Home Blog Page 2380

Israel oo qaaday tallaabo ka dhan ah Spain kadib aqoonsigii Falastiin

Jimco, 24 May, 2024 {HMC}   TEL AVIV — Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa Jimcihii sheegay in uu go’aansaday in uu “jaro xiriirka” ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee Spain iyo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sababo la xiriira aqoonsiga Madrid ee Dowladda Falastiin.

“Waxaan go’aansaday inaan jaro xiriirka ka dhexeeya wakiilada Spain ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, iyo in aan ka mamnuuco qunsuliyadda Spain ee Qudus in ay adeegyo siiso Falastiiniyiinta ka imanaya Daanta Galbeed,” Katz ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

Illaa hadda ma cadda sida ay Israa’iil u fulin doonto hanjabaaddan.

Mar ay wakaaladda wararka ee AFP wax ka weydiisay wax-ku-oolnimada iyo cawaaqibka ka dhalan kara go’aanka Katz, wasaaradda arrimaha dibedda Spain si deg deg ah ugama jawaabin.

Katz waxa uu sheegay in go’aankiisa uu ahaa mid “jawaab u ah aqoonsiga Spain ee Dowladda Falastiin iyo baaqii Yahuud naceybka ee ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Spain ee ahaa… ‘in la xoreeyo Falastiin webiga ilaa badda’”.

Spain, Ireland iyo Norway ayaa Arbacadii ku dhowaaqay go’aan ay ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin 28-ka bishan May, taasi oo dhalisay carada Israel.

Xukuumadda Israa’iil ayaa dhalleecaysay tallaabadan kuna sheegtay “abaal-marinta argagixisada” iyadoo dagaalka Marinka Gaza, oo ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii October, uu ku dhow yahay bishii siddeedaad.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa Khamiistii ka digtay in xiriirka Israel ee Ireland, Norway iyo Spain uu wajihi doono “cawaaqib xun.”

Katz ayaa qoraalkiisii Jimcaha ku cambaareeyey qoraal ay X soo dhigtay wasiirka shaqaalaha Spain, kana tirsan xisbiga bidixda fog, Yolanda Diaz, taasi oo ah qofka saddexaad ee ugu sarreeya dowladda Spain.

Ayada oo soo dhaweynaysa ku dhawaaqista aqoonsiga rasmiga ah ee Dowlad Falastiin, Diaz ayaa tiri: “halkan kuma ekaan karno. Falastiin waxay noqon doontaa xor, laga billaabo webiga ilaa badda.”

Oraahadan lagu taageero Falastiin ayaa loola jeedaa xuduudaha taariikhiga ah ee Falastiin ee gumaystihii Britain, taasi oo teedsan laga soo billaabo webiga Jordan illaa badda Meditareeniyaanka, ka hor inta aan la aas-aasin Israel 1948-kii.

Dadka dhaliila oraahdan ayaa ku macneeya in loola jeedo baabi’inta Israel.

Oraahadan “webiga illaa badda” ayaa waxaa mararka qaar loo adeegsadaa hal ku dhig Sahyuuniyad oo lagu doonayo Israel ballaaran oo teedsan isla dhulkaas.

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay askari Lagu eedeeyay Kicin Bulsho

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) oo dhawaan warbaahinta ka hanjabay.

Ninkan oo ah askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa waxaa soo xiray ciidanka booliska gobolka Banaadir, gaar ahaan kan saldhigga booliska ee degmada Deyniile, waxa uuna kal hore kasoo muuqday warbaahinta isaga oo ku goodinaya dagaal iyo in uusan aqbaleyn amar burburin dhul oo ka fulay gudaha caasimada.

“Eedeysanaha oo ah askari katirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho, wxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada ee ku shaqada leh howlahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo baahiyay xariga ninkaan.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii uu booliska soo xiray Mascuud Cabdullaahi Afrax (Garweyne) oo ahaa nin oday ah, islamarkaana marar badan kasoo muuqday warbaahinta.

Booliska ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu u gefay garsoorka dalka, islamarkaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunno ay rideen maxkamadaha dalka. Wuxuuna booliska sheegay in la horgeyn doono maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Isla maalin kasii hor booliska ayaa soo xiray illaa 15 qof oo ka qayb qaatay dibad-bax rabshada watay oo ka dhacay Daaru-Salaam, kaasi oo looga soo horjeeday awood qaybsiga maamulka degmadaasi.

Waxaa kasii horreeyay oo lasoo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo isna ka qayb-galay dibad-bax ay dhigeen ehellada Sayid Cali Macallin Daa’uud, isaga oo ku goodiyay inay “afgembi sameynayaan”, sidoo kale waxaa xabsiga ku jira gabdhihii uu ka dhex qarxay dagaalka qabiilka ee caanka ka ahaa baraha bulshada ee Internet-ka, gaar ahaan barta TikTok-ga.

Isku soo wada duubo arrimahaan ayaa keenay in dowladda ay tallaabo qaado, ayada oo lasoo xiray maalmo gudahood dadkii ugu badnaa, kuwaas oo loo haysto kicin bulsho iyo is-hortaag amar maxkamadeed, waxaana haatan lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal lagu adkeyno amniga magaalada Baardheere oo la sameeyay.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo Ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24/5/2024

Jimco May, 23, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxmaan Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Maxeey Tahay Fadeexada Dul Hoganeeysa Dowalada Soomaaliya?

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku wargeliyay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan inay iskaga harto tartanka ay ugu jirto xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirkii hore arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo muddo sanad ah olole ugu jirtay kursigan ayaa sida illo xogogaal sheegayaan waxaa dhawaan u yeeray madaxweynaha oo ay wehliyaan ra’iisul wasaaraha iyo xubno kamid ah golaha wadatashiga qaran, waxayna ka codsadeen in tartanka ka harto.

Dadka xogtaan nala wadaagay waxa ay sheegeen in keliya lagu yiri codka Soomaaliya waxaa ka ballan-qaadnay Ismaaciil Cumar Geele, maadaama uu xilkaan u sharaxan yahay wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Xilliga loo sheegay in aanu qarankeedu taageerayna ahaa niyad jab weyn ku ah Xildhibaan Fowsiya. Waxaa la sheegay inay aad u dooday oo ay sheegtay inay shaqo badan soo qabatay, dalal badan tagtay, ballan-qaadyo haysato, Wasaaradda arrimaha dibadda ay meelo badan olole uga sameysay, laakiin waxaas oo dhan waxba kama beddelin go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ee ah inuu musharaxa Jabuuti siinayo codka Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin.

Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah.

Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay.

Waxaa la sheegay inay Xildhibaannad Fowsiya madaxda sare ku tiri waqti isiiya aan kusoo fikiro, iyada oo malaha rajeynaysa in la helo cid bedeli karta go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh.

Kenya ayaa sidoo kale tartanka ku jirta oo waxaana u sharaxan ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga.

Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika.

Laakiin hadda in Fowsiya laga raaco Jabuuti ma jirto wax dan qaran ah oo lagu beddeshay, marka laga reebo saameynta shaqsiga ah ee Ismaaciil Cumar Geele uu ku leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowaladaha Mareykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis is-afgarad militari

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – WASHINGTON — Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday saxiixa ‘heshiis is-afgarad difaac ah’ kaas oo uu la saxeexday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Afrika Molly Fee, waxaana uu sheegay in ‘kor loogu qaado tallaabooyinka amniga iyo hawlgallada milatari ee wadajirka ah.’

“Heshiiskan oo ay ka mid yihiin balaadhinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha ee Manda Bay oo ku dhow xuduudka Soomaaliya, ayaa lagu taageerayaa dadaallada ka dhanka ah argagixisada, horumarinta awoodaha shaqo, iyo in la dejiyo diyaarado waaweyn, taasoo sare u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa iyo dabacsanaanta ciidamada ammaanka.” ayuu Ducaale ku yiri bayaan kusoo baxay bartiisa Facebook.

Waxa uu Aadan Ducaale sheegay in heshiiskan uu ‘daba socday codsigii Kenya iyo ballanqaadkii dowladda Mareykanka ee ahaa in ay maalgelinayaan dhismaha, taasoo muujineysa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya labada dal ee la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta nabadda adduunka.’

Maraykanka ayaa kor u qaadayo heerka iskaashiga ee Maraykanka iyo Kenya ee arrimaha gobolka iyo caalamkaba, kadib markii Madaxweyne Biden uu dhiggiisa Kenya William Ruto uu Khamiistii kusoo dhaweeyay Aqalka Cad.

Qaraxyo Dad Badani ay Ku Dhinteen oo ka dhacay Dalka Hindia

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} –  Qarax iyo dab ka kacay warshad kiimikaad oo ku taal galbeedka Hindiya ayaa dilay ugu yaraan 11 qof halka 64 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu sheegeen Jimcihii maanta.

Qaraxa ka dhacay kuleyliyaha warshadda ayaa horseeday dab saameeyay warshado iyo guryo ku dhow degmada Thane ee gobolka Maharashtra, sida uu sarkaalka maamulka Sachin Sejal u sheegay wakaaladda wararka ee Press Trust of India.

Sejal waxa uu sheegay in dabka la damiyay balse samatabbixiyeyaashu ay filayaan in ay maydad badan ka helaan burburka.

Waxaa la baarayaa waxa sababay qaraxan oo cirka isku sii shareeray, khasaare iyo burbur baaxad lehna geystay.

Warshada ayaa soo saaraysay cunnada midabaynta waxayna adeegsatay kiimikooyin aad u firfircoon oo sababi kara qaraxyo, ayay yiraahdeen Ciidanka Qaranka ee Ka-hortagga Musiibooyinka Hindiya.

Dabku waa ku badan yahay Hindiya oo dhan sababtoo ah heerarka amniga oo liita iyo fulinta habacsanaanta sharciyada.

{DAAWO MUQAALKA} Xogta Fatahaadda iyo xaaladda Baladweyne ee Maanta 24-05-2024

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Xogta Fatahaadda iyo xaaladda Baladweyne ee Maanta 24-05-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {24.05.2024}

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Muuqaal soo koobaya Marti galintii Dadka reer Coomaad ee Wafdiga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Muuqaal soo koobaya Marti galintii Dadka reer Coomaad ee Wafdiga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA