Home Blog Page 2383

Two dead in Kenya’s Coast region in Cyclone Ialy aftermath


Thursday May 23, 2024

A cyclone wreaked havoc in Kenya’s coastal region on Tuesday evening, claiming two lives and injuring six others.

Cyclone Ialy, which intensified from an initial tropical storm, brought strong winds, rain and high waves to the Indian Ocean.

Police in Kilifi County confirmed the death of a four-year-old schoolgirl after strong winds tore off the roof of a school classroom, while a godown worker died after a wall collapsed.

According to a police report seen by the Nation, strong winds blew off the godown wall of Salima Gasses Kenya Limited, where gas cylinders are stored.

Two employees were injured by falling stones but unfortunately one died while receiving treatment at Rabai Sub-County Hospital in Kilifi County.

The other injured worker was later transferred to Mombasa Hospital for further treatment.

Another tragic incident was reported from Gogoraruhe village in Mbalamweni sub-location, Kayafungo location, Kilifi County.

The cyclone destroyed the roof of Gogoraruhe Mosque ECDE School, injuring five pupils.

The injured children were rushed to Mariakani Sub- County Hospital for treatment, where the four-year-old girl tragically succumbed to her injuries while undergoing treatment.

The other four pupils sustained head and limb injuries, and are still receiving treatment.

Kilifi North Deputy County Commissioner Samuel Mutisya confirmed that several schools in the county have been affected by the strong winds.

“The wind has blown off the roofs of several schools and we are appealing to teachers not to allow pupils to learn in dilapidated classrooms with loose roofs,” he said.

The strong winds in the Coast region have also left residents stranded and facing disruptions to essential services such as electricity and water supply.

Coast Water Works Development Agency (CWDA) has informed the public of an interruption in water supply affecting Kilifi and Mombasa counties, following power cuts caused by destruction of power cables by falling trees.

In the statement, the agency said the Baricho Water Works had been experiencing erratic power supply since Tuesday evening, leading to the disruption of water supply.

By Wednesday afternoon, several parts of Mombasa and Kilifi were still without power.

The Kenya Meteorological Department said that the initial tropical storm Ialy had intensified into a tropical cyclone and was positioned close to the country’s coast in an unprecedented way. The cyclone was however expected to dissipate by Wednesday.

Maxaa Ka Jiro in Madaxweeynaha Puntland uu Doonayo Wada Hadal uu La Galo DFS?

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo ka hadlayay munaasabadda xidhitaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay “in cidna aanay uga carareynin Soomaalinamada”.

Hadalkan ayaa imanaya muddo dhinacyadu isku diiddanayaan sida wax u socdaan, weedhaha hawada la isu marinayeyna ay ahaayeen kuwo sidan ka duwan.

Waxaana u danbeeyey go’aankii Puntland ay ku dhawaaqday bishii March oo ay ku sheegeen in ay gaadheen go’aan siyaasi ah, kaas oo golahooda wasiirrada ay kalsoonidii kala laabteen haya’addaha dowladda federalka ee Soomaaliya, xilligaas oo baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya meel mariyeen wax ka baddelka dastuurka.

Hadalka Deni ee maanta ayaa se u muuqday in markan uu qorshahoodu yahay wadahadal.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Allaha idmo. Garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeeynu usii wadaynaa“ ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland waxa kale oo ka hadlay sida dawladdiisu diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isla markaana ay garnaqasanayaan.

“La isma muquunin karo, la’ ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale in sharciga la dhawro, isagoo ku baaqay in la wadahadlo.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya qaar ayaa ku doodaya in arrintani hadda u muuqato mid wax soo dhawaynaysa oo dhinacyadu ay ku kulmi karaan.

“Xaaladdii taagnayd marka loo eego waa war soodhaweyn ku wanaagsan. In waddada ah in la wada hadlo, in la isu yimaaddo, albaabkeeu in uu marnaba xidhmo kuma wanaagsana dawlanimada“ ayuu qabaa Axmed Shire Axmed oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaadhista ee Hangool ahna bare iyo cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda PSU.

Axmed ayaana ku doodaya in markii hore labada dhinac u muuqdeen kuwo isku diiddanaa dano shakhsi ah, haddana ay u muuqdaan kuwo ka tanaasulay arrintaan.

“Midna ma sheegin, waxa ay iksu diideen ee ay ku kala kaceen, markaa waxa muuqataa in marxalad gaar ah oo labadooda u dhaxaysa ay ku kala duwanaayeen, hadda tii shakhsiga ahayd in lagu soo daalay baad mooddaa. Kolkaa dawladnimadaa waa lagu kala aragti duwanaan karaa waa na la isfahmi karaa. Taasaana hadda muuqataa“ ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Shire.

Puntland oo lagu naaneyso “Hooyada Federaalka” ayaa waxaa jiray arrimo dhowr ah oo ay hore isugu khilaafeen dowladda federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin arimaha wax ka beddelka dastuurka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo weliba dhincyo kale oo siyaasiya oo labada madaxweyne ay u ekaayeen in yihiin kuwo ku kala aragti duwan, taas oo ay ka mid tahay in madaxweyne Deni dhawr jeer ku eedeeyey Xasan Shiikh “takrifal“awoodeed‘ iyo in macnaha laga qaadayo xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ku magacdheeraa Faroole, ee soo hugaamiyay Puntland, kaas oo salka ku yahay intiisa badan qaar ka mid ah qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.

Wadashaqaynta ayaase heerkii ugu hooseyey gaartay muddadii lixda sano ahayd ee ugu danbaysay taas oo ka soo bilaamaysa muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda hadda ee Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabtay.

Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay, isaga oo bishii January mar kale dib loo doortay.

Maxaad Ka Taqaana hoggaamiyayaasha Golaha Ammaanka QM uu Cunaqabatayta kusoo rogay

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC}  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, Maxamed Cumar Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Mire ayaa lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, iyo diyaarinta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Waxaa lagu soo rogay cunaqabayn ka dhan ah lacagaha ugu kaydsan bangiyadooda iyo xayiraad dhanka socdaalka ah.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waa in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Go’aankan cunaqabataynta ah ayaa la sheegay inuu ka yimid codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka.

{DAAWO SAWIRADA} Tababar loo soo Xiray 70 Askari oo Baanda-Musiga Ka Mid Noqonaayo

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa tababar u soo xiray 70 Askari oo cusub oo ka mid noqonaya qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Boliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadda Tababarka loogu soo xiray ciidankaas waxaa goobjoog ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed {Kaniif} iyo Saraakiil kale, waxaana lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka Khaatumo oo gacanta ku dhigay gabdho Tahriibayaal ah Dibadda loo waday

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC}  Ciidanka booliiska maamulka SSC Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro tahriibayaal ah, kuwaa oo u badnaa haween la sheegay in loo waday meelo ka baxsan dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska booliiska Khaatumo ayaa lagu sheegay in xog ay heleen ay horseeday in gacanta ku dhigaan haweenkan tahriibayaasha ah, waxa ayna sheegeen in loo waday gabdhahan dad aan u naxeyn sida ay tilmaameen.

Booliiska Khaatumo ayaana digniin adag u diray dadka cadeestay tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale waalidinta dhalay dhallinyarada la tahriibinayo ugu baaqeen in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa carruurtooda.

”Ciidanka Bilayska ee SSC-KHAATUMO waxay u digayaan dad ka ku lugta leh ee caadaystay inay dhalinyaradan tahriibiyaan kana ganacsadaan ,iyagoo gacanta u galinaya dad aan u naxayn .Taliska Bilayska ee SSC -KHAATUMO waxay farayaan dhamaan waalidiinta inay ka war hayaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, kuna soo war galiyaan laamaha amniga si loo yareeyo khatarta tahriibka ee dhalinyarada” ayaa lagu yiri warka booliiska SSC kasoo baxay.
Ugu dambeyn booliiska Khaatumo ayaa ku amray shirkadaha socdaalka ee gobolada dalka inay ka digtoonaadan inay soo qaadaan dhallinyaro aan haysan dad ka masuula ama damiin ka ah , shirkadii lagu qabto inay la socdaan tahriibayaal ay la kulmi doonto sharciga lana ganaaxi doono.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Ciid ” khilaaf 20 Sano ka Badan soo jiray ayuu Maanta Ugaaska soo Afjaray”

0

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Xildhibaan Ciid ” khilaaf 20 Sano ka Badan soo jiray ayuu Maanta Ugaaska soo Afjaray”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Booliiska qeybta gobolka Banaadir oo dadka uga digay Qabyaalad iyo Inshax-xumo

Khamiis, 23 May, 2024 {HMC}  Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa maalmahan magaalada Muqdisho ka bilaabay in ay xir xiraan dadka ka shaqeeya iska horkeynta bulshada iyo sidoo kale dadka abuuraya xiisadaha iyo qabyaalada.

Ciidamada ayaana maalmihii lasoo dhaafay xabsiga dhigay dhallinyaro lagu eedeeyay kicin bulsho, qabyaalad iyo anshax-xumo, waxa ay sidoo kale booliiska xireen dad sameeyay dibad-baxyo rabshada wata iyo dad kale oo u gafay madaxda dalka iyo garsoorka.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa looga digay dadka in ay ka fogaadaan anshax-xumada , qabyaalada iyo wax kasta oo wax u dhimaya sharafta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

”Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta Qeyb ka yahay Hormarka Bulshada Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan Bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara Anshax xumo, sida Qabyaalada, Kicinta dadweynaha iyo wixii lamid ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa howlgalkan cusub ay bilaabeen ciidanka booliiska, kuwaa oo lagu soo xir xirayo dadka ku leh iska horkeenta bulshada iyo dadka wax ka sheega madaxda dalka

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalamayaasha AS waxey dileen caruurtoodii iyo xaasaskood

0

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Dagaalamayaasha AS waxey dileen caruurtoodii iyo xaasaskood

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 23/5/2024

0

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 23/5/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidan loo diyaariyay dagaalka AS oo lagu soo bandhigay Koonfurta Mudug

0

Khamiis, 22 May, 2024 {HMC} Ciidan loo diyaariyay dagaalka AS oo lagu soo bandhigay Koonfurta Mudug

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA