Home Blog Page 239

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Soo gaaray Muqdisho.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta Soo gaaray Magaalada  Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee FESOJ oo ka cudurdaartay ka mid noqoshada Guddiga Ilaalinta iyo La socodka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Xilliga Doorashada.

0

Tuesday Dec 16, 2025 {HMC} Xoghayaha Guud ee FESOJ oo ka cudurdaartay ka mid noqoshada Guddiga Ilaalinta iyo La socodka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Xilliga Doorashada.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Mudane Faarax Cumar Nuur oo magaciisu uu ku soo baxay Liiska Xubnaha guddiga ilaalinta iyo la socodka Habdhaqanka Saxaafadda ee Xilliga Doorashada ayaa cudurdaar rasmi ah ka bixinaya ka imid ahaanshahaa guddigaas.

“Federation of Somali Journalists- FESOJ, waxa uu u taagan yahay difaaca xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka sidaas darteed, mid shakhsi iyo mid ururba kama mid noqon karno mabaadii’deena wixii wax u dhimaya, waxaanna sii wadi doonnaa ku shaqaynta madaxbannaanida iyo kormeerka xaaladdaha Suxufiyiinta ku jira shaqooyinka, si aan loo dhantaalin dhowrista xorriyadda saxaafadda iyo ilaalinta saxafiyiinta guud ahaan Soomaaliya”.

Xoghayaha guud Faarax Cumar waxaa uu intaas ku daray in uu rajeynayo in mawqifkaas la tixigalin doono Insha Allah.

Statement on the 54th National Day of the Kingdom of Bahrain.

0

Tuesday Dec 16, 2025 {HMC}  H.E. Abdisalam Abdi Ali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Federal Republic of Somalia

I extend my sincere congratulations to the Government and people of the brotherly Kingdom of Bahrain on the occasion of their National Day, celebrated on 16 December and marking the 54th anniversary of this significant national milestone.

The Federal Republic of Somalia expresses deep appreciation for its fraternal ties with the Kingdom of Bahrain, grounded in mutual respect, shared values, and common aspirations, which have continued to grow through sustained collaboration, enhancing relations between the two nations, supporting development and prosperity, and laying the foundation for lasting partnership for generations to come.

Somalia looks forward to expanding cooperation with the Kingdom of Bahrain, fostering meaningful collaboration that advances mutual interests, strengthens institutional capacities, and encourages innovative initiatives, reinforcing the bonds between the two brotherly peoples and contributing to lasting stability and shared prosperity.

On the occasion of the National Day, Somalia conveys its warmest and heartfelt felicitations to the leadership and people of the brotherly Kingdom of Bahrain, wishing enduring prosperity, joy, happiness, and stability, with continued progress, security, and advancement.

Happy National Day! May Bahrain continue to thrive and prosper!

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagay Addis Ababa.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Hindiya , Narendra Modi ayaa maanta booqasho ku tagay Addis Ababa, halkaa oo wadahadallo uu kula yeelanayo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Booqashada waxaa ka horreysay socdaal ay Addis Ababa ku tageen Ra’iisul wasaaraha Singapore, Lawrence Wong oo sheegay inay Addis Ababa noqon doonto caasimadda labaad ee Afrika oo ay Singapore safaarad ku yeelato, waxaa ka horreyay Ra’iisul wasaaraha Malaysia, Anwar Ibraahim oo booqashadiisa Addis Ababa ay ahayd mid taariikhi ah ,

maaddama uu ahaa hoggaamiyihii u horreeyay ee ka socda Malaysia oo booqda Itoobiya, wuxuuna albaabka u furay iskaashi cusub oo ay yeelanayaan Addis Ababa iyo Kuala Lumpur.

Masar oo heshiis dhan $200 milyan la saxiixatay shirkadda Al Mana Holding ee laga leeyahay dalka Qadar.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Masar ayaa heshiis dhan $200 milyan la saxiixatay shirkadda Al Mana Holding ee laga leeyahay dalka Qadar, kaas oo ku saabsan mashruuc shidaal (sustainable aviation fuel).

Mashruuca ayaa laga hirgelin doonaa Aagga Dhaqaalaha ee Kanaalka Suweys, waxaana la filayaa in wejigiisa koowaad uu soo saaro ilaa 200,000 tan sanadkii.

Tallaabadan ayaa ah maalgelintii warshadeed ee ugu horreysay ee ay Qadar ka sameyso aaggaas, taasoo muujinaysa iskaashi laba geesood ah oo sii xoogeysanaya.

Masar ayaa dadaal ugu jirta soo jiidashada maalgelin shisheeye si ay uga hortagto caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira, oo ay ka mid yihiin deymaha dibadda iyo hoos u dhaca miisaaniyadda.

PM_Abiy receives Indian Prime Minister Modi at Addis Abeba’s Bole International Airport.

0

Tuesday Dec 16, 2025 {HMC} Prime Minister Abiy Ahmed Ali on Tuesday received Indian Prime Minister Narendra Modi at Bole International Airport, marking the start of Modi’s two-day official visit to Ethiopia. In a symbolic gesture, Abiy personally drove his Indian counterpart to the hotel.

During the drive, Abiy took Modi to visit the Addis Ababa Science Museum and Friendship Park, stops that were not included in the official itinerary, ANI reported.

Prime Minister Modi’s visit, the first by an Indian leader to Ethiopia in 15 years, is expected to include an address to a joint session of Ethiopia’s Parliament, alongside bilateral talks with Abiy focusing on investment, cybersecurity, and broader economic cooperation.

Officials described the visit as a “very historic moment” aimed at strengthening bilateral relations and deepening coordination on international issues, including United_Nations reforms and BRICS-related agendas.

“India and Ethiopia are two civilizational countries with a long-standing, deep, and friendly relationship,” said Randhir Jaiswal Rai, adding that the visit carries a “big and rich agenda” for expanding cooperation.

Discussions are also expected to cover education, health, defense, and regional and global affairs. Agriculture, which supports an estimated 80 percent of Ethiopian livelihoods, is set to feature prominently in the talks.

India also plans to launch several projects in Ethiopia under the International Solar Alliance, including solar rooftop systems, off-grid solutions, regional solar connectivity, and solar-powered irrigation pumps, aimed at expanding energy access and supporting poverty reduction efforts.

As part of his visit, Prime Minister Modi is also scheduled to meet members of the Indian diaspora living in Ethiopia.

Gen: Odawaa oo shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari oo La qabtay Muqdisho.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ka socda magaalada Muqdisho.

Kulankan, oo ay ka qaybgalayaan taliyeyaasha ciidamada waddamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa diiradda saaraya muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado amniga gobolka, maadaama nabadda gobolku ay tahay mid isku xiran, loona baahan yahay iskaashi joogto ah.

Taliye Odawaa ayaa tilmaamay in shirkan, oo markii labaad lagu qabanayo Soomaaliya, uu caddeyn u yahay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada ilaalinta amniga gobolka, isla markaana amniga waddan kasta oo ka mid ah gobolka uu yahay tiir muhiim u ah xoojinta nabadgelyada Geeska Afrika.

Shirka Kismaayo oo wajahaya caqabado dhaqaale kadib isbeddel ku yimid xiriirka DFS iyo Imaaraadka.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Shir ay mucaaradku ku lahaayeen magaalada Kismaayo ayaa wajahaya hoos-u-dhac ka qeybgal iyo caqabado dhaqaale, kaddib markii la hakiyey taageero la filayay in ay ka timaaddo Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Hmc Somalia oo xiganaysa xubno ka tirsan Baarlamaanka oo qaybgali lahaa shirka Kismaayo.

Imaaraadku Carabta ayaa horey u muujiyay diyaar garow uu ku taageerayo shirka Kismaayo dhinaca dhaqaalaha.

Hase yeeshee, wada-hadallo iyo isfahan la sheegay in ay dhexmareen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horseeday in maalgelinta la filayay ay istaagto.

Go’aanka Imaaraadka ayaa si toos ah u saamaysay qabanqaabada shirka, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu mucaaradka ku wargeliyay in uusan awood u lahayn bixinta kharashaadka safarka iyo deggenaanshaha dhammaan ka qeybgalayaasha Kismaayo imanaya.

Sidaa darteed, qof kasta oo shirka ka qeybgalaya ayaa lagu wargeliyay inuu iskiis u daboolo kharashaadkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu qaadan doono qarashka daganaasha dadka la casuumay qaarkood balse mucaaradku ay hoos u dhigaan dadka ay casuumayaan iyo in meesha laga saaro dhamaan dadka ka qaybgalkooda laga maarmi karo oo markii hore la qorsheeyay la geeyo Kismaayo.

Dadkaas waxaa ka mid ah xubmo ka tirsan bulshada Rayidka, aqoonyahano, odoyaal dhaqameed iyo guddi ka socda dadka ka cabanaya dhul boobka DFS.

Go’aankaas ayaa sababay in tiradii la filayay inay shirka xaadiraan ay hoos u dhacdo, maadaama caqabado dhaqaale ay soo food saareen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka.

Imaaraadka ayaa lagu eedeeyaa in uu xiriir la leeyahay dhamaan dhunacyada isku haaya siyaasada Soomaaliya isagoo kala ilaaliya in ay isku soo dhawaadaan.

RW Xamse Muxuu ka yiri 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo qoto dheer, ixtiraam madaxbannaani, is-fahan iyo iskaashi faa’iido wadaag ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tan iyo aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed sanadkii 1960-kii, labada dal ay wada joogeen marxalado kala duwan oo isbeddello gobol iyo kuwa caalami ah, isla markaana Shiinaha uu mar walba ahaa saaxiib ay Soomaaliya leedahay oo taageera mudnaanta Qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay taageerada Shiinaha ee dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda Waddankaas kaas oo ah hal milyan oo doollar oo loogu talagalay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa garab istaag dhab ah iyo saaxiibtinimo fog.

Munaasabadda Waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, qaar ka mid ah danjireyaasha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo marti-sharaf kale.

Mareykanka oo mar kale qaaday weerar dad ku dhinteen iyo Warar dheeraad ah oo ka soo baxaayo.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Milatariga Dowladda Maraykanka ayaa sheegay inuu weeraray saddex doon oo lagu tuhunsanaa ka ganacsiga daroogada kuwaas oo ku sugnaa Badweynta Baasifigga, taas oo keentay dhimashada siddeed qof.

Taliska Koonfureed ee ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaal muujinaya weerarrada, isagoo sheegay in doomahaasi ay ku socdeen marinno si fiican loogu yaqaan ka ganacsiga daroogada isla markaana ay ku lug lahaayeen hawlgallo daroogo tahriibin ah.

Sida uu sheegay milatarigu, in ka badan 20 doon oo ku sugnaa Badweynta Baasifigga iyo Kariibiyaanka ayaa la weeraray bilihii la soo dhaafay, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 90 qof.

Arrintani waa qayb ka mid ah olole uu madaxweyne Donald Trump ku qaadayo kooxaha uu ku eedeeyo inay daroogo ku tahriibiyaan gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro qaar ayaa sheegaya in weerarradan ay suurtagal tahay inay jebiyaan sharciga caalamiga ah.

Weerarkii ugu horreeyay ee dhacay 2-dii Sebtembar ayaa muran gaar ah dhaliyay, maadaama la sheegay inuu ahaa weerar laba jeer ah, halkaas oo dadkii ka badbaaday weerarkii koowaad lagu dilay weerarkii labaad.

Khubaro dhanka sharciga ah ayaa u sheegay BBC Verify in weerarka labaad ee ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen doon lagu tuhunsanaa tahriibinta daroogada oo laga lahaa Venezuela uu noqon karo mid sharci-darro ah, isla markaana loo tixgelin karo dil sharciga ka baxsan marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabooyinka la qaaday ay waafaqsan yihiin shuruucda dagaalka, isla markaana loogu talagalay in lagu ilaaliyo.

Maraykanka kooxaha ka ganacsada daroogada wuxuu ku eedeynayaa inay “sun dalka soo gelinayaan oo burburinayaan nolosha muwaadiniinta.”