Home Blog Page 2410

SSC-Khatumo leader attends National Consultative Council summit in Mogadishu

Thursday 16 ,May 2024,{HMC} The leader of SSC-Khatumo, Abdulkadir Ahmed Aw-Ali Firdhiye, participated for the first time in the National Consultative Council summit in Mogadishu on Thursday.

The National Consultative Council, which comprises federal and regional state leaders, listened to the leader of SSC-Khatumo regarding the general situation in SSC-Khatumo areas and emphasized that SSC needs to obtain its constitutional rights from the Federal Government of Somalia.

The leaders praised the SSC-Khatumo administration for its efforts in protecting the unity and independence of the Republic of Somalia.

Federal and Federal Member State leaders discussed various issues, including the country’s political situation, security, and federal and regional elections.

 

It is unclear whether the SSC leader will fully participate in the National Consultative Council meeting, which is scheduled to conclude today.

 

However, reports indicate that Firdhiye will have sideline meetings with President Mohamud and other regional leaders.

Israel oo Khasaarihii ugu badnaa loogu geystay Xerada Jabalia

Khamiis 16 May 2024 {HMC} – Israa’iil, ayaa maalintii labaad meydadka iyo dhaawaca askarteeda ka daabulaysa xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, oo illaa saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ay ka deggeen saacadihii u dambeeyay, iyadoo xilli horaba lagu sheegay khasaarihii ugu xooggana inay halkaa kala kulantay Israa’iil.

Dhimashada ugu badan ayaa gaartay askarta Israa’iil, markii ay gudaha u galeen dhisme si dhammeystiran loogu xiray qaraxyo, oo lagu qarxiyay markii ay gudaha u galeen.

Wuxuu ahaa howlgal ay si hagaagsan ay u qorsheeyeen kooxaha Falastiiniyiinta, oo sidoo kale madaafic la eegtay ciidankii iskudayay inay u soo gurmadaan askarta la qarxiyay.

Isku dhacyada tooska ah iyo weerarrada qorsheysan ayaa sidoo kale ka dhacaya gudaha Jabalia.

Xamaas ayaa soo bandhigay muuqaallo ay ku muujinayso howlgallada ay ka fuliyeen xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, Al-Zaytoun illaa Rafah,

Hooyooyinka dhalay 600 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa war qoraal oo ay si wadajir ah usoo saareen waxay dalbadeen in si deg deg loo sameeyo waddo looga baxo dagaalka Qasa, halkaasoo askar badan saacadihii u dambeeyay looga dilay ciidanka Israa’iil.

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiye Aadan Madoowe oo Booqday Dekadda iyo Goobaha Canshuuraha ka Caagan ee Jabuuti

Khamiis 16 May 2024 {HMC} – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Maxamed Dileita ayaa maanta booqasho ku tagay Dekadda iyo Goobaha Canshuuraha ka Caagan ee dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan iyo dhigiisa Jabuuti ayaa warbixin ka dhageystay Madaxda Dekadda Jabuuti, iyagoo uga warbixiyay hanaanka shaqo ee dekadda iyo horumarada ay ku talaabsatay sanadihii dambe, waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku amaanay madaxda dowlada Jabuuti sida ay uga go’antahay horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo u adeegida shacabka Jabuuti.

Ethiopia iyo Qatar oo yeelanaya iskaashi dhinaca Teknoolajiyada casriga ee Militeriga

Khamiis 16 May 2024 {HMC} – U qeybsanaha milliteriga ee safaarada dowladda Qatar ku leedahay Ethiopia, Sareeye Guuto Maxamed Cali Al-Xajri iyo taliyaha Jaamacadda Difaaca Ethiopia, Sareeye Guute Kebede Regasa ayaa kulan khaas ah ku yeeshay magaalladda Addis Ababa.

Qoraal ka soo baxay ciiddanka Difaaca Ethiopia (ENDF) ayaa lagu sheegay in kulankaasi oo dhacay Talaadadii la soo dhaafay looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jireen xoojinta iskaashiga teknoolajiyada milliteriga ee labada dal.

Jeneral Maxamed Cali Al-Xajri waxa uu xusay inay taageero ka geysan doonaan xiriirka dhow ee iskaashiga milliteriga iyo sidii loo samayn lahaa xiriirka hay’adaha waxbarashada milliteriga, tababarada, cilmi baarista iyo qeybo kale.

Dhinaca kale, taliyaha Jaamacadda Difaaca Ethiopia, Jeneral Kebede Regasa waxa uu hoosta ka xariiqay inay lama huraan ahayd inay hay’adaha milliteriga labada waddan ka faa’ideystaan khibradaha iyo teknoolajiyada milliteriga ee u dhexeeya Qatar iyo Ethiopia.

Wasiirka Difaaca oo Shirka Golaha Wadatashiga maanta warbixin looga dhageestay

Khamiis 16 May 2024 {HMC} – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socdo xarunta Villa Soomaaliya, uuna guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin lagaga dhagaystay Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka lagu xoreeyey deegaanno badan oo ay xoog ku heysteen argagixisada manaxayaasha ah, magaalooyinkaas iyo deegaannadaas oo ka tirsan dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa golaha Wadatashiga Qaran warbixin ka siiyay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo qorshaha la doonayo in mar kale looga saaro deegaannadda Al Shabaab heestaan.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

0

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal.

0

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Shir Looga Hadlayay Amaanka oo Lagu qabtay Degmada Aadan yabaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16.05.2024}

Khamiis 16 May 2024 {HMC} –  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & sahro Gabre

Farsamadii :Abdiqani osoble

{DAAWO MUUQAALKA} Maleeshiyaad dil cara badan Abuuray ka geystay bariga Gal-gaduud.

0

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Maleeshiyaad dil cara badan Abuuray ka geystay bariga Gal-gaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan lagu soo bandhigayey Qadiyada Somaliland oo lagu qabtay Daka Sweden.

0

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Kulan lagu soo bandhigayey Qadiyada Somaliland oo lagu qabtay Daka Sweden.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA