Home Blog Page 2357

{DAAWO MUUQAALKA} Tartan loo qabtay Fasaladda Dugsiga Cumar Binu-Khadaab oo lasoo gabagabeeyay.

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Tartan loo qabtay Fasaladda Dugsiga Cumar Binu-Khadaab oo lasoo gabagabeeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xaafadii ugu horeysay ee Fatahaada looga baxay Baladweyne oo hadda dib loogu soo laabanayo.

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Xaafadii ugu horeysay ee Fatahaada looga baxay Baladweyne oo hadda dib loogu soo laabanayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimop ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.05.2024}

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Magaladda Garowe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ugaaska Beesha Cali Xijiijle iyo Ujeedka Safarkiisa?

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Magaladda Garowe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ugaaska Beesha Cali Xijiijle iyo Ujeedka Safarkiisa?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Agaasimaha Isbitaalka Madiina oo ka hadlay dib u howlgelinta isbitaalka & adeegyada ay bixiyaan”

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Agaasimaha Isbitaalka Madiina oo ka hadlay dib u howlgelinta isbitaalka & adeegyada ay bixiyaan”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Daacish oo isku ballaarisay dhulka buuralayda gobolka Bari ee Puntland

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Daacish oo isku ballaarisay dhulka buuralayda gobolka Bari ee Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Buufin Basaas Ah Oo Lagu Qarxiyay hawada Caasimada Ruushka

0

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Buufin Basaas Ah Oo Lagu Qarxiyay hawada Caasimada Ruushka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dekaddii uu Mareykanka ka dhisay Gaza oo burburtay.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Xaalad kale oo adag ayaa lasoo daristay dadka ku dhibaateysan magaalada la go’doomiyay ee Gaza, waxaana hadda bur burtay oo saameyn hor leh keentay dekad macmal ahaa oo Mareykanka ka dhisay magaalada Gaza.

Dekadan macmalka ah ayaa waxaa ku xiran jiray maraakiib la sheegay in ay wadaan gar gaar loogu tala galay dadka reer Gaza, waxa ayna hadda aheyd halka ugu sahlan ee gargaar loo marsiin karay shacabka Falastiin.

Mareykanka ayaa joojiyay gargaarkii uu u gaarsiin lahaa Gaza ee marinka cusub ee dekadda macmalka ah ee laga dhisay badda Gaza, kadib markii asbuucan cimilada isbedashay oo duufaan mawjado xoogan wadata ay burburisay dekadaas yar oo la sheegay inay ku baxday in ka badan $300 milyan oo dollar.

Laba markab oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo isku dayey inay badbaadiyaan dekadan badda dul sabeenaysay ayaa iyaguna khasaaro soo gaaray kuna soo caariyey xeebta Gaza.

Mareykanka oo horey loogu dhaliiceeyey taageerada uu siiyo Israel ayaa mashruucan uga gol lahaa in uu muujiyo taageerada gargaarka bini’aadamnimo ee uu gaarsiinayo shacabka ku go’adoonsan Marinka Gaza, kadib markii Israel ay diiday inay furto wadooyinka taga dhulkaasi.

Waxaa gebi ahaan joogsaday gargaarkii bini’aadamnimo ee gaari jiray Gaza tan iyo markii Israel la wareegtay xaduuda Rafah ay la wadaagto Masar, waxaana hada qarka u saaran inay sahay la’aan u xirmaan isbitaalada faro ku tiriska ah ee hada shaqeeya.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada adag ee Koonfur Afrika

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Dadka waddanka Koofur Africa ayaa maanta oo Arbaca ah codadkooda ka dhiibanaya doorashadi ugu tartanka adkeyd ee dalkaasi ka dhacdo tan iyo dhammaadkii midab-kala sooca billowgi sagaashammaadki.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in in xisbiga African National Congress (ANC) uu lumen doono aqlabiyadda baarlamaanka muddo 30 sano ah kaddib. Isaga oo uu hogaaminayay Nelson Mandela, ayuu xisbiga ANC marki ugu horreysay awoodda dalka la wareegay kaddib doorashadi sannadki 1994-ki, wixi markaasi ka danbeeyay doorashada baarlamaaniga South Africa oo shanti sannaba mar dhacdo, waxaa si aqlabiyad ah ugu guuleysanayay ANC.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaaatay hay’adaha QM.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka kala socotay k UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa amar culus dul-dhigay hay’adaasi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa agaasimaha guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran golaha wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.

Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa faray mas’uuliyiinta hay’adaha uu la kulmay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada HirShabelle.

Inta uu shirka socday ayaa labada dhnac waxa ay isla soo qaadeeb howlaha ha’yaddahaasi ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale madaxda hay’addaha ayaa dhankooda sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan HirShabelle, waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.

“Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan HirShabelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe oo boggaadiyay madaxda hay’adaha QM ee uu maanta la kulmay.

Kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan qaybo kamid ah HirShabelle ay ku dhufteen fatahaad uu mar kale wabiga Shabelle ka gaystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.