{DHAGEYSO} warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii :Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka
Jimco-17-May-2024 {HMC} — Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”.
Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale.
“Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri.
“In la xiro oo la dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda ma xalineyso arrimaha ay tahay in wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay khudbaddii Khamiista, iyada oo sheegtay in ay ku jireen “eedeymo iyo talo aan loo baahnayn oo ku socda Dowladda Itoobiya.”
“Hadalkaasi waa mid talo-xun, waxaana ku jira sheegashooyin jaahilnomo ah. Waa mid liddi ku ah xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Maraykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.
Khudbadiisa, ayuu Massinga ku ku eedeeyay “dhammaan jilayaasha hubaysan” inay dalka ka geysteen dhibaatooyin bani’aadannimo, oo ay ku jiraan barakicinta rayidka.
Waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada kooxaha kala duwan ee hubaysan, oo ay ku jiraan kooxda Oromada ee OLF — oo ay dawladdu u aragto “urur argagixiso” – maleeshiyada is-difaaca ee Fano iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) in ay dalabkooda ku soo bandhigaan wadahadal halkii ay rabshado ku raadin lahaayeen.
Itoobiya oo ah dalka in ka badan 80 bulshooyin oo ku hadlay luuqado kala duwan, iyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika waxaa sanadihii dhowaa ka jiray dagaalo qowmiyadeed oo ku saleysan dhul sheegasho.
Guur wadareed la qorsheynayay in la isugu guuriyo illaa 100 agoon ah oo la joojiyay
Jimco-17-May-2024 {HMC} Sida la qorsheeyay guur wadareed illaa 100 agoon ah la isugu guurin rabay dalka Nigeria ayaa la joojiyay kaddib markii ay soo shaac baxday dood la xiriirta daahfurnaanta habka loo maamulay qorshaha.
Meherka, oo la qorsheeyay in uu dhaco dhimmaadka bishan, ayaa waxa maal galiyay Cabdulmaalik Sarkindaji oo ah afhayeenka golaha muslimiinta gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria.
Guurkan ayaa loogu talagalay agoonta xubnaha qoysaskooda ku waayay weerarrada burcadda hubeysan.
Waxa soo baxay cambaarayn ku aadan in hablaha qaar ay da’yar yihiin, isla markaana la qasbay iyadoo la eegayo fursado dhaqaale.
Laakiin golaha imaamyada Nigeria ayaa sheegay in guur wadareedku dhici doono 24 May ee nagu soo socota, waxayna ku adkeysteen in gabdhuhu aanay da’yar ahayn oo ay da’da guurka gaareen.
Da’da hablaha durba lama ogaan.
Wasiirka haweenka Nigeria Uju Kennedy-Ohanenye ayaa cambaareysay qorshahan, waxayna sheegtay in ay raadin doonto amar maxkamadeed oo lagu joojinayo munaasabadda guur wadareedka.
U dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadamaha ee Nigeria ayaa iyana sheegay in ay qaadi doonaan ol’ole lagu joojinayo guur wadareedka.
Kaddib qaylo dhaanta ka soo yeertay bulshada, ayaa afhayeen Sarkindaji waxa uu ku dhawaaqay in ay dib uga joogsadeen xafladda meherka.
Qaar kamid ah dhalinta dooneysay guurkan, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa difaacay barnaamijka guur wadareedka.
Guur wadareedka ayaa badanaaba caadi ka ah qaybaha muslimiinta ee waqooyiga Nigeria.
XIGASHO BBC.SOMALI
Maxamed Idiris Deby oo la xaqiijiyay in uu ku guuleystay doorashada lagu murmay ee Dalka Chad
Jimco-17-May-2024 {HMC} Golaha Dastuuriga ah ee dalka Jaad ayaa ayiday natiijada doorashadii madaxtinimo ee lagu dhawaaqay in hoggaamiyiha miltariga Maxamed Deby uu ku guuleystay doorashada.
Golaha ayaa sidoo kale ka hor yimid doodda ay natiijada ka keeneen labo murashax doorashadii dhacday 6 May.
Guddiga doorashooyinka ee dalkan ku yaala bartamaha Afrika ayaa ku dhawaaqay in Janaraal Deby uu ku guuleystay doorashada madaxtinimo, isagoo helay 61% codadka la dhiibtay, iyadoo murashixii ugu dhawaa oo ahaa Ra’isul Wasaare Succes Masra uu helay codad gaaraya 19%.
Mr Masra ayaa muran ka keenay natiijada, isagoo sheegay in guushiisa ‘’laga xaday dadweynaha’’.
Sidoo kale qaar kamid ah murashaxiinta mucaaradka ayaa sheegay in wax is dabo marin ay jirtay maalintii cod bixinta.
Jaad ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee wadamadii dhawaan afgambiyadu ka dhaceen ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee qabta doorashooyin, xukunkana ku soo celiyo nidaamka rayidka.
Janaraal Deby waa 40 jir, ay hoggaamiye kumeel gaar ah u magacaabeen miltariga Jaad kaddib markii aabihii Idris Deby lagu dilay jiida hore ee dagaalka lagula jiro jabahadaha mucaaradka ah bishii April 2021, isagoo 68 jir ah.
Guusha Maxamed Deby ayaa ka dhigan in xukunka reer Deby ee 34 sano jirsaday uu sii socon doono.
Libaaxyo lagu dhex arkay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya
Jimco – 17-May-2024 {HMC} Waaxda Duurjoogta Kenya ayaa ku boorisay dadweynaha degan aagga Lang’ata in ay feejignaadaan kaddib markii ay soo baxeen warrar sheegaya in illaa sedex libaax lagu arkay halkaas.
Khamiistii, koox ka socotay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya ayaa aaggaasi la geeyay si ay u raadiyaan libaaxyada la sheegay in lagu arkay daafaha xabsiga gabdhaha ee Langata ee caasimadda Nairobi.
Laakiin kooxda uma suurtaglin in ay soo helaan libaaxyada, kaddib muddo dheer oo ay baadi goobayeen, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya.
Si kastaba ha noqotee, waxa la sheegay in kooxdu si dhaw isha ugu hayso xaaladda, isla markaana ay heegan sare ku jiraan.
‘’Hubinta badqabka dadweynaha waa muhiimadeena koowaad,’’ ayay intaa ku dareen.
Dadka deegaanka ayaa lagu booriyay in wixii xog ah oo ku saabsan arintaas ay soo gudbiyaan.
Maaha markii ugu horreysay ee la weriyo in libaaxyo ka baxsadeen Beerta Qaranka ee Nairobi, taasoo lagu sheego in ay tahay tan kaliya ee dunida ee magaalo dhexdeeda ku taala.
{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud.
Jimco-17-May-2024 {HMC} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud.



