Talaado-21-May-2024 {HMC} Kooshin 6 Howlwadaag 5 Tartanka Lagu Soo Dhawaynayay Ugaas Yuusuf oo meel Xiiso Leh Maraya
{DAAWO MUQAALKA} Beesha Afgaab oo Soo Dhaweeyn u sameeysay Wabarka Beesha Baadicade.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Beesha Afgaab oo Soo Dhaweeyn u sameeysay Wabarka Beesha Baadicade.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} War Deg Deg Ah Dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya
Talaado-21-May-2024 {HMC} War Deg Deg Ah Dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Xasan Sheekh oo shaaciyay qodobada uu Ruushka kala hadlay
Talaado-21-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha dowladda Ruushka u jooga Soomaaliya Mikhail Golovanov.
Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya ay la kaashato dalalka caalamka oo dhan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa safiirka Ruushka kala hadlay sidii labada dal ay iskaashi uga yeelan la haayeen dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS.
Sidoo kale Safiirka ayaa sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka AS.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay dalka kaga xoreynayaan AS.
Madaxweynaha ayaa sheegay deegaano kooban ay dalka kaga sugan yihiin AS, waxa uuna hoosta ka xariiqay in AS Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.
Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal.
maxkamadda ICC oo in waaran qabasho ah ujartay RW Israa’iil iyo saraakiil Xamaas ah.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas, kuwaas oo loo haysto dembiyo dagaal oo ka dhacay Qaza, iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa loo gudbinayaa saddex garsoore oo kuwaas oo qiimayn doona caddaymaha uu soo ururiyey, ka dibna ka go’aan gaadhi doona in waaran qabasho ah oo rasmi ah loo jaro saraakiisha eedda lagu soo oogay.
Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC ayaa dhaliyey falcelin kala duwan. Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa arrintan ku tilmaamay “inuu yahay wax laga xumaado oo muujinaya heerka uu nidaamka garsoorka ee caalamiga ahi uu khatarta ugu jiro inuu burburo”.
Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa isaguna go’aanka maxkamadda dembiyada caalamiga ah ku tilmaamay inuu yahay “go’aan fool xun”
Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka maxkamadda ICC, inay is-barbar dhigton weerarkii ay Xamaas qaadday Israa’iil ee ay dadka ku afduubatay iyo hawlgallada milateri ee ay Israa’iil ka waddo Qaza.
Sidoo kale xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray hadalka madaxweynaha, isaga oo ceeb ku tilmaamay, in maxkamadda ICC ay isbarbardhigto Israa’iil iyo Xamaas.
Xoghayaha arrimaha debedda ayaa intaas ku daray in go’aankani uu wax u dhimmi karo, dedaalada socda ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda Qaza, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha, lana kordhiyo gargaarka la geynayo Qaza, kaas oo ah, ayuu yidhi Blinken, inay yihiin dedaalada joogtada ah ee uu wado Maraykanku.
Ururka Xamaas ayaa isaguna dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xidho saddex ka mida saraakiisha sarsare ee ururkooda. Waxay ku eedeeyeen dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey.
Qoraal ay soo saareen Isniintii shalay ayay Xamas ku sheegtay inay xaq u leeyihiin inay iska difaacan qabsashada Israa’iil ee dhulkooda, oo ay ku jirto iska caabbin hubaysan.
Balkees Jarrah, oo ah ku xigeenka agaasimaha cadaalada caalamiga ah ee ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa bogaadiyay go’aanka Khan.
Wuxuu sheegay in tallaabadani ay iridaha u furi doonto, in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa, dembiyada la geystay bilihii ugu dambeeyey, isla markaana in la soo taago maxkamad cadaalad ah.
Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aanta ICC.
Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in xafiiskiisu uu aaminsan yahay in shanta qof ay masuul ka yihiin, dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacuba “ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada dagaalka iyo dembiyada kale ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dhacay, oo ay ku jiraan, inay gaajaysiinta dadka rayidka ah u isticmaaleen hab dagaal iyo inay si badheedh ah u bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah “iyaga oo u arka hab ay ku cidhibtiri karaan Xamaas, una soo dayn karaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, sidoo kalena waxay si wada-jir ah u ciqaabeen dadka rayidka ah eek u nool marinka Qaza, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay halis ku yihiin Israa’iil.
Khan ayaa intaas ku daray in hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, taas oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jidhdil.
Dacwad oogaha ayay tahay inuu codsi waaran qabasho u gudbiyo saddex xaakin oo qiimayn doona caddaymaha uu hayo, ka dibna waxay go’aamin doonaan in aqbalaan in la soo xidho.
OCHA oo sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka ee Somalia
ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dhimashada cudurka Daacuunka taasoo kor u dhaaftay 120 qof tan iyo bishii January.
10,647 xaaladood oo cusub oo cudurka Daacuun ah ayaa laga soo sheegay toddobo gobol oo kamid ah Soomaaliya, taasoo ka dhigan heerka dhimashada kiisaska cudurka Daacuunku inuu gaaray 1.1 boqolkiiba.
“Waxaa loo baahan yahay dhaqaale dheeraad ah si loo daboolo baahiyaha dadka ay dhibaatadu saameysey,” OCHA ayaa ku tiri warbixinteeda.
OCHA waxa ay intaa ku dartay in roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya dalka la filayo in ay uga sii daraan cudurka Daacuun caloolaha oo markii horeba si aad ah uga dilaacay meelaha qaar.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamtay cudurka daacuunka ee ka dillaacay Soomaaliya inay sabab u tahay tirada sii kordhaysa ee dadka, kuwaasoo aan haysan biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan.
Sannadkii 2023-kii, in ka badan 18,304 xaaladood iyo 46 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan kala badh ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano jir.
{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad
Isniin 20 May 2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu soo dhaweeyay degaanka Cowmaad
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Waa Kuma Ninka Ku Hajabay in Afgambi Beeshiisa Dalka Ku Qabsaneeyso ee La Soo Xiray?
ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Liibaan Khaliif Abtidoon oo maalmo kahor warbaahinta ka sheegay in beeshiisa ay dalka afgambi ku qabsan doonto.
Ninkan oo warbaahinta kasoo muuqday isaga oo ka hadlaya kiiska Sayid-Cali ayaa hanjabaaddan hawada mariyay, isagoo ku goodiyay in haddii aan la soo deyn Sayid-Cali ay afgambi ku qabsan doonaan dalka.
Ciidanka booliska qeyta guud gaar ahaan Saldhiga Booliska Hodan ayaa soo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo hadda ku eedeysan in uu ku kacay fal lidi ku ah amniga guud iyo kicin bulsho.
“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee kunool caasimada in ay ka fogaadaan baanaan-baxyada rabshadaha huwan iyo ka hadlida arimaha uu ka dhalan karo fal damiyeeydka,” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska ku shaaciyay inuu soo qabtay ninkaan.
Booliska ayaa sidoo kale bulshada ka dalbaday in hadii ay la kulmaan falal ammaanka lid ku ah ama cabasho gaar ah ay la xiriiraan xafiiska gurmad ee ciidanka booliska.
Kiiska Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi, ayaa Arbacaddii markale lagu xukumay dil toogasho ah.
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayiday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, waxayna Sayid-Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Luul.
Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah.
Sayid-Cali ayaa haatan haysata fursad kale oo uu ku qaadan karo Racfaan, kuna aadi karo maxkamadda sare oo iyadu leh go’aanka ugu dambeeya, taas oo sii dheereyn karta kiiska.
maxkamadda Dembiyada Caalamiga oo dalbatay in la soo xiro Raisul Wasare Netanyahu & Wasiirkiisa Difaaca
ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Dacwad oogaha maxkamadda Dembiyada Caalamiga {ICC} ayaa dalbaday in la soo xiro Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant.
Sidoo kale waxaa ay maxkamadda dalbatay in la soo xiro hoggaanka sare ee ururka Xamaas, kuwaaso kala ah; Ismail Haniya, madaxa siyaasadda ee ururka Yaxye Sinwar, madaxa Xamaas ee Qasa iyo taliyaha guutada hubaysan ee Xamaas, Maxamed Deif.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah {ICC}, Karim Khan ayaa shaaciyey go’aankan.
“Netanyahu iyo Gallant ayaa mas’uul ka ah dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee ka dhacaya Qasa, Waxay sababeen dabar goynta dadka iyo gaajada oo ah ficil dagaal — Haddii aynaan muujin rabitaankeena ah inaan si siman u ixtiraamno sharciga, tani waxay la macno tahay burburka sharciga.” ayuu yiri
Waxaa kalo uu dembi dagaal u aqoonsaday weerarkii Xamaas ay qaaday 7 Oktoobar.
Markii uu soo baxay go’aankan, warbaahinta Israa’iil ayaa bilowday inay ku sheegto go’aan ceeb caalami ah ku ah Netanyahu oo inta ay dacwada socotay dadaal ku bixinayay inuusan soo bixin go’aanka ay {ICC} ku dalbaynayso in la soo xiro.
DFS iyo dowlad goboleedyada Shir Wadatashi oo u dhaxeeyay oo maanta lasoo xiray
ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa soo xiray shir wadatashi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta amniga Soomaaliya.
Shirkaas oo socday labo maalmood ayaa looga hadlay mashruuca wadajirka booliiska {JPP-2} sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ciidamada ATMIS.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bogaadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah uu ka socdo.
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.



