Home Blog Page 2405

Dabley hubeysan oo dalxiisayaal ku dilay dalka Afghanistan.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Dabley hubeysan ayaa muwaadin Afgaanistaan ​​ah iyo saddex dalxiisayaal ajnabi ah ku dilay bartamaha gobolka Bamyan ee dalka Afgaanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Afar qof oo ajnabi ah iyo saddex Afgaanistaan ​​ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka Jimcihii markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Abdul Mateen Qani.

Wafdi ka socday DFS oo gaaray Dhuusamareeb & ujeedka socdaalka.

0

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Madaxtoyada Galmudug ku so dhaweyay wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada Fadaraal Somalia Gen Abdulahi Sheikh Ismaciil Fartaag.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaaa waxaan uu Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug uga qayb galaya Shirka Amniga Dowlada Fadaralka iyo Dowlad Goboleedyada oo sanadkaan ka dhacaya Galmudug.

Mas’uliyiinta Caasimada Galmudug so gartay waxaa ka mid ah Wasiirada Amniga Dowlada Goboleedyada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Dowlad Fadaralka iyo Dowlad Goboleedyada .

 

Maxamed Deby oo la xaqiijiyay in uu ku guuleystay doorashada lagu murmay ee Jaad.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Golaha Dastuuriga ah ee dalka Jaad ayaa ayiday natiijada doorashadii madaxtinimo ee lagu dhawaaqay in hoggaamiyiha miltariga Maxamed Deby uu ku guuleystay doorashada.

Golaha ayaa sidoo kale ka hor yimid doodda ay natiijada ka keeneen labo murashax doorashadii dhacday 6 May.

Guddiga doorashooyinka ee dalkan ku yaala bartamaha Afrika ayaa ku dhawaaqay in Janaraal Deby uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo, isagoo helay 61% codadka la dhiibtay, iyadoo murashixii ugu dhawaa oo ahaa Ra’isul Wasaare Succes Masra uu helay codad gaaraya 19%.

Mr Masra ayaa muran ka keenay natiijada, isagoo sheegay in guushiisa ‘’laga xaday dadweynaha’’.

Sidoo kale qaar kamid ah murashaxiinta mucaaradka ayaa sheegay in wax is dabo marin ay jirtay maalintii cod bixinta.

Jaad ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee wadamadii dhawaan afgambiyadu ka dhaceen ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee qabta doorashooyin, xukunkana ku soo celiyo nidaamka rayidka.

Janaraal Deby waa 40 jir, ay hoggaamiye kumeel gaar ah u magacaabeen miltariga Jaad kaddib markii aabihii Idris Deby lagu dilay jiida hore ee dagaalka lagula jiro jabahadaha mucaaradka ah bishii April 2021, isagoo 68 jir ah.

Guusha Maxamed Deby ayaa ka dhigan in xukunka reer Deby ee 34 sano jirsaday uu sii socon doono.

Ururka Xisbullah oo la soo baxay gantaalo cusub iyo Israa’iil oo walaac ka muujisay.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Israa’iil ee ka taagan xuduudka koonfureed ee dalka Lubnaan, ayaa dadka u kuur gala waxa ay rumeysan yihiin in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay qarinayaan nooca hubka ay adeegsanayaan, gaar ahaan ururka Xisbullah oo xilliyada qaar soo bandhiga hub cusub oo ay ku bartilmaameedsadaan gudaha Israel.

Maalmihii la soo dhaafay, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday hubka ay isticmaalayso markii ugu horreysay tan iyo markii ay billaabatay xiisadda xudduudda ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil, waxaana ugu dambeysay Khamiistii, markii xisbigu bayaan uu soo saaray ku shaaciyay adeegsiga gantaallada casriga ah ee lagu bartilmaameedsado diyaaradaha kana hortaga gantaalada kale.

Tani waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii Ururka Xisbullah uu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka magaalada Tiberias, weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gudaha dhulka Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka bilaabmay

Isticmaalka gantaallada S5 ee Xisbullah ayaa sare u qaaday welwelka Israel ee ku aaddan horumarinta hubka ay deegsanayaan kooxdan.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay adeegsato diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubeysan gantaallada, halkii ay ka isticmaali jireen walxaha qarxa oo kooxda Lubnaan ay inta badan adeegsanayeen muddo bilo ah.

Khabiirka millatariga ee reer Lubnaan Janaraal Hisham Jaber, oo ah madaxa Xarunta Barriga Dhexe ee Daraasaadka iyo Xiriirka Dadweynaha, ayaa BBC u sharaxay, “Ganaalada waxa ay gaaraan bartilmaameedka saxda ah marka loo eego bambooyinka laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn.”

Shabakad ay Xizbullah ku leeyihiin barta Telegram-ayaa waxaa la soo dhigay sawirka nooca gantaalaha aan la hagi karin ee Ruushka ee S5, kaas oo dhererkiisu yahay 1.4 mitir, miisaankiisuna yahay afar kiilo garaam, isla markaana gaari kara 4 KM.

Itoobiya Oo Ka Carootay Hadal Uu Jeediyay Safiirka Mareykanka

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”.

Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale.

“Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri.

“In la xiro oo la dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda ma xalineyso arrimaha ay tahay in wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay khudbaddii Khamiista, iyada oo sheegtay in ay ku jireen “eedeymo iyo talo aan loo baahnayn oo ku socda Dowladda Itoobiya.”

“Hadalkaasi waa mid talo-xun, waxaana ku jira sheegashooyin jaahilnomo ah. Waa mid liddi ku ah xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Maraykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.

Khudbadiisa, ayuu Massinga ku ku eedeeyay “dhammaan jilayaasha hubaysan” inay dalka ka geysteen dhibaatooyin bani’aadannimo, oo ay ku jiraan barakicinta rayidka.

Waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada kooxaha kala duwan ee hubaysan, oo ay ku jiraan kooxda Oromada ee OLF — oo ay dawladdu u aragto “urur argagixiso” – maleeshiyada is-difaaca ee Fano iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) in ay dalabkooda ku soo bandhigaan wadahadal halkii ay rabshado ku raadin lahaayeen.

Itoobiya oo ah dalka in ka badan 80 bulshooyin oo ku hadlay luuqado kala duwan, iyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika waxaa sanadihii dhowaa ka jiray dagaalo qowmiyadeed oo ku saleysan dhul sheegasho.

Madaxweynaha Puntland oo War Kasoo Saaray Qodobadii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi ayaa maanta ka hadlay war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga ee lagu soo gebogabeeyey Mlmagaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta xukuumadda Puntland 2024-2029 oo maanta furay ayaa sheegay wax kasta oo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga in aysan quseyn Puntland.

“Golaha wadatashiga wax kasta oo ay soo-saaraan nama quseeyaan haddaan Puntland nahay, midnimona ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo” ayuu yri madaxweyne Deni.

Maamulka Puntland ayaan ka qeyb gelin shirarkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga Qaran, waxa ayna Puntland horey u shaacisay in ay xiriirka wadashaqeynta u jireen dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.

Munaasibada xuska 18 May oo looga dabaaldagay Somaliland.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Munaasibada 18 May ee 33 guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday gooni isutaaga 1991, ayaa si wayn looga xusay guud ahaan deegaanada Somaliland.

Kadib maalmo ay shacabka Somaliland dabaaldagyo isdaba joog ah ka dhigayeen magaalooyinka waa wayn, waxa saaka fagaarayaasha badadiba magaalooyinka Somaliland layskugu yimid xuska 18 May.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxda mucaaradka iyo saraakiil kala duwan, ayaa saaka magaalada Hargaysa kaga qaybgalay xuska 18 May, isaga oo madaxweynuhu uu salaan ka qaatay ciidamada kala duwan.

“Somaliland maaha gobolo dal ka goosanaya sida Afrika ka baqato, cidwaliba waxay qirsantahay in aynu ahayn laba dal oo isku tagay, warbixintii Midowga Afrika ee 2005 waxay ku sheegeen in Somaliland ay ka duwantahay arrimaha kale ee Afrika” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo isaguna munaasibada ka hadlay, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay midnimo iyo isku duubni munaasibada xuska 33 guurada Somaliland.

Munaasibada 18 May ayaa sidoo kale laga xusay badiba gobolada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana deegaanada kala duwan loo kala diray masuuliyiin ka tirsan xukuumada.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku diray Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ee ciidanka xoogga dalka.

Askarigan ayaa lagu helay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, waxaa sidoo kale loo heestay inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah deegaanka Shabeeloow gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, qalgal gelin goob ganacsi, xatooyo xoolo ciidan iyo jabin xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii bisha April ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabbad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bishan May ee sanadkaan 2024 maxkamdda darajada koowaad ee ciidamda qalabka sida oo dhageysatay kiiskaan waqti ku filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn maanta oo ay taariiikhdu tahay 18ka bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Ciidamada dowladda oo howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

0

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 7-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Howlgalada oo ahaa kuwa qorsheysnaa ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle ee dhexmara gobolkaas.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay Jiinka Wabiga.

Qoraalka lagu shaacin inta uu dhan yahay khasaaraha howlgaladaas lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab inta uu dhan yahay.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamka ayaa howlgalo ka dhan ah Shabaab ka fuliya inta badan deegaanada ay kooxdu kaga sugan tahay gudaha dalka.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw War murtiyeed laga soo saaray

Jimco 17, May  2024 {HMC} Waxaa goordhaw War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa mudo afar maalmood ah uga socday madaxada Golaha Wadashiga Qaranka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo madaxda ay uga hadleen qodobo aad xasaasi u ahaa.

War murtiyeedka laga soo saaray Shirka oo ka kooban afar qodob ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin sugidda amniga, la dagaalanka Shabaab, Dhameystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dimuqraadiyeynta iyo arrimaha bani’aadanimada.

Goloha ayaa sidoo kale taageeray dadaalada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula wareegayaan masuuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS oo la filayo in dalka isaga baxaan dhamaadka sanadkaan.

Waxaa xusid mudan in Shirkaan Golaha Wadatashiga Qaranka ee War murtiyeedka laga soo saaray goordhaw ineysan qeyb ka aheyn Puntland, kadib markii ay horay u sheegtay iney xiriirkii u jartay hay’addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka.