Home Blog Page 234

XFS Oo beenisay eedeymo la xiriira barnaamijyo ay maalgeliso Dowladda Sweden

0

Jimco , 19 Dec 2025 {HMC} – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay eedeymo ay warbaahinta qaar soo bandhigtay, kuwaas oo la xiriira barnaamijyo horumarineed oo ay maalgeliso Dowladda Sweden, oo loo adeegsaday ku-takrifal, dano gaar ah, cadaadis iyo si khaldan u isticmaalka kaalmada horumarinta.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku taariikhaysan 18-ka Diseembar 2025 ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo marin-habaabin ah, isla markaana aan ku saleysneyn xaqiiqooyin la xaqiijiyey.

Xukuumadda ayaa caddeeysay in warbixinta la faafiyey ay ku dhisan tahay sheegashooyin aan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale, war-saxaafadeedku wuxuu xaqiijiyey in dhammaan taageerada ay bixiso Dowladda Sweden lagu fuliyo hay’ado caalami ah, oo ay ka mid yihiin hay’adaha Qaramada Midoobay, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo si toos ah loo siiyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ama ay dowladdu maamusho.

“Maamulka, mushaharka iyo kormeerka howlaha farsamo ayaa si buuxda u hoos yimaada hay’adaha caalamiga ah ee hirgeliya mashaariicda, iyadoo loo marayo nidaamyo hufan oo waafaqsan xeerarka deeq-bixiyeyaasha iyo heerarka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale beeniyey sheegashada ah in Soomaaliya ay ku hanjabtay joojinta iskaashi ama arrimo la xiriira masaafurinta si ay u hesho maalgelin, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid khaldan oo marin-habaabin ah.

Waxaa lagu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu ku dhisan yahay hannaan diblomaasiyadeed iyo mid farsamo oo rasmi ah, isla markaana arrimaha socdaalka, soo-celinta muwaadiniinta iyo kaalmada horumarineed ay yihiin geeddi-socodyo kala duwan oo ku shaqeeya sharciyo iyo hay’ado u gaar ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale caddeeyey in Dowladda Soomaaliya aysan gelin heshiisyo qarsoodi ah, isla markaana dhammaan iskaashiyada ay la leedahay Dowladda Sweden ay ku saleysan yihiin heshiisyo rasmi ah oo qoraal ah, kuwaas oo waafaqsan habraacyada caalamiga ah ee iskaashiga horumarinta.

Kaalmada horumarineedna waxaa lagu hagaa mudnaanta qaran ee Soomaaliya, iyadoo si hufan loo marsiiyo nidaamyo caalami ah oo lagu sameeyo kormeer iyo xisaab-celin joogto ah.

Ugu dambeyn, war saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo anshax sare dhammaan iskaashiyada ay la leedahay beesha caalamka, iyadoo muujisay qaddarin ay u hayso xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Dowladda Sweden, isla markaana ay diyaar u tahay wadahadal ku dhisan xaqiiqo, kalsooni iyo ixtiraam caalami ah.”

Ciidamada Xoogga Dalka oo xoogga saaraysa howlgallo ka dhan ah ‘AS oo kasocdo Jiinka Webiga Shabeelle

0

Jimco , 19 Dec 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku dhaqaaqayso howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo ka billaabaya deegaannada dhaca Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Gobolka Banaadir iyada dhul baaxad weyn uu saamayn doonno howlgalkaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa la diyaariyay, waxa ay ciidankaan duullaan ku yihiin deegaannada dhaca Jiinka webiga Shabeelle, si gaar ah ayay ugu howlgalayaan Bar-kulanka Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Xoogga ay u diyaarsan yihiin fulinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay hayaan xogo la xiriira dhaqdhaqaaqa ‘AS’ ka samaynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.

Shirka Mucaaradka oo maanta lagu wado in lagu soo gabagabeeyo .

0

Jimco , 19 Dec 2025 {HMC}  Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaar ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa maalintii labaad galay shirka Mucaaradka oo ay uga arrinsanayaan xaaladda Dalka, Dastuurka iyo Doorashada aan weli waqtigeeda la gaarin.

Madaxda ka hadashay Furitaanka Shirkaan waxa ay ka jeediyeen khudbaddo dhalliil u badan oo ka dhan ah Dowladda Federaalka, waxa ay tilmaameen in ay hal jiho isugu raaci doonnaan gunnaanadka shirkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo shirkaan, waxaana socda kulamo gaargaar ah oo ku saabsan sidii ay u samaysan lahaayeen isbahaysi dhexdooda ah si ay u wajahaan xaaladaha siyaasadeed ee Dalka.

Xubnaha Mucaaradka ayaa lagu wadaa in gunaadka shirkooda in ay soosaaraan Warmurtiyeed ay ku muujinayaan waxyaabaha ay isku fahmeen shirkooda labada cisho soconaya, waxaana sidoo kale wararku sheegayaan in ay kulan kale ku ballami doonnaan.

Madaxweyne Zelensky kala kulmi jiray Saraakiisha Aqalka Cad markii uu dhaho NATO ayaan ku Biireynaa.?

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelenskyy ayaa markii u horreysay sheegay inay saraakiisha reer galbeedka gaar ahaan kuwa Aqalka Cad ee Mareykanka ku qosli jireen mar kasta oo uu kala hadlo Ukraine inay dooneyso ku biirista isbahaysiga NATo, isagoo intaa ku daray ; “ Biden wuxuu igu yiri Ukraine kuma biiri doonto NATO.”

Hadalkan wuxuu u muuqda inuu Zelenskyy u sheegayo inaysan jirin wax rabitaan ah oo reer galbeedka ay ku doonayaan inay Ukraine ku biirto isbahaysiga NATO, xilli toddobaadkii hore uu xaqiijiyay inuu ka tanaasulayo ku biirista Ukraine ee NATO, haddii Ruushka uu joojinayo dagaalka.

Zelenskyy, waa hoggaamiyaha ugu doonista badnaa inay Ukraine ku biirto NATO, illaa xataa filimkiisa Servant of the People ee 2016 uu Zelenskyy , ku soo bandhigay doonista Ukraine inay NATO , marka waxaa jira wicitaan xarunta NATO ka soo dhacaya oo loogu sheegayo in la ansixiyay ku birista NATO, laakin waxaa loo sheegaya in si qaldan loo soo wacaya oo dalka la ansixiyay uu yahay Montenegro. Waa xaalad xataa Ukraine ay filim dhexdii ku wayday NATO.

Sacuudiga oo Aruuriyay 20,000 askari gudaha Yemen si ay mesha Uga Saraan Malayshiyaadka STC.

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Ilaa 20,000 askari oo Sucuudiga taageero ka helaya ayaa isku aruursanaya xadka Yemen, si ay cadaadis ugu saaraan Malayshiyaadka STC in ay ka baxaan dhul ballaaran oo istiraatiiji ah oo ay dhawaan ka qabsadeen gobolka shidaalka hodanka ku ah ee Hadramaut.

STC-ga, oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, ayaa horumarkiisa u adeegsanaya dalab ku saabsan in Yemen dib loogu celiyo laba dowladood (waqooyi iyo koonfur). Dhanka kale, waxaa jira halis duqeymo cirka ah oo Sucuudigu fuliyo, maadaama ciidamo ka tirsan maleeshiyada National Shield lagu ururiyay al-Wadeeah iyo al-Abr ee u dhow xadka.

STC-ga oo wada-hadallo ku yeeshay magaalada Cadan (Aden) Jimcihii la soo dhaafay ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin dalabka Sucuudiga ee ahaa in ay ciidamadooda kala baxaan, kuwaas oo laba toddobaad ka hor galay gobolka Xadramowt, kadibna u gudbay gobolka deriska la ah ee Al-Mahra, kaas oo xuduud la leh Cumaan.

Sidoo kale, STC-gu wuxuu sii xoojiyay gacan-ku-hayntiisa, isaga oo ciidamo u diray gobol saddexaad oo ah Abyan.

Arrintan waxay sare u qaadaysaa khatar ah isku dhac u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka iyada oo loo marayo ciidamadooda ku sugan Yemen.

Sawirka hoose goobaha ay kala joogaan Xuutiga, Dowladda Yemen, STC iyo kooxaha argagixisada ah.

{DAAWO SAWIRADA} Tababar Loo soo Xiran Ciidanka Daraawiishta oo si dhamaystiran u helay Xirfadaha Ciidanimo.

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa soo xiray Qalin-jabinta Dufcaddii Ciidanka Daraawiishta oo si dhamaystiran u helay Xirfadaha Ciidanimo.

Taliyaha ayaa Midowga Yurub uga Mahadceliyey Taageerada ay dhankooda ku bixiyeen Tababarka , waxaana uu Ciidamada cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha isugu jira Kula dardaarmay inay la jaan qaadaan Horumarka balaaran ee qeybaha Ciidanka lagu kordhiyey.

Netanyahu oo xaqiijiyay in ay Israa’iil heshiiskii ugu qiimaha sarreeyay ay la gashay Dalka Masar.

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Netanyahu ayaa xaqiijiyay inay Israa’iil heshiiskii ugu qiimaha sarreeyay ee dal ay la gasho oo la xiriira dhoofinta gaaska inay la gaartay Masar , kaasoo uu ku sheegay inay Israa’iil ku helayso 35 bilyan oo dollar, wuxuu intaa ku daray ; “ Waxaan ansixiyay heshiiskan kaddib markii aan hubiyay danaha amniga ee Israa’iil iyo danaha kale ee muhiimka ah, mana ku faahfaahin doono dhammaantood halkan.”

