Home Blog Page 2400

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 19-05-2024.

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo shugri Bartare Maxamuud & Abdiyare

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Maxaa Ka Jiro in QM aay qaadayso tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka PUNTLAND iyo DF Soomaaliya?

Axad, May, 19, 2024 (HMC) – Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland kadib booqasho ay ku tegtay Garoowe.

Catriona Laing ayaa la kulantay madaxweyne Saciid Deni, ayada oo kala hadashay sidii uu u furi lahaa wada-hadal uu la galo dowladda, si xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa sidoo kale la’isla soo hadal qaaday arrinta dastuurka oo ah midda dhalisay xiisada u dhexeysa labada dhinac, kana carootay Puntland.

“Iyada oo sii wadda kulamada sagootinta ah oo ay la qaadaneysay madaxda Soomaaliyeed, ayey Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Catriona Laing maanta booqatay Garoowe, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni iyo golahiisa wasiirada, iyagoo ka wadahadlay taageerada Qaramada Midoobay ee dhinaca horumarka iyo baahida loo qabo wada-hadal loo dhan yahay oo dhex mara DFS iyo Puntland oo ku aaddan hannaanka dastuurka Soomaaliya ee hadda socda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.

“Annigana dabcan, waxaan u soo jeediyay kaalinta ‘xafiisyada wanaagsan’ ee QM si ay arrintaasi ugu taageeraan,” ayay hadalkeeda ku dartey Ms. Laing.

Dhinaca kale waxay Puntland iyo QM ka wada-hadleen arrimaha hortabinta leh oo ay ugu horreeyaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii looga wada shaqey lahaa labada dhinac.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa – Maanta wuxuu kulankiisii ugu horeeyay la yeelanayaa golahiisii wasiirada ee cusub kaas oo ay kaga wada hadlayaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii ay horey ugu sii wadi lahaayeen” ayay tiri Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Waxaa kale oo ay raacisay “Mowduucaasi wuxuu ka mid ahaa mowduucyadii aynu ka wada hadalnay,” ayay tiri iyadoo hadlkeeda sii wadata “iyo [sidoo kale] kaalinta ay QM ka qaadan doonto taageeridda tiirarka kala duwan ee qorshahooda horumarinta – waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in uu hammi sare u hayo hawshaasi.”

Si kastaba, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaqadeeda soo gebogeboobeyn doonta goor dambe oo bishan Maajo dhexdeeda ah, waxayna maalmahan dambe kulamo macaslaameyn ah la yeelanaysay hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

0

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Maleeshiyo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay xaduuda Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu SheiKh Shariif Ka Yiray Qodabada Kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo ayaa War-Saxaafadeed ka soo saaray qodobada ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho intii u dhaxaysay 14-17ka May, 2024, waxaana qoraalkaan lagu muujiyey saluug xoog leh.

Bayaankaan ayaa lagu sheegay in shirkaan aysan ka soo bixin qodobadii la filayey in go’aan looga gaaro sida xal u helidda khilaafka ka taagan hanaanka loo dhameystirayo dastuurka, Xisbiga Sheekh Shariif ayaa qoraalkaan ku sheegay in arrinta dastuurka hadii sidaan ay ku sii socoto ay halis weyn ka dhalan karto.

Sidoo kale waxaa madaxda golaha wadatashiga qaran lagu dhaliilay in aysan waxaba ka dhihin heshiiskii sharci darrada ahaa ee Muuse Biixi uu badda ugu saxiixay Itoobiya iyo ka maqnaashaha Puntland ee shirka golaha wadatashiga qaran, waxaana qoraalkaan golaha looga dalbaday in deg deg loo xaliyo tabashada Puntland ay shirarkaan masiiriga ah uga maqan tahay.

Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo Qaran ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay nin wada awood marooqsi iyo inuu ka shaqeeyo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, maadaama uu kaligiis ka shaqeynayo.

Xisbiga ayaa golaha u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo sareynta sharciga, waxaana arrimahaas lagu soo koobay 8 qodob oo ay ka mid yihiin.

In xal degdeg ah loo helo ka maqnaashaha Puntland ee shirka golaha wadatashiga qaran, maadaama mabaadii’ida uu golahaani u dhisan yahay ay wadar ogol tahay.

In loo diyaar-garoobo fatahaadaha ka dhalanaya isbedelka ku yimid cimilada addunka, iyadoo la caawinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, loona digayo kuwa weli ku nool goobaha halista ugu jira inay saameeyaan fatahaafaha la saadaalinayo.

In golaha wadatashiga qaran ay masuuliyad gaar ah iska saaraan xal u helidda khilaafka ka taagan qaabka loo dhameystirayo dastuurka.

In wax laga bedelo dagaalka Al-Shabaab, laguna wajaho qorshe dagaal oo quburo ciidan ay dejiyeen, iyadoo qorshe cad laga yeelanayo bixitaanka ciidamada ATMIS.

In madaxda dowlad goboleedyada uu waqtigu u dhamaaday ay qabtaan doorasho hufan, taas oo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka uu u ogolaanayo.

Iyo in golaha wadatashiga qaran uu dejiyo qorshe lagu difaacayo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana looga hortegi karo damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya.

Dhinaca kale Xisbiga Himilo Qaran ayaa lix qodob kula taliyey Xasan Sheekh, iyadoo qodobka koowaad looga dalbaday inuu faro-gelinta ka daayo doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa laga dalbaday inuu ku soo laabto dariiqa sharciga ah, iyadoo lagu eedeeyey in hadda uu ku howlan yahay sameynta dastuur iyo hanaan doorasho oo aan heshiis lagu aheyn.

In Xasan Sheekh uu garowsado in dalka aysan ka dhici karin doorasho uu kaligiis kasoo shaqeeyey, isla markaana aysan ka soo bixi karin natiijo la isku raacsan yahay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa lagula taliyey inuu ka tanaasulo rabitaanka siyaasadeed ee madaxdii ka horeysay ay ku hungoobeen, iyadoo looga digay inuu sameeyo hanaan iyo guddiyo doorasho oo aan la isku raacsaneyn.

Hoos ka akhriso bayaanka Xisbiga Himilo Qaran.

{DAAWO MUUQAALKA} Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

0

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Biyaha barakiciyay bulshada Baledweyne oo la sheegay in lasoo daayay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Barakac ka Socda Baladweyne iyo Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay.

0

Axad, May, 19, 2024 (HMC) – Qeybo ka mid ah Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.

Laamaha Dhagax jibis, Raadeerka, Kutiimo iyo laabka oo ka kala tirsan xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ah ayaa ah goobaha ilaa Xalay qoysaska ugu badan ay ka qaxayaan.

Qaar ka mid ah dadka ka barakacay xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa inoo Hiiraanweyn in meelo badan oo horay biyaha looga xiray in kooxo ka macaasha barakaca fatahaada ay so fureen biyaha, taasina ay sababtay in qoysaskii ugu badnaa guryahooda biyaha uga barakacaan.

Dadka ku nool xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag ayaa haatan wajahaya cabsidii ugu xooganeyd, maadama wabiga heerkiisu uu gaaray halkii ugu sareysay, islamarkaana ay jiraan kooxo doonaya iney biyaha kusoo furaan dadka shacabka ah si ay u barakacaan.

Si kastaba ha ahaatee sanad walba marka uu wabiga Shabeelle keeno biyo aad u farabadan waxaa jira kooxo caadeystay iney soo furaan biyaha wabiga, mana jiro maamul awood leh oo wax ka qaban kara kooxaha soo fura biyaha wabiga xiliyada habeenkii.

jirdilay Loo Geestay Tahriibayaal Soomaali ah Kidibna lagu daadiyay xuduuda dal u dhaw Ukraine

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Jimcihii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd May 17, ayaa waxay ciidddanka ammaanka dalka Poland gacanta ku dhigeen 5 Muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo ahaa muhaajiriin magangelyo-doon ah.

Ciiddanka Ammaanka dalkaasi waxay xireen, kadibna si xun u jir dileen Muhaajiriinta, kuwaasi oo dhaawacyo ka soo gaareen Lugaha iyo qeybo kale.

Muhaajiriinta waxaa la sheegay markii loo geystay Xadgudubkaasi in Gaari lagu qaaday, kadibna lagu daadiyey Xuduudka Xayndaabka Siliga leh ee uu dalka Poland la wadaago dalka Belarus.

Docda kale, Guddiga Xuduudaha ee Belarus (The Belarusian Border Commission) waxay Sabtidii shalay ahayd xaqiijiyeen inay Ciiddanka Poland garaaceen 5 Tahriibayaal Soomaali ah, kuwaasi oo lagu soo tuuray xuduudka Belarus, kadib, markii laga soo tarxiilay dalkaasi.

Qoraal ay Guddiga soo dhigeen Barta ay ku leeyihiin Aaladda Telegram-ka waxay ku sheegeen inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Belarus isla maalintii Jimcaha ay ka heleen Muhaajiriinta Soomaalida xadka ay la wadaagaan Poland, iyadoo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo nabaro muujinayo in jir-dil loo geystay.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Muhaajiriinta loo fidiyey Gargaarka Degdega, loona yeeray Dhakhaatiir Takhasusi ah oo ku sameeyey Baaritaano Caafimaad iyo daaweyn.

3 ka mid ah Muhaajiriinta Soomaalida waxaa la dhigay Isbitaalka, iyagoo ay ka muuqdeen dhaawacyo daran ee Lugaha iyo calaamadaha Xadgudubka ee jir dilka.

Sidoo kale, 2 ka mid ah Soomaalida ayaa la sheegay in loo gacan geliyey Hay’adaha Ammaanka, si loogu sameeyo Baaritaanka lama huraanka u ah dhinaca Socdaalka iyo dadka Muhaajiriinta.

Si kastaba, dalka Poland oo si qalafsan kula dhaqma dadka Tahriibayaasha waxaa gacanta Ciiddankooda ku dhintay 4 Muhaajiriin
Ajaaniib ah sanadkan oo keliya.

Tan iyo sanadkii 2021-kii, Muhaajiriin Shisheeye ah oo tiradooda dhan tahay 54 qof ayaa ku dhintay Xuduudaha dalalka Midowga Europe, iyadoo dalka Poland ay ku dhinteen 25 Tahriibe, halka dalka Lithuania ay ku dhinteen 9 Tahriibe iyo dalka Latvia ay 20 Tahriibe ku geeriyoodeen.

{DAAWO MUUQAALKA}Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

0

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kormeer ku tegay deegaana dhawaan lagu dagaalamay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS

0

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Kenya iyo Uganda oo walaac weyn ka muujiyay bixitaanka ciidamada ATMIS

{DAAWO MUUQAALKA} Fatahaad saakay ku dhufatay baladweyne iyo Barakac xoogan oo socda.

0

Axad May, 19, 2024 (HMC) – Fatahaad saakay ku dhufatay baladweyne iyo Barakac xoogan oo socda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA