Home Blog Page 235

Maxay tahy khariida Itoobiya Ay baahisay Ee muranka dhalisay ?

0

khamiis 18  December , 2025 (HMC)  Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa baahiyay muuqaal muran dhaliyay oo dhulka dalal ku yaalla Geeska Afrika ku daraya Itoobiya.

Muuqaalka ayaa waxaa lagu bandhigay munaasabadda soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Khariidadda ayaa muujineysa in Itoobiya ay ku fidsan tahay dhulal si caalami ah loo aqoonsan yahay in ay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba la waayay dalalka Eritrea iyo Jabuuti.

Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn iyo dhaleeceyn ka timid bulshada ee dalalka Soomaaliya, Jabbuuti iyo Eretariya, iyadoo lagu tilmaamay mid marin habaabin ah.

Sidoo kale, wuxuu dhaawacaya madaxbannaanida dalalka iyo xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Muuqaalka muranka dhaliyay ayaa weli laga heli karaa baraha rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo weli aysan ka bixin jawaab la xiriirta carada bulshada.

Khariidada muranka dhalisay ayaa ku soo aadeysa xilli Itoobiya ay dhowr jeer ku celcelisay in ay dooneyso bad ay leedahay oo badeecada u soo marto.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Xidig oo Faah faahin ka bixiyay Shirka kismaayo.

0

Qamiis 18, Dec  2025 {HMC} Xildhibaan Xidig oo Faah faahin ka bixiyay Shirka kismaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Yaa Gacanta ku Haayo Deegaanka Nuur Duugle oo Dagaal Culus ka dhaceyn.?

0

Qamiis 18, Dec  2025 {HMC}  Yaa Gacanta ku Haayo Deegaanka Nuur Duugle oo Dagaal Culus ka dhaceyn.?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Muqdisho oo ka hadlay waxa laga filan karo Shirka Mucaaradka ee Kismaayo

0

Qamiis 18, Dec  2025 {HMC} Shacabka Muqdisho oo ka hadlay waxa laga filan karo Shirka Mucaaradka ee Kismaayo

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA}Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 18-12-2025

0

Qamiis 18, Dec  2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 18-12-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Golaha Wasiirrada oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha Ahaa.

0

khamiis 18  December , 2025 (HMC)  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda, iyada oo goluhu meel-mariyey shuruuc iyo xeerar muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ka dhageystay warbixin la xiriirta doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhacaysa Muqdisho, iyada oo wasaaradda ay soo bandhigtay diyaarinta iyo xaqiijinta amniga goobaha codeynta iyo tirada muwaadiniinta qaatay kaararkooda ee u diyaarsan in ay codkooda dhiibtaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa wasiirrada ku ammaanay in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku soo barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, waxa uuna boggaadiyay dedaalkii ay u galeen in ay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed iyo Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa dood adag ka yeeshay, isla markaana ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, kuwaas oo dhammaantood ujeedkoodu yahay horumarinta qoyska, ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhismaha nidaam sharci oo dhammeystiran.

Labadan sharci ayaa ka soo gudbay dhammaan hab-raacyadii xeer-dajinta, la tashiyo lagala yeeshay culumada, iyada oo mas’uuliyiin ka socday xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Dastuurka ay faahfaahin dheer golaha ka siiyeen shaqada laga soo qabtay xeerarkan.

Labadan xeer ayaa la ansixiyay iyada oo wasaaradda ay quseyso la faray in ay wax kasoo badesho arrimo la xiriira ereybixinno kooban.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF), taas oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka, si loo xaqiijiyo maalgelinno lagu taageerayo ardayda Soomaaliyeed.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Danab oo Howlgal Cir iyo Dhul ah ka Fuliyay Sh/Hoose

0

Qamiis 18, Dec  2025 {HMC} Ciidamada Danab oo Howlgal Cir iyo Dhul ah ka Fuliyay Sh/Hoose

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Danab Commandos Dismantle Terrorist Hideouts in Major Lower Shabelle Security Operation

0

Thursday 18  December , 2025 (HMC) The 161st Unit of the Danab Commandos, operating in close coordination with the Armored Vehicle Unit (MU), executed a series of planned security operations today across the Lower Shabelle region. The joint forces targeted the strategic areas of Basro, Baqdaad, Janbaluul, and several surrounding villages within the Afgooye District to dismantle active terrorist networks.

The operation commenced in Basro, where the special forces uncovered a complex network of tunnels and concealed bunkers utilized by the Khawarij militants as hideouts. The troops successfully exposed and neutralized these positions after the insurgents fled the area, unable to withstand the pressure and superior tactical capability of the advancing Danab forces.

Following the clearance of Basro, the units advanced into Baqdaad, a location that had previously served as a strategic stronghold for the terror group. The military has now fully secured the area, ensuring the safety of the local population and restoring stability to the district.

Extending the mission to Janbaluul, the Danab forces conducted extensive sweep operations to track down remnants of the terrorist cell attempting to hide in the dense bush. The primary objective of this offensive is to destroy militant sanctuaries, completely halt their movements within the region, and guarantee long-term security for the residents of Lower Shabelle.

This successful operation highlights the bravery and high-level professional skill of the Danab Commandos, reaffirming their commitment to defending the Somali people and eradicating the threat of terrorism from the nation.

Source Sonna

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Kismaayo

0

khamiis 18  December , 2025 (HMC) Madaxweynihii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wafdiga Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Kismaayo.

Shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray R/wasaareyaal hore Kheyre, Rooble iyo Saacid Shirdoon, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, xubnaha mucaaradka, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Shirka ayaa daqiiqadaha soo aadan ka furmi doono magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya golahan oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorsheyaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay

Banaanbax ka socda garoonka Aadan Cadde .

0

khamiis 18  December , 2025 (HMC) Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka wajahaya hakad ku yimid shaqadii caadiga ahayd, kaddib markii shaqaalihii u shaqeynayay shirkadda maamusha garoonka ee Fafoori (Favouri) ay sameeyeen shaqo-joojin iyo dibadbax.

Shaqaalahan oo isugu soo baxay banaanka garoonka ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo ka socota garoonka, iyagoo cabasho ka muujinaya xuquuq ay sheegeen in si joogto ah loogu tuntay. Arrintan ayaa caqabad weyn ku noqotay isku socodka shacabka Soomaaliyeed iyo habsami u socodka howlaha garoonka.

Shaqaalaha ayaa tilmaamay in cabashadooda ay soo laalaabatay marar badan, balse ay ka xun yihiin in Dowladda Soomaaliya aysan illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin, taasoo ay ku eedeeyeen in ay fursad siisay ajaanib dalka u yimid shaqo inay duudsiiyaan xuquuqdooda.

Dibadbaxan maanta dhacay ma ahan kii ugu horreeyay, maadaama dhowr jeer oo hore ay shaqaalaha garoonka Aadan Cadde sameeyeen gadood iyo shaqo-joojin la xiriirta eedeymo ay u jeedinayaan shirkadda Fafoori, oo ay ku sheegeen in aysan dhowrin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay shirkadda Fafoori ama hay’adaha Dowladda ee khuseeya arrintan, iyadoo shaqaalaha ay ku adkaysanayaan in aysan shaqada ku laaban doonin ilaa laga xalliyo cabashadooda.

Shaqo-joojintan ayaa imaanaysa xilli garoonka Aadan Cadde uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee isku socodka dalka, taasoo walaac ka dhalisay saameynta ay ku yeelan karto safarrada iyo adeegyada duulimaadyada.