Home Blog Page 2363

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {27-05-2024}

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Fanaanada caanka ah ee heesta ku soo ammaantay gabdhaha Soomaalida oo la xiray

Isniin 27, May 2024, {HMC} Taageerayaasha Nicki Minaj ayaa aad uga carooday ka dib markii fannaanadan caanka ah ee reer Mareykan uu daqiiqadihii ugu dambeeyay baaqday bandhig faneed ay ku qaban rabtay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Arrintan ayaa loo sababeeyay kaddib markii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Minaj ayaa la xiray iyada oo looga shakisan yahay in ay dhoofineysay daroogooyinka fudud ka hor inta aan la ganaaxin oo loo ogolaan in ay sii wadato safarkeeda, sida uu sheegay booliiska Holland.

Si kastaba ha ahaatee, uma aysan suurogelin in Manchester ay timaaddo waqtigii bandhigeeda loo asteeyay, taas oo sababtay in dib loo dhigay iyadoo ku dhawaad 20,000 oo taageere ay ku sugnaayeen fagaaraha oo sugayay inay masraxa gilgisho.

Waxaa ka mid ahaa Imogen Pope, 18, oo ka timid Newton-le-Wilows ee Merseyside, oo sheegtay inay “aad isugu soo qurxisay bandhigga oo uu kharash ka soo baxay”.

“Waxaan tigidkeyga ku kharash gareeyay £150 Pound waxaana shaqada ka qaatay maalin fasax ah, waxaanan fadhinay halkaas ilaa saddex saacadood oo aan sugaynay waxaana naloo sheegay inaysan dhacayn,” ayay tiri. “Waan murugooday.”

Ellis Day, oo 17 jir ah, kana soo jeeda Cheshire, ayaa sheegay in uu “gabi ahaanba aad u murugooday”.

“Waxaan halkan nimid waqti hore, waxaan maalin ku qaadanay dhan diyaar garow, si aan qeyb uga noqono bandhigaan.

“Runtii waa niyad jabnay markii aan helnay farriintaas oo daqiiqadihii ugu dambeysa naloo sheegay inaysan Minaaj imanaynin.”

Fanaanada caanka ah ee Nicki Minaj ayaa dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2023 soo saartay hees baraha bulshada Soomaalida qabsatay gaar ahaan TikTok iyo X oo horay oo loo oran jiray Twitter.

Heestan oo ka mid ahayd albamkeedii soo baxay 8-dii bishii Deseember ee 2023-kii ayaa waxaa ka mid ahaa ereyo ay ku ammaaneyso gabdhaha Soomaalida taas ayaanaa keentay in gabdho badan oo Soomaali ah oo qurbo jog u badan inay isku soo duubaan heestaan.

Ereyada heestaan raabka ayaa waxaa ka mid ah qeyb ay gabdhaha Soomaalida ay ku tilmaameyso inay qurux badan yihiin waana qeybta soo jiidatay hablaha ee sababtay inay ka daba-dhacaan. lookin’ just like a dolly “lookin’ just like a dolly With a pretty Somali”

Heestaan oo ay si weyn uga falceliyeen gabdhaha Soomaalida ayaa waxa laga dareemayay inay filan waa ku noqotay dhallinyarada inay fanaanaddan albamkeeda ku soo hadal qaado magaca ” Somaali” ay amaan dul dhigto gabadhaha.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Cali Xaaji oo Loodortay Madaxweyne Ku xigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Adduunka.

Isniin 27, May 2024, {HMC} Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay maanta magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H. E. Dr. Cali Xaji Aadan loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Golaha Shirwaynaha Caafimaadka Adduunka.

 

Golahan oo sanad walba mar ku kulma Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh Caafimaadka Aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya wadamada Aduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan Caafimaadka Aduunku looga doodaya waxa ugu horeeya hindise ay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaas oo ujeedadiisu yahay in Aduunku uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, si loo gaaro hadafka guud ee golaha, taasaa muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha Caafimaadka ee Aduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudurada dilaaca ee dhibaato ba’an ku haya guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan, waxayna sidoo kale waxay muujinaysaa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo Caafimaad.

 

Wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiirku Wasiirka Caafimaadka XFS waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guled Cabduljalil, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dr. Husseen Muhiyadin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyo iyo Lataliyayaal.

Sacrificial animal prices expected to be more affordable this Eid Al-Adha


Monday May 27, 2024

As the countdown to Eid Al-Adha begins, the country is witnessing significant activity to stabilize sacrificial animal prices, which typically surge during this festive season.

This year, however, indicators suggest that prices will be more affordable and accessible to everyone.

Faisal Al-Ansari, Director of the Commercial Control Department at the Ministry of Commerce, disclosed to Al-Rai that the Ministry’s emergency team has conducted extensive visits to all sheep markets and auctions. These visits are part of a strategic plan to monitor prices and identify any attempts to exploit consumers during the sacrificial season.

Additionally, sheep merchant Manawer Al-Wawan announced the import of approximately 30,000 sheep from Jordan, set to arrive via Iraq next week, following the recent arrival of about 800 sheep.

Al-Ansari highlighted that auctions are the primary source of sheep, and the emergency team is closely monitoring sales movements at these venues. Currently, prices are deemed appropriate, with the Iranian Shafali sheep priced between 75 and 90 dinars, while the local and Saudi Nuaimi sheep reach up to 120 dinars.

Al-Wawan reassured that various sacrificial animals are available to suit different financial capabilities, ranging from Australian and Somali sheep to Shafali and local Nuaimi. He emphasized that the season will continue until Eid Al-Adha, after which prices are expected to decrease further due to reduced demand and the summer travel season.

Sheep trader Suleiman Al-Musafer expressed optimism about the market’s recovery and anticipated price drops with the arrival of new sheep batches from Jordan and Saudi Arabia. He noted that this year’s sacrificial market prices are more reasonable compared to previous years, fostering a positive outlook for consumers.

{DAAWO SAWIRADA} Tababar Lagu Baranaayay Isticmaalka Hubka Culus Oo Loo Soo Xiray Saraakiil Katirsan CXDS

Isniin 27, May 2024, {HMC} Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gen Maadeey Shekh Nuur Ufuroow Oo uu Wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Tababar Usoo xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno Laga Soo Xulay Guutooyinka iyo qaybaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed, kuwaasi oo la barayay Isticmaalka Hubka Culus oo Lagama Maar-maan u ah Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen dayax cabdi cabdulle Ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada Ka Tirsan Qaybaha Iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , isagoo xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah.

Intaas kadib Taliyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska Ciidanka dhulka , oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howlgalka dalka looga sifeynayo Kooxda AS.

Tuulo lagu dilay toban Qof Laguna Afduubtay In kabadan160 kale

Isniin 27, May 2024, {HMC} Toban qof ayaa lagu dilay ugu yaraan 160 kalana waa lagu afduubtay tuulo ku taalla gobolka Niger ee bartamaha Nigeria, sida ay saraakiishu sheegeen.

Tiro badan oo hubaysan, oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Islaamiga ah ee Nigeria ee Boko Haram, ayaa habeenkii Jimcaha soo galay tuulada Kuchi, sida uu BBC-da u sheegay sarkaalka degaanka Aminu Abdulhamid Najume.

Dadka la qafaashay waxay u badnaayeen haween iyo carruur, halka kuwa la dilay ay ku jiraan ugaarsato sugayay ammaanka deegaanka, sida uu sheegay.

Dableyda ayaa la sheegay in ay Mooto Bajaaj ku galeen Kuchi oo ay xitaa waqti ku qaadanayeen, iyaga oo shaah ku sameysanayay dhacna u geysanayay guryaha qaar ka hor inta aysan ka bixin wax ka badan laba saacadood.

Mr Najume, oo ah gudoomiyaha golaha deegaanka Munya, ayaa sheegay in bulshada Kurchi ay ku dhacday murugo iyo walaac ah in ay maqleen wararka dadka la qabtay.

Weerarrada ka dhaca gobolka Niger ayaa noqday kuwa soo badanaya inkastoo inta badan aan la kala cadeyn in ragga hubeysan ay xiriir la leeyihiin kooxaha jihaad doonka ah.

Bishii la soo dhaafay dhowr tuulo ayaa waxaa bartilmaameedsaday kooxo hubeysan oo afduub u gaysta madax furasho.

Kenya gets mandate to help in piracy fight


Monday May 27, 2024
By ANTHONY KITIMO

The United States and the European Union (EU) have intensified the fight against increasing militant groups in the high seas, with Kenya picked as the second country, after Seychelles, to accept and prosecute suspects of maritime crimes.

Nations with top economies have raised concern over disruption of maritime trade in the Red Sea by Yemen’s Houthis and resurgence of piracy in Somalia saying the illegal groups ought to be eliminated.

European Union Naval Force (EU Navfor) has confirmed that Kenya will assist Seychelles in handling maritime crimes suspects due to the increasing maritime cases reported.

EU Ambassador to Kenya Henriette Geiger said maritime security is a concern as it has led to disruption of trade and EU will work with different governments to suppress insecurity in the waters.

Speaking in Mombasa during the closure of marine training between Kenya and EU Nation forces, Ms Geiger said EU Navfor will extend its presence in different areas where piracy, narcotics and human trafficking and other crimes are reported.

“EU Navfor Somalia managed to suppress piracy in its previous years but with the current operation Atalanta, the forces will work with different governments to address emerging piracy and the illegal group at Suez Canal,” said the Ambassador.

Accompanied by Spanish ambassador Christina Diaz and her Italian counterpart Roberto Natali, Ms Geiger said although the current threat by Somali piracy is classified as moderate off the Somali Coast, the attacks by Yemen’s Houthi rebels has remained the biggest worry, resulting in the rerouting of vessels to a longer route through the Cape.

“Seychelles has played a key role in handling suspects arrested in the waters and now Kenya will be another country which EU has entered legal agreement with to allow for the trial of suspected pirates arrested by warships,” said the ambassador.

On May 14, six suspected pirates were handed over to the Seychelles authorities for trial by EU Navfor’s Operation Atalanta, allegedly from Somalia who were involved in the piracy attack to the Marshall Islands-flagged Merchant Vessel Chrystal Arctic on the May 10.

Operation Atalanta has legal agreements with Seychelles, which allows for the trial of suspected pirates arrested.

There have been growing concerns over a resurgence of Somali piracy with EU Navfor saying that two or more pirate action groups are active in the area of Socotra Island and 500m East of Socotra in the northwest Indian Ocean near the Gulf of Aden.

The Commanding Officer of the ship, Rear Admiral Francesco Saladino said Atalanta remains committed to supporting the country in the prosecution of the case until it goes to trial.

“Atalanta has a legal finish with countries it operates within their territories which guarantees the entire process within piracy events from deter, arrest, detention, and prosecution in accordance with international law,” said Mr Saladino.

Piracy, although largely suppressed, has not yet been eradicated. Criminal networks associated with piracy have diversified their activities and reoriented their activities towards other maritime crimes, such as the illicit trade of weapons and human trafficking.

At the sametime, deputy commander for civil-military engagement at US Africa Command Ambassador Robert Scott, visited Madagascar, Mauritius and Seychelles last week to meet with partner nation government officials and discuss the countries’ regional efforts to address maritime security challenges.

A focus throughout the trip was on the impact to the countries and ways to counter maritime security challenges the islands face, in waters that are seeing increasing traffic.

“Piracy, Illegal, unreported and unregulated (IUU) fishing, trafficking, and other maritime security challenges severely impact the economies of African coastal nations, supporting their efforts is crucial, especially given the increased maritime traffic due to the conflict in the Gulf of Aden,” said Mr Scott.

Mr Scott’s visits to the Regional Coordination Operations Centre in Seychelles and Regional Maritime Information Fusion Center in Madagascar showcased how nations in the West Indian Ocean are working to counter these challenges.

The ambassador’s visit highlights US Africa Command’s 3D approach, which leverages diplomacy, development, and defense collaboration.

US Africa Command, headquartered in Stuttgart, Germany, is one of 11 US Department of Defense combatant commands, each with a geographic or functional mission that provides command and control of military forces in peace and war.

US Africa Command employs the broad-reaching diplomacy, development, and defense approach to foster interagency efforts and help negate the drivers of conflict and extremism in Africa.

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland oo Saraakiisha ATMIS Kala Hadlay Dardargalinta Amniga

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay, saarkiisha cidamada ATMIS ee Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo.

Shirkan oo ka qabsoomay xerada ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin Ceelwaaq, waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha Jubaland, Wasiirka Amniga, wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka bada Jubaland iyo wasiiru-dowlaha Wasaarada Amniga.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga iyo xasiloonida degmada iyo inay ciidanka ATMIS-Kenya sii labo jibaaraan dadaalkooda ka qayb qaadashada amniga.

Madaxwayne ku xigeenka 1aad ee Jubaland ayaa uga mahad celiyay madaxda, saraakiisha ciidanka iyo shacab-weynaha dowlada aan dariska nahay ee Kenya doorkooda naf-hurnimada ah ee ay ka qaadanayaan dib usoo celinta nabadda Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanada Jubaland.

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Jarmalka oo wafdi culus u soo dirtay Somalia

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayey Christoph Retzlaff oo ah Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, Christoph Retzlaff, ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda la xiriira dowlad-dhiska dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in dalkiisu uu sii xoojin doono taageerada dhinaca horumarinta, si loo xaqiijiyo guulaha la gaaray.

Israa’iil oo Wajaheeyso cambaareyn caalami ah oo aay kala kulantay xasuuqii ay ku geysatay Rafax

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, wafdi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Jarmalka u qaabilsan Wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya iyo kuwa ku yaalla saaxil, Danjire Christoph Retzlaff

Waxay ka wada hadleen kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursado cusub oo iskaashi.

Wafdiga Jarmalka ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin kale oo dowladeed oo ay ugu horrayso Danjire Regine Hess, Madaxa Xafiiska Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka, Danjire Sebastian Groth, Safiirka Jarmalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Martin Stein, Safiir kuxigeenka Jarmalka ee Soomaaliya.

Intii wadahadalka lagu gudo-jiray , waxaa labada dhinac ay aad iskula eegeen qoto-dheeraynta iskaashiga, waxyaabaha nacfi wadaagga ah iyo u howlgelidda xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo iskaashiga muddada fog iyo hiigsiga horumarineed.

Israa’iil waa inay u hoggaansantaa go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda {ICJ}ee ah in ay si degdeg ah u joojiso howlgalkeeda magaalada Rafah ee koonfurta Gaza sidas waxaa yiri madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell.

“Nasiib darro, waxa aan aragnay saacadihii dhowaa in Israa’iil ay sii waddo tillaabada millatari ee laga codsaday inay joojiso,” ayuu yiri Borrell oo la hadlayey Golaha Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee Brussels, halkaasoo wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay la kulmayaan hoggaamiyeyaasha Carabta si ay ugala hadlaan xaalada Gaza iyo Bariga Dhexe.

Borrell waxa uu intaa ku daray in Xamaas gantaallada ay ku soo ridday Israa’iil aysan ixtiraamin shuruucda adduunka.” Hadalkiisan waxa uu daba socdaa Xamaas oo sheegatay mas’uuliyadda gantaallada ku soo riday Tel Aviv Axaddii.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isna sheegay in uu aad uga carooday duqeynta ay Israa’iil ku qaadday xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Rafah, weerarkaas oo mas’uuliyiinta Gaza ay sheegeen in ay ku dhinteen ugu yaraan 45 qof.

“Howlgalladan waa inay joogsadaan. Ma jiraan meelo ammaan ah oo Rafah ku yaalla oo ay ku nool yihiin dadka rayidka ah ee Falastiin,” ayuu yiri Macron oo qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

“Waxaan ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo xabbad joojin degdeg ah,” ayuu Macron raaciyay hadalkiisa

Weerarada ayaa dhacay maalmo kadib markii Macron uu magaalada Paris ku soo dhaweeyay Wasiirada Arrimaha Dibada Qatar, Masar, Jordan iyo Sacuudiga si ay uga wada hadlaan xaalada Gaza.

Masar ayaa dhinaceeeda cambaareysay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Rafah ee koonfurta Qaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Duqeynta Israa’iil ayaa lala beegsaday goob ay Israa’iil u aqoonsatay “aag nabdoon” oo ku taal waqooyi-galbeed ee Rafah.

Qoraalkeeda, Masar waxay ugu baaqday Israa’iil inay fuliso tillaabooyinka ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda{ICJ}, taasoo ku amartay Israa’iil inay “joojiso hawlgallada millatari” ee Rafah iyo inay “fuliso mas’uuliyadda ka saaran rayidka.

Masar ayaa martigelin doonta wareeg kale oo wada xaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas Talaadada.

Qatar ayaa dhinaceeda sheegtay in duqeynta Israa’iil ay ku qaaday xerada barakaca ee Rafah ay hor istaagi karto wada xaajoodyada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo la haystayaasha iyo in xabad joojin laga gaaro Gaza.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa Isniintii sheegtay in duqeynta ay tahay “xadgudub ba’an oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah” waxayna walaac ka muujisay “inay carqaladeyso dadaallada dhexdhexaadinta ee socda.