Home Blog Page 2381

{DAAWO MUQAALKA} Markab cusub oo laga afduubay xeebaha Soomaaliya.

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} –  Markab cusub oo laga afduubay xeebaha Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Faahfaahin: Markab la sheegay in maanta laga afduubay xeebaha Soomaaliya

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} –  Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo marayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ay soo saartay UKMTO, ayaa lagu sheegay in koox an tiradooda la garanayn oo watay laba doonyo ah ay fuuleen markabka.

Dhanka kalana war-saxaafadeed kooban oo ay soo saareeen howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ayey ku xaqiijiyeen digniinta laga soo saaray weerarka looga shakinsan yahay burcad baddeed Soomaali ah ee markabka lagu qaaday.

Sida laga soo xigtay Traffic Marine, markabka ayaa lagu magacaaba BASILISK, waxaa ka dul babanaya calanka dalka Liberia.

Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekada leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA ee ku sugan agagaarka ayaa bixiyey jawaabtii ugu horeysay ee digniinta.

Warbixinta EUNAVFOR ATALANTA, ayaa lagu sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka ku habboon si ay uga jawaabto si waxtar leh.

Weerarada Burcad baddeeda
Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018, budhcad badeeda Soomaalida waxay dhibaato ka geysteen biyaha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamigaa, waxayna weeraradoodu halis galiyeen ganacsiga dunida.

Laakiin waxay dib howlgaladooda u soo celiyeen sanadkii hore markaas oo tiro aan badnayn maraakiib ganacsi ay ka soo afduubeen biyaha caalamiga sida ay sheegeen haya’addaha ammaanka ee Puntland.

Maraakiib ganacsi oo ka mid ahaa MV Abdullah oo laga leeyhaya dalka Bangaladesh iyo MV RUEN yaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta ayaa ku dhacay gacanta burcad Baddeeda Soomaalida.

Hase yeeshee Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya

Warar an madaxbanaan u xaqiijin Karin ayaa sheegay in markabka MV Abdullah,burcad baddeedu ka qaateen lacag madax furasho ah, basle markabka ayaa la sii daayey.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa howlagaladii ay ka fuliyen xeebaha Soomaaliya waxay gacanta ku dhigeen ilaa 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah ay ku sheegeen markii danbana la geeyey dalka Hindiya.

Puntland oo xeebaheeda inta badan la geeyey maraakiibtii la soo afduubay dhammaadka sanadkii tagay iyo bilowga sanadkan ayaa sheegtay inay dhanka bariga ka bilaabeen howlgalo ciidan oo ay kaga hortagayaan burcad baddeeda oo xeebahooda ku sii bata.

Galmudug iyo Puntland ayaa bilowgii sanadihii 2008-dii ilaa 2010-kii ahaa deeganada ugu badan ee xeebahaas lagu haystay maraakiib la soo afduubay.

Maxaa xilligan keenay weerarada burcad baddeeda ee Soomaaliya
Sida uu horraan sheegay Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane, oo ah soo noqday agaasimihii la dagaalanka Burcad baddeeda Puntland xilligii ay deeganadaasi ku xooganayaan ayaa ‘qaba in kororka kalluumaysiga sharci daradaa oo an wax laga qaban ay abuurayaan falalkan burcad baddeeda’

Sidaas oo kale iskaashatada kalluumaysata ee degmada Eyl ayaa sheegay in xeebaha ay si xowli ah ugu bateen doonyaha laga leeyahay Iiraan ee sida ba’an ugu kalluumaysanaya xeebaha kuwaas oo sida ay sheegeen dhibaato ku haya kuwa maxaliga ah.

Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis difaac oo ay la gashay dalka Turkiga ku sheegtay in qayb ka tahay heshiiska in Turkigu ilaalinayaan qayraadka xeebaha Soomaaaliya.

Falastiiniyiinta Rafax oo wajahaya xaalad adag kadib markii QM ay ku dhawaaqday joojinta gargaarkii ay heli jireen

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay joojisay qaybinta raashinka gargaarka ah ee Rafax, sababo la xiriira sahay la’aan iyo amni darro.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA, ayaa sheegtay in helitaanka inta badan xarumaha cuntada lagu qaybiyo ee Rafax ay noqotay mid aan suurtagal ahayn, taas oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milatari ee Israa’iil ay ka wadaan bariga magaalada.

In ka badan 800,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ka mid ah hal milyan oo qof, ayaa ka qaxay magaalada ka dib markii uu billowday howlgalka Israa’iil laba toddobaad ka hor.

UNRWA waxay sheegtay in xarumaheeda caafimaadka ay sidoo kale shaqada joojiyeen 10 maalmood ka hor.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Maraykanku uu sheegay in uu aaminsan yahay in inta badan gargaarkii loogu tala galay dadka Falastiiniyiinta ah ee woqooyiga Marinka Rafax aan weli la qaybin dhibaatooyinka jira awgood.

Dowlada Federalka oo War Ka soo saartay Dagaalka AS iyo Howlgallo Socda.

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaglladii ugu dembeeyey ee ciidamada qaranka ay ka fuliyeen gobollada dalka, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta.

Afhayeenka ayaa faahfaahintiisa ku bilaabay howlgal ciidanka Danab ay ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale duqeymo ayaa maalmihii lasoo dhaafay kooxda loogu geystay howdka Ruun-nirgood.

Sidoo kale Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labo sarkaal iyo afar maleeshiyaad ah saacadihii lasoo dhaafay kooxda looga dilay howlgal ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidanka guutada 77 ee ku sugan deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayuu sheegay afhayeenku inay gacanta ku dhigeen gaari Leylo ah oo hub iyo saanad kale u siday kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xoogga dalka ayaa cagta mariyey fariisin ay Khawaarijtu ku laheyd deegaan lagu magacaabo Dhagaxyaale oo dhinaca galbeed ka xiga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Qaranka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgal kale oo ka dhacay deegaan u dhow magaalada Golweyn ee gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjooge Cabdulqaadir Eenow, kaas oo aad u dhibay dadka deegaanadaas ku nool, ninkaas ayaa la dilay xilli uu xoog xoolo baad ah uga aruurinaayey shacabka.

“Duqeyn ka dhacday deegaanka Cali Xeyle ee degmada Ruunirgood hoos taga ayaa lagu gubay gaari Booyad ah, iyadoo halkaas lagu dilay maleeshiyaadkii watay gaarigaas, duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Baraag Sheekh-caamir oo u dhow degmada Galcad ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah iyo dhagarqabayaashii watay,” ayuu yiri Sheekh Abuukar.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaciyey magacyada xubno badan oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo goostay kooxda AL-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Dalka Maraykanka oo u xushay Kenya inay noqoto albaabka ay ka soo galaan gobolka

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} THE WHITE HOUSE — Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inay Kenya u xusheen inay noqdaan dalkii ugu horreeyey ee ku yaalla wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, ee ay u xushaan inuu noqdo gaashaanbuurta ugu dhow Maraykanka marka laga saaro dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ama non-NATO member US Ally.

Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa, sida istaraatejiyadda iskaashiga amniga ee Maraykanku ay ugu sii jihaysanayso dhinaca dalalka ku yaalla bariga Afrika, xilli ay ciidamada Maraykanku baxayaan dalka Niger, taasoo laga yaabo inay fursad u siiso ciidamada Ruushku inay isku ballaadhiyaan.

Kenya ayaa fursad u heli doonta inay galaangal ama fursad u hesho, taageero dhinaca milateriga ah iyo mid dhaqaale oo la mid ah, kan ay haystaan xubnaha isbahaysiga NATO, hase ahaatee, kama mid noqon karaan heshiiska difaaca ee uu ku dhisan yahay isbahaysiga NATO, kaasoo isku haya dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi.

Sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden ayaa u sheegay weriyayaasha, in madaxweyne Biden uu u gudbin doono golaha Congresska arrintan, taasoo laga yaabo inay qaadato illaa 30 maalmood, si ay u hirgasho.

Kulamada dhex maray madaxweynayaasha Kenya iyo Maraykanka, iyo soo dhoweynta madaxweyne Ruto ayaa socotay maalinimadii Khamiista oo dhan, waxaana habeenkii xalay ahaa, loo qabtay casho sharaf ay ka soo qaybgaleen illaa 500 oo marti ahi, oo ay ku jiraan, madaxweynayaashii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo Bill Clinton, iyo xoghayihii hore ee arrimaha debedda ee Maraykanka, Hillary Clinton.

Shiinaha oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Taiwan

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka bilaabay dhulka Taiwan saddex maalmood uun ka dib markii William Lai loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee jasiiradda.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Xoraynta Shacabka Shiinaha (PLA) ayaa dhoolatuskan ku tilmaamay “ciqaab adag” oo lagu beegsanayo “falalka gooni-goosadka”.

Dhoolatuskan oo bilowday subaxnimadii saaka, ayaa ka socda dhammaan agagaarka jasiiradda oo ay ku jiraan marinka Taiwan ee galbeedka, iyo agagaarka jasiiradaha Taiwan ee Kinmen, Matsu, Wuqiu iyo Dongyin.

Ciidanka sheegay inay diiradda saari doonaan ilaalinta u diyaargarowga dagaalka hawada ee wadajirka ah ee badda iyo hawada, weerarrada saxda ah ee bartilmaameedyada muhiimka ah, iyo hawlgallada isku dhafan ee gudaha iyo dibadda jasiiradda si loo tijaabiyo “awoodaha dagaalka dhabta ah ee wadajirka ah” ee ciidamadooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 23-05-2024

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Booliska Mareykanka oo baaraya nin gaari ku weeraray nin Soomaali ah

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa baaraya nin gaari ku weeraray Arbacadii shalay nin ka mid ah dadka salaadda ku ooga masaajidka Al-Xikma Islaamic Center ee magaaladaas ku yaalla.

Dhibbanaha oo 36 jir ah ahna Somali-Mareykan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo aan halis ahayn waxaana loo qaaday isbitaal maxalli ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda booliska ee Minneapolis.Falkaan ayaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo Islaam naceyb.

Imaamka masaajidka Al-xikma Islaamic Center oo lagu magacaabo Sheekh Cabdirisaaq Keynaan, oo BBC-da u warramay ayaa bogaadiyay tallaabada boolisku ay qaadeen isagoo sheegay in hadda ninka weerarka gaystay la xiray.

Sheekh Cabdirisaaq ayaa intaa ku daray in weerarka ninkaan uu soo qaaday uu khal-khal galiyay dadkii masaajidka ku tukanayay iyo guudahaan xaruunta.

Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in baarayaashu ay ogaadeen in tuhmanaha weerarka gaystay uu horey dhowr jeer oo kale isla masaajidka Al-Xikma falal caynkaan ah uga gaystay.

Golaha Xiriirka Islaamka ee Maraykanka ayaa cambaareeyay falkaan waxaana ay sheegeen in ninkaan uu muddaba waday dhibaateynta masaajidka.

Somali Foreign Minister meets UN Deputy Representative for political discussions.

Thursday 23, May  2024 {HMC} Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, met with the Deputy Special Representative of the Secretary-General at the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), Mr. Raisedon Zenenga, in Mogadishu on Wednesday.

The Minister discussed the advancements achieved in security and politics, as well as the collaboration between the Federal Government of Somalia and the United Nations.

The meeting explored mechanisms and frameworks to establish a joint technical committee from Somalia and the UN, which will work on the planned transition process towards a UN country office.

This month, United Nations Secretary-General Antonio Guterres appointed James Christopher Swan as his acting special representative for Somalia and head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

Swan will act as special representative “for a temporary period following the departure of Catriona Laing of the United Kingdom, to whom the Secretary-General is grateful for her dedicated service in UNSOM and Somalia at a challenging time,” the UN said in a statement released on Tuesday.

 

{DAAWO MUQAALKA}  Shiinaha oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Taiwan.

0

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Shiinaha oo qaaday tallaabo uu ku ciqaabayo Taiwan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA