Arbaco 29, May 20224 {HMC} Walaaca amni ee ka jira Ceelwaaq iyo sababta aysan ATMIS uga bixin.
{DAAWO MUUQAALKA} Bixinta noocyadda baasaboorada Soomaaliya oo lahakiyay.
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Bixinta noocyadda baasaboorada Soomaaliya oo lahakiyay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Sulub oo xalay ka qeyb galay xafladda sanad gurada 24-aad ee dib u howlgelinta isbitalka
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Taliyaha Sulub oo xalay ka qeyb galay xafladda sanad gurada 24-aad ee dib u howlgelinta isbitalka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Xukuno Kala Duwan Ku riday 13 eedeysanayaal oo ay Kujiraan Isbaaralay iyo AS.
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Xukuno Kala Duwan Ku riday 13 eedeysanayaal oo ay Kujiraan Isbaaralay iyo AS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Bahda Ciyaraha oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida AUN Cumar Muxudiin oo aha Ciyaaryahanki Hore ee Sh/Hoose
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Bahda Ciyaraha oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida AUN Cumar Muxudiin oo aha Ciyaaryahanki Hore ee Sh/Hoose
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 29-05-2024
Arbaco May, 29, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo Shugri Baryare & Abdiyare
Farsamadii ::Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
DFS oo Nairobi uga qeyb gashay Shir diirada lagu saaray saddex qodob oo Muhiim ah
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika {Horn of Africa initiative} xili Magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray
1. Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.
2. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.
3. Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Dowladda Soomaaliya waxa ay ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya.
Booliska dalka Kenya oo gacanta lagu soo dhigay nin si arxan darro ah u dilay hooyadiis .
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis.
Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray.
Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh.
Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ay goobta ay ugu tageen hooyada oo mayd ah, isla markaana uu wiilkeeda qoorta kaga baangada uu usoo qaatay.
“Annaga oo shaqo ku jirno ayaa dadka nasoo waceen waxaa nalagu soo wargeliyay yar Cabdifitaax Maxamed la dhaho in hooyadiis uu qoorta baangad uga jaray, askar ayaan soo qaatay meesha ayaan ugu tegnay maamada oo mayd ah” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninka gaystay falkan horay loo xiray, kadib dhibaato uu ka gaystay magaalada, haatana la geeyay saldhigga, si tallaabo looga qaado.
“Mar dhow ayaa ninkan jeelka laga soo daayay, waana qabanay hadda saldhigga ayuu ku xiran yahay” ayuu kusii daray guddoomiyaha xaafadda Cali Macow ee magaalada Wajeer.
Eedeysane Cabdifitaax ayaa la sheegay inuu isticmaalo noocyada kala duwan ee maandooriyaha, horayna hooyadiis ay u sheegi jirtay inuu qatar ku yahay noloshiisa, balse ugu dambey shalay ayuu nolosha dhaafiyay,
Booliska dalka Kenya ayaa haatan la wareegay kiiska ninkan, si loo guda galo maxkamadeyntiisa, ayada oo loo haysto dilka hooyadiis.
Horay dhacdo tan lamid ah waxay uga dhacday magaalada Kismaayo ee Soomaaliya, kadib markii nin watay mindi ku gowracay hooyadiisa, kaas oo isna mar dambe la toogtay.
{DAAWO MUUQAALKA} Leesin-siinta (Ruqsad) Injineerada iyo Farsamo-yaqaanada ka shaqeeya dhismaha Guryaha oo la bilaabay
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Leesin-siinta (Ruqsad) Injineerada iyo Farsamo-yaqaanada ka shaqeeya dhismaha Guryaha oo la bilaabay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Degmadda Halgan oo Markii ugu horeysay heshay nalalka cadceeda ku shaqeeya.
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Degmadda Halgan oo Markii ugu horeysay heshay nalalka cadceeda ku shaqeeya.



