Talaado-21-May-2024 {HMC} Turkiga oo baaraya sababta burburka diyaaradii Iran iyo xoga baxayo
{Daawo SAWIRADA} Gaari Rasaas Iyo Saanad Ciidan U Waday AS oo La Qabtay
Talaado-21-May-2024 {HMC} Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Ururka 86-aad ee guutada 77 ayaa gacanta ku dhigay Gaari nuuca Soomaalida u taqaan Layla Calaawi ah oo rasaas iyo saanad kale u siday Al Shabaab .
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay heleen xogta gaarigan waday rasaasta iyo saanada kale kuna sii jeeday deegaannada Al Shabaab maamulaan, waxaana gaariga lagu qabtay deegaanka Mary-suley oo u dhow xadka Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.
Gaarigan iyo dadkii la socday ayey ciidamada ku wadaan baaritaanno, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in gaariga alaabta saaran ee saanada iyo agabyo kale loo waday Al Shabaab.
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deeegaanno iyo degmooyin katirsan Hirshabelle iyo Galmudug ayaa marar badab qabtay gaadiid rasaas, daawooyin iyo agabyo kale u waday kooxda Al Shabaab .

Madaxweyne Putin oo tagaya dalka Iran si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi
Talaado-21-May-2024 {HMC} Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin uu maanta ku wajahan yahay dalka Iran, si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi Ebrahim Raisi.
Warbaahinta Ruushka qaarkood ayaa baahiyay in Madaxweyne Putin u tagayo Iran si uu uga qeyb galo aaska Madaxweynihii dalkaasi Raisi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo dowladda dalkaasi katirsanaa.
Ammaanka Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa la sheegay in ammaankiisa si weyn loo adkeenayo, waxaama diyaarada khaaska ah uu la socdo waardiye ka qaban doona afar diyaaradood oo nuuca dagaalka ah.
Dowladda Ruushka ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhaw la leh dowladda Iran oo go’doomiyeen dowladaha reer Galbeedka, Iran ayaana Ruushka ku taageertay duullaanka uu ku qaaday Ukraine waxa ayna siiyeen diyaarado dagaal.
Maxeey Tahay Musiibada xooggan oo kusoo wajahan Muqdisho, Baraawe iyo Kismaayo oo laga digay?
Talaado-21-May-2024 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ka digtay duufaaano culus oo loogu magacdaray 𝗟𝗮𝗹𝘆, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaana bulshada uga digtay in ay ka taxadaraan duufaantan oo laga cabsi qabo in dhibaato ka geestaan deegaannada ay kusoo wajahn yihiin .

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo ee Hiiraanweyn 21-5-2024
Talaado May, 21, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo Mustaf Cali Cadoow & Sahra Gabre
Farsamadii ::Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
nin dil arxandaro Ah ugu geestay Muqdisho Hooyo Soomaliyed oo Xukun adag lagu riday
Talaado-21-May-2024 {HMC} Maxkamadda derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Ibraahim Aadan Maadeey, kaa oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuna dilay Muqdisho hooyo la shaqeeneysay maamulka degmada Hodan.
Ninkan ayaa Al Shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe,waxa uuna soo qaatay tababar ku aadan sida dilalka gaadmada ah loo fuliyo, waxa ayna Al Shabaab usoo direen magaalada Muqdisho si uu dilal uga geesto.
Maxkamadda ciidamada ayaa Ibraahim ku heshay in 2-bishii Jannaayo ee sannadkan afaafka hore ee gurigeeda oo kuyaalla degmada Hodan gaar ahaan waaxda Kacaan ku dilay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed .
Ninkan ayaana markii uu dilay hooyadan Soomaaliyeed isku dayay in uu ka baxsado laamaha ammaanka, waxaana si deg deg ah ninkan u dhaawacay gacantana ugu dhigay ciidamada ammaanka oo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey dil toogasho oo ah qisaastii marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.
{DAAWO MUQAALKA} Madaxda Puntland oo ka qeeyb Galay Aaska Xildhibaan shil ku dhintay.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Madaxda Puntland oo ka qeeyb Galay Aaska Xildhibaan shil ku dhintay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxda Puntland oo ka qeeyb Galay Aaska Xildhibaan shil ku dhintay.
Talaado-21-May-2024 {HMC} Madaxda Puntland oo ka qeeyb Galay Aaska Xildhibaan shil ku dhintay.
HOOS KA DAAWO
MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Afgambi Fashilmay oo ka dhacay Dalka Koongo
Talaado-21-May-2024 {HMC} Afgambi Fashilmay oo ka dhacay Dalka Koongo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Waa kuma ninka awoodda badan ee bedelaya Madaxweynihii geeriyooday ee Iiran?
Talaado-21-May-2024 {HMC} Waa kuma ninka awoodda badan ee bedelaya Madaxweynihii geeriyooday ee Iiran?