Lacagtaa waxaa qaadanaysa Israa’iil oo ah cidda bixinaysa gaaska, halka cidda laga iibinayo ay tahay Masar , lacagtana bixinaysa , xilli dhawaan aysan a Masar ka jawaabin iskuday ay Qatar ku doonaysay inay bixiso gaaska looga baahanyahay Masar, si meesha looga saaro heshiiska Israa’iil oo muddo taagna, markii Netanyahu uu si shaqsi ah u amray in la joojiyo gaaska la siiyo Masar, xilligaa wuxuu ku andacooday inaysan Masar si wacan ula shaqeyn Israa’iil, waa sababta uu hadda u leeyahay; “ Heshiiskan waxaan u ansixiyay arrimo amni.”

Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, oo gaaray magaalada Qaahira.

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdifatax Burhaan ayaa maanta gaaray magaalada Qaahira , iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Masar, Cabdifatax Al-Sisi oo hab qaabilaad rasmi ah u sameeyay Al-Burhaan.

Socdaalkan wuxuu u muuqdaa inuu daba socdo wadahadalladii Riyadh ee toddobaadkii hore , Al Burhan kula yeeshay dhaxal-sugaya boqoryootadda , isla xilligaa wadahadalladaa markii ay dhammaadeen Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga , wuxuu telefoon kula xiriiray dhiggiisa Masar.

Markaa oo ay ka hadleen isku duba-ridka taageerrada milatariga Suudaan oo luminaya dhul istaraatiji ah taa oo ka dhalanaysa dheelatirka awoodeed ee goobaha dagaalka ka baxay , kaddib markii RSF ay adeegsatay hub casri ah oo la geeyay gudaha Suudaan.

Ma cadda hadda iskudayga Sacuudiga iyo Masar waxa ay ka beddeli karaan xaaladda Suudaan iyo goobaha dagaalka, kuwaasoo markii horaba ahaa xulufo ka soo horjeeday RSF.

Dawladda Burkina Faso oo sii deysay 11 sarkaal oo ka tirsan milatariga Nigeria.

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Dawladda Burkina Faso, ayaa sii deysay 11 sarkaal oo ka tirsan milatariga Nigeria , kuwaasoo muddo toddobaad ah lagu hayay xabsi ku yaalla Burkina Faso, kaddib markii saraakiishan oo ka tirsan ciidankii cirka Nigeria ay gudaha usoo galeen hawada Burkina Faso, iyagoo wata diyaarad nooca xamuulka qaada ee C-130, taasoo ciidankii Burkina Faso ay ku qasbeen inay ku soo degto garoon ku yaalla Burkina Faso.

Nigeria , si ay u hesho diyaaradda iyo saraakiisha la socday waxay dirtay cududaar qoraal ah, balse Burkina Faso, markaa ma aysan qaadan cududaarka, taa oo dhalisay in Wasiirka arrimaha dibadda Nigeria, Yusuf Tuggar uu tago Burkina Faso, si uu u caddeeyo sababta diyaaradda iyo saraakiisha la socday ay ugu soo xad-gudbeen hawada Burkina Faso, tana waxay dhalisay in hadda diyaaradda iyo saraakiisha la socdayba dib loogu celiyo Nigeria.

 

RW Xamse oo Soo Xiray Shirka 35 aad ee Wasiiradda Gaashaandhiga Bariga Africa.

0

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirkii 35-aad ee Caadiga ahaa ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika, kaas oo ku qabsoomay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in martigelinta shirka ee Muqdisho ay astaan u tahay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay muujinayso kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa xusay in gobolka Bariga Afrika uu wajahayo caqabado amni oo wadajir ah, sida argagixisada, dambiyada ka gudba xudduudaha, amniga badda, saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani’aadannimo, kuwaas oo u baahan iskaashi mideysan iyo xalal ku dhisan amni, horumar iyo diblomaasiyad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey doorka muhiimka ah ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) uu ka qaato sugidda amniga gobolka, isaga oo bogaadiyey doodihii iyo qiimeyntii qotada dheeraa ee ay sameeyeen khubarada iyo madaxda amniga ee ka qeybgalay shirka, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta qorshayaasha, miisaaniyadda iyo istiraatiijiyadda mustaqbalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa madashii shirka ku wareejisay guddoonka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo ay sanad haysay, waxaana lagu wareejiyay dowladda Uganda, iyada oo unug tabobar heersare ah qaba oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si hab-maamuus leh ku wareejiyeen calanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in tallaabooyin horumar ah la xaqiijiyay intii ay Soomaaliya haysay hoggaanka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan ka qeybgalayaasha shirka doorkooda iyo dadaalkooda, isaga oo rajo ka muujiyey in go’aamada ka soo baxa shirka ay gacan ka geysan doonaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.