Home Blog Page 2359

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxa ugu sareeya Hay-ada Save the childreen oo booqatay xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

0

Talaado 28, May 2024, {HMC} Madaxa ugu sareeya Hay-ada Save the childreen oo booqatay xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Galmudug oo Xeray Gabar Caan ka ah Baraha Bulshada.

0

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Booliska Galmudug oo Xeray Gabar Caan ka ah Baraha Bulshada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaasha dhaqanka Guriceel oo ku baaqay in lasii Daayo wariye Alaale iyo Aabihiis oo xeran.

0

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Odayaasha dhaqanka Guriceel oo ku baaqay in lasii Daayo wariye Alaale iyo Aabihiis oo xeran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo lacag 18 milyan ah loogu deeqay iyo Madaxweyne Xasan oo Kenya tagay shir muhiim ah

0

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Soomaaliya oo lacag 18 milyan ah loogu deeqay iyo Madaxweyne Xasan oo Kenya tagay shir muhiim ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

DFS iyo Doowladda Liibiya oo kawada hadlay xaalada Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Siihayaha Safaaradda dowladda Liibiya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi.

Kulankan dhax maray wasiirka iyo siihayaha safiirka dalka Liibiya ayey uga wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya.

Intii lagu gudo-jiray kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah, waxaa si gaar ah diiradda lagu saaray arrinta muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda, ilaalintooda .

Waxaa sidoo kale kulanka looga wada hadlay fududeynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee danaynaysa in ay si iskood ah oo nabad-qab ah ay dib ugu soo guryo-noqdaan dalkooda oo ay muddo ka maqnaayeen.

Kulankan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor ciidamada ammaanka dalka Liibiya soo bad baadiyeen muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo muddo sannado badan ah afduub ahaan u heesteen kooxaha magafayaasha loo yaqaan.

 

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Ergay James Swan

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Xamsa Barre iyo James Swan ayaa kulanka ay maanta yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ergayga ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey,isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 28-05-2024

Talaado May, 28, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo Sahra Gabre & Yaasiin Cali

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Muxuu Yahay Cudurka Ka Dilaacay Soomaaliya oo $2 Milyan oo Dolar u qoondeysay QM wax ka qabashada Cudurkaasi

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Isku duwaha gargaarka deg dega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa shaaca ka qaaday $2 milyan oo dolarka Mareykanka ah uga qoondeeyay Sanduuqa dhexe ee wax qabadka deg dega ah {CERF}, taasi oo wax looga qabanayo daacuunka ka dillaacay Soomaaliya.

Ururka Caafimaadka Aduunka ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya laga soo sheegay in ka badan 10,000 xaaladood iyo 120 dhimasho ah toddobo gobol oo ka mid ah dalka Soomaalya tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan.

Dilaaca Cudurka Daacuunka ayaa lala xariiriyay saameynta ka dhalatay abaarihii dalka soo maray iyo daadadkii ka dhashay roobabkii El Niño dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay, kadib burbur soo gaaray ilaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda oo sii kordhiyay dilaacista cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka.

Waxaa jirta warbixinta cusub oo sheegaya in meelaha ugu badan ee uu hada dhibaatada ugu badan ku haayo Cudurka Daacuunka iney yihiin deegaano ku yaala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaana xusid mudan in wali meelaha qaar ay ka jiraan daadad iyo fatahaad kale oo sababay barakac baahsan, waxaana laga cabsi qaba iney sii siyaadiyaan kororka Cudurka halista badan ee Daacuunka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Gabar aflagaado iyo hanjabaad u geesatay oo la xiray

Talaado 28, May 2024, {HMC}  Ciidanka booliiska Galmudug , gaar ahaan kuwa ka howgala gobolka Mudug ayaa xiray gabar dhallinyaro ah oo dhawaan baraha bulshada aflagaado iyo hanjabaad dil ugu geesatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabadhan oo lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xuseen ayaa muuqaal ay iska soo duubtay ku aflagaadeesay Madaxweynaha , waxa ayna sheegtay haddii uu yimaado degmada Wisil ee gobolka Mudug in ay Suug ku dili doonto.

Waxa ay sidoo kale gabadhan kasoo horjeeday xarig magaalada Muqdisho loogu geestay dad aflagaado iyo kicin dadweyne geestay, waxa ayna sheegtay in iyada aysan jirin cid xiri karta oo u imaan karta.

Booliiska Galmdug ayaana sheegay in gabadhan hadda la xiray ay ku socdaan baaritaanno, waxa ayna sheegeen in loo gudbin doono laamaha caddaaladda si gabadhan loogu qaado kiiska dambiyada loo heesto.

Xarigga loo geesanayo dadka u gefa madaxda dalka , sidoo kale ku kaca aflagaadada ayaa ka gudubtay magaalada Muqdisho, waxaama horey caasimadda dalka loogu xir xiray dad badan oo ku kacay aflagaad, kicin dadweyne iyo qabyaalad.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Lafta Gareen oo dhagax dhigay Mashruuc Muhiim ah.

0

Talaado 28, May 2024, {HMC} Madaxweyne Lafta Gareen oo dhagax dhigay Mashruuc Muhiim ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA