Home Blog Page 237

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysane Dilka Askari.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay eedaysane K/k: Maxamuud Xasan Cabdi, oo ku eedaysan dilka marxuum Xidigle Fu’aad Maxamed Nuur, kana tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xabbad ka dhacday bistooladda eedaysnaha, taas oo kaga dhacday caloosha, Ciidanka Booliska ayaa wada baaritaanno ku saabsan dhacdada, waxaana eedaysanaha loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso.

Somali FM Discusses Ways to Deepen Ties with Yemeni Ambassador.

0

Wednesday 17, Dec 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, received on Wednesday, at his office in the Ministry, in the capital city, Mogadishu, the Ambassador of the Republic of Yemen to the Federal Republic of Somalia, H.E. Fadl Ali Ahmed Al-Hanak, and discussed with him ways to further strengthen the longstanding relations between the two brotherly countries and enhance their cooperation.

The meeting touched upon strengthening bilateral relations between the two brotherly countries and explored prospects for developing joint cooperation, reaffirming the deep historical ties and identifying opportunities to open new avenues to further energize the partnership between Somalia and Yemen.

Sacuudiga oo markii u horreysay waxaa ka da’ay baraf.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Sacuudiga ayaa markii u horreysay waxaa ka da’ay baraf illaa heer qabowga halkaa ka jira uu gaaray -4°C, iyadoo goobaha uu barafka qariyay ee maanta muuqaallada laga soo bandhigay ay ku jiraan Jabal Al-Lawz ee gobolka Tabuk oo ka tirsan waqooyiga galbeed dal saxare iyo dhul qalalaan lagu yaqaanay ee Sacuudiga, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka rasmiga ee Sacuudiga .

Buurihii qalalnaa waxay yeesheen muuqaal la mid ah buuraha dalka Switzerland ee bartamaha Yurub.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya oo la Kulmay dhigiisa Jabuuti.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed, oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada

Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF)
Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyo wada-shaqeynta labada dal ee gobolka. Wasiir Fiqi ayaa ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ay ka qaadatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo ka qeybgalkeeda howlgalka AUSSOM, taasoo muujinaysa taageero joogto ah iyo garab istaag dhab ah oo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirka Kismaayo

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa ka hadlay shirka mucaaradka ee maalinta berri uga billaabanaya magaalada Kismaayo.

Qoraal uu soo saarey Wasiirka wuxuu ku sheegay in Dowladda markasta ay ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Balse Wasiirka ayaa su’aallo dhowr ah hor dhigay xubnaha Mucaaradka dowladda ee ku sugan Kismaayo, kuwaasi oo uu ku eedeyay in aysan qaarkood aysan dhaqan u laheyn dhaqan doorasho.

“Qof aan lahayn dhaqan doorasho hufan iyo mid dalka kala goyntiisa ka shaqeynayay afartii sano ee la soo dhaafay maanta ma ka hadli karaan Mustaqbalka Soomaaliya?” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin in awoodda loo celiyo shacabka iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

“Maxay mudadda dheer u diidan yihiin in doodahooda ay geeyaan gogolaha wada hadaladda Qaran? Iyadoo la yaqaan sooyaalkooda maamulidda arimaha doorashadda, Maxayse sida gaarka ah ugu hortaagan yihiin in la qabto doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir?” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

 

Saaxibo si lama filaan ah u helay dheeman qaali ah.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC}  Subaxdii dhaaweys ee qaboobaha magaalada Panna, oo ah gobolka laga qodo dheemanka ee bartamaha Hindiya, laba saaxiibaa ahaa ilaa caruurnimadoodii ayaa sameeyay daahfurka ay u malaynayaan in ay noloshooda beddeli karaan weligood.

Satish Khatik iyo Sajid Mohammed waxay dhagax weyn oo dhalaalaya si lam filaan ah uga heleen dhul ay kireysteen toddobaadyo ka hor.

Markii ay dhagaxa geeyeen halka lagu qiimeeyo dheemanka rasmiga ah ee magaalada, waxay ogaadeen inay heleen dheeman tayo leh oo dhan 15.34-carat – mid ka mid ah noocyada ugu fiican ee dheemanka dabiiciga ah ee jira.

“Qiimaha suuqa ee dhagaxa ayaa lagu qiyaasay shan ilaa lix milyan oo rupees [$ 55,000 – $66,000] dhawaana ayaa la xaraashayaa,” Anupam Singh, oo ah qiimeeye dheemanka, ayaa u sidaasi sheegay Laanta BBC Hindi.

Dawladdu waxay qabataa xaraashka saddexdii biloodba mar, iyada oo soo jiidata iibsadayaasha Hindiya iyo dalka dibaddiisa si ay u dalbadaan dheemanka.

“Qiimaha la qiyaasay waxay ku xiran yihiin heerka dollarka iyo halbeegyada ay dajisay warbixinta Rapaport,” ayuu yiri Mr Singh. Rapaport waxaa si weyn loogu tixgaliyaa inay tahay hay’ad hormuud u ah falanqaynta suuqa dheemanka iyo dahabka.

Madaxweyne Trump oo amar ku bixiyay in la xayiro maraakiibta shidaalka qaada ee soo gala Venezuela.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amray in ” si guud oo dhammaystiran” la xannibo dhammaan maraakiibta shidaalka ee la cunaqabateeyey ee gala ama ka baxa Venezuela.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu ku sheegay in dowladda Venezuela ee uu hoggaamiyo Nicolás Maduro loo aqoonsaday urur argagixiso oo ajnabi ah, wuxuuna ku eedeeyay inay xaday hantida Mareykanka, iyo sidoo kale “argagixiso, tahriibinta daroogada, iyo ka ganacsiga dadka”.

“Sidaas darteed, maanta, waxaan amrayaa in la joojiyo si dhammays tiran dhammaan maraakiibta shidaalka ee la xayiray ee galaya, kana baxaya Venezuela,” ayuu raaciyay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay todobaad kadib markii Maraykanku uu ku qabtay markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela. War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Venezuela ayay ku sheegtay in ay diiday “halista foosha xun ee Trump”.

Dowladda Venezuela ayaa ku eedeysay madaxweyne Trump inuu bilaabay hanjabaado dagaal, kadib markii uu ku dhawaaqay go’doomin lagu sameeyay dhammaan maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Venezuela ayaa sheegtay in safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay uu ka warbixin doono ku xad gudubka sharciga caalamiga ah, isla markaana dadkeeda, militariga iyo booliiska ay difaaci doonaan.

Jubbaland Oo War Cusub Kasoo Saartay Shirka Kismaayo.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mohamed Hussein Oogle ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysoa masiibo qaran oo ka dhalatay hoggaan-xumo, taas oo uu ku eedeeyay hoggaanka ugu sarreeya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayay garoonka Kismaayo oo ay ka socota soo dhowaynta wafuudda shika Kismaayo, wuxuu sheegay in rajadii laga qabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aysan maanta muuqan, isagoo tilmaamay in jihadii laga filayay hoggaanka dalka ay noqotay mid ka duwan xaaladda dhabta ah ee maanta taagan.

Wuxuu intaas ku daray in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, islamarkaana ay jiraan walaacyo la xiriira ku tumashada dastuurka qaranka, amar-ku-taaglayn iyo raacid la’aan nidaamka sharciyeed ee lagu heshiiyay.

Sida uu sheegay, xaaladdan ayaa halis ku ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilli la sheegayo in waqtigii dastuuriga ahaa ee hay’adaha qaar uu dhammaanayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sidoo kale ka hadlay shirka Kismaayo, isagoo sheegay in shirkaasi ujeeddadiisu tahay in dib loo hago jihada siyaasadda qaranka. Wuxuu xusay in shirka lagu martiqaaday madaxda hore ee dalka iyo dhammaan dhinacyada mucaaradka ah, isagoo xaqiijiyay in martiqaad loo diray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Wuxuu sheegay in inkastoo qaar ka mid ah madaxda la casuumay aysan weli imaan, haddana guddiga qabanqaabada uu sii wadi doono soo dhaweynta iyo dejinta dhammaan mas’uuliyiinta heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo heer degmo ee ka qaybgalaya shirka. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isla markaana aragtidiisa siyaasadeed ay weli taagan tahay.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in shirka Kismaayo laga filayo talooyin iyo go’aanno lagu wajihi doono hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo xusay in dalka u baahan yahay hoggaan mideeya ummadda, hagaya jihada saxda ah, isla markaana ku shaqeeya dastuurka. Wuxuu rajo ka muujiyay in talooyinka ka soo baxa shirkaasi ay gacan ka geysan doonaan xasillinta siyaasadda dalka.

Qaraxyo culus oo loo Waday Muqdisho Oo Ciidamada Amaanka Gacanta u galay.

0

Arbaco 17, Dec 2025 {HMC}  Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gacanta ku dhigay qaraxyo culus oo kooxda Al-shabaab damacsaneyd iney gudaha u soo galiso magaalada Muqdisho.

Taliyaha guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa warbaahinta u sheegay in xog ay heleen ciidamadu ay suurtagalisay in deegaanka Lambar 50 ku qabtaan qaraxyo halis badan oo loo waday magaalada Muqdisho.

“Ilaahey ayaa ku mahadsan oo nagu guuleeyay inaan ka hortagno dhagartii ay Khawaarijta ku dhibaateyn laheyd Shacabka, qaraxyadan oo ah 10 miino oo nooca halista badan ayay ku guuleystay ciidanku iney qabtaan, kuwaas oo Khawaarijtu rabtay iney ku dhibaateeyaan shacabka ku nool Muqdisho” ayuu yiri Taliyaha Guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye.

Taliye Munye ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Lambar 50 oo uu sheegay iney lasoo wadaageen xogta qaraxyadan kooxdu dooneysay iney gudaha u galiso magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxyadan maanta ciidanku ku qabteen deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda si weyn u adkeeyeen amniga guud ee magaalada Muqdisho oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.