spot_imgspot_imgspot_img
Home Blog Page 2422

AS oo dhexda Ugalay ciidan safar u ahaa Degmada Marka ee Shabeellada Hoose

0

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Kooxda AS ayaa dishay, qaarna nolosha ku qabatay askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib markii ay wadada u galeen.

Seddax askari ayaa saqdii dhexe ee xalay ka baxday deegaanka Lambar-komton ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna u socdeen degmada Marka ee isla gobolkaas.

Kooxda Shabaab ayaa jidka u gashay askartaas, waxaana dhex maray dagaal culus, iyadoo markii dambe laga awood batay askartii dowladda.

Dagaal culus oo socday ugu yaraan 30 daqiiqo ayaa ka dhacay halkaas, askartii dowladda oo Al-Shabaab ka dishay shan dagaalame ayey ka dhamaatay rasaastii.

Hal askari ayaa ka dhimatay askartii jidka loo galay ee dowladda, halka labadii kale ay Shabaab gacanta u galeen iyagoo nool.

Askarta u gacan gashay Al-Shabaab waxaa lagu kala magacaabaa Muuse Xasan Cabdi iyo Aweys Xasan Abshir oo ka tirsanaa guutada 14-ka October ee militeriga Soomaaliya iyo Maxamed Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Nabad sugidda gobolka Sh/Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askartaas u gashay inta u dhaxeysa deegaanada Buulonagey iyo Jilib-marka, wuxuuna dagaalkaasi dhacay 10-saac oo habeenimo.

Aweys iyo Maxamed waxay gacanta u galeen Al-Shabaab, iyagoo nool, balse dhaawac ah, deegaanka Mubaarak ee gobolka Sh/Hoose ayaa naloo sheegay inay Shabaab geeyeen askartaas.

{DAAWO MUQAALKA} Qaabkii uu maanta u dhacay Aaskii AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Mgaalada Muqdisho waxaa manta si heer qaran ah loogu aasay Allah ha u naxariistee Khadiija Maxad Diiriye, oo aheyd wasiirkii haweenka iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti.

AUN Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee dowladda, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoonka baarlamanka, madax hore, iyo xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda, iyo dadweyne kale.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA 2024 ilaa 2029.

Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay oo aaladda fogaan arag ah ee Zoomka uga qaybgalay Qaar kamid ah Wasiirada Gargaarka dowlad Goboleedyada sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wakiilo ka socday Maamulka Jubbaland, hay’addaha deeq Bixiyaasha ah ee xiriirka dhaw la leh SoDMA, waxaana shirkaan si gaar ah looga tashanayey waxqabadka hay’adda shanta sano ee soo socta.

Shirkaan ayaa waxaa lagu ansixiyay waxqabadka istiraatiijiyadda hay’adda u qorshaysan, taas oo lixdii bilood u danbaysay ay waday latishayadeeda ay la qadanayso qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka, beesha caalamka, iyo wasiirada gargaarka dowlad goboledyada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21/12/2023

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi maajid Abdiraxmaan Addan

Farsamadii :Abdiraxmaan macalin muuse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Kulan Looga Hadlaayo Amaanka oo dhaxmaray Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe iyo Saraakiisha ATMIS

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Kulan looga hadlayo xaaladaha Amniga Magaalada Jowhar iyo guud ahaan Gobolka la qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS.

Ujeedadad kulanka ayaa ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka Gobolka  Shabellaha Dhexe waxaana uu haa kulankii ugu horeeyay ee uu Axmed Meyre Makaraan  la qaato Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS ee howgalka u jooga Soomaaliya

Kulanka u dhaxeeyay maamulka shabellaha dhaxe iyo Admis ayaa waxaa Diirada lagu saarayey xaaladaha Amniga Gobolka iyo sidii leysaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaariijta

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka mahadceliyey garab istaaga Ciidamada ATMIS iyo Taakuleynta Dadka shacabka u sameeyaan.

Faal iyo Saraakiisha Ciidanka ATMIS Axmed Faal iyo Saraakiisha Ciidanka ATMIS Axmed Faal iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS

Falastiiniyiin ay Israa’iil sii deysay “waxay mar walba na weydiinayeen halka Xamaas ay joogto, lug ayey iga jareen”

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Lix Falastiiniyiin ah oo kasoo jeeda Qasa ayaa sheegay in si ba’an loo jirdilay, la garaacay oo ay garaaceen ciidamada Israa’iil muddo ku dhow bil oo ay xirnaayeen.

Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay in askarta Israa’iil ay ka toogteen lugta midig, taasoo markii dambe ay noqotay in laga gooyo, balse isaga iyo qaar kale ay weli xiran yihiin.

Laakin eedeymahaas Israa’iil waa ay diiday sida uu  sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, isagoo intaa ku daray in aanay haynin xog ku filan oo ay ku baaraan sheegashada ninkan si ay u go’aamiyaan goorta iyo sida ay wax u dhaceen.

Afhayeenka militariga Israa’iil ee (IDF) ayaa intaa ku daray inay ixtiraamayaan sharciga caalamiga ah.

Falastiiniyiin

Raggan hadlay ayey Israa’iil sii daysay Khamiistii 14-kii December, waxaana lagu sii daayey marinka Karim Shalom oo Israa’iil ka soo gala Qasa.

Dhaawacyada raggan Falastiiniyiinta ah ayaa lagu daweeyay cisbitaalka Muxammad Yuusuf al-Najjar ee Rafax oo ku yaal koonfurta Qasa.

Sidee baaritaan dhiig loogu ogaan karaa isdilka dunida ku badan
11 1
Tobaneeyo maxaabiis ah oo laga soo daayay xabsiyada Israa’iil ayaa ku sugnaa halkaas, kuwaas oo toddoba qof oo keliya ay diyaar u ahaayeen inay hadlaan.

Afar qof oo isku xiga ayaa hal sariir wada fadhiyey, sababo la xiriira isbitaalka oo aysan meelna ka banaanayn, halka midka shanaadna uu garab istaagay si ay u taageeraan.

Waxay xirnaayeen dhar cowlan oo fudfudud iyagoo gacmahooda ay ka muuqdaan nabarro qoto dheer, aadna u murugaysan.

Qaar ka mida maxaabiista laga sii daayey xabsiyada Israa’iil waxaa ku jiray kuwo gacmaha ay ugu xiran yihiin caaga cad ee dadka gacmaha looga xiro iyo katiinad ay ku xireen ciidamada markii la xirayey

22
Maxamed Daa’uud waxay dhibaato ka haysatay inuu toos u istaago

Guur Wadareed Mar kaliya 50 qof Loogu Sameeyey Mandheera

Maxamed Daa,uud oo ka mida kuwa la sii daayey ayaa sheegay in xitaa la xiray markii uu raacay amarrada Israa’iil ee ah in loo guuro koonfurta.

“Waxaan ka nimid Beit Lahia oo ku taal waqooyiga, waxaanan u soconay koonfurta marinka nabdoon markii la i xiray,” ayuu igu yiri cod murugo leh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Halkaas ayay naga qabteen, way na wareysteen, waxay isku dayeen inay ogaadaan ama weydiiyaan ‘ma Xamaas baadtihiin? Ma waxaad samaynaysaa Jihaad Islaami ah?'”

Maxamed wuxuu sheegay in uu u xirnaa Israa’iil labtan iyo lix maalmood uuna qabo in sababta loo sii daayey ah ahayd in laga waayey wixii laga rabay sida uu xusay.

“Way na garaaceen, way na caayeen waxaa kaloo ay nagu tufeen candhuuf, si daran ayay noola dhameen” ayuu yiri Maxamed.

Bayaan ay soo saartay IDF ayaa lagu yiri: “Waxaan caddeyneynaa, dhaawaca ka dhashay katiinadda maxaabiista, in arrintan loo sameeyay iyadoo la eegayo khatarta maxaabiista, laakiin xaaladooda caafimaad way wanaagsan tahay si wanaagsanna waa loola dhaqmay”.

Laakin Maxamed oo ka mid ahaa ragga hadlaya yaa sheegay wax ka duwan sheegashada ciidamada Israa’iil.

“Hal buste oo keliya ayaa nala siiyay xitaa iyadoo cimiladu aad u daran tahay, waxaana nalagu hayn jiray bannaanka ayadoo roob uu da’ayo, iyo iyadoo cuntada iyo biyaha ay gabaabsi ahaayeen,” ayuu yiri Maxamad.

