada hadleen xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku gaareen magaalada Nairobi.

Danjiraha ayaa Dhankiisa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islamarkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

{DAAWO MUUQAALKA} Spain, Norway iyo Ireland oo Falastiin u aqoonsadey Dowlad Madaxbanaan

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Spain, Norway iyo Ireland oo Falastiin u aqoonsadey Dowlad Madaxbanaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA