Talaado-21-May-2024 {HMC} Jabuuti Iyo Soomaaliya Hal Cadow Ayeey Noo Yihiin “Feysal Cali Waraabe”
{DAAWO MUQAALKA} Barnaamijka Shaqo Carbinta Dhalinyrada laaacaanood
Talaado-21-May-2024 {HMC} Barnaamijka Shaqo Carbinta Dhalinyrada laaacaanood
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Somaliland oo Sheegtay in ay dhawaan shaacin doonto natiijada heshiiskii ay la galeen Itoobiya.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu xilligan marayo heshiiskii ay la gaareen dowladda Itoobiya.
Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiskii isfaham ay la galeen dowladda Itoobiya uu hadda marayo heer gabogabo ah, waxa uuna xusay in dhawaan uu ka soo bixi doono heshiiskaasi wax lagu farxo oo dan u ah labada dhinac.
Wasiir Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga ganacsi ay la leeyihiin dalka Itoobiya iyo adeegsiga dekedda Berbera uu kor u kacay muddooyinkii ugu dambeeyay, ayna rejo ka qabaan in uu sii kordho.
Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in wakiilkii Itoobiya u joogay magaalada Hargeysa hadda loo badelay safiir rasmi ah. Waxa uuna xusay in Itoobiya ay la leeyihiin xuduud dheer ayna lahaayeen muddo 30-sanno xiriir qoto dheer.
“30kii sannadood ee u dambeeyay xidhiidh qotodheer bay lahaayeen sida mid amni iyo ganacsi. Waana dalka xudduuda ugu dheer la leedahay Somaliland. Xudduuda aanu Soomaaliya la leenahay waxa ka dheer ta Itoobiya.sidaas awgeed, wax badan baa iskaga kaaya xidhan dhinaca siyaasadda iyo amniga wax waliba way iskaga ka xidhan yihiin Itoobiya.” ayuu yiri wasiir Cali Mareyxaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya sheegtay in ay xireyso qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid riyo dhalanteed ah.
“Soomaalidu waxay tidhaa gacan aanad go’yn karayn waa la dhunkadaa ee Soomaaliya inta ay leedahay waxaanu xidhaynaa wax aanay xidhi karayn inay si saaxibtinimo ah ula dhaqmaan Somaliland iyo Itoobiya ayey ahayd,” ayuu yiri Wasiirku.
Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in heer gabogabo ah marayo hirgelinta heshiiskii ay la galeen Itoobiya, lana maqli doono dhawaan war farxad leh oo heshiiskaasi kusoo kordha.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {21.05.2024}
Talaado-21-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Maanta ka Cusub Fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne
Talaado-21-May-2024 {HMC} Maxaa Maanta ka Cusub Fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Hal Dollar Ayaan Kudhisaynaa Magaalada Muqdsiho”Gudoomiye Madaale”
Talaado-21-May-2024 {HMC} Hal Dollar Ayaan Kudhisaynaa Magaalada Muqdsiho”Gudoomiye Madaale”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Damaashaadka Xeebta Liido Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo R.wasaare Xamsa.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Damaashaadka Xeebta Liido Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo R.wasaare Xamsa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
RW Xamza iyo madaxda Maamulada oo xalay Booqday Xeebta Liido.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo HirShabelle ayaa xalay tegay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha iyo saddexda maamul goboleed ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido, taasi oo ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada ku wehlinayay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha.
Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada oo uu ka qabsoomay shirka Wadatashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay maalintii Jimcihii.
Shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxay dhinacyadu heshiis ka gaareen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.
Golaha ayaa markaas isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyada oo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka
Si kastaba, Amniga Muqdisho ayaa soo reysanayay bilihii dambe, ayada oo laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiro inta badan kaamirooyin, si loo helo raad-raac amni, ugana qeyb qaatan xaqiijinta amniga caasimada.
Kenya iyo Uganda oo kawada hadlay qorshaha ATMIS ee Somalia
Talaado-21-May-2024 {HMC} Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Kenya ee Nairobi, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya oo labada dal ay ciidamo ka joogaan, si gaar ah madaxda labada dal ayaa aad u gorfeysay qorshaha ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ayaa kulanka ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi kadib waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan darrada uu gobolka ku keeni karo qorshaha bixitaanka ciidanka ARMIS ee Soomaaliya jooga.
Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan waxay hoos ka xariiqeen in dowladda Soomaaliya ay ku garab sii doonaan wax kasta oo ay awoodaan.
Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.
“Intii uu socday kulankii aan la lahaa Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinay yaraynta iyo bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaana isla qaadanay in yaraynta iyo wakhtiga loo qabtay ay la jaanqaaddo xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.
Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ee ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya, sidoo kale waa dalkii ugu horeeyey ee ciidan u soo diray Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Kenya ayaa door muhiim ah ku leh howlgalka 15-ka sano ay ATMIS ka wado Soomaaliya.
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub oo kaalin weyn ku leh dib u dhiska amniga dalka ayaa horay uga digay ka bixitaanka iyo yaraynta ciidamada ATMIS, iyagoo qaba in weli ciidanka Soomaaliya aysan yeelan awood ay kula wareegaan amniga qaranka.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay ku filan tahay sugidda amniga dalka, ciidamada qaranka oo dhisme xoog leh uu ku socdo ayaa dagaal adagna kula jira kooxaha argagixisada ah, waxaana hadda cadaatay in ciidanka Soomaaliya ay argagixisada ka adkaa karaan, iyagoo aan garab ka heleyn ATMIS.
{DAAWO MUQAALKA} Maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay Gobolka Sh/dhexe oo la kala qaaday.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay Gobolka Sh/dhexe oo la kala qaaday.