Mar kale, IDF ayaa beenisay dhammaan eedeymahaas, waxayna sheegtay in maxaabiista la siiyay tiro ku filan oo isugu jirta cunto, biyo iyo goobo caafimaad saddex jeer maalintii.

33
Maxamuud Abuu Xuseyn oo ay ka maqan tahay lugtiisa midig iyo dhaawac ka muuqda

Maxamuud abu xusayn, oo ahaa qofkii lixaad ee laga sii daayay xabsiga Israa’iil ayaa ku fadhiyay kursi ku yaala waddada cisbitaalka isagoo niyad jabsan.

Abuu xusayn waxaa ka maqnayd lugtiisa midig, qaybta hoose ee surweelkisa waxaa ka muuqday dhiig xinjiro ah.

Wuxuu sheegay in uu u sheegay ciidamada inuu xanuusan yahay ka hor inta aysan ka soo qaadin gurigiisa oo ku yaalay waqooyiga Qasa, da’diisana uu ugu sheegay in 62 sano uu jiro sida uu sheegay.

“Maya ayay igu yiraahdeen, waa inaad noo sheegtaa halka ay ku dhuumanayaan Xamaas iyo halka ay ku sugan yihiin la haystayaasha Israa’iil.” Ayuu intaas ku daray Maxamuud.

Isagoo sii hadlyey illinna ay ka socoto ayuu Abuu Xuseyn yiri “waxaan ku iri ma garanayo waxa aad i waydiinayso oo dhan, way rumaysan waayeen hadalkii an u sheegay , waxayna iga toogteen lugta ka dibna naxariis darradu halkan kuma joogsan, waxay iga gooyeen lugta”.

Muxamed Yuusuf cali Abuu Shimla ayaa isna ka mid kuwa xabsiga laga sii daayey ee maxaabiista Falastiin, wuxuu ka yimid xaafadda Saytuun ee bariga magaalada Qasa.

Shimla, waa qofka toddobaad , waxa uu xidhnaa surwaal cawlan oo fudud sida kuwa kale, laakiin waxa ay u muuqataa in ciidammada Israa’iil ay xidheen wakhti kale.

“ Cagaf cagaf ayaa bilowday inay gurigayaga burburiso aniga iyo afartan qof oo gudaha ku jiray, dumarku way qaylinayeen, gacmaha ayaan taagnay oo gurigii ka baxnay, waxay xireen aniga iyo lix kale oo ay ku jiraan saddex wiil oo aan dhalay iyo labo aan adeer u ahay iyo wiil kale ” ayuu sheegay Shimla.

Wuxuu intaa ku daray inay ku amreen ciidamadu inay dharka siibaan laakin wuxuu sheegay in isagu uu shaarkiisa iska bixiyey, markii danbana xitaa kastuumaha ay bixiyeen.

Mar kasta ciidamada Israa’iil waxay sheegayaan inaysan haynin caddaymo muujinaya waxa ragga la waraystay ay sheegeen.

Gunaanadkii Shimla ayaa sheegay inuu raadiyey qoyskiisa intii kale, maadaama kaligiis la sii dayey balse wuxuu xusay inuusan garanayn waxay muteen kuwa aan wali la sii dayn, isagoo codkiisu uu aad nuxuus u ahaa .

XIGASHO BBC SOMALI

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa ka taqaanaa Shan qodob ee caddeynaya in dumarku ay wax waliba ka jecelyihiin lacagta 

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Dumarku waa sax oo waxa ay daneeyaan lacagta. Waliba waxa ay jecelyihiin in ay saaxiib dhow la noqdaan, haa, xitaa kuwa yiraahda lacagtu waxba maaha, kuuma iibin karto wax waliba sida farxadda.

Ragga, waxaa la sheegaa in shukaansigu uusan u macaanaan ama u qurux badnaanin haddii aysan jeeb buurneyn, waxana ay la kulmaan waqtiyo adag oo xagga shukaansiga ah. Waxa ay noqon karaan kuwo niyad jabsan waqtiyo badan.

Haddaba warbixintan qaybteeda hoose waxaa ku xusan shan qodob oo qeexaya daneynta dumarka ee lacagta, iyo sida ugu sahlan ee ay raggu u heli karaan haasaawaha ay u baahanyihiin iyagoo sameynaya dhaqaale abuur.Gabar

 

Diirad saarid
Hanti uruurintu waxay u baahan tahay diirad saarid iyo awood dheeraad ah, si aad ugu dambeyn u ogaarto waxa aad sameyn karto. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay haweenka raadinaya habka lacag sameynta.

Xataa dumarka xiisaynaya cilaaqaadka caadiga ah kaliya waxay door bidaan ragga yaqaan sida wax loo maareeyo ama dareemi kara baahida haweeneyda.

Qaababkan waxay qayb ka qaataan sameynta dhaqaale ay heli karaan ragga

Samaynta ganacsi guul leh

Helitaanka shaqo guul leh

Qodobka ugu muhiimsan ee halkan, waa in aadan haweenka u oggolaan in ay ku mashquuliyaan xilliga shaqada waliba haweeneyda aad xiriir wadaagga tihiin.

Dadka badankood waxa ay yirahdaan haweenku waxa ay u baahanyihiin dareen gaar ah iyo in aad waqti siiso, balse taas in kabadan, haddii ay tahay xaaskaga iyo haddii kalaba, marba haddii aysan gacantaada wax kasoo bixin, waa hubaal in aad si fudud ku weyn karto iyada.

Helitaanka lamaane ku haboon nolosha
Waxaa laga yaabaa in ay u ekaato in dumarku ay raadinayaan ragga lacagta leh si ay u noqdaan maalqabeen, laakiin taasi waa run. Saynisyahannadu arrintan waa ay rumeeyeen, dumarku waxa ay doortaan ragga lacagta leh si ay noloshooda u kaafiyaan una helaan daryeel wanaagan.

Taasi waxa ay la micno tahay in raggu ay u baahanyihiin in waqti badan ay ku bixiyaan isku filnaashaha dhaqaale ee naftooda si ay iyadana u dabaraan nolosha xaasaskooda ama ay u caawiyaan gabadha ay la haasaawaan.

Dumarka iyo lacagta

Farxadda iyo buuq yarida

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto sababta xitaa dumarka lacagtooda haysta ay u daneeyaan inta lacag ee uu ninku sameeyo?

Haweenka ayaa haddii ay yihiin kuwo shaqeysta waxa ay jecelyihiin in aan marnaba laga fara gelinin lacagohooda gaarka ah, illaa garashadeeda mooyaane.

Khubarrada intooda badan waxa ay sheegeen, in ninka hoygiisa ay farxad ka abuurmi karto haddii uu daboolo dhammaan baahiyaha guriga kajira, sidaas si lamid ah haddii uu u gacan furnaado qalanjada uu la haasaawayo waxa ay taa beddelkeeda ku dadaali kartaa sidii ay wax ka careysiiya uga ilaalin lahayd ninka, amaba in ay kala xishooto in ay weydiiso waxyaabo badan oo labadooda kadhex abuuri lahaa buuq iyo isku dhac.

Qanacsanaan la’aan

Lacagtu kuuma iibineyso farxad, caafimaad, waqti iyo waxyaabo kale oo badan isla markaana muhiim ah, hase yeeshee waxa ay noloshaada ka caawin kartaa waxyaabo badan oo aad u baahantahay.

Lacag la’aantu waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee walaaca ku haya dad badan, sida lagu sheegay daraasaddan ay samaysay Northwestern Mutual. Cadaadiska maaliyadeed ama xasillooni-darrada waxay keeni kartaa deggenaan la’aan iyo cabsi.

Xilliga haasaawaha shukaansigu waa inuu noqdaa mid madadaalo leh. Way adag tahay inaad madadaalo iyo farxad qaadato haddii aad ka walwalsan tahay arrimo lacageed. Dumarku ma xiiseeyaan nimanka niyadda ama shucuurtooda aan degganayn, sidaa si lamid ahna ma jecla in ay dareemaan in ay ku heysato dhibaato dhaqaale.

Dumarka iyo lacagta 1

Hamiga iyo kalsoonida ayaa ah laba ka mid ah sifooyinka ugu sarreeya ee dumarku ka raadiyaan ragga. Ka shaqeynta kuwan waxay kaa caawin doontaa inaad noqoto mid soo jiidasho leh iyo nooca ragga ee dumarku ay raadiyaan.

Xaaladda
Taariikh ahaan, marka ay noqoto dhinaca guurka, haweenku waxa ay jecelyihiin in ay guursadaan ragga lacagta leh, hase yeeshee taa mid lamid ah waxