Arbaco-15-May-2024 {HMC} Danjirihii saameynta badan ku lahaa doorashadii 2022 oo markale hoggaamin doona xafiiska QM
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Danjirihii saameynta badan ku lahaa doorashadii 2022 oo markale hoggaamin doona xafiiska QM
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda Ubax dhigay taaladda SYL.
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Shir looga hadlayey amniga Gobalka Banaadir oo lagu qabtay degmada Dharkenley
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Suxufiyiinta Puntland oo qaadacay xubnaha loogu yeeray Guddiga Warbahaahinta
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa AS.
Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Cali Hayle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lala eegtay gaari ciidan oo ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka.
Sidoo kale duqeynta labaad deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana lala eegtay gaari booyad ah, sida lagu sheegay qoraalka.
Sidoo kale waxaa isla goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ilaalo ka hayay gaariga booyadda ah ee ma qarxiyay.
“Taliska Ciidanka XDS waxuu xaqiijiyay in duqeyntii Cali hayle lagu gubay gaari booyad ah waxaana lagu dilay maleeshiyaad ilaala ah u ahaa gaariga, duqeynta labaad ee ka dhacday xalay deegaanka Baraag sheikh Caamir waxaa sidoo kale lala beegsaday gaari Cabdi bila ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano agagaarka Hareeriga jimcaale Maxamuud Daa’uud” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda AS oo ku aadan duqeymahaas ee ay guusha ka sheegatay AS.
Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxaa kamid ah gobollada furinta ah oo ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka qabsoomay shir looga hadlay amniga 5 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, kaas oo ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.
Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana wehlinayay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary.
Mas’uuliyiintan ayaa ku shiray xarunta Degmada Dharkenley, waxaana looga hadlayay amniga degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Kaxda, Dayniile iyo Deegaanka Garasbaaley, waxaana saraakiisha iyo guddoomiyeyaasha ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee degmooyinkaasi.
Sidoo kale waxa ay ku ballaameen in lasii dardar-geliyo amniga qeybta galbeed iyo guud ahaan kan caasimadda Muqdisho.
Yabooh oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in kulankan uu qeyb ka yahay kulamo si gooni gooni ah lala yeelanaayay saraakiisha qeybaha gobolka Banaadir si loo dar-dargeliyo amniga guud ee degmooyinka gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale saraakiisha iyo maamullada kula dar-daarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo sugidda Amniga, si loogu hortago dhagaraha cadowga.
Muqdisho ayaa waxaa mar kale kusoo kordhay falalka ammaan darrida, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab.
Dhinaca kale waxaa iyana halkoodii ah howlgallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada ammaanka oo labadii maalmood lasoo dhaafay soo qab qabtay burcaddii ugu badnayd.
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan kama dambeys ah ka gaarto kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.
Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi ayaa maanta ku dhawaaqeysa go’aankeeda rasmiga ah, kaas oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.
Waxaa soo dhammaatay dooddii kiiskan oo u dhexeysay xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha oo maalmihii u dambeeyay la dhageysanayay, waxaana maanta lagu dhawaaqayaa xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud,
Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday Maxkamadda Racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.
Horay Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa ninkan ugu soo xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku heshay falka halista ah ee lagu soo eedeeyay.
Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud oo go’aan laga gaarayo Maanta.
Arbaco-15-May-2024 {HMC} Fatahad xoogan oo kusoo wajahan Magaaladda Baladweyne.