Qamiis 18, Dec 2025 {HMC} Xildhibaan Xidig oo Faah faahin ka bixiyay Shirka kismaayo.
Qamiis 18, Dec 2025 {HMC} Xildhibaan Xidig oo Faah faahin ka bixiyay Shirka kismaayo.
Qamiis 18, Dec 2025 {HMC} Ciidamada Danab oo Howlgal Cir iyo Dhul ah ka Fuliyay Sh/Hoose
Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Venezuela, Nicolas Maduro ayaa milatariga Colombia ka codsaday inay taageerraan haddii Mareykanka uu soo weerarro Venezuela.
Nicolas Maduro isagoo sheegay faragelinta shisheeye in looga hortagi karo midnimada dalalka gobolka.
Wuxuu intaa ku daray ; “ Waxaan baaqayga u dirayaa shacabka Colombia, dhaqdhaqaaqyadooda bulsho, iyo ciidamada Colombia, oo aan si wanaagsan u aqaan— wuxuu baaqayga la xiriira midnimo buuxda oo ay la yeeshaan Venezuela, si aanay cidna ugu dhiirran in ay taabtaan madax-bannaanida dalalkeenna.”
Thursday 18 December , 2025 (HMC) The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalan Abdi Ali, received the Ambassador of the Federal Democratic Republic of Ethiopia to the Federal Republic of Somalia, H.E. Suleiman Dedefo Woshe, at his office in Mogadishu.
The high-level meeting focused on strengthening the bilateral relationship between the two neighboring nations. The officials engaged in a productive dialogue aimed at advancing strategic cooperation and aligning their mutual interests in the region.
Key areas of discussion included enhancing collaboration in trade and economic development, as well as strengthening joint efforts in maintaining regional security. Both sides reaffirmed their commitment to working closely together to foster stability and prosperity for their respective peoples.
Source Sonna
khamiis 18 December , 2025 (HMC)Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ka hadlay shirweyne maanta lagu wado inuu magaalada Kismaayo uga furmo xubnaha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.
War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiir Cali Xoosh ayuu ku sheegay in dowladdu marnaba kasoo horjeedin inay shir yeeshaan mucaaradka, isagoona ku tilmaamay iney yihiin kuwa diidan in dalka horay loo socod siiyo.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladdu si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jirey” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Xoosh.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Wasiirka in xubnaha mucaaradka ee haatan ku sugan Kismaayo aysan qaarkood dhaqan u laheyn qabashada doorasho hufan, islamarkaana yihiin kuwa ka shaqeynaya kala qeybinta dalka.
“Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid dhaha arimaha doorashadda ayaan ka talo bixin, qof dalka kala goyntiisa ka shaqeynayey muddo afar sanno ah, maanta maka hadli karaa mustaqbalka dalka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sido kale qoraalkiisa ku sheegay in xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin in awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir Cali Xoosh ayaa imaanaya, iyadoo maanta lagu wado in Kismaayo uu so toos ah uga furmo shirka xubnaha mucaaradka dowladda iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kaasoo ah mid diiraddu lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.
Thursday 18 December , 2025 (HMC)During their meeting, the two ministers held extensive discussions on enhancing strategic cooperation in security and defense, as well as broader regional coordination aimed at promoting stability and peace in the Horn of Africa.
Minister Fiqi expressed appreciation for Djibouti’s longstanding role in Somalia’s state-building efforts, particularly its contribution to the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM). He described Djibouti’s involvement as a reflection of sustained support and the strong brotherly ties between the two neighboring countries.
The meeting was attended by the Chief of the Somali National Army, Major General Odowaa Yusuf Rage, the Djiboutian Ambassador to Somalia, Mohamed Ibrahim Yusuf, and senior officials from both delegations.
Source Hiiraan Online
18, 2025 Thursday December (HMC) South West regional security forces on Wednesday seized heavy explosives that Al-Shabaab was allegedly planning to detonate in Mogadishu, according to a senior military official.
The commander of the October 14 Brigade, Lieutenant Colonel Abdirahman Mohamed Munye, told the media that intelligence received by the forces enabled them to intercept the explosives in the Number 50 area, before they could be transported to the capital.
advertisements
“Thank God, we were able to thwart the Khawarij’s plot to harm civilians. Our forces intercepted 10 dangerous landmines that were intended to be used against the people of Mogadishu,” Lt. Col. Munye said.
The commander thanked residents of the Number 50 area for providing timely information that helped security forces prevent the planned attack.
The seizure comes as Somali government forces have significantly tightened security in Mogadishu, ahead of the upcoming local council elections.
Security agencies have also increased checkpoints and patrols along key roads and entry points into the capital in an effort to prevent potential attacks and ensure public safety.
Source Hiiraan Onine
Khamiis 18, Dec 2025 {HMC} Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaanka Nuur Dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.
Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa in weerar culus ay ku qaadeen deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka qaraxyada ah iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Dagaal u dhexeeya ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa weli ka socda halkaasi, wuxuuna kusii fiday qaybo horleh oo kamid ah ggobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab weerarkooda uu xoogan yahay, ayaga oo si kasta iskuugu dayayo inay cagta mariyaan saldhigyada ciidamada ee ku yaalla halkaasi, si ay kadib ula wareegaan, waxaase soconyo iska caabin ay wadaan ciidamada huwanta.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, isla markaana jab culus la gaarsiiyay xubnihii weerarka lagu qaaday.
Al-Shabaab ayaa horay u qabsatay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna weli isku sii fidineysaa qaybo badan oo kaid ah gobolkan oo hoostaga maamul-goboleedka HirShabelle.
Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Khamiis 18, Dec 2025 {HMC} Xubnaha Mucaaradka Dowladda oo kaashanaya Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta waxaa magaalada Kismaayo uga furmaya shir ay uga hadlayaan sidii ay u mideyn lahaayeen Arragtiyadooda siyaasadeed.
Dhinacyada oo hore uga dhaga adeegay gogol iyo wadashiyo ugu baaqday Dowladda Federaalka ayaa Shirkooda Kismaayo ku muujin doona Ajendayaashooda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay ka doonayaan Dowladda.
Kulanka Madashan Mucaaradka ayaa waxaa lagu soo hadal qaadi doona Arrimaha doorashada, xilli Dowladda Federaalka wado hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.
Sidoo kale, kulamadan Kismaayo ayaa waxaa goob joog noqon doona wakiilo ka kala socda qeybaha bulshada, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka.
Mas’uuliyiin xilal sare ka soo qabtay dalka sida Madaxweynihii hore, Shariif Shiikh Axmed, Saddex kamid aRa’iisul wasaareyaashii hore ee dalka soo maray iyo madax kale ayaa qeyb ka ah shirka Magaalada Kismaayo.
Shirkaan oo la soo gaba gabeyn doono Sabtida ayaa la filayaa in laga soo saaro warsaxaafadeed la xiriira qoddobada la isku afgartay, kaasi oo lala wadaagi doono Dowladda Federaalka, Bulshada iyo Beesha Caalamka.
Khamiis 18, Dec 2025 {HMC} Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, iyo madaxda xafiiska Somaliland ee Ingiriiska, ayaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu sheegay in xildhibaannada labada gole ay ka wada hadleen horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska, iyo horumarinta duulimaadyada hawada, gaar ahaan sidii looga gudbi lahaa nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee dowladda Soomaaliya ku waajibisay dadka reer Somaliland.
“Xildhibaannada waxa aanu kala hadalnay fududaynta arrimaha socdaalka iyo caqabadaha ka jira dhinaca socodka muwaadiniinta Ingiriiska ee ka safraya UK una socda Somaliland, iyo sidii xal loogu heli lahaa wixii caqabado ah ee jira,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad Axmed Nuux.
Xildhibaannadan oo ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Ingiriiska, waxa ugu badnaa xubno ka tirsan koox xildhibaanno ah oo isku magacawday Guddida Saaxiibada Somaliland, kuwaas oo u ololeeya arrimaha ictiraafka Somaliland, isla markaana marar badan doodaha la xidhiidha arrintaas hor geeya golayaasha Baarlamaanka Ingiriiska.
Nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya ayaa caqabad ku noqday dadka reer Somaliland ee ka imanaya dibadda, maadaama dowlada Soomaaliya iyo Somalilandba ka qaadaan lacago dal-ku-gal ah. Waxa kale oo la sheegay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay bilaabeen inay ka soo degaan dalalka jaarka, kadibna dhinaca dhulka kaga soo galaan Somaliland.
Tani waa markii ugu horreysay ee Wasiirku ka hadlo arrimaha socdaalka tan iyo markii la jabsaday nidaamka fiisaha Soomaaliya, xilligaas oo uu sheegay in laga gudbay caqabaddii E-Visa-ha, taas oo dhawr cisho si ku-meel-gaadh ah u istaagtay, balse markiiba dib u soo noqotay.