Isniin 27, May, 2024 {HMC} Ciidamada Gor gor oo Dardaaran Adag La siiyay.
MUUSE BIIXI oo taageero caalami ah uraadinaya heshiiskii Soomaaliland iyo Itoobiya.
Isniin 27, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in heshiiska ay saldhig ciidan badeed ku siinayaan Itoobiya uu xaqiijin doono amniga Badda Cas iyo “isu socodka maraakiibta si xor ah.”
Muuse Biixi ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Financial Times ku sheegay in heshiiska Itoobiya uu “Somaliland u ogolaan doono inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo isu socodka xorta ah ee maraakiibta ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas”, halkaasi oo dhowaanahan ay kooxda Xuutiyiinta weeraro ku qaadayeen maraakiibta.
Waxa uu sheegay in naqshadda dhulka Itoobiya laga siinayo aagga Berbera ay ku jiraan dekad iyo saldhig ciidan oo ka hortagi doona halisaha badda, sida uu hadalka u dhigay.
“Itoobiya waxay dhisan doontaa saldhig ciidan oo badda ah waxayna yeelan doontaa maraakiib ganacsi, beddelkeedana Itoobiya waxay na siin doontaa aqoonsi – taasi waa aas-aaska,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.
Hadalka Muuse Biixi ayaa loo arkaa mid uu taageero uga raadinayo dalalka Reer Galbeedka oo heshiiskan diiday.
Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay in heshiiskani uu yahay tallaabo muhiim ah oo uu ku xaqiijinayo riyada qarankiisa iskiis isku magacaabay ee ah madax-bannaani buuxda.
“Heshiiska taariikhiga ah ee is-afgaradka ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxa uu ina siin doonaa dariiq cad oo loo maro aqoonsiga caalamiga ah,” ayuu yiri isaga oo ku sugan Hargeysa.
Itoobiya ayaa raadinaysay inay hesho bad tan iyo 1993-kii markii ay ka go’day Eritrea, taasi oo ka dhigtay dal aan bad lahayn.
Waxay u aragtaa heshiiska Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanta Jabuuti ee dhinaca badda, inkastoo Mareykanka, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Masar – oo ay ku muransan yihiin Itoobiya biyo xireenka Niilka Buluugga ah – ay ka digeen qorshahan inuu sii huriyo colaadda gobolka.
Sarkaal sare oo Itoobiyaan oo ku lug lahaa wada-hadallada Somaliland ayaa sheegay inuu “ku rajo weyn yahay” in heshiis kama dambeys ah uu hirgalo, isagoo intaas ku daray: “Waa arrin siyaasad dhab ah oo lama huraan ah.”
Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika u qaabilsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee Crisis Group, ayaa sheegay in, in kasta oo heshiiska uu la kulmay “diidmo xooggan”, haddana Itoobiya aysan doonayn in ay “si buuxda uga tanaasusho”.
Heshiiska ayaa waxaa si xooggan uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasi u jartay Itoobiya, ayada oo dalka ka cayrisay safiirkii Addis-Ababa u fadhiyey Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inay dagaal ka xigaan in heshiiskan la dhaqan-geliyo.
Ciidamada Xamaas oo gacanta ku dhigay maxaabiis cusub oo Israa’iiliyiin ah.
Isniin 27, May, 2024 {HMC} Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in ay ku qabsadeen askar Israa’iliyiin ah waqooyiga Gaza. Afhayeenka guutada Al-Qassam oo ah garab militeri ee Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa ku dhawaaqay in askar cusub lagu qabsaday marinka Gaza.
Muuqaal fidiyoow ah oo laga soo duubay Abu Cubeyda ayuu ku sheegay in dagaalyahannada Al-Qassam ay ku qabsadeen askar Israeliyiin ah marinka Gaza.
“Mujaahidiinteenu waxaa u suuragashay in Jabal-Cali ay ku qabsadaan askarta,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray Afhayeenka in ciidamada la qabtay ay isugu jiraan kuwa geeriyooday, kuwa dhaawac ah iyo kuwa la qabtay.
Afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari, ayaaa bartiisa X ku beeniyay in askar la qabasaday. “Ma jiraan askar la qabsaday”.
Ciidamada Israel ayaa weli duqeynaya Gaza iyo hareeraha magaalada Rafax. Shaqaalaha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen in dad ka badan 40 qof lagu dilay weeraradan oo ka dhacay qeybo kala duwan oo Gaza ka tirsan.
Dhinaca kale, Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaallo ku weerartay dhinca Tel Aviv markii ugu horeysay ku dhawaad afar bilood.
Ugu yaraan sideed gantaal oo laga soo tuuray agagaarka Rafax ee koonfurta Gaza ayaa laga hortagay sida ay sheegeen militeriga Israel. Lama soo sheegin in ay cid wax ku noqotay.
Dhawaqa digniinta in gantaalo soo dhacayaan ayaa laga maqlayay magaalooyin ay ka mid yihiin Herzliya, Petah iyo Tikva.
Warbaahinta Israel ayaa baahisay muuqaallo firirka gantaaalada oo ku soo dhacay beerta dhismo ku yaal Herzliya.
Sidoo kale muuqaal la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya god weyn uu sameeyay madfac ku soo dhacay meel bannaan oo u dhow magaalada Kfar Saba.
Xildhibaan Xaadoole oo si layaab leh ugu hadlay aqoonsiga la siiyey degmada Daarusalaam.
Isniin 27, May, 2024 {HMC} Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo xaflad uga qeyb galay degmada cusub ee Gubadley ayaa u jawaabay Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo habeeno ka hor sheegay in aqoonsiga la siiyey degmada Daarusalaam uu uga dhiganyahay inuu helay degmadii uu doorashada ka soo geli lahaa.
Xaadoole ayaa sheegay in maalmahaan uu ka maqnaa Muqdisho, balse intii uu maqnaa uu hadlay Xildhibaan is xijiyey degmada Daarusalaam oo Xaadoole uu magaceeda ku sheegay Ratiweyne oo ah xaafad ka mid ah degmadaas dhowaan la aqoonsaday.
“Hadalka xildhibaankaas inaan ka jawaabo ma rabin, laakiin hadana waxaan metelaa dadkii isoo doortay, aniga kursigeyga degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ayaa deegaan doorashadiisa ah, Mudulood hadii baari uu ahaan jiray hadda waxaa soo baxday dhalinyaro aad ugu xiran Socail Media-ha ee yeysan idin kala dafin,” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.
Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhibtay kelmeda ah “Xamar yaa leh” isagoo dalbaday in dadka la soo wado oo la tuso daafaha Muqdisho sida loo degan yahay, si ay u ogaadaan cidda Xamar iska leh.
Xildhibaan Xaadoole oo sii hadlaayey ayaa sheegay in xadgudub iyo war xumo tashiil uusan ogoleyn, balse uu jeclaan lahaa in la is xushmeeyo, “Yaan cidna lagu xad gudbin, laakiin hala xisaabtamo, Xasan Sheekh oo madaxweyne Soomaaliyeed ah, ma ahan in xuquuqda Mudulood ay dartiis u lunto,” ayuu yiri.
Maamulka Degmada Gubadley ayaa lagu qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta aheyd ee caawa lagu qabtay degmada Gubadley.
12 sano kadib, Sucuudiga oo si toos ah usoo celisay xiiriirkii kala dhaxeeyay Syria.
Isniin 27, May, 2024 {HMC} Sucuudiga ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay magcaabeen danjirihii ugu horreeyey ee ay u dirayaan dalka Syria, ka dib markii ay 12 sano ka hor xidhiidhka u jareen dalka Syria. Tallaabadan ayaa noqonaysa mid muujinaysa xidhiidhka soo hagaagaya ee labada dhinac, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Syria dib loogu ogolaaday ka qaybgalka shirarka ururka Jaamacadda Carabta.
Faisal al-Mujfel, ayaa noqonaya danjirhii ugu horreeyey ee ka socda dalka Sucuudiga muddo 12 sannadood ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga.
Sannadkii hore ayaa dawladda Syria dib loogu ogolaaday ururka Jaamacadda carabta ka dib markii xubinimada dalkaas la hakiyey sannadkii 2011, iyada oo laga falcelinayo, gacantii adkayd ee uu maamulka Syria kula macaamilay debedbaxayaashii ka soo horjeedsaday xukunkiisa. Sannadkii xigay ee 2012, ayay ahayd markii labada dal ay kala qaateen safaaradaha.
Warbaahinta dawladda Syria iyo masuuliyiinta dalkaasi iyagu kama falcelinin arrintan.
Kacdoonkii dalka Syria ee markii dambe isu bedelay dagaalada sokeeye ayay ku dhinteen ugu yaraan nus malyan qof, waxaana ku barakacay kala badh shacabka dalkaas.
Energy conference delegates push to make clean cooking accessible to all
Sunday 26 may 2024 {HMC} Participants at a global conference on how to reduce the world’s energy use called for universal access to clean cooking through government incentives and subsidies to unlock more private sector funds.
The Paris-based International Energy Agency’s ninth annual conference on energy efficiency, held Tuesday and Wednesday in Nairobi, brought together ministers, CEOs and thought leaders from around the world to discuss how to speed up progress on energy efficiency, which experts say can drastically reduce planet-warming emissions. How to deliver affordable clean cooking, which involves using electricity, solar and other solutions instead of more polluting fuels like charcoal, wood and kerosene, was on the agenda.
“There are many practical barriers to energy efficiency, and of course the barrier of the need for investment up front,” said Brian Motherway, head of IEA’s office of energy efficiency and inclusive transitions. “The key to unlocking efficiency is in the hands of governments. Strong, coordinated policies by governments will unlock finance and enable business and consumers to take the actions required to lower their bills.”
This year’s conference focused on accelerating progress toward doubling energy efficiency by 2030 as agreed upon by governments at the COP28 climate change conference in 2023.
Rashid Abdallah, executive director of the Africa Energy Commission, said at a panel discussion on Tuesday that “clean cooking should be part of any energy policy” or socioeconomic development plan.
Globally, around 2.3 billion people cook using solid biomass fuel – such as wood and charcoal – and kerosene. In Asia, 1.2 billion people lack access to clean cooking facilities, and in Africa, more than 900 million people use biomass as their primary energy source. These energy sources release harmful toxic fumes and smoke that lead to illnesses and deaths and contribute to climate change.
There’s also evidence that household air pollution from cooking with dirty fuels can lead to diabetes and adverse pregnancy outcomes such as stillbirth and low birth weight, said Matt Shupler, a postdoctoral fellow at the Harvard T.H. Chan School of Public Health. “There are many known health effects,” he said.
Cleaner alternatives include electric and ethanol cookers that emit fewer pollutants.
High prices are an obstacle to making clean, green and affordable cooking available to all, but positive trends are emerging in the sector, with investment in clean cooking enterprises surging to an all-time high of $215 million in 2022 and the number of clean cooking enterprises with revenue exceeding $1 million growing to 11 that same year, according to a report by the Clean Cooking Alliance.
Despite this progress, a huge capital gap remains in achieving universal access to clean cooking by 2030. IEA estimates that $8 billion will be needed annually as investment in clean cooking stoves, equipment and infrastructure to meet the goal.
One of the countries that have significantly scaled up affordable, high-quality, clean cooking is Indonesia. In 2007 the government started implementing a program to transition its primary cooking fuel from kerosene to liquefied petroleum gas. The proportion of the population with access to clean cooking doubled from 40% in 2010 to 80% in 2018. Regulation and incentives have been key to the program’s success, said Dadan Kusdiana, secretary-general of the Ministry of Energy and Mineral Resources.
“What we do is to provide the energy with affordability,” he said at a panel discussion on Tuesday. “They need this kind of energy, but they can’t afford it at the commercial price.”
SOURCE VOA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn {26-05-2024}
Axad 26, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Macalimiinta Jaamacadaha Muqdisho oo Canshuur lagu soo rogay iyo Macalimiinta oo war Ka so saaray.
Axad 26, May, 2024 {HMC} Macalimiinta Jaamacadaha Gobolka Banaadir oo maanta la hadlay warbaahinta Sharci daro ku tilmaamay Canshuurta lagu soo rogay waxaana ay ku hanjabeen in ay Shaqa joojin sameyn doonaan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo La kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
Axad 26, May, 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo booqasho sharafeed ugu yimid
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Ku-simaha Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Wasiir Axmed Fiqi, ayaa ugu hambalyeeyay Mudane James Swan xilka loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo mas’uuliyadaha loo igmaday.
Intii lagu gudo-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa la iskula eegay dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka, iyo sare u qaadid iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 26/5/2024
Axad, 26, May 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 26/5/2024



