Home Blog Page 2423

Maxaa sababay in la hakiyo gargaarkii bini’aadanimo ee la geyn jiray marinka Qaza

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Gargaarka bini’aadanimo ee ay ahayd in la geeyo marinka Qaza ayaa sii yaraanaya, ka dib markii la xidhay, labadii goobood ee ugu waaweynaa ee gargaarku ka geli jiray Qaza, kuwaas oo ku yaallay agagaarka magaalada Rafax.

Goobahan ayaa weli xidhan, waxaana ururada samafalku ay dedaal ugu jiraan, sidii ay u qaybin lahaayeen, gargaarka bini’aadanimo ee aadka u yar ee yaalla gudaha Qaza, iyaga oo isku deyaya inay gaadhsiiyaan, boqolaal kun oo qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, Farxan Haq, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay, inuu hakad ku yimi, gargaarkii bini’aadanimo ee laga qaybin jiray marinka Qaza.

Wuxuu sheegay, inay weli xidhan yihiin, marinadii muhiimka ahaa ee la marsiin jiray gargaarka loo wado gudaha Qaza, wuxuu intaas ku daray, inaanay weli jirin marino ammaan ah oo la mariyo sahayda loo wado gudaha Qaza.

Farxan Haq ayaa sheegay in la dilay mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan dhinaca ammaanka, halka mid kalena la dhaawacay, xilli gaadhigoodu uu ku xannibmay waddada isaga oo u socda cusbitaalka Midawga Yurub ee ku yaalla Rafax.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Qaraxyo iyo raggii waday.

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha AS ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo.

Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaas uu damacsanaa dhagar weyn, balse ay ka hor tageen, kuna guuleysteen inay qabtaan isagoo badqaba oo qaraxyo ay u diyaarsan yihiin.

Goobta waxaa lagu bandhigay gaari Langarusal ah oo la sheegay inuu isku qarxi rabay iyo miinooyin aad u badan, balse lama sheegin hadii ay jiraan weerarro uu ninkaani horay u geystay.

“Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn, gaadiidkii lagu waday iyo sharwadihii doonayay inuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ku dhibaateeyo,” ayaa lagu qoraalkaan ka soo baxay taliska ciidamada PMPF-ta Puntland.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ciidanka fuliyey howlgalkaan ay bixiyeen, ninkaan meesha uu ka yimid, magaciisa iyo goobaha bartilmaameedka u ahaa, midna laguma shaacin warbixintaan.

Qeybo ka mid ah Puntland waxaa ka dagaalama AS, qeyb kale waxaa joogta Daacish, kuwaas oo mararka qaar ayagu is weerara, maadaama Shabaab iyo Daacish aysan heshiis aheyn, dhulka ay joogaan Puntalnd, waa buuraley aan lagu weerari karin oo deegaano fog fog ah.

Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlay Arrimo muhiim u ah labada dal.

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Masuuliyiin sarsare oo ka kala socota Maraykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada, si ay uga wada hadlaan, walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in wadahadalada ka dhacaya magaalada Geneva, inaanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in qodobada miiska yaalla ee laga wada hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos loogu dhigi karo, khataraha ku gedaaman isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Beijing iyo Washington ayaa ku jira tartan aad u xooggan oo la xidhiidha, cidda gacanta sare yeelanaysa, marka laga hadlayo Artificial Intelligence

Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada PMPF oo gacanta ku dhigay Hub iyo Ragii Watay.

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Ciidamada PMPF ee Puntiland oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan kooxaha Argagixisada ah.

Cutubyada sida gaar ka ah u Tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay sharwade ka tirsan kooxaha argagixisada ah , kaasi oo ku hubaysana walxaha qarxa.

Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn , gaadiidkii lagu waday iyo sharwadihii doonayay inuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ku dhibaateeyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13-05-2024}

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Madaxweyne Xasan oo war ka soo saaray Caano-shubka Ugaaska Xawaadle

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh, bulshada Hiiraan, reer Hirshabeelle iyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Deegaanka Daaro-Ugaas ee maanta ay ka dhacday xafladda caano-shubka ah ayaa ka mid ah deegaanadii dhowaan laga xoreeyey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa ka qeyb galay xafladda Caano-shubka Ugaaska.

Sidoo kale xafladaas waxaa maanta ka qeyb-gelay duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, maadaama aad loo ciseeyo Ugaaska beesha Xawaadle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo jeeda gobolka Hiiraan, maadaama Hooyadiis ay tahay Xawaadle, wuxuuna mar kasta ku faanaa inuu ku soo koray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo Abtiyaashiis ay degaan.

Xawaadle ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida weyn u qadariya dhaqanka, waxayna caan ku yihiin inay ka dambeeyaan, taladana ka qaataan ugaaska.

Qaramada Midooway oo Saartay tirada dadka illaa hadda ka qaxay weerarka Israel ee Rafax

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Qiyaastii 360,000 oo qof ayaa ka qaxay magaalada ugu xigta dhanka koonfureed ee Gaza ee Rafah todobaadkii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza.

Dadka ayaa ku qulqulaya Rafah ka dib markii ay Israa’iil ku baaqday in la soo daadgureeyo ka hor weerar ballaaran oo dhulka ah oo la qorsheeyay .

Ugu yaraan 60,000 oo qof ayaa qaxay tan iyo Axaddii oo keliya, sida ay sheegtay UNRWA.

Dhanka kale, waqooyiga Gaza duqeynta & amarada kale ee daadgureynta ayaa barakac iyo cabsi badan ku abuuray kumanaan qoys. Meel la aado ma jirto., ayey tiri UNRWA.

Philippe Lazzarini, oo ah Guddoomiyaha Guud ee UNRWA, ayaa ka digay maalin ka hor in dadka badankiis ee ku nool deegaanka ay mar hore guureen celcelis ahaan bishiiba mar si ay uga fogaadaan duqeymaha Israel.

“Sheegashada Israel ee goobo nabdoon waa been iyo marin-habaabin. Meel ammaan ah Gaza ma jirto. ayuu yiri.

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa ku celceliyay digniino adag dabayaaqadii todobaadka ee ka dhanka ahaa duulaanka Israel ee Rafah, iyaga oo saadaaliyay in duulaan dhulka ah uu horseedi doono khasaare baahsan oo soo gaara dadka rayidka ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 57 qof ay ku dhinteen howlgallada Israa’iil 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Wasaaradda ayaa sheegtay in 82 qof ay ku dhaawacmeen.

Tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ee Israa’iil, 35,091 qof ayaa lagu dilay Gaza, weerarrada Israa’iil ee deegaanka, iyadoo 78,827 qof lagu dhaawacay

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay howlgallada militari ee Israa’iil ayaa keentay cambaareyn iyo walaac caalami ah oo ay ku jiraan xulafada dalkaas.

Mareykanka ayaa dhawaan hakiyay shixnadaha hubka ee loo soo daabuli jiray militariga Israa’iil iyadoo saraakiisha sarsare ee dalkaasi ay sheegeen in ay qorsheynayaan in ay sii wadaan howlgal ballaaran oo ka socda magaalada koonfurta ku taalla ee Rafah.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabelle oo dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Ugaas Yuusuf

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo noqday Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle.

Dahara Ugaas oo hoostagta degmada Halgan ayaa maanta lagu caano-shubbay Ugaas Yuusuf iyadoo xariirta loogu xiray deegaanka Ceeldheere.
Duubka Ugaas Yuusuf waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle.

“Maanta dhacdo dhaqan oo weyn ayaa ka dhacday degmada Halgan. Ugu horreyn hambalyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, Alle waxaa ka rajeynayaa inuu kula garab-galo hoggaanka dhaqan ee maanta laguu idmaday.”

Ugu dambeyn Madadweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u rajeeyay shacabka Hirshabeelle midnimo, nabad iyo barwaaqo isagoo xusay in geeddigaas ay kaalin weyn ku leeyihiin dhaqanka labada Gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

 

DHAMMAAD

Kenya, Tanzania, Uganda and Rwanda experience internet outages

Monday  13, May  2024  {HMC} Internet users in Kenya, Tanzania, Rwanda and Uganda have been complaining about poor connectivity as service providers across East Africa acknowledge there has been a problem.

They have said they are working to fix it.

The patchy service was a result of faults in the under-sea cables that connect the region to the rest of the world through South Africa, industry expert Ben Roberts told the BBC.

A similar outage was experienced in parts of West and Southern Africa in March.

Cloudflare Radar, which monitors internet connectivity, said that Tanzania was of the worst-affected countries with traffic falling to 30% of expected levels.

Tanzania’s Citizen newspaper described what has happened as an “internet blackout [that] has affected major network channels”.

On X, formerly known as Twitter, service providers have been fielding queries from frustrated customers.

In response to one Kenyan user who wanted to know if they would be able to watch the Manchester United versus Arsenal English Premier League match, Airtel Kenya said its team was working on the “network issue” and apologised.

Safaricom, also in Kenya, said it was “experiencing a challenge”.

Airtel Ugandan has said it was aware of the “intermittent internet service”. And MTN Rwanda said there was “an issue of degradation of international links”.

Malawi, Mozambique and Madagascar have also been affected according to Cloudflare Radar.

Mr Roberts, from the pan-Africa company Liquid Intelligent Technologies, said that he had confirmed that one cable that runs alongside the coast of East Africa, known as Eassy, had been cut earlier on Sunday some 45km (28 miles) north of the South African port city of Durban.

Another cable was also cut. He ruled out the idea that it could be sabotage and said it was rather an unhappy coincidence.

Other cables linking East Africa to Europe are also available and gradually the service should improve as data is re-routed. But as a lot of big companies have data centres in South Africa the damage to the vital link that Eassy provides had a big impact.

In March, widespread outages were reported in countries including South Africa, Nigeria, Ivory Coast, Liberia, Benin, Ghana and Burkina Faso.

This was also put down to cable failures. The cause was not clear but led to the frustration of millions of customers around the continent.

SOURCE BBC