Axad May, 19, 2024 (HMC) – Howlgal lagu dilay xubin ka tirsan AS oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
MD Hore Farmaajo oo War Kasoo Saaray Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Axad May, 19, 2024 (HMC) QODOBBADA KA SOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAXAY KHATAR KU YIHIIN DOWLAD-DHISKA IYO MIDNIMADA DALKA
Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.
1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland:
Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha.
2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:
Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka.
3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:
In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
4. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn:
Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo.
5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:
Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo.
Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.
Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan Ku Dilay Xubin Muhiim U Ahaa AS
Axad May, 19, 2024 (HMC) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku dilay xubin muhiim ah oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaddib markii ciidanka heleen xogta ninkaasi shacabka dhibaato ku hayay.
Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa xalay lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in xogta ninkan ay dileen ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn uu dhibaato ku hayay, iyagoona isla xalay ku guuleystay inay khaarajiyaan ninkan.
Kooxda Al Shabaab ayaa si dhuumaaleysi ah ku taga deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas ay dhibaatooyin ugu geestaan dadka shacabka ah kana qaataan lacago baad ah iyo xoolo.
{DAAWO SAWIRADA} NISA oo howlgal ku soo qabtay rag looga shakisan yahay Al-Shabaab
Axad May, 19, 2024 (HMC) Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee ku sugan degmada Baladxaawo oo ka duulaya xog ay ka helaan bulshada deegaanada hoos yimaada degmadaas ayaa hawalgal saf ballaaran ah ka sameeyay degaano dhawr ah.
Waxaa ka mid ah Dambala, Madax-badaal, Qooxle, Dabeylweyne, Qabri sheekh, iyo tuulooyiin kale oo hoosyimada degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Ciidanka oo bartilmaameedsanayay goobo gaar ah ayaa gacanta ku soo dhigay rag looga shakisan yahay la shaqeynta ururka al shabaab iyagoo bulshada degaandaasi ku amaanay la shaqeynta ciidamada ammaanka.
Saraakiisha ciidamada ayaa bulshada deegaanadaasi ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga, xasiloonida iyo wada noolaanshaha kana dheeradaan wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Shil Gaari oo sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca Xildhibaano ka tirsan Puntland
Axad May, 19, 2024 (HMC) Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha baarlamanka Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr, degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.
Isla shilkaas waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed.
Madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cali Tabliiq oo lagu wado in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe.
HOOS KA AKHRISO QORAAL KA SOO BAXAY MAFDAXTOOYADA PUNTLAND

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.05.2024}
Axad May, 19, 2024 (HMC) Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow
Farsamadii :Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Maxaa Ka Jiro In ITOOBIYA safiir Buuxa umagacaawday soomaliland?
Axad May, 19, 2024 (HMC) Wakiilkii dalka Itoobiya u fadhiyey Hargeysa, ayaa loo dallacsiiyey derajada ‘ambassador’ oo ka dhigan in uu yahay safiir buuxa oo dalkaa u jooga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa Arbacadii magacawday 24 safiir, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
Sidaas darteed, 24-ka safiir ee la magacaabay ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta aUmagawood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir.
Mudanayaasha la siiyey safiirnimada buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalkaasi u fadhiya Somaliland.
Magacaabiddan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay xidhay qunsuliyaddii dalka Itoobiya ku lahaa Hargeysa.
“In safiir buuxa Itoobiya u dallacsiiso Konsularkii Guud waxay ka dhigan tahay in Itoobiya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd u dalacsiisay xidhiidh gaadhsiisan laba dal oo siman diblumaasiyad ahaan,” ayuu qabaa Cabdinaasir Axmed oo ah falanqeeye Arrimaha Geeska ah.
Tallaabdan ayaa uu sida oo kale Cabdinaasir sheegay in ay jawaab u tahay warkii ku aaddanaa xidhitaanka qunsuliyadda Hargeysa.
