Home Blog Page 2364

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland oo Saraakiisha ATMIS Kala Hadlay Dardargalinta Amniga

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay, saarkiisha cidamada ATMIS ee Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo.

Shirkan oo ka qabsoomay xerada ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin Ceelwaaq, waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha Jubaland, Wasiirka Amniga, wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka bada Jubaland iyo wasiiru-dowlaha Wasaarada Amniga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga iyo xasiloonida degmada iyo inay ciidanka ATMIS-Kenya sii labo jibaaraan dadaalkooda ka qayb qaadashada amniga.

Madaxwayne ku xigeenka 1aad ee Jubaland ayaa uga mahad celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkooda naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadda Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanada Jubaland.

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Jarmalka oo wafdi culus u soo dirtay Somalia

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayey Christoph Retzlaff oo ah Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, Christoph Retzlaff, ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda la xiriira dowlad-dhiska dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in dalkiisu uu sii xoojin doono taageerada dhinaca horumarinta, si loo xaqiijiyo guulaha la gaaray.

Israa’iil oo Wajaheeyso cambaareyn caalami ah oo aay kala kulantay xasuuqii ay ku geysatay Rafax

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, wafdi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Jarmalka u qaabilsan Wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya iyo kuwa ku yaalla saaxil, Danjire Christoph Retzlaff

Waxay ka wada hadleen kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursado cusub oo iskaashi.

Wafdiga Jarmalka ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin kale oo dowladeed oo ay ugu horrayso Danjire Regine Hess, Madaxa Xafiiska Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka, Danjire Sebastian Groth, Safiirka Jarmalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Martin Stein, Safiir kuxigeenka Jarmalka ee Soomaaliya.

Intii wadahadalka lagu gudo-jiray , waxaa labada dhinac ay aad iskula eegeen qoto-dheeraynta iskaashiga, waxyaabaha nacfi wadaagga ah iyo u howlgelidda xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo iskaashiga muddada fog iyo hiigsiga horumarineed.

Israa’iil waa inay u hoggaansantaa go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda {ICJ}ee ah in ay si degdeg ah u joojiso howlgalkeeda magaalada Rafah ee koonfurta Gaza sidas waxaa yiri madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell.

“Nasiib darro, waxa aan aragnay saacadihii dhowaa in Israa’iil ay sii waddo tillaabada millatari ee laga codsaday inay joojiso,” ayuu yiri Borrell oo la hadlayey Golaha Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee Brussels, halkaasoo wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay la kulmayaan hoggaamiyeyaasha Carabta si ay ugala hadlaan xaalada Gaza iyo Bariga Dhexe.

Borrell waxa uu intaa ku daray in Xamaas gantaallada ay ku soo ridday Israa’iil aysan ixtiraamin shuruucda adduunka.” Hadalkiisan waxa uu daba socdaa Xamaas oo sheegatay mas’uuliyadda gantaallada ku soo riday Tel Aviv Axaddii.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna sheegay in uu aad uga carooday duqeynta ay Israa’iil ku qaadday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Rafah, weerarkaas oo mas’uuliyiinta Gaza ay sheegeen in ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof.

“Howlgalladan waa inay joogsadaan. Ma jiraan meelo ammaan ah oo Rafah ku yaalla oo ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee Falastiin,” ayuu yiri Macron oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

“Waxaan ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo xabbad joojin degdeg ah,” ayuu Macron raaciyay hadalkiisa

Weerarada ayaa dhacay maalmo kadib markii Macron uu magaalada Paris ku soo dhaweeyay Wasiirada Arrimaha Dibada Qatar, Masar, Jordan iyo Sacuudiga si ay uga wada hadlaan xaalada Gaza.

Masar ayaa dhinaceeeda cambaareysay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Duqeynta Israa’iil ayaa lala beegsaday goob ay Israa’iil u aqoonsatay “aag nabdoon” oo ku taal waqooyi-galbeed ee Rafah.

Qoraalkeeda, Masar waxay ugu baaqday Israa’iil inay fuliso tillaabooyinka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda{ICJ}, taasoo ku amartay Israa’iil inay “joojiso hawlgallada millatari” ee Rafah iyo inay “fuliso mas’uuliyadda ka saaran rayidka.

Masar ayaa martigelin doonta wareeg kale oo wada xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas Talaadada.

Qatar ayaa dhinaceeda sheegtay in duqeynta Israa’iil ay ku qaaday xerada barakaca ee Rafah ay hor istaagi karto wada xaajoodyada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaasha iyo in xabad joojin laga gaaro Gaza.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa Isniintii sheegtay in duqeynta ay tahay “xadgudub ba’an oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah” waxayna walaac ka muujisay “inay carqaladeyso dadaallada dhexdhexaadinta ee socda.

The ex-con, illegal guns and the fear of Kenya’s police.


Elijah Kanyi & Tamasin Ford,
BBC Africa Eye, Nairobi & London
Monday May 27, 2024

As Kenya struggles with rising violent crime, BBC Africa Eye follows one former criminal as he tries to persuade men to turn in their illegal firearms, one gun at a time.

“The worst thing I ever did was to kill. I killed a man,” the young man says after agreeing to be filmed on condition of anonymity.

“I did not feel anything, because I was high on drugs. I felt like I had killed a fly.”
Samuel, which is not his real name, is in Kisumu on the edge of Lake Victoria in the west of Kenya, to meet King Kafu, a former convict who now helps people get away from crime.

He is visibly nervous. He has an AK47 in a hidden location that he now wants to hand in to the police.

Asked why, he says: “A day will come when my family won’t have anything to eat. They will get hurt eventually.

“If I go and mess around, and then get shot, no-one will be there to take care of my family. So I decided, from my heart, let me return this thing.”

Figures from the Kenya National Bureau of Statistics show violent robberies increased by almost 20% last year.

Illegal firearms are smuggled into the country through its porous borders, making Kenya’s civilian possession of weapons unrivalled in East Africa, according to the Institute of Security Studies.

The latest figures from the Small Arms Survey, which tracks global weapons trends, suggest there are some 750,000 firearms in civilian hands in Kenya. That is more than the army and police combined.

Kafu acts as a middleman between people who want to hand in their guns and the police.

He was 15 when he first got into crime. It started with snatching people’s bags, but then he moved on to armed robberies.

In 2003, he was sentenced to four years in prison for robbery.

Samuel had contacted him on Instagram asking for help. Kafu spoke to the local police in Kisumu and they agreed to accept Samuel’s gun, promising he would not be investigated in line with a well-established amnesty programme.

But when it was time to meet up again with the AK47, Samuel did not show up.

Kafu, now 40, is a presenter on Ghetto Radio, a station popular among young people in the slum areas of the capital, Nairobi, and uses his platform to speak out against gun violence.

“Upon my release, I discovered many of my friends who were involved in crime had met tragic ends, most of them dying as a result of their criminal lifestyles,” he says.

It was this that made him turn his life around.

“No-one is born a thief. But even if the youths don’t have work, we are telling them that crime is not good. People should return their illegal guns to the government,” he says.

In the last 20 years the Kenyan government has used amnesties as a way of controlling gun crime, promising immunity to those who surrender their weapons.

Thousands of guns have been handed in to the authorities. But this is a tiny fraction of the illegal firearms in circulation.

One criminal told BBC Africa Eye that acquiring a gun in Kenya was easy. He said he could buy one for 40,000 Kenyan shillings ($300; £240).

Kafu says people willing to hand over their illegal firearms to the authorities fear they might become a target themselves.

The police have been accused of being involved in extra-judicial killings. Kenyan charity Missing Voices says more than 800 people died at the hands of officers in the last five years. The majority of them were poor young men.

In Nairobi, BBC Africa Eye goes with Kafu to meet another man, who we are calling John, willing to give up his gun.

“I am ready to return it. You go and kill someone. You will spend the money you get for it within three months, but you have shed someone’s blood. You have hurt someone and been left with the guilt. That life is trouble.”

John’s biggest fear of going to the police was that something would happen to him.

He describes what happened to a friend who confided in an elder in the community that he wanted to surrender two guns. He was picked up by the police and then found in a mortuary a week later.

“The problem is trusting who to tell, how to hand it in,” he says.

There have been widespread allegations of Kenyan police hiring and selling firearms and ammunition to criminals. BBC Africa Eye put this claim to the police, but they did not respond.

Kafu called the local police chief to reassure the man about his safety and a few days later they went to the police station together with the gun.

The officer checked the serial number on the weapon and it had a KP mark which is short for Kenyan Police.

At a police press conference announcing the return of the weapon, Kafu made a public statement to make sure the police repeated their commitment to keeping these men safe.

“I want the government to be clear with the youth. When they return these things, will they be disappeared or supported? I am asking the government to cooperate. These youths want to be shown some love.”

This alone will not stop violent gun crime in Kenya, but Kafu says it’s a start. Criminals trust him, he says, and hopes he can encourage more people to surrender their weapons without fear of retribution.

“We are trying to fight for these youths,” says Kafu.

140 qof oo ku dhintay isbitaal lagu Daaweynaayay.

Isniin 27, May 2024, {HMC} In ka badan 130 qof ayaa ku dhintay hal isbitaal oo ku yaalla magaalada go’doonsan ee El Fasher ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sida ay sheegtay hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).

Dagaallada u dhaxeeya kooxaha isku haya dalka Suudaan ee dagaalka kula jira gacan ku heynta magaalada ayaa waayadan sii xoogeystay.

Xaaladdu waxay ahayd “mid aad u xun,” ayuu mid ka mid ah dadka deegaanka u sheegay BBC-da, iyadoo isbitaallada iyo suuqyada ay ka dhaceen “duqeymo xooggan oo madaafiic ah”.

El Fasher waa xaruntii ugu dambeysay ee ugu weyneyd Darfur ee ku sii jirta gacanta ciidamada Sudan.

Ciidanka ayaa in ka badan hal sano waxa ay dagaal kula jireen jabhadda Rapid Support Forces (RSF), dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay ku qasbeen in ay ka cararaan guryahooda.

Ciidanka ayaa weli gacanta ku haya El Fasher. Magaalada ayaa hoy u ahayd dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay deegaano kale.

Cusbitaalka Koonfurta ayaa daweeyay 979 dhaawac ah in ka badan laba toddobaad gudahood, hay’addu waxay sheegtay Axaddii. 134 in ay ku dhinteen, “calaamad muujinaysa xoojinta rabshadaha dagaalka”, ayay raacisay.

Agabyada cisbitaalka ayaa sii yaraanaya waxayna sii dhaqeyn doonaan muddo hal toddobaad ah, ayay Qaramada Midoobay sheegtay.

Xuutiyiinta Yemen oo sii daayay in kabadan 100 maxaabiis ah

Isniin 27, May 2024, {HMC} Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay sii daayeen ku dhawaad boqol maxaabiis ah oo u xirnaa.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in go’aankani yahay mid ay si iskooda ah u qaateen oo hal dhinac ah.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa Axaddii xaqiijisay sii deynta 113 maxbuus, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay gacan ka geysatay siideynta maxaabiista iyada oo la eegayo arrimo bina’aadannimo.

Balse dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka la siidaayay aysan ahayn askar, balse ay ahaayeen dad rayid ah oo Xuuthiyiinta ay ka qafaasheen guryaha, masaajidda iyo goobaha shaqada.

Xuutiyiinta iyo dowladda fadhigeedu yahay Cadan ee caalamku aqoonsan yahay ayaa dalkaasi ku dagaalamayay tan iyo 2014-kii.

Dagaalka Yemen ayaa waxaa ka dhashay xaaladdi bina’adanimo ee ugu darneyd sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.

Border clash erupts between Egyptian and Israeli soldiers, injuries and deaths reported

Monday 27, May 2024, {HMC} Egyptian and Israeli troops reportedly clashed on Monday at the border with the Palestinian city of Rafah.

Egyptian soldiers stationed on the border with the Palestinian Rafah City had reportedly fired shots at Israeli army troops, with unconfirmed news that at least seven Israelis were injured, and one Egyptian soldier killed, amid growing tension between Egypt and Israel.

A security source told The New Arab that the Egyptian military, following the incident, had stepped up security in and around the border crossing, in Egypt’s North Sinai province, seized by Israel earlier this month.

The high-level source, who talked to TNA on condition of anonymity for not being authorised to brief the media, did not elaborate further, but said, “Israeli soldiers returned fire and then fired warning shots before fleeing the scene.”

No further details were immediately available at the time of publication, but unconfirmed reports said Israeli troops had reportedly withdrawn from the Palestinian side of the Rafah border crossing.

The Egyptian military, meanwhile, has neither officially confirmed nor denied the incident.

Despite a technical state of peace with Israel since the late 1970s, the Egyptian public has been at loggerheads with their country’s successive regimes over normalisation.

Diplomatically and commercially, Cairo treated Israel as a friendly country with strong ties in several areas, but tensions have skyrocketed after Israel launched its war on Gaza last October.

The growing diplomatic spat between the two countries further dipped after Israel had pushed ahead with its ground invasion of Rafah despite pleas from Egypt, the US and others to not invade the border city where around 1.4 million Palestinians from elsewhere in Gaza have been sheltering.

The Israeli attack on Rafah, which had kicked off earlier this month, worsened an already dire situation in besieged Gaza following the closure of the Rafah Border Crossing in North Sinai.

The Rafah crossing with Egypt is located along the Salah Al-Din (Philadelphi) corridor, a buffer zone controlled by Egypt.

Alongside the Karm Abu Salem (Kerem Shalom) crossing with Israel, Rafah is a key lifeline for humanitarian aid to enter the Gaza Strip, which is now facing catastrophic levels of hunger according to the UN.

Monday’s shooting is believed to have been triggered by the Israeli airstrike on a “safe zone” displacement camp at a late hour on the previous day, killing at least 40 people, some burned alive.

 

Multiple missiles smashed into a displacement camp northwest of Rafah, also injuring many others who were sheltering in tents near a UNRWA warehouse.

The Palestinian Red Crescent Society warned that hospitals in the area were struggling to manage the casualties.

But Israel claimed the attack killed two Hamas officials and said the “incident was under review” after admitting it was “aware of reports” of civilian casualties.

Similar border incidents had erupted over the past months, including one that took place in June last year, when a 23-year-old Egyptian soldier was shot dead after he crossed into the border with Israel and killed three Israeli troops.

SOURCE Newarab

FAAH FAAHIN Ciidanka Dowladda Masar oo rasaas ku furay Ciidamada Israel

Isniin 27, May 2024, {HMC} Telefishin laga leeyahay Israel oo la yiraahdo kanaal 13 ayaa ka hadlay dhacdo dhexmartay Israel iyo ciidamada Masar ee jooga xadka Rafax. Telefishinka ayaa sheegay in askarta Masar ay rasaas ku fureen ciidamada Isreal ee jooga Rafax balse ma jirto cid wax ku noqotay.

Dhinaca kale dowladda Sucuudiga ayaa dhaleeceysay wax ay ugu yeertay xasuuqa sii socda ay ciidamda xoogga dhulka ku haysta u geysanayaan shacabka aan isdifaaci karin ee marinka Gaza.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ah in bartilmaameed laga dhigtay barakacayaal degan meel u dhow baqaarka hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA ee waqooyiga Rafax.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in boqortooyada ay ka horjeedo sii socoshada wax ay ugu yeertay xadgudub cad oo ay ciidamada Israel ku sameynayaan dhammaan qeynuunada caalamiga ee bani’aadannimo.

Tirada dhimashada duqeynta shalay ee Rafax ayaa gaareysa 45 qof oo ay ku jiraan 23 haween ah, carruur iyo waayeel. Dhaawac ayaa gaaraya 249 qof

Shil Sababay Dhimashada Saddax qof iyo dhaawaca shan kale oo ka dhacay Dalka Jabuuti

Isniin 27, May 2024, {HMC} Shil gaari oo ka dhacay gobolka magaalada Tadjoura ee wadanka djiboutii ayey ku dhinten saddax qof oo u ku jiro daraawalka gaariga.

Shan qof oo kale ayaa ku dhawacmay shilkan gaari kuwaas oo loo soo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Jabuuti.

Gaariga oo u noociisu ahaa Nissan waxa u siday toban qof oo rakaab ah, waxa uuna ka yimid gobolka Obock.

Sababta keentay shilka ayaa lagu sheegay kaddib markii gaariga uu ka baxay wadada. Dadweynaha marayay wadada ayaa shilka ku wargeliyay shaqaalaha gurmadka degdegga kuwaas oo kaddib gaaray goobta si ay u caawiyeen dadkii wax ku noqday shilka.

 

Wadada isku xirta gobolada waqooyiga ee Wadanka Jabuuti ayaa ah mid dhexmarta buuraley, waxaana looga baahan yahay darawadalada in ay taxaadar dheeraad ah sameeyaan.

{DAAWO SAWIRADA} Maxamed Haaruun: “Waxa aan awoodi waayay in aan aaso meydka walaalkey”

Isniin 27, May 2024, {HMC} Dagaal qaraar oo ka socda magaalada El Fasher ee go’doonsan ee dalka Suudaan ayaa noqday mid aad u xooggan, taasoo keentay in Maxamed Haruun Cabdallah uu awoodi waayay inuu aaso walaalkii.

Waxaa todobaad ka hore lagu dhaawacay weerar lagu qaaday magaalada ku taalla galbeedka gobolka Darfur, waxaana uu dhintay Isniintii la soo dhaafay.

“Waxay dantu igu qasabtay in aan ka tago maydka walaalkay markii aan aaday dhanka xabaalaha,” Maxamed oo 30 jir ah ayaa sidaas u sheegay BBC.

Sawirro cusub oo lagu soo qaaday dayax-gacmeed ayaa muujinaya ciidamada RSF, oo dagaal ugu jira sidii ay magaalada ugala wareegi lahaayeen ciidamada dowladda, ayaa si ula kac ah u beegsanaya xerada Abu Shuk, halkaasoo Cabdallah iyo dad lagu qiyaasay 100,000 oo kale ay ku nool yihiin iyagoo ka soo cararay colaad qowmiyadeed hore.

Kooxaha milatariga ee iska soo horjeeda ayaa midba midka kale ku dagaalamayey guud ahaan dalka Sudan tan iyo bishii Abriil 2023 – waxaana magaalada Darfur rabshaduhu soo xusuusiyeen xasuuqii qowmiyadeed ee ay maleeshiyaadka Carabtu ku hayeen bulshooyinka aan Carabta ahayn labaatan sano ka hor.

 

Sawirada dayax-gacmeedka ee uu falanqeeyay machadka cilmi-baarista bini’aadantinimada ee Jaamacadda Yale (HRL) ayaa muujinaya sida ay RSF u beegsanayso guryaha rayidka ah ee El Fasher iyo agagaarkooda, oo ah meeshii ugu dambaysay ee ciidanku ku lahaayeen Darfur.

“Waxaa jira cadeymo cad oo si ula kac ah loo gubay dhismayaal rayid ah qaarkoodna duqeyn lala beegsaday,” Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha Machadka, ayaa u sheegay BBC.

“Waqtigan xaadirka ah ku dhawaad 100 garoon oo kubbadda cagta ah oo dad rayid ah hooy u hayd ayaa la burburiyay labadii toddobaad ee la soo dhaafay.”

Waxa uu ka digay in go’doomin ay ku jireen tan iyo bartamihii bishii April, ay ciidamadu hadda la halgamayeen sidii ay saadka u heli lahaayeen, dagaalka ugu dambeeyana ay u badan tahay in uu noqdo “xasuuq dhiig badan u uku daato”.

Lataliyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga xasuuqa ayaa sheegay in khatarta xasuuqa ay sii kordheyso maalin kasta.

“Daarfur iyo El Fasher, dadka rayidka ah ayaa lagu weeraray oo lagu dilay sabab la xiriirta midabka maqaarkooda, iyo qowmiyadooda,” Alice Wairimu Nderitu ayaa sidaas u sheegtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Talaadadii.

Ciidanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay duqeymo aan loo meel dayin iyo duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka geysanayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Ibrahim al-Tayeb al-Faki oo ka mid ah dadka deegaanka El Fasher ayaa sheegay in walaashii lagu dilay weerar cirka ah oo sidoo kale lagu burburiyay gurigiisa.

47-jirkan ayaa BBC-da u sheegay in uu u diray saddex carruur ah oo uu dhalay si ay ula noolaadaan awoowgood balse gurigiisa ayaa sidoo kale la weeraray. Qoysku hadda waxay gabaad ku yihiin burburka.

“Ma jirto meel ammaan ah oo ku taal El Fasher hadda,” ayuu yiri.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in shaqaalaha isbitaal ay ka howlgasho oo ku yaalla magaalada ay la halgamayeen sidii ay ula qabsan lahaayeen.

Tan iyo markii uu dagaalku ka billowday magaalada 10-kii May, 809 dhaawac ah ayaa soo gaaray Isbitaalka Koonfurta 93 kalena waa ay ku dhinteen, sida ay sheegtay MSF.

Isbitaalku waxa uu lahaa hal dhakhtar oo keliya, in ka badan 70 qofna waxa ay sugayeen qalliin, Claire Nicolet oo ka tirsan MSF ayaa BBC-da u sheegtay, iyada oo ka digtay in sahayda caafimaad ay dhowaan dhammaan doonto.

Xaalada ayaanan waxba ka duwanayn Cisbitaalka Sacuudiga oo ay gacanta ku hayso Wasaaradda Caafimaadka, kaasi oo qeyb ka mid ah uu soo gaaray burbur.

Agaasimaha caafimaadka Modther Ibrahim Suliman ayaa BBC-da u sheegtay in biyaha iyo nidaamyada cadceedda la burburiyay ayna ku shaqeynayaan xaalad “aad u adag”.

Dadka deegaanka Ceel Fasher ayaa sheegay in helitaan cunto iyo biyo ay noqotay mid aad u adag. RSF waxa ay magaalada ka soo weerartay saddex dhinac waxayna xirtay dhammaan waddooyinka saadka.

“Badbaadiddu aad ayay u adag tahay,” ayuu BBC-da u sheegay qareen Maxamuud Axmed Adam oo 32 jir ah, kaas oo dhowr jeer isku dayay inuu meesha tago si uu dagaalka uga baxsado.

“Dad badan ayaa ku nool dugsiyada iyo xarumaha qaxootiga kuwaas oo aan haysan adeegyada aasaasiga ah ama gargaarka,” ayuu yiri.

Mr Abdallah, oo walaalkii ka dhintay, ayaa sheegay in Dugsiga Al Saalam ee kaamka Abu Shouk ay hadda labanlaabmeen dadka gabbaadka ka dhiganaya.

Todobaadkan ayaa sidoo kale la duqeeyay, taasoo keentay in gabadh yar ay lugteeda ku waydo.

“Waxay hadda ka helaysaa gargaarka degdegga ah xarunta caafimaadka ee kaamka maadaama aysan jirin dariiqo lagu geeyo Isbitaalka u yaalla dhanka Koonfurta,” ayuu yiri.

Xigasho BBC