Home Blog Page 2358

Mareykanka oo war kasoo saaray duqeynta ay isku haystaan Puntland iyo DF ee Calmadoow.

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.

Taliska AFRICOM ayaa jawaabtaan siiyey VOA oo su’aal ka weydiisay waxa ay kala socdaan duqeymaha is qabqabsiga abuuray ee ka dhacay gobolka Sanaag, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay sheegatay labo maalin ka hor.

Dowladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishaan soo tebisay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan iyo seddax horjooge.

Maalintii xigtayna, mas’uul ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay inaan la caddayn karin in waxa dhacay ay duqaymo ahaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in mamaulka Puntland ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaase qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo ka dhaceen dhulka ay dowladda federaalku sheegtay ee buuraleyda ah, kana tirsan gobolka Sanaag.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisay howlgalka ka dhacay gobolka Sanaag.

Puntland ayaa muujisay inay ka xumaatay sheegashada dowladda federaalka ee howlgalkaas, halka dowladdu aysan cadeyn dowladda iska leh diyaaradaha fuliyey duqeynta, dhankiisa Mareykanka oo inta badan fuliya duqeymaha ka dhaca gudaha Soomaaliya ayaa hadda cadeeyey in howlgalkaas uusan fulin.

{DAAWO SAWIRADA} Nalalka cadceeda ku shaqeeya oo laga hergaliyay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan

Talaado 28, May 20224 {HMC} Nalalka cadceeda ku shaqeeyo ee laga hirgilinayo degmada Halgan ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Federalla Soomaaliya, iyo Dowlad goboleed Hirshabelle waxaana ka taageeray Dalalka Norway iyo Switzerland.

 

Gudoomiyaha degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Maxamed Nuur ayaa so dhaweeyay hirgalinta nalalka cadceeda ku shaqeeyo ee lagu xiray wadooyinka degmada kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan bilicda amaanka iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka xiliga habeenkii ah.

 

Qaar kamid ah Bulshada ku nool dagmada Halgan oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa so dhaweyay hirgilinta nalalka cad ceeda ku shaqeeyo waxaana ay ku tilmaameen Talaabo dhinaca horumarka iyo nabada- galyada loo qaaday iyagoona siweyn ugu mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay hil gilinta Mashruucan.

 

Waa markii ugu horeysay oo laga hirgiliyay nalalka cad ceeda ku shaqeeyo dagmada Halgan tan iyo markii Soomaaliya ay soo gaareen kuwaas oo meelo badan oo dalka ah laga hirgiliyay.

Hirgilinta Nalalka cadceeda ku shaqeeyo ayaa isbadal weyn ku sameeyay Magaalada Halgan waxaana iftiin iyo qurux noqotay guud ahaan magaalada taas oo u muuqato mid rajo ku beertay dadka ku nool magaaladaas.

 

Shacabka Magaalada halgan ayaa la arkayay iyagoo isku so baxay wadooyinka si ay u arkaan isbadalka dhinaca iftiinka ku dhacay Magaaladooda.

Qorshaha ayaa ahaa in naleeyn lagu sameeyo ama laga hirgiliyo Nalalaka cadceeda ku shaqeeyo ilaa 5 degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan kuwaas oo kala ah  Feerfeer Soomaaliya, Beergadiid, Jawiil, Halgan iyo Farlibaax. waxaana ay gaareysaa tirada soolada laga hirgiliyay dagmooyinkaas 114 Soolar.

 

Hirginta Mashruuca Naleeynta qaar kamid ah Dagmooyinka Gobolka Hiiraan Ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Federalla Soomaaliya, iyo Dowlad goboleed Hirshabelle waxaana ka taageeray dowladaha Norway iyo Switzerland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Nairobi si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Nairobi, 28 May 2024 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ajendayaal ay ka mid yahiin wax-soosaarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbadelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.


Dhamaad

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {28-05-2024}

Talaado 28, May 2024, {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan$18 Milyan oo dollar

Talaado 28, May 2024, {HMC} Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqay $18 Milyan oo dollar oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka dhasha Isbadalka Cimillada, kaas oo xilligaan saameen ku yeeshay adduunka

 

Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika

 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed, kaas oo dowladda Soomaaliya ku sheegtay in uu aad muhiim u yahay dowladda xiligaan la taagan yahay

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban ayaa uga mahdceliyey, isaga oo ka hadlay faa’iidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga

 

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalnimadii shalay ka furmay shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika, kaas oo ay isugu imaanayaan dhammaan Hoggaamiyaasha dalalka Afrika, waxaana shirkaan Soomaaliya ku matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Yahuuda Israel oo la wareegtay Isgoyska goobaabinta al-Cawda ee magaalada Rafah

Talaado 28, May 2024, {HMC} Ciidamada milatariga maamulka Isreal ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen isgoyska goobaabinta al-Cawda ee kuyaalla magaalada Rafax, kaddib weerar xooggan oo ay halkaasi ku qaadeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in taangiyada iyo dabaabaadka kale ee dagaalka Isreal lagu arkay isgoyska goobaabinta al-Cawda, waxaana halkaasi isaga kala cararay dadkii kala duwanaa ee ku sugnaa

 

Goobtan ay la wareegeen ciidamada Israel ayaa ah goob caan ah oo inta badan ku yaalaan bangiyada waayen, hay’adaha dowladda, ganacsiyo iyo dukaamo ganacsi, waxa ayna goobtan nus killo mitir u jirtaa xadka Masar la wadaagto Falastiin

 

Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay tooganayaan dadka ay ku arkaan aaga ay ku sugan yihiin, waxa ayna ciidamada Israel ee galay magaalada Rafax halkaasi ka wadaan xasuuq iyo tacadiyo bini’aadannimada ka dhan ah .

{DAAWO SAWIRADA}Gudoomiyaha Hay,adda Sodma oo La Kulmay Agaasima Ka Socday Midowga Yurub

Talaado 28, May 2024, {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi uu horkacaayey Maciej Popowski oo ah Agaasimaha guud ee Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan isku dubarridka howlaha Bini’aadannimo iyo ilaalinta Shacabka.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay in si wadajir ah wax looga qabto sameenta ka dhalatada Isbeddelka Cimilada sida: Abaaraha iyo Fatahaadaha, sidoo kale hay’adda SoDMA ayaa kulanka ku soo bandhigtay gurmadkii iyo gargaarkii ay gaarsiisay degaannadii ay waxyeellada ka soo gaartay Isbeddelka Cimilada, Waxyabaha kaga aaddan ka hortagga leexsashada gargaarka, horumarkii laga sameeyay arrintaas iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Sidoo kale waxyabaahii kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa xoojinta iyo kor u qaadista awoodda hay’adda dhanka ka soo kabsashada aafooyinka iyo dejinta qorshaha ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka, iyo sidii adeegyada aas-aasiga ah loo gaarsiin lahaa dadka iyo degaannada ay waxyeelladu saameysay, waxaana qeyb ka ahaa kulankaan Sandra Goffin oo ah madaxa ECHO ee geeska africa iyo Javier Rio Navarro oo ah madaxa xafiiska ECHO ee Somaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-05-2024.

0

Talaado 28, May 2024, {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-05-2024.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir looga hadlayo hormarinta Kalumeysiga Soomaaliya oo ka furmaray Dhuusamareeb

0

Talaado 28, May 2024, {HMC} Shir looga hadlayo hormarinta Kalumeysiga Soomaaliya oo ka furmaray Dhuusamareeb

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay lacag 18 milyan ah loogu deeqay Soomaaliya

0

Talaado 28, May 2024, {HMC} Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay lacag 18 milyan ah loogu deeqay Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA