Home Blog Page 2365

{DAAWO SAWIRADA} Maxamed Haaruun: “Waxa aan awoodi waayay in aan aaso meydka walaalkey”

Isniin 27, May 2024, {HMC} Dagaal qaraar oo ka socda magaalada El Fasher ee go’doonsan ee dalka Suudaan ayaa noqday mid aad u xooggan, taasoo keentay in Maxamed Haruun Cabdallah uu awoodi waayay inuu aaso walaalkii.

Waxaa todobaad ka hore lagu dhaawacay weerar lagu qaaday magaalada ku taalla galbeedka gobolka Darfur, waxaana uu dhintay Isniintii la soo dhaafay.

“Waxay dantu igu qasabtay in aan ka tago maydka walaalkay markii aan aaday dhanka xabaalaha,” Maxamed oo 30 jir ah ayaa sidaas u sheegay BBC.

Sawirro cusub oo lagu soo qaaday dayax-gacmeed ayaa muujinaya ciidamada RSF, oo dagaal ugu jira sidii ay magaalada ugala wareegi lahaayeen ciidamada dowladda, ayaa si ula kac ah u beegsanaya xerada Abu Shuk, halkaasoo Cabdallah iyo dad lagu qiyaasay 100,000 oo kale ay ku nool yihiin iyagoo ka soo cararay colaad qowmiyadeed hore.

Kooxaha milatariga ee iska soo horjeeda ayaa midba midka kale ku dagaalamayey guud ahaan dalka Sudan tan iyo bishii Abriil 2023 – waxaana magaalada Darfur rabshaduhu soo xusuusiyeen xasuuqii qowmiyadeed ee ay maleeshiyaadka Carabtu ku hayeen bulshooyinka aan Carabta ahayn labaatan sano ka hor.

 

Sawirada dayax-gacmeedka ee uu falanqeeyay machadka cilmi-baarista bini’aadantinimada ee Jaamacadda Yale (HRL) ayaa muujinaya sida ay RSF u beegsanayso guryaha rayidka ah ee El Fasher iyo agagaarkooda, oo ah meeshii ugu dambaysay ee ciidanku ku lahaayeen Darfur.

“Waxaa jira cadeymo cad oo si ula kac ah loo gubay dhismayaal rayid ah qaarkoodna duqeyn lala beegsaday,” Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha Machadka, ayaa u sheegay BBC.

“Waqtigan xaadirka ah ku dhawaad 100 garoon oo kubbadda cagta ah oo dad rayid ah hooy u hayd ayaa la burburiyay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.”

Waxa uu ka digay in go’doomin ay ku jireen tan iyo bartamihii bishii April, ay ciidamadu hadda la halgamayeen sidii ay saadka u heli lahaayeen, dagaalka ugu dambeeyana ay u badan tahay in uu noqdo “xasuuq dhiig badan u uku daato”.

Lataliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga xasuuqa ayaa sheegay in khatarta xasuuqa ay sii kordheyso maalin kasta.

“Daarfur iyo El Fasher, dadka rayidka ah ayaa lagu weeraray oo lagu dilay sabab la xiriirta midabka maqaarkooda, iyo qowmiyadooda,” Alice Wairimu Nderitu ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadadii.

Ciidanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysanayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Ibrahim al-Tayeb al-Faki oo ka mid ah dadka deegaanka El Fasher ayaa sheegay in walaashii lagu dilay weerar cirka ah oo sidoo kale lagu burburiyay gurigiisa.

47-jirkan ayaa BBC-da u sheegay in uu u diray saddex carruur ah oo uu dhalay si ay ula noolaadaan awoowgood balse gurigiisa ayaa sidoo kale la weeraray. Qoysku hadda waxay gabaad ku yihiin burburka.

“Ma jirto meel ammaan ah oo ku taal El Fasher hadda,” ayuu yiri.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in shaqaalaha isbitaal ay ka howlgasho oo ku yaalla magaalada ay la halgamayeen sidii ay ula qabsan lahaayeen.

Tan iyo markii uu dagaalku ka billowday magaalada 10-kii May, 809 dhaawac ah ayaa soo gaaray Isbitaalka Koonfurta 93 kalena waa ay ku dhinteen, sida ay sheegtay MSF.

Isbitaalku waxa uu lahaa hal dhakhtar oo keliya, in ka badan 70 qofna waxa ay sugayeen qalliin, Claire Nicolet oo ka tirsan MSF ayaa BBC-da u sheegtay, iyada oo ka digtay in sahayda caafimaad ay dhowaan dhammaan doonto.

Xaalada ayaanan waxba ka duwanayn Cisbitaalka Sacuudiga oo ay gacanta ku hayso Wasaaradda Caafimaadka, kaasi oo qeyb ka mid ah uu soo gaaray burbur.

Agaasimaha caafimaadka Modther Ibrahim Suliman ayaa BBC-da u sheegtay in biyaha iyo nidaamyada cadceedda la burburiyay ayna ku shaqeynayaan xaalad “aad u adag”.

Dadka deegaanka Ceel Fasher ayaa sheegay in helitaan cunto iyo biyo ay noqotay mid aad u adag. RSF waxa ay magaalada ka soo weerartay saddex dhinac waxayna xirtay dhammaan waddooyinka saadka.

“Badbaadiddu aad ayay u adag tahay,” ayuu BBC-da u sheegay qareen Maxamuud Axmed Adam oo 32 jir ah, kaas oo dhowr jeer isku dayay inuu meesha tago si uu dagaalka uga baxsado.

“Dad badan ayaa ku nool dugsiyada iyo xarumaha qaxootiga kuwaas oo aan haysan adeegyada aasaasiga ah ama gargaarka,” ayuu yiri.

Mr Abdallah, oo walaalkii ka dhintay, ayaa sheegay in Dugsiga Al Saalam ee kaamka Abu Shouk ay hadda labanlaabmeen dadka gabbaadka ka dhiganaya.

Todobaadkan ayaa sidoo kale la duqeeyay, taasoo keentay in gabadh yar ay lugteeda ku waydo.

“Waxay hadda ka helaysaa gargaarka degdegga ah xarunta caafimaadka ee kaamka maadaama aysan jirin dariiqo lagu geeyo Isbitaalka u yaalla dhanka Koonfurta,” ayuu yiri.

Xigasho BBC

Maxaa Ka Jiro in uu Bilaawday Qorshe lagu baajinayo bixista ciidanka ATMIS?

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Ciidanka Midowga Afrika ayaa joogay Soomaaliya tan iyo 2007-dii. Mar waxay ku howl-gali jireen magaca AMISOM maantana magaca ATMIS.

Waxqabadkooda 17-kii sano ee Soomaaliya ay joogeen waa lagu kala aragti duwan yahay. Waxaase dhowrkii sano ee ugu dambeysay dhinaca Soomaalida ka socday dalab ah in lasoo gaba-gabeeyo howl-galkan oo ay masuuliyadda amniga la wareegaan Soomaalidu, hadda’se waxaa gobolka ka bilaabatay dood taas ka duwan.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan isaga oo ku sugan Aqalka Cad waxa uu sheegay in haddii ay Soomaaliya ka baxaan ciidanka ATMIS inay toos u qabsanayaan argagixisada, taasina aanay cidna faa’iido ugu jirin.

Waxa uu sheegay inay dhawaan kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka wada-hadleen culeysyada amni ee jira iyo halista ka dhalan karta bixitaanka ATMIS.

William Ruto wuxuu weydiistay Mareykanka inuu soo faro-geliyo arrintan. Kenya waxay kamid tahay dalalka ololaha ugu jira inay ciidanka ATMIS sii joogaan Soomaaliya.

Sida loo qorsheeyay bixitaanka ciidanka ATMIS waxaa lagu saleeyay heshiis sanadeed ee laguma saleynin xaalado, micnaha majiro hiigsi amni oo haddii la gaaro laga maarmayo ciidankan ka socda Midowga Afrika, balse waxaa la qorsheeyay in dhamaadka 2024 ay dalka ka baxaan, waana midda keentay walaaca.

Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada ayaa xooga horumar ah laga sameeyay sanadkii koowaad ee xukunka labaad ee madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin sanadkii u dambeeyay dagaallo badan ma jirin waana midda keentay doodda ku saabsan in amniga Soomaaliya uu joogo marxalad laga maarmi karo ciidanka Midowga Afrika.

Dalalka gobolka waxay ku doodayaan in haddii ay marxaladan kaga soo baxaan Soomaaliya inay dalalkooda amni ahaan saameyn doonta oo ay argagixisada soo xoogeysan doonto. Waxayna olole aan qarsooneyn ugu jiraan in arrintaas dib loo dhigo oo la sameeyo qorshe kale.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay arrintaan soo fara-geliyaan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Kenya, iyada oo ujeeddooyinka safarkiisa ay ku jirto arrinta ciidanka ATMIS.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa weli tababar ahaan, saanad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku tirsan dalal shisheeye, waxaana jira walaac ku saabsan sida uu xaalka noqon karo haddii ay dalalkaas gacmaha ka laabtan.

Si walba, hadda waxaa muuqata in dood kasoo laabatay inay ciidanka ATMIS dhamaadka sanadkaan ka baxaan Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 27-05-2024.

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC}Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 27-05-2024.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Haddii aan madaxweyne Xasan Sheekh dalkan Joogi laheyn xornimo ma gaareen Guddomiyaha Degmada Maxaas

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Haddii aan madaxweyne Xasan Sheekh dalkan Joogi laheyn xornimo ma gaareen Guddomiyaha Degmada Maxaas

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Maareeye Waxaan rabnaa mashaaricda Beeraha sidii loogu talogalayna in ay u gaaraan deegaanada

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Wasiir Maareeye Waxaan rabnaa mashaaricda Beeraha sidii loogu talogalayna in ay u gaaraan deegaanada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

RW Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala haday Wasiir ka Tirsan Xukuumada dalka Sweden

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall.

Xamsa Barre iyo Anders Hall ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda #DanQaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Wakiilka hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga {UNHCR}

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wadashaqeynta maamulka Puntland iyo Hay’adda UNHCR iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qaxootiga , barakacayaasha iyo magangalya doonka ee ku sugan Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaana u sheegay madaxda hay’adda UNHCR in Puntland diyaar u tahay in si dhaw ula shaqeyso hay’adda, waxa uuna dhankooda ka codsaday in il gaar ah ku hayaan deegaannada Puntland.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Wax Ka Ogoow Go’aanno cusub oo kasoo baxay wasaaradda Xajka

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Shir looga hadlayay go’aamo Cusub oo ay soo saartay Wasaarada Xajka ee Dowlada Sacuudiga ayaa lagu qabtey xarunta Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowlada Federaalka Soomaaliyeed ee magaalada Makkah.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Xamladaha Shirkadaha Xajka ka shaqeynaya iyo Masuuliyiinta Xafiiska Arrimaha Xajka ayaa diirada lagu saarey sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanada Wasaarada Xajka.

Kulankan ayaa lagu soo qaadey sidii Xujeyda Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa Kaarka Xaajiga ee Nusuk, loo Tayeyn lahaa Soo dhoweynta Xujeyda Soomaaliyeed, Sida loogu diyaar garoobi lahaa Maalmaha Xajka ee na soo aadan, loona nidaamin lahaa Biyaha Zam-Zamka ee ay qaadanayaan Xujeyda Marka ay dalka dib ugu laabanayaan.

Sidoo kale, Waxaa Shirkan lagu soo qaadey sidii loo hagaajin lahaa Hadyiga oo ah neefka Xoolaha uu gowracayo Xaajiga, Xilliga Xajka, iyadoo Wasaarada Xajka Dowlada Sacuudiga ay soo jeedisay in la hagaajiyo Habka loo bixinayo Hadyiga.

Kulankan waxa uu daba joogaa kulamo iyo dadaalo uu wado xafiiska Arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si is daba joog ah u dhaca.

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa dar dar xoogan ku wada diyaar garoowga iyo Nidaaminta howlaha Xajka ee Sanadkan.

Muxuu Yahay Falka gurracan ay ku kacday Xukuumadda Soomaaliya oo laga codsaday in Fasiraad ka bixiso?

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dhaliilay xukuumadda in sabab la’aan Soomaaliya uga maqnaatay codeyn loogu hiilinayay muslimiin badan oo lagu laayay xasuuq ay geesteen ciidamada Serbiya.

Siyaasigan ayaa sheegay in Soomaaliya ka maqneyd cod loo qaadayay in 11-ka July loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah.

”Shacabka Soomaaliyeed gaboodfal taariikhi ah ayey ku tahay in magaciisa loogu hiillin waayo qadiyad ay leeyihiin dad shacab ah oo Muslim ah. Khamiistii la soo dhaafay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in 11-ka July loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee xuska xasuuqii Srebrenica ee sanadkii 1995-kii ay ciidamada Serbiyiinta ku dileen in ka badan 8,000 oo muslimiin Boosniyaan ah, kuna kufsadeen kumanaan kun oo haween ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu caddeeyay xildhibaanka in dawladda Soomaaliya ay si ulakac ah uga maqnaatay goobta codaynta, iyadoo aan wax sabab ah ama cudurdaar la aqbali karo lahayn, waxa uuna xukuumadda ugu baaqay in ay shacabka u fasiraan sababta ku kaliftay falkaasi gurracan.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka in xukuumadda wax ka weydiiyaan arrimaha ka dhaxeeya kulan 20-kii April Muqdisho ku dhax maray Ra’isul Wasaare Xamse iyo ergayga Geeska Afrika u qaabilsan dowladda Serbia.

”Guddiga arrimaha dibadda ee labada aqal ee Baarlamaanka waxaa waajib ku ah, haddiiba ay nafi ku harsantahay in ay xukuumadda waydiiyeen xiriirka ka dhexeeya kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo ergeyga gaarka ah ee Seerbiya u qaabilsan Geeska Afirka ee dalka u yimid ololaynta qadiyaddaas” ayuu yiri Xildhibaan CC Warsame.

Codeynta inkasta oo ay Soomaaliya ka maqneyd , haddana inta badan dawladihii adduunka cod aqlabiyad ah ayey ugu hiilliyeen dalka Boosniya ee dadkooda la xasuuqay, waxaana la isweediinayaa waxa Soomaaliya arrintan uga dhuumatay.

{DAAWO MUQAALKA} Bulshada Gaalkacyo oo soo dhoweeyay tallaabada Ciidanka ku xir xirayo dadka wada anshax xumada.

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Bulshada Gaalkacyo oo soo dhoweeyay tallaabada Ciidanka ku xir xirayo dadka wada anshax xumada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA