Jimco-17-May-2024 {HMC} Maleeshiyaad hubeysan oo mar kalle shacab ku laayay Gal-gaduud.
Muxuu Yahay Qorshaha Dowlada ee Degaanada weli ku jira gacanta AS?
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay guulaha laga gaaray howlgalladaas iyo qorshaha sii socoshada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
La taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab guulo waaweyn laga gaaray, isla markaana laga xorreeyay meelo badan ay gacanta ku hayeen hase ahaatee aysan weli fari ka qodneyn.
Wuxuu sheegay in howlgallada sidoo kale khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isaga oo balan qaaday inay sii socon doonaan howlgallada ayna qofrsheysan yihiin ilaa guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab.
Hadalka La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa kusoo aadaya xilli weli meelo badan oo dalka ah ay maamulaan Al-Shabaab isla markaana mararka qaar ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya
Biixi oo xalay Ka Qeyb Galay Kulan Dadweeyne oo Ka dhacay Magaalada Hargeysa
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay la caweeyey shacab isugu soo baxay barxada Taaladda Taariikhiga ah ee ay saaran tahay Diyaarad la sheegay in lagu xasuuqay shacabkii reer Somaliland xiligii dowladii hore.
Waxaa taalada ku sugnaa kumanaan dad ah oo u dabaaldegayey maalinta ay Somaliland sheegtay iney ka go’day Somalia inteeda ee 18 May oo ay ka soo wareegtay 33 Sanno
Muuse Biixu ayaa la dabaaldegay shacabkaas, isagoo markii danbena u gudbay qaar ka mida Degmooyinka Caasimada Hargeysa oo iyana ay isugu soo baxeen bulshada qaybeheeda kala duwan.
Somaliland ayaa maalmahan waxaa ka socday qabanqaabo xoogan oo loogu diyaar garoobayo munaasabada 18ka May oo ku beegan beri oo Sabti, taasoo ku aadan 33 guuradii ka soo wareegtay markii ay shaaciyeen iney ka madax banaan yihiin Somalia ayna yihiin dowlad gaar ah inkastoo illaa hadda aysan helin aqoonsi caalami ah.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}
Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan macalin muuse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Waa siddee xaaladda Ra’iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay.
Khamiis-16-May-2024 {HMC} Waa siddee xaaladda Ra’iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Waan ku niyad sanahay in Sanadkaan biyo aan looga bixin Baladweyne”Duqa Baladweyne”
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Waan ku niyad sanahay in Sanadkaan biyo aan looga bixin Baladweyne”Duqa Baladweyne”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Dalal Kuyaala Yurub oo ku baaqay in la adkeeyo siyaasadda tahriibeyaasha
Jimco 17 May 2024 {HMC} – BRUSSELS — Shan iyo toban waddan oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub ayaa dalbaday in la adkeeyo siyaasadda magangaliyo doonka, iyadoo la fududaynayo in muhaajiriinta aan diiwaangashanayn loo gudbiyo waddamo saddexaad.
Arintan ayaana imanaysa maalmo kadib markii ururkan oo ay ku bahoobeen ku dhawaad sodon wadan ay isla garteen in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka magangaliyada iyo socdaalka ee dalalkan.
Maxeey yihiin Go’aanada xasaasi ah ee lagu gaaray shirka golaha wadatashiga?
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa Arbacadii lagu wareystay shirka, Axmed Madoobe ayaa sabab u ahaa in loo ogolaado inuu shirka tago oo madaxda warbixin siiyo. Kadibna waxaa loo gudbay in laga hadlayo in arrimaha guddiga doorashooyinka qaranka dib loo dhigo oo laga fikiro muddo kororsi aamusan.
Maalinkii 1-aad: Waxa uu shirka xooga saaray la-dagaalanka argagixisada iyo dhameystirka iyo dhameystirka dastuurka uu muranka badan ka taagan yahay.
Maalinkii 2-aad: Wareysiga Firdhiye iyo arrimaha guddiga doorashooyinka ayuu xooga saaray golaha.
Maalinta 3-aad: Waxaa madaxda maamullada loo jeediyay sharaxaad ay Madaxtooyada soo diyaaarisay oo la xiriirta dagaalka, tirada ciidanka, qorshaha iyo nooca hubka. Waxaana goluhu warbixin ka dhageystay wasiirka gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ku harqiyay mowduuca la-dagaalanka argagixisada, iyada oo madaxda maamullada fursadooda laga dhex tusay dagaalka kadib.
Inkasta oo madaxda maamullada ku jahwareersan yihiin waxa ay muddo xileed la’aan ku kabi karaan qorshaha Xasan Sheekh ee la-dagaalanka argagixisada, haddana si uu Xasan Sheekh guul u arko ayaa la iskugu soo dhaweeyay arrimaha dagaalka.
Saddexdii maalmood ee uu shirkan socday, madaxweynaha ayaa aad iskaga ilaalinayay inuu bixiyo fursad toos ah oo muddo kororsi ah oo lagu qori karo war-murtiyeedka..
Shalay qaar madaxda maamullada kamid ah ayaa la wariyay inay dalbadeen in doorasho qabsadaan, Xasan Sheekhna waxaa la sheegay inuu ku jawaabay inuu ogol yahay doorasho qof iyo cod ah oo keliya oo haddii ay qaban karaana uu diyaar u yahay inuu wax walba ku kabo. Wax walba oo ay ugu kacdo madaxweyne Xasan ma ogola doorasho dad-ban.
Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Xasan Sheekh waxaa laga dhadhansaday inuu rabo in aan hadda la cadeynin xilliga ay dhacayaan doorashooyinka maamullada, wuxuuna bedelkeeda ka hadlayaa haddii la qaban karo doorashooyinka dowladaha hoose, taas oo uu madaxweyne Xasan u arko inay soo afjari karto mashruuca doorashada dadban.
In madaxda maamullada la yiraahdo aan dagaalka aadno, markii aan meel fiican ka gaarno aan iskugu imaano arrimaha doorashooyinka, ka horna anigu far ma saarayo guddiga doorashooyinka, saasna aan isku aamino ayuu Xasan Sheekh leeyahay ayaa laga soo wariyay mid kamid ah madaxda maamullada.
Haddey taasi dhacdo nuxurkeedu waa muddo kororsi aamusan oo aan warqad ku qorneyn, laakiin ragga hadda kuraasta ku fadhiya ayaa iska sii joogaya, waxaana la eegaya halka uu dagaalka gaaro iyo waqtiga uu qaadan karo.
Arrintan nuxurkeedu keliya ma ahan muddo kororsi qarsoon ee waa in sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh usii dhawaanayo inuu rabitaankiisa dabaqo
Haddii aanay maanta madaxda maamullada dib usoo kaban oo aanay qorshe cusub la imaanin wax badan oo cad cad kama soo baxayaan kulankan. Xasan waxa uu iibsanaya waqtiga, maamullada qaarna waxaa laga yaaba inay tareenkiisa ka boodan markii ay deegaanadooda ku laabtan.
Madaxweynaha Maraykanka oo soo jeediyey hindise cusub oo lix bilood lagaga go’aan gaadhayo kiisaska magangelyo doonka ee 5 magaalo
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si degdeg ah go’aan looga gaadho, kiisaska magangelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kuwaas oo haatan qaata muddo sannado ah, hase ahaatee waxaa hindisahan cusubi dhigayaa, in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah.
Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto, walaaca kala duwan ee ay qabaan, codbixiyayaasha Maraykanku.
Hindisahan cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii shalay, ayaa sheegaya in qofka muhaajirka ah ee qaangaadhka ah ee soo galay dalka Maraykanka isla markaana u socda shan magaalo oo gaar ah, in kiisaskooda ay dusha kala socon doonaan, koox garsoorayaal ah, kuwaas oo ujeedoodu ay tahay inay hubiyaan in muddo 180 maalmood ah kiiskooda lagaga go’aan gaadho.
Arrintan ayaa ah, tallaabo si weyn loogu dedejinayo kiisaska magan-gelyo doonka ah iyo kuwa la xidhiidha arrimaha socdaalka ee buux-dhaafiyey maxkamada dalka Maraykanka. Kiisaska magangelyo doonka ayaa haatan celcelis ahaan qaata inay ku dhamaadaan illaa afar sannadood.
Tallaabadani waxay fududayn doontaa, in dadka aan la aqbalin codsiyadooda in si degdeg ah looga masaafuriyo dalka Maraykanka.
Hase ahaatee waxaan illaa haatan kala caddayn, tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka faa’iidaysanaya barnaamijkan, iyada oo ay su’aalo badanina ku xeeran yihiin, sida uu waxtar u yeelan doono barnaamijkani.
Hindisahan waxaa warbaahinta la wadaagay Khamiistii, saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka, iyaga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.
Magaalooyinka lagu bilaabi doono hindisahan cusub ayaa kala ah, Atlanta, Boston, Chicago, Los Angeles iyo New York. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in magaalooyinkan loo xushay, sababtoo ah, garsoorayaasha jooga magaalooyinkan ayaa xoogaa firaaqo ah u helaya inay dhegaystaan kiisaska dhinaca muhaajiriinta, iyo iyada oo magaalooyinkani ay yihiin kuwo aad u waaweyn oo xuddun u ah, muhaajiriinta.
Xog ururinta ayaa muujinaysa in illaa 3 milyan oo dacwadood oo magangelyo doon ahi inay horyaallaan maxkamada dhinaca socdaalka qaabilsan ee Maraykanka, waxaana gacanta ku haya illaa 600 oo garsoore. Hindisahan cusub ee lagu dhawaaqay Khamiistii ayaanay ku jirin lacago dheeraad ah oo lagu shaqaalaynayo garsoorayaal cusub.
Israa’iil oo ciidamo dheeraada u diraysa magaalada Rafax
Jimco 17 May 2024 {HMC} – Wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in Israa’iil ay ciidamo cusub oo dheeraad ah ay “gelin doonto gudaha Rafax” xilli ay ciidamada milaterige ee Israa’iil ay hawlgallo kala duwan ka wadaan dhinaca koonfureed ee Qaza, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka.
Gallant ayaa sheegay in hawlgalku “uu sii socon doono, isla markaana in ciidamo dheeraad ahi ay geli doonaan” Rafax. Wasiirka ayaa sheegay inay burburiyeen tiro ka mida buundooyinka dhulka hoostiisa mara.
Gallant ayaa intaas raaciyey in Xamaas ay tahay urur, dib isu abaabuli kara, isla markaana aan haysan ciidamo kayd ah iyo sahay kala duwan. Wuxuu sheegay inaanay awood u lahayn inay daaweeyaan, xubnaha ka tirsan ururkooda ee ay bartilmaameedsadeen.
Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa si weyn uga soo horjeestay hawgalka Israa’iil ee Rafah.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa 600,000 oo qaxooti ahi ay ka qaxeen marinka Rafax, tan iyo markii ay hawlgallada Milateri ay halkaas ka bilawdeen.



