Khamiis-16-May-2024 {HMC} Askari horey uga tirsanaajiray Ciidanka Liyuu Boolis oo Meydka laga helay Magaalada Jigjiga
{DAAWO MUUQAALKA} Abaabulka Howl-gal ka dhan ah AS oo ka biloowday galbeedka Hiiraan.
Khamiis-16-May-2024 {HMC} Abaabulka Howl-gal ka dhan ah AS oo ka biloowday galbeedka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Cumar Xassan”Waxaan Xasan Sheekh U sheegeynaa inawsan Laftagareen inagu matalin shirka madasha qaran
Khamiis-16-May-2024 {HMC} Cumar Xassan”Waxaan Xasan Sheekh U sheegeynaa inawsan Laftagareen inagu matalin shirka madasha qaran
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Shaqaalahii Markabkii dhawaan lagu afduubtay Somaaliya oo ka shekeeyay sida ay Salaada u tukan jiree
Khamiis-16-May-2024 {HMC} Shaqaalahii Markabkii dhawaan lagu afduubtay Somaaliya oo ka shekeeyay sida ay Salaada u tukan jiree
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dilka wiilkeenii loogu geystay Gaalkacyo waxaan u rabnaa Diyo Ama Gacan ku dhiigle yaasha.
Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dilka wiilkeenii loogu geystay Gaalkacyo waxaan u rabnaa Diyo Ama Gacan ku dhiigle yaasha.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16.05.2024}
Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::abdirahmaan macalin muuse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Maamulka Puntland oo Caddeyay Mowqifkiisa shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Khamiis 16 May 2024 {HMC} – Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka maqan tahay Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda.
Wasiirka ayaa ugu horreyntii weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inay wado gacan bidixeyn.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shirka haatan ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in waxba aysan kasoo bixi doonin, sida uu hadalka u dhigay.
“Intii uu Xasan xilka kusoo noqday waxaaa iska socday talada gacan bidixda ah oo aan waxba kasoo baxayn, odayaal sheekeystay waayey” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in ay doonayaan in marka hore la qabto wada-hadallo dhab ah oo lagu dhammeynayo khilaafaadka jira, si looga gudbo xaaladda adag ee taagan.
“Annagu waxaan taaganahay si caafimaad qabta haloo hadlo, wadaadada xagaas joogana waxay rabaan wax lala cararayo oo dadka kale aan loo ogoleyn” ayuu yiri.
Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan quseyn dhammaan qodobada kasoo baxa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, maadaama ay iyagu ka maqan yihiin.
“Waxa kasoo baxa shirkaas nama quseeyo ninkii wacday ayay u taallaa annaga wax shaqo ah kuma lihin” ayuu kusii daray wasiirku.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan dooneynaa dowlad Soomaaliyeed oo taaba qaada oo federaal ah, loona siman yahay”.
Puntland ayaa si weyn uga hortimid wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo ay horay ugu dhaqaaqday Villa Soomaaliya, ayna ansixiyeen xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka.
Maxeey Kawada Hadleen Ismaaciil Cumar Geele iyo Aadan Madoobe?
Khamiis 16 May 2024 {HMC} – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo uga mahadceliyay booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jabuuti.
Madaxweyne Geelle ayaa bogaadiyay guulaha waaweyn ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku talaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoo xusay in shuruuc muhiim u ah geedi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tilmaamay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay kaalin walaalnimo kasoo qaateen dib u dhiska Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay dib u xoreynta dalka iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dalka.
Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta ka qeyb galay kulankii baarlamaanka dalka Jabuuti, isagoo ka jeediyey Khudbad dheer oo guulihii ay dowladda Soomaaliya gaartay iyo kaalinta reer Jabuuti uu ku dulistaagay.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku soo dhoweeyay fadhiga Golaha wuxuuna uga mahadceliyay booqashada isaga iyo wafdigiisa isagoo tilmaamey in muhiim ay u tahay Jabuuti, wuxuuna ku ammaanay Baarlamaanka Soomaaliya inuu ansixiyay shuruuc ahmiyad gaar ah u leh hanaanka geedi socodka dowladnimadda Soomaaliya.
Aadan Madoobe ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti ku amaanay doorkoodii lama ilaawaanka ahaa ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku laheyd dib u yag-leelida Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan, isagoo u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti oo garab u ah walaalahooda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xalay safar ugu Baxay Dalka Baxreyn
Khamiis 16 May 2024 {HMC} – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Baxreyn uga qeyb galaya meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta, oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa kaga qayb galayo Magaalada Manama ee dalka Bahrain.
Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo wafdi kale oo uu hoggaaminayo ay Xamza uga sii horeeyeen dalka Bahrain, isagoo sheegay inay halkaas ku soo dhoweeyeen wafdigiisa, isla markaana ay berri ka qeyb gelayaan shirkaas.
Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa sheegay in dalalka Carbeed ee madaxdooda ay shirkaas isugu imaanayaan ay yihiin 22 wadan, isla markaana shirkaan uu ku soo aaday waqti muhiim ah.
Soomaaliya ayaa berri shirkaas la tegeysa qodobo muujinaya guulaha ay xaqiijisay iyo xadgudubka Itoobiya oo soo damaacisay badda Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in shirka ay ka soo bixi doonaan qodobo lagu taageerayo go’aanada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in dalalka Carabta ay Soomaaliya ku taageerayaan inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo saakay oo Khamiis ah gaaray Beijing
Khamiis 16 May 2024 {HMC} Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ka degay magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho laba maalin ah, taas oo xulafada kalitaliska ee Shiinaha iyo Ruushka isugu muujinayaan midnimo.
Booqashadan ayaa kusoo beegantay xilli ay Dowladda Riishka sii xoojisay duullaanka ay ku heyso dalka deriska la ah ee Ukraine, sidoo kale waxay kusoo aadeysaa xilli uu Ruushka noqday dhaqaalihiisa uu wax badan ku tiirsanyahay Shiinaha, tan iyo marki ay dhaqaala ahaan u go’doomiyeen quwadaha reer Galbeedka.
Wax yar ka hor inta aysan booqashada Shiinaha u billaaban, ayuu madaxweynaha Ruushka Putin u washeegay warbaahinta Shiinaha, in Moscow ay diyaar u tahay in ay ka xaajooto colaadda Ukraine.
Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayuu Putin ku yiri “Waxaan u furannahay inaan wadahadal ka galno Ukraine, laakin wadahadallada noocaani oo kale ah waa in xisaabta lagu darsadaa in ay tixgeliyaan danaha dhammaan dalalka ku lugta leh colaadda oo aan annagana ku jirno,”.
Shiinaha ayaa horay u sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay colaadda Ruushka iyo Ukraine, laakin taageeray sheegashada Moscow ee ahayd in ay dagaalka u qaadday kaddib marki ay dareentay gardarro uga soo wajahan Galbeedka.
In booqashadiisa koowaad uu ka dhigo Shiinaha, tan iyo marki loo dhaariyay lix sano oo kale oo uu Ruushka hogaamin doono, ayay u muuqataa in Putin uu farriin u dirayo dunida, una sheegayo in ahmiyaddiisa koowaad ee xiriirkiisa shakhsiyadeed uu yahay madaxweynaha Shiinaha Xi.



