Home Blog Page 2404

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Askari nin u dilay aniga ayaa ka horeeyo Timajaraha oo maanta la xukumay

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Askari nin u dilay aniga ayaa ka horeeyo Timajaraha oo maanta la xukumay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Galbeedka Hiiraan Waxaan ka bilaabi doonaa Howlgal ka dhan ah Kooxda AS

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Galbeedka Hiiraan Waxaan ka bilaabi doonaa Howlgal ka dhan ah Kooxda AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

wiilal walaalo ah oo il-biriqsiyo ku dhacay lacag dhan 25 malyan oo doollar

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Labo wiil oo walaalo ah oo wax ka baranayay mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Mareykanka ayaa lagu eedeeyay inay 12 ilbiriqsi gudahood ku xadeen lacag dhan 25 milyan oo dollar.

Anton Pirari Bueno oo 24 jir ah iyo James Pirari Bueno oo 28 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira lacag dhaqis iyo wax isdaba marin, waxaana lagu eedeeyay in xatooyada ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah, sida ay sheegtay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada ka hor sheegay in labada wiil ee walaalaha ah, oo wax ku bartay Machadka Teknolojiyada Massachusetts (MIT) ee dalka Mareykanka, ay dambiga galeen bishii April 2023.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Lisa Monaco ayaa maxkamada u sheegtay in labadaan wiil ee walaalaha eel akala yirahdo Anton Pirari Bueno iyo James Pirari Bueno ay xadeen lacag dhan 25 milyan oo doolar oo ah lacagta cryptocurrency-ga ah iyadoo la adeegsanayo nidaam farsamo oo casri ah oo ku qaatay bilo inay sameyaan laakiin ilbiriqsiyo kaliya u suurogeliyay inay xadaan lacagta intaas la’eg.

“Wakiilo ka socda Adeegga Dakhliga Gudaha ee Maraykanka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (IRS) ayaa gacan ka geystay qabashada nidaamkan ay wiilasha ku dhaceen lacagta ee ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee loo adeegsado nidaamka lacag dhaqidda,” ayay tiri Lisa Monaco.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in labada nin ee walaalaha ah ay ku barteen xirfado gaar ah mid ka mid ah xarumaha waxbarashada ugu sareeya uguna caansan aduunka kadibna ay u adeegsadeen inay jabsadaan lacagaha cryptocurrency-ha ah.

Labadan wiil ee walaalaha waxay MIT ku barteen xisaabta iyo sayniska kombiyuutarka, sida ku cad diiwaannada maxkamadda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Damian Williams ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay in qorshaha ay adeegsadeen eedaysanuhu uu su’aal gelinayo tignoolajiyada blockchain lafteeda. Xusuusnow in iyadoo la kaashanayo blockchain, diiwaannada lacag bixinta cryptocurrency la hayo.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay si gaar ah u beegsadeen ganacsatadii lacagta Ethereum ee ka mid ah lacagaha cryptocurrency oo aan weli la dhameystirin ka dibna ay beddeleen si ay lacagta u xadaan.

Baarayaashu waxay habkan ugu magacdareen ‘Ka faa’iidaysiga’ taasoo ay sheegeen inay qaadanayso dhawr ilbiriqsi oo keliya in la dhammaystiro.

Markii ay la soo xiriirtay shirkadda Ethereum, walaalaha ayaa dafiray inay xadeen lacagtaas cryptocurrency-ga ah waxayna isku dayeen inay qariyaan lacagta, saraakiisha ayaa sidaas yiri.

Marka loo eego xogta xeer-ilaaliyeyaashu soo bandhigeen, waa markii ugu horreysay oo eedeymo dembi lagu soo oogo wiilashan ka dib xatooyada lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee soo marta dacwad oogeyaasha.

Hadii dacwadan lagu cadeeyo labada nin ee walaalaha ah waxaa lagu xukumi karaa 20 sano oo xarig ah.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Siciid Deni oo furay Shirka Jiheynta Xukuumadda Puntland

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa furay shirka jiheynta xukuumadda oo muddo saddex cisho ah socon doona.

Shirka jiheynta Xukuumadda waxaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla oo lagu jaangooyey siyaasiyadda madaxweynaha ee difaac iyo dimuqraadiyad, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Puntland iyo horumarinta wadashaqeynta Beesha Caalamka.

Wasiiradda maamulka Puntland ayaana inta uu socdo shirka waxa ay kusoo bandhigi doonaan waxyaabaha u qorsheysan in ay qabtaan iyo sida ugu muhiimsan ee looga mira-dhalinkaro hiigsiga xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkan ayaana sheegay in Puntland diyaar u tahay horumarinta maamulkeeda iyo deegaannada ay ka taliyaan, waxa uuna sheegay in xukuumadda horyaalaan shaqooyin badan oo u baahan wax qabad dhab ah.

MD Xasan Sheikh Maxamuud oo safar ugu ambo baxay dalka Kenya

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambo baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas uu ku tagayo safar shaqo sida aan xogta ku helnay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nairobi u tagaya sidii uu kulan ula qaadan lahaa dhigiisa dalka Kenya William Ruto, waxa ayna labada madaxweyne kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha dalka Kenya u dhiibi doono farriin , si uu uga gaarsiiyo madaxweynaha dalka Kenya oo kusii jeeda dalka Mareykanka lana kulmi doona Joi Biden.

Safarkan Xasan Dheekh ku imaanayo dalka Kenya ayaa noqonaya kii saddexaad uu ku yimaado Kenya muddo labo bil gudahood, waxaana dhawwaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen heshiis dhowr ah.

{DAAWO SAWIRADA} Howlgal laga sameeyay inta u dhaxeyso Buurane iyo Mahadaay ee Sh/dhaxe

Jimco 17, May  2024 {HMC} Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS iyo Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa siwadajir ah u xoojiyey roondooyinka lagu sugayo amaanka Waddada muhiimka ah ee isku xirta Mahadaay iyo Buurne (MSR) ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in la xaqiijiyo amaanka dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada aan kala go’a lahayn ee gobolka.

Taliyeyaasha ciidamada ayaa shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo burburiyo shabakadaha argagixisada ee ku sugan dowlad goboleedka  Hirshabelle.

{DHAGEYSO} Warka Duhur Ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18/05/2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan& Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Askari Xukun lagu riday kaas oo Horay Muqdisho ugu dilay nin Shacab ahaa

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ee ciidanka xoogga dalka.

Askarigan ayaa lagu helay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, waxaa sidoo kale loo heestay inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah deegaanka Shabeeloow gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, qalgal gelin goob ganacsi, xatooyo xoolo ciidan iyo jabin xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii bisha April ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabbad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bishan May ee sanadkaan 2024 maxkamdda darajada koowaad ee ciidamda qalabka sida oo dhageysatay kiiskaan waqti ku filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn maanta oo ay taariiikhdu tahay 18ka bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Dabley hubeysan oo dalxiisayaal ku dilay dalka Afghanistan.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Dabley hubeysan ayaa muwaadin Afgaanistaan ​​ah iyo saddex dalxiisayaal ajnabi ah ku dilay bartamaha gobolka Bamyan ee dalka Afgaanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Afar qof oo ajnabi ah iyo saddex Afgaanistaan ​​ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka Jimcihii markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Abdul Mateen Qani.