Home Blog Page 240

AUSSOM Reviews Operations to Strengthen Support for Somalia’s Security Transition

0

Tuesday December 16, 2025 {HMC}  -The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia (SRCC) and Head of the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM), Ambassador El Hadji Ibrahima Diene, on Monday opened a two-day meeting of AUSSOM’s Force Commander and Sector Commanders to review operational performance and reinforce support for Somalia’s security transition.

Held at AUSSOM Force Headquarters in Mogadishu, the meeting brought together senior military and civilian leaders to assess progress across the Mission’s five sectors, address operational challenges, and align priorities for the next phase of operations in close partnership with the Federal Government of Somalia.

AUSSOM Force Commander Lt. Gen. Sam Kavuma said the review comes at a critical moment as the Mission approaches the end of its first year since launching on 1 January 2025, following the transition from ATMIS. He noted that while progress has been made in supporting Somali forces, resource constraints remain a key challenge.

Ambassador Diene emphasized that AUSSOM’s success depends on strong coordination with Somali Security Forces, unity of effort across sectors, and a clear focus on Somali-led stabilization. He stressed that joint operations must not only clear areas of Al-Shabaab but also help hold them and create space for governance, reconciliation, and basic service delivery.

As AUSSOM prepares to enter its second year in 2026, the meeting reaffirmed the African Union’s commitment to protecting security gains and supporting the gradual handover of responsibilities to Somali institutions, in line with Somalia’s long-term peace and stability goals.

Source Sonna

Maxkamadda ICC oo diiday xayiraadda Israa’iil ee baaritaanka dagaalka Qasa.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Garsoorayaasha rafcaanka ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa diiday codsiga Israa’iil ee ahaa in la joojiyo baaritaanka maxkamaddu ku hayso dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Qasa.

Go’aankii hore ee maxkamadda, oo xaqiijinayay in ICC ay awood sharciyeed ku leedahay Qasa, weli wuu shaqaynayaa, sidoo kalena amarro xarig ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant ayaa weli jira.

Garsoorayaashu waxay diideen inay beddelaan go’aan hore oo oggolaanayay in baaritaanka xeer-ilaalintu uu ku jiro dhammaan dhacdooyinka ka bilowda weerarkii ay 7-dii Oktoobar 2023 fuliyeen koox falastiini ah oo hubeysan, kaas oo sababay bilowga dagaalka.

Tani waxay muujinaysaa in baaritaanku uu socdo iyada oo aan wax carqalad ah ka hor imaan.

Israa’iil waxay diidday awoodda sharciyeed ee maxkamadda ku taalla Hague, waxayna beenisay inay gashay dambiyo dagaal, iyadoo sheegtay in ol’olaha militari ee ay waddo uu yahay mid lagu ciribtirayo Xamaas kadib weerarradii 7-dii Oktoobar.

Go’aankan wuxuu quseeyaa oo keliya mid ka mid ah dhowr caqabadood oo sharci ah oo ay Israa’iil ka gudbisay baaritaanka ICC iyo amarada xarigga ee saraakiisheeda.

Maxay ka wada hadleen MW Xasan shekh iyo Wasiir ka tirsan Sweden.?

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah.

DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 16-12-2025

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC}  Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 16-12-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan dilka Wiil bajaajle Ahaa.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo loo haysto inuu ku dilay habeen hore degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay mooto Bajaaj.

Eedeysanahan oo ay gacanta kusoo dhigan ciidanka Booliiska ee ka howlgala degmada Deyniile ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Axmed Geedi oo ku eedeysan dilka marxuum lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Maxamed, kaasoo aanan wali la aasin meydkiisa kuna jira Firinjeer.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanahan si deg deg ah loo horkeeni doono cadaaladda.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay eedeysane S/le Cabdullaahi Axmed Geedi, oo ku eedeysan inuu Degmada Dayniile ku dilay marxuum C/risaaq Abuukar Maxamed, oo ahaa wade mooto bajaaj, eedeysanaha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadda ku shaqada leh” ayaa lagu yiri warka kasoo saaray Taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Ninkan Booliiska uu soo bandhigay ayaa loo heysta dilka wiil dhalinyaro ahaa oo la sheegay in isaga iyo xaaskiisa dhawaan safar isugu diyaarinayeen dalka Mareykanka, maadama ay ka mid noqdeen kumanaan qof oo nasiibka u helay baqtiya nasiibka Lottery-ga oo ay Mareykanka sanad waliba fursad u siiyaan kumanaan qof oo ku kala nool daafa caalamka.

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Oo Gaaray Sh-dhaxe.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar “Gen Khaalid” ayaa kormeer shaqo ku tegay Deegaano dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellaha Dhaxe .

Taliyaha oo ey wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn kulamo la qaatay Maamulka Degmada Balcad oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada Qaasim Cali Nuur Qaasim Furdug iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada dhaca jiinka webiga ee gobolka shabeellada dhexe.

Gen Sahal Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay sida naf hurnimada leh ee geesiyaasha ciidanaka xoogga dalka soomaaliyeed u dhabar jebinayaan cadawga argagexisada ah , waxa uuna faray saraakiisha ineey laba jibaaraan waajibaadkooda ciidan .

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa wada howlgallo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo khawaarijta lidiga ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed , iyagoo sameeyay howlgalo guulaystay oo sababay amni iyo xasilooni baahsan oo ay heleen shacabka soomaaliyeed. 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo AS kala wareegay Deegaano ku yaallo Sh/Hoose

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo AS kala wareegay Deegaano ku yaallo Sh/Hoose

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Duleedka Kismaayo

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC}  Mareeykanka oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Duleedka Kismaayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo jaray qeeybo kamid ah dhaqaalihii uu siinjiray Soomaaliya.

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Turkiga oo jaray qeeybo kamid ah dhaqaalihii uu siinjiray Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Weerar Sababay dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Nigeria

0

Talaado Dec 16, 2025 {HMC} Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay dhowr kalena waa la afduubtay ka dib markii rag hubaysan ay weerareen kaniisad ku taal gobolka Kogi, waqooyiga-dhexe ee Nigeria, sida ay sheegeen saraakiisha dawladdu.

Weerarka ayaa ka dhacay kaniisadda Evangelical of the West African Community (ECWA) ee ku taal aagga Aaaz-Kiri ee Degaanka Dowladda Hoose ee Kabba/Bunu.

Sarkaal ka tirsan dowladda gobolka, oo la hadlay BBC-da laakiin codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in ragga hubaysan ay galeen kaniisadda xilli ay dadku cibaadeysanayen, ayna rasaas fureen, kuwaas oo afduubtay qaar ka mid ah xubnaha kaniisadda, iyagoo aan shaacin tirada.

Weerarradan dhawaanahan waxay sii iftiiminayaan amni-darrada socota ee ku habsatay Nigeria, gaar ahaan gobollada waqooyi iyo bartamaha dalka, halkaas oo kooxo hubaysan ay ka geystaan ​​weeraro, afduub, iyo weeraro tuulooyin iyo goobo cibaado.