Home Blog Page 2362

Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka XDS oo loo soo xiray tababar lagu barayay isticmaalka hubka culus.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Gen. Maadeey Shekh Nuur Ufuroow oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa tababarka usoo xiray saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu dalka ka socda howl-gallo lagu beegsanayo AS.

Taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayaa taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ku amaanay dadaalada aqoon kororsiga ah ee lagu tayeeynayo saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ka tirsan qaybaha Iyo guutooyinka ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa xusay muhiimadda ay ciidanka xoogga dalka xiligaan u leedahay inuu helo saraakiil iyo saraakiil xigeeno maarayn kara hubka culus aqoon dheeraadana u leh.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dayax Cabdi Cabdulle oo munaasabadda xiritaanka ka hadlay ayaa saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababarka kula dardaarmay in laga sugayo ka mira-dhalinta dadaalka iyo waqtiga la geliyay ee ku aadan qaadashada tababarka muhiimka ah.

Intaas kadib taliyaasha ayaa si wadajir ah u kormeeray qeyb deegaameed cusub oo loo hirgeliyay taliska ciidanka dhulka, oo tiir-dhexaad u ah ciidanka xoogga dalka iyo bar hogaamineedka howl-galka dalka looga sifeynayo AS.

Madaxda Puntland oo kulan xasaasi ah la qaaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka harsan.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Lama sheegin wax go’aano ah oo ka soo baxay kulanka hase ahaatee Guddigan ayaa horey qeybo ka mid ah Puntland ugu qabtay doorashooyinka goleyaasha degaanka oo ay ku tartameen axsaabta siyaasadeed ee ka jirta Puntland kuwaasoo guul ku dhamaaday, bilow iyo aasaas wanaagsana u noqday nidaamka dimoqraadiyada Pun tland.

Olollaha Soomaaliya Cagaaran oo ka bilaabatay magaalada muqdisho.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa daahfuray wejiga koowaad ee ololle lagu beerayo Xarunta Wasaaradda illaa iyo 2,000 geed.

Waxay iskugu jiraan geedahan kuwa miraha, harka iyo ubaxa, iyadoo olollahan uu ka qeyb yahay hindisaha cagaaraynta Soomaaliya.

Olollahan ayaa waxaa ka qeyb galay tobaneeyo shaqaalaha Wasaaradda ka mid ah oo beerayay noocyo kala duwan oo geedo ah, iyadoo tani ay tahay dadaal wadajir ah oo lagu ilaalinayo deegaanka, lagu xoojinayo cagaaraynta.

Hadal uu ka jeediyay daahfurka olollahan, ayuu Wasiir Fiqi yiri ” Olollahan wuxuu ka qeybyahay olollaha cagaaraynta Soomaaliya, waxa aanan ku beerayntaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga illaa iyo 2,000 geed oo iskugu jira kuwa miraha , ubaxa iyo harsiga leh. Hindisahan waxa uu ka dhiganyahay ka-qaybqaadashadeena cusub ee ilaalinta deegaanka “Hal geed oo aad beertid, waa nolol cusub oo aad soo korodhisay.”

SOOMAALIYA oo loo doortay kursi Heer Caalami ah.

Talaado 28, May 2024, {HMC} Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam loogu doortay inuu noqdo madaxweyne ku-xigeenka golaha shirwaynaha caafimaadka adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh caafimaadka aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya waddamada adduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan adduunku kaga doodaya ayaa waxa ugu horeeya hindise ay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaasi oo ujeedadiisu tahay in adduunka uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka.

Soo jeedintan ayaa ku qotonta sidii loo gaari lahaa hadafka guud ee golaha taasi oo muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha caafimaadka ee adduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudur-dilaaca taasoo dhibaato ba’an ku heysa guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan.

Arrinta ayaa sidoo kale muujinaysa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo caafimaad, midaasi oo soo dhaweynaysa xalka mushkiladaha caafimaad ee adduunka.

Wafdiga Soomaaliya ee uu wasiirka hogaaminayo waxaa kamid ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabduljaliil, agaasimaha machadka caafimaadka Dr. Xuseen Muhiyadin, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Jubbaland, agaasime waaxeedyo iyo la-taliyayaal.

Dowladda Soomaaliya oo si kulul ugu jawaabtay Kenya kadib Hadalkii..

Talaado 28, May 2024, {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Kenya William Ruto oo khudbad uu Mareykanka ka jeediyey ku sheegay in Soomaaliya ay Khawaarijta Al-Shabaab ula wareegi doonto sidii Afganistaan ay ula wareegtay Talibaan, hadii dalka laga saaro ciidamada ATMIS.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya Cali Balcad ayaa qoraal kooban uga jawaabay hadalkii Ruto, isagoo sheegay in marxaladda Soomaaliya aysan lamid aheyn midii ka dhacday Afgaanistaan.

Cali Balcad oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ama X ayaa in Soomaaliya aysan khatar geli doonin hadii ciidanka ATMIS ay waqtigooda ku baxaan, isagoo meesha ka saaray cabsida uu muujiyey madaxweynaha Kenya.

“Kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya aad ayey uga duwan yihiin kuwa Afgaanistaan, bixitaanka ciidamada ATMIS ma horseedi doonto xaalad lamid ah tii Afgaanistaan, waxaan ku dadaali doonaa inuu guuleysto dadaalka ay xasilloonideeda xaqiijineyso Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimahada dibadda Soomaliya.

Intaas kadib, barta X oo inta badan ay siyaasiyiintu isticmaalaan waxaa ka furantay dood lagu falanqeynayo hadallada Ruto iyo Cali Balcad, siyaasiyiin ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Kenya ka soo yeeray uu macquul yahay, khatarta uu ka digayna ay jirto.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoo ka digay khatar soo wajihi karta dalka, hadii ay ka baxaan ciidamada ATMIS.

Ruto ayaa sheegay in xaaladii ka dhacday Afgaanistaan mid lamid ah ay ka dhici doonto Soomaaliya, hadii aan la helin qorshe ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan, wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya oo mar kale lunta ay qaribi karto guud ahaan Geeska Afrika, isagoo dowladda Mareykanka ka codsaday in arrintaan ay soo farageliso.

Inta uusan Mareykanka aadin Madaxweynaha Kenya wuxuu Nairobi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay xaaladaha ku xeeran safarkiisa Washington iyo waxyaabaha uu ula tegayo madaxda Mareykanka oo casuumaad uu ka helay, si gaar ah waxay diiradda saareen arrimaha quseeya danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} 9-Maalin ka kadib Waxaa gaadiidka Xamuulka loo Fasaxay Buundada nuurxawaad ee Magaalada Baladweyne.

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} 9-Maalin ka kadib Waxaa gaadiidka Xamuulka loo Fasaxay Buundada nuurxawaad ee Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Amaanka goobaha laga soo galo Magaalada Muqdisho oo Maanta si weyn loo adkeeyay

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Amaanka goobaha laga soo galo Magaalada Muqdisho oo Maanta si weyn loo adkeeyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxamed Haaruun: “Waxa aan awoodi waayay in aan aaso meydka walaalkey”

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Maxamed Haaruun: “Waxa aan awoodi waayay in aan aaso meydka walaalkey”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {27-05-2024}

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Fanaanada caanka ah ee heesta ku soo ammaantay gabdhaha Soomaalida oo la xiray

Isniin 27, May 2024, {HMC} Taageerayaasha Nicki Minaj ayaa aad uga carooday ka dib markii fannaanadan caanka ah ee reer Mareykan uu daqiiqadihii ugu dambeeyay baaqday bandhig faneed ay ku qaban rabtay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Arrintan ayaa loo sababeeyay kaddib markii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Minaj ayaa la xiray iyada oo looga shakisan yahay in ay dhoofineysay daroogooyinka fudud ka hor inta aan la ganaaxin oo loo ogolaan in ay sii wadato safarkeeda, sida uu sheegay booliiska Holland.

Si kastaba ha ahaatee, uma aysan suurogelin in Manchester ay timaaddo waqtigii bandhigeeda loo asteeyay, taas oo sababtay in dib loo dhigay iyadoo ku dhawaad 20,000 oo taageere ay ku sugnaayeen fagaaraha oo sugayay inay masraxa gilgisho.

Waxaa ka mid ahaa Imogen Pope, 18, oo ka timid Newton-le-Wilows ee Merseyside, oo sheegtay inay “aad isugu soo qurxisay bandhigga oo uu kharash ka soo baxay”.

“Waxaan tigidkeyga ku kharash gareeyay £150 Pound waxaana shaqada ka qaatay maalin fasax ah, waxaanan fadhinay halkaas ilaa saddex saacadood oo aan sugaynay waxaana naloo sheegay inaysan dhacayn,” ayay tiri. “Waan murugooday.”

Ellis Day, oo 17 jir ah, kana soo jeeda Cheshire, ayaa sheegay in uu “gabi ahaanba aad u murugooday”.

“Waxaan halkan nimid waqti hore, waxaan maalin ku qaadanay dhan diyaar garow, si aan qeyb uga noqono bandhigaan.

“Runtii waa niyad jabnay markii aan helnay farriintaas oo daqiiqadihii ugu dambeysa naloo sheegay inaysan Minaaj imanaynin.”

Fanaanada caanka ah ee Nicki Minaj ayaa dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2023 soo saartay hees baraha bulshada Soomaalida qabsatay gaar ahaan TikTok iyo X oo horay oo loo oran jiray Twitter.

Heestan oo ka mid ahayd albamkeedii soo baxay 8-dii bishii Deseember ee 2023-kii ayaa waxaa ka mid ahaa ereyo ay ku ammaaneyso gabdhaha Soomaalida taas ayaanaa keentay in gabdho badan oo Soomaali ah oo qurbo jog u badan inay isku soo duubaan heestaan.

Ereyada heestaan raabka ayaa waxaa ka mid ah qeyb ay gabdhaha Soomaalida ay ku tilmaameyso inay qurux badan yihiin waana qeybta soo jiidatay hablaha ee sababtay inay ka daba-dhacaan. lookin’ just like a dolly “lookin’ just like a dolly With a pretty Somali”

Heestaan oo ay si weyn uga falceliyeen gabdhaha Soomaalida ayaa waxa laga dareemayay inay filan waa ku noqotay dhallinyarada inay fanaanaddan albamkeeda ku soo hadal qaado magaca ” Somaali” ay amaan dul dhigto gabadhaha.