“Dabcan haa. Waa jawaab ku socota Soomaaliya in Itoobiya ay si cad u diidday inay xidho qunsuliyaddeeda, taas beddelkeedana u dallacsiiso safaarad dhammaystiran.”
Mr Delil, ayaa Dawladda Federaalka Itoobiya u soo magacawday qunsuliyaddooda Hargeysa horraantii sannadkii hore. Bishii March ee 2023 ayaa uuna Madaxweyne Muuse Biixi ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga.
Safiir Delil, ayaa hore uga soo shaqeeyey meelo kala duwan oo ay ka mid tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka soo noqday xoghayaha labaad ee wasaaradda.
Halka dhanka kale uu sida oo kale ka soo shaqeeyey safaaradaha Belguim ee dalkaas iyo ta Finland oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiinta siyaasadda ee sare.
Waxay ahayd 1-dii bishii January markii heshiis is afgarad oo khuseeya Badda Cas ay magaalada Addis Ababa ku gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.
Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ayaa ahaa mid Somaliland ay Itoobbiya uu oggolaanayso in ay deegaankeeda kaga kirayso dekad ganacsi.
Somaliland waxaa ay sida oo kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.
Falanqeeyeyaasha ayaana qaba in u dallacsiinta wakiilkooda Hargeysa ee safiir buuxa ay tahay jawaab ay ka bixinayaan sida uga go’an tahay hirgelinta heshiiskaas.
“Heshiiskii is-afgarad wax wayn ayay ka taraysaa in Ethiopia u dalacsiiso safiir buuxa Qunsulkeeda Guud. Waxay muujinaysaa ka go’naanshaha Ethiopia inay ka dhabaynaysoninay Somaliland u awoonsanayso dal madax banaan” ayuu warbaahinta u sheegay falanqeeye Cabdinaasir Axmed.
Hase ahaatee, falcelinta ka dhalatay heshiiskan ayaa ahayd mid aad u kala duwan iyada oo qaar ka mid ah waddmmada beesha caalamku ay ka falceliyeen, kuwaas oo badankoodu sheegay in ay taageersan yihiin ‘madaxbannaanida’ Soomaaliya, iyaga oo aan dhanka kalena si cad u duraynin Somaliland iyo Itoobiya.
Heshiiskan ayaana la soo werinayaa in dhinacyadu ka shaqaynayaan hirgelintiisa, taas oo guddiyadii farsamo ee loo saaray ay gebagebo marinayaan.
Madaxweyne saciid Deni oo bilad sharaf gudoonsiiyey danjire Catriona Laing
Axad May, 19, 2024 (HMC) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay Ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Xubnaha Ururada Bulshada Puntland
Ambs Catriona Laing ayaa lagu maamusay bilad sharaf iyo Hadyado dhaqan oo uu Guddoonsiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, isagoo uga mahadceliyay kaalintii muhiimka aheyd ee ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bishan Maajo.
Hyada SODMA oo sheegtay in ay dadaal ugu jirta ka hortagga leexsashada sahayda gargaarka Bani’aadannimo
Axad May, 19, 2024 (HMC) Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dadaal ugu jirto sidii ay uga hortagi lahayd in la leexsado arrimaha Bini’aadannimada ee loogu talagay dadka barakacyaasha iyo kuwa u baahan gurmadka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, “Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa dadaal xooggan ugu jirta ka hortagga leexsashada sahayda gargaarka bani’aadannimo.”
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in la helo dhul u gaar ah dadka soo barakacay, “Waxaa muhiim ah in dadka kasoo barokacay musiibooyinka ku habsaday degaannadooda ay Hay’addu u hesho dhul si gaar ah loogu fidiyo gargaar deg-deg ah dadka soo barokacay.
SODMA ayaa leexsashada gargaarka ku sheegtay in, “dadka barakacay ay degaan dhul ay leeyihiin ama maamulaan dad gaar ah taasoo beddelkeeda laga doonayo inay qayb ka mid ah gargaarkii loo fidiyay u bixiyaan kiro ahaan.
Baaqa ka soo baxay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli laga cabso qabo in daadad ka dhashaan Roobabka Guga iyada oo ay soo saaray digniino la xiriiro arrimahaan.
Premier League clubs to vote on scrapping VAR
Saturday, 18 May 2024 {HMC} Premier League clubs will vote on whether to scrap video assistant referees (VAR) from next season at their annual general meeting next month.
Wolves have formally submitted a resolution to the Premier League which will trigger a vote when the 20 member clubs meet in Harrogate on 6 June.
The club said VAR was introduced “in good faith” but has led to “numerous unintended negative consequences that are damaging the relationship between fans and football”.
VAR was introduced in 2019 to help support on-field officials with key match decisions, but there have been a number of controversial incidents involving the technology this season.
“The price we are paying for a small increase in accuracy is at odds with the spirit of our game,” read a Wolves statement.
The Premier League said it “acknowledged the concerns” about VAR but “fully supports” the technology and will continue to work with referees’ body PGMOL to make improvements.
Any rule changes need a two-thirds majority – 14 of of the 20 clubs – to vote in favour.
Premier League clubs have already voted for semi-automated offside technology to be introduced for the 2024-25 season.
VAR criticised after controversies
A number of Premier League managers have been critical of VAR and refereeing standards this season, including Wolves boss Gary O’Neil.
O’Neil was given a one-match touchline ban in April for his conduct near the referee’s room after a game against West Ham, which saw Wolves have a late equaliser disallowed following a VAR check.
Wolves chairman Jeff Shi also questioned the role of VAR after the West Ham game and said the club would be higher in the table “if it wasn’t for a number of incorrect or contentious decisions”.
Nottingham Forest questioned the VAR official in a highly critical statement on social media after three penalty appeals were rejected in a 2-0 defeat at Everton last month.
An independent Key Match Incident Panel later ruled Forest should have had one penalty from their three unsuccessful appeals.
One of the most high-profile VAR mistakes to date is Luis Diaz’s goal that was incorrectly disallowed for offside for Liverpool at Tottenham in October.
The Premier League said the incident highlighted “systemic weaknesses in the VAR process” and that “key learnings and immediate actions” were taken.
In February the league’s chief football officer Tony Scholes said VAR had increased the number of correct decisions but that those decisions were taking too long and offered a poor in-stadium experience.
In a bid to improve transparency, referee’s chief Howard Webb regularly discusses notable recent incidents involving VAR, including audio between on-field officials and the VAR team, on the TV programme Match Officials Mic’d Up live.
Last month, Sweden became the only elite league in Uefa’s top 30 to reject VAR.
Analysis – PL says scrapping VAR not the way forward
BBC chief football news reporter Simon Stone
It is understood the Premier League fundamentally does not believe this is the right way forward.
While it is obvious Wolves – and others – have had frustrations with the system this season, the league believes removing VAR would increase the number of incorrect decisions and potentially leave the on-field officials open to even greater criticism than they currently receive.
The Premier League’s figures show the number of correct decisions in matches has increased from 82% before VAR was introduced to 96% currently. With semi-automated offside technology due to be introduced early next season, it is felt that figure will increase even further.
PGMOL head of refereeing Webb is pushing for greater in-game communication between VAR and fans and is pushing the international rule-making body IFAB for greater changes.
The Premier League also believes removing VAR would have a negative impact on its global reputation.
This is likely to cut little ice with Wolves, who feel they have been on the wrong end of a series of bad decisions, starting on the opening weekend when Manchester United goalkeeper Andre Onana went unpunished for punching striker Sasa Kalajdzic in the face in the final minute at Old Trafford as he tried to clear the ball.
Many fans do not like the amount of time taken to reach marginal offside decisions, even if the outcome ultimately proved to be the correct one.
SOURCE BBC



