Home Blog Page 2413

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo saakay oo Khamiis ah gaaray Beijing

Khamiis 16 May 2024 {HMC} Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ka degay magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho laba maalin ah, taas oo xulafada kalitaliska ee Shiinaha iyo Ruushka isugu muujinayaan midnimo.

Booqashadan ayaa kusoo beegantay xilli ay Dowladda Riishka sii xoojisay duullaanka ay ku heyso dalka deriska la ah ee Ukraine, sidoo kale waxay kusoo aadeysaa xilli uu Ruushka noqday dhaqaalihiisa uu wax badan ku tiirsanyahay Shiinaha, tan iyo marki ay dhaqaala ahaan u go’doomiyeen quwadaha reer Galbeedka.

Wax yar ka hor inta aysan booqashada Shiinaha u billaaban, ayuu madaxweynaha Ruushka Putin u washeegay warbaahinta Shiinaha, in Moscow ay diyaar u tahay in ay ka xaajooto colaadda Ukraine.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayuu Putin ku yiri “Waxaan u furannahay inaan wadahadal ka galno Ukraine, laakin wadahadallada noocaani oo kale ah waa in xisaabta lagu darsadaa in ay tixgeliyaan danaha dhammaan dalalka ku lugta leh colaadda oo aan annagana ku jirno,”.

Shiinaha ayaa horay u sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay colaadda Ruushka iyo Ukraine, laakin taageeray sheegashada Moscow ee ahayd in ay dagaalka u qaadday kaddib marki ay dareentay gardarro uga soo wajahan Galbeedka.

In booqashadiisa koowaad uu ka dhigo Shiinaha, tan iyo marki loo dhaariyay lix sano oo kale oo uu Ruushka hogaamin doono, ayay u muuqataa in Putin uu farriin u dirayo dunida, una sheegayo in ahmiyaddiisa koowaad ee xiriirkiisa shakhsiyadeed uu yahay madaxweynaha Shiinaha Xi.

Biden iyo Trump oo foodda isku dari doona doodo kulul bilaha June iyo September

Khamiis 16 May 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo hadda ah murashaxa kula tartami doono doorashada manadxtinimada ee 5-ta November ee sannadkaan, ayaa labaduba isla ogolaaday in ay laba dood-wadaag isaga hor yimaadaan 27-ka June iyo 10-ka September ee sannadkaan.

Telefishanka CNN ayaa sheegay in labada murashax ay aqbaleen in doodda hore lagu qabto istuudiyaasha CNN ee magaalada Atlanta iyadoo aysan goob joog noqon doonin sidi caadiga aheyd dhageystayaal.

Wali lama shaacin wariyaha dhex-dhexaadin doono doodda, laakin doodda labaad ee 10-ka September ayay Biden iyo Trump isla ogolaadeen in uu qabto telefishanka ABC News.

Labada murashax ayaa markiiba midbo mid kale kale ku jees-jeesay, Madaxweyne Biden ayaa qoraal uu soo dhigay Arbacadi bogga uu ku leeyahay barta X ku yiri “Donald Trump laba jeer ayaan uga guuleystay doodihi 2020-ki, wixi markaasi ka danbeeyay muusan soo xaadirin dood.

hadda wuxuu u dhaqmayaa sida inuu rabo dood mar kale, hagaag, hagaaji maalinteyda saaxib.” Ayuu yiri Biden.

Trump, ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay warbaahintiisa bulshada ee Truth Social ku yiri in Biden uu ahaa “Qofki ugu doodda xumaa ee uu waligiis dood wadaag kula loollamay. Isaga oo intaasi raaciyay “Laba weerood isma dul saari karo!”

Trump, oo ah murashax ka socda xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuldarreystay inuu ka badiyo madaxweyne Biden doorashadi sannadki 2020-ki, inkasta oo uu Trump si been abuur ah u sheegto in lagaga shubtay doorashada.

Muddo todobaadyo ah ayuu ku baaqayay in Biden uu kala qeybgalo doodo taxane ah ka hor doorashada sannadkan 2024-ka. Biden oo ah murashaxa dimoqraadiga ayaa dhawaan aqbalay ka qeybgalka doodda.

Arbacadi, ololaha Biden ayaa soo jeediyay doodaha bilaha June iyo September, halka ay xaqiijiyeen in Biden uusan ka qeybgaleynin dood saddexaad oo uu afarti sanaba mar soo qaban qaabiyo urur aan faa’iido doon aheyn. Doodda guddigan ayaa lasoo qabanayay 30-ki sano ee lasoo dhaafay.

Biden iyo Trump ayaa isaga hor imaa doono doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta deyrta soo socota ee 5-ta bisha November ee sannadkaan 2024-ka.

Ra’isulwasaaraha Slovakia oo la toogtay

Khamiis 16 May 2024 {HMC} Ra’iisulwasaaraha dalka Slovakia Robert Fico ayaa si xun ugu dhaawacmay dhowr xabbadood oo loogaga dhuftay qeybo ka mid ah jirkiisa Arbacadi, laakin ku xigeenkiisa ayaa warbaahinta u sheegay in uu rumeysan yahay in Fisco uu ka babaadi doono dhaawacyada soo gaaray.

Robert Fico ayaa salaamayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa marki uu dhacayay weerarka lagu khaarijin rabay. Weerarka lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha ayaa ruxay waddankaasi yar ee ku yaalla bartamaha Yurub, xilli ay todobaadyo ka hareen doorashooyin lagu wado in ay ka dhacaan guud ahaan Yurub.

Ra’iisulwasaare xigeenka Slovakia Tomas Taraba ayaa sheegay in uu u maleynayo in ugu danbeyntii uu Fisco badbaadi doono, isaga oo intaasi ku daray inuusan ku jirin xaalad khatar ah xilligan.

Wasiirka gaashaandhiga Robert Kalina ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay la halgameen muddo saacado ah sidi ay u badbaadin lahaayeen Fisco oo ka mid ah hogaamiyaasha Yurub ee taageerssan Ruushka. Wuxuu kaloo sheegay in Ra’iisulwasaaraha ay rasaasta kaga dhacday caloosha iyo qeybo ka mid ah kala-goysada jirka.

Toogashada lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha ayaa ka dhacday degmada Handlova ee bartamaha Slovakia. Warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu fuliyay nin 71 jir ah, kaas oo ay xireen ciidamada ammaanka. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in falka lagu beegsaday ra’iisulwasaaraha uu yahay mid salka ku haya arrimo siyaasadeed.

Slovakia, oo xubin ka ah Isbaheysiga NATO iyo Midowga Yurub, ayaa leh taariikh aan badneyn oo ku saleysan siyaasadaha rabshadaha wata, Sannadihi lasoo dhaafay dalkan oo ay ku nool yihiin 5 iyo badh milyan oo ruux ayay shacabku kula qeybsanaayeen siyaasadda.

Doorashadi madaxtinimo ee bishi hore ayaa tusaale u aheyd, taas oo ay si adag ugu loolameen muxaafidka iyo mucaaridka, ugu danbeyntiina uu xadiddada kusii aastay Fisco, xukunkana dib ugu soo laabtay isaga oo ra’iisulwasaare ah.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ruushka ayaa muujiyay sida ay uga qarracmeen weerarka lagu dhaawacay ra’iisulwasaaraha Slovakia isla markaana si isku mid ah u wada cambaareeyay.

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arbaco 15 May 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta dowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska XDS ee Danab.

Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howlgalaan guutada 16-aad ee kumaandooska Danab XDS, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu kula wareegay Muqdisho.

Sii hayaha xilka safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, ayaa taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay gaadiidkaan oo ah kuwa dagaalka looguna talagalay CXDS

Dhanka kale Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Dowladda Mareykanka uga mahad-caliyay kaalinta muuqata oo ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada iyo sida ay u garab taaganyihiin ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhinaca tababarada, qalabka iyo howlgalada ka taageera ciidanka xooogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kumandoska Danab.

Ninkii toogtay reysal wasaraha Slovakia oo gacanta lagu dhigay

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Booliska ayaa xiray tuhmanaha kadib toogashadii reysal wasaaraha ee ka dhacday magaaladabartamaha magaalada Handlova.

Deegaanka, Rob Cameron, ayaa sheegay in ilaa iyo hadda warbixinnada la helay ay sheegayaan in ninka weerarka geystay oo 71 jir ah, uu kasoojeedo tuulo ku taal bartamaha Slovakia.

Bistoolada rasaasta laga furay ayaa la sheegay in si sharci ah loo haysto.

Ilaa hadda lama oga sababta uu ninka weerarka geystay

Muuqaal ayaa muujinaya dad rayid ah iyo ilaalo oo tuhmanaha ku xiraya bannaanka xarunta dhaqanka ee Handlova

{DAAWO SAWIRADA} Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho iyo Hogaamiyaha SSC Khaatumo.

Arbaco, 15 May 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya, isagoo kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Hogaamiye cali Jeyte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.?

0

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Maxay ka wada hadleen Hogaamiye cali Jeyte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Askari horey uga tirsanaajiray Ciidanka Liyuu Boolis oo Meydka laga helay Magaalada Jigjiga

Arbaco, 15, May,  2024 {HMC} Wararka naga so gaarayo magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in magaalada laga helay meydka nin lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi kaas oo galinkii hore ee maanta isagoo gawracan laga helay xaafadda 16aad ee magaalada Jigjiga.

Lama ogaan wali cidda sida arxan darrada ah u dishay ninkan, balse Ciidanka Booliska magaalada Jigjiga oo soo gaaray goobta lagu arkay meydka marxuumkan ayaa sheegay in baadhis lagu samayn doono meydka, isla markaana natiijada baadhistaas iyo cidda dilka gaysatay dib laga soo sheegi doono.

Ninka meydkiisa laga helay magaalada Jigjiga oo lagu magacaabo Cumar Xuseen Xaashi ayaa horey waxa uu uga mid ahaa Ciidanka Liyuu Booliska, isagoo muddooyinkii u dambeeyay ahaa qof shacab ah, degaan ahaan waxa uu kasoo jeedaa degmada Araarso ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Jigjiga ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilal kala duwan oo loo gaysanayo dad shacab ah, kuwaas oo badanaa lagaysto ama la fuliyo xilliyada habeenkii walina aan la ogaan cidda rasmiga ah ee dilalkaas gaysta, inkastoo magaalada xaafadaha qaar ay si xowli ah uga jiraan waxa loo yaqaano Jaynaa guruub ama Ciyaal weero.

Dadka ku nool magaalada Jigjiga ayaa falalkan argagaxa leh ee kusoo laalaabtay magaalada Jigjiga ku tilmaamay kuwo aad looga naxo, waxayna Xukuumadda ka codsadeen in arrimahan ay aad ugu soo jeedsato baadhisna ku samayso waxa dilalka gaysanaya, isla markaana xukuumaddu ay xoogga saarto sugidda amniga Shacabka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dad caraysan oo la wareegay xarunta Maamulka Qod-qod fariinna u diray Maamulka Hirshabeelle

0

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Dad caraysan oo la wareegay xarunta Maamulka Qod-qod fariinna u diray Maamulka Hirshabeelle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} DFS Oo Faah Faahin ka bixisay Howlgal Lagu dilay Xubno AS Ah.

0

Arbaco-15-May-2024 {HMC} DFS Oo Faah Faahin ka bixisay Howlgal Lagu dilay Xubno AS Ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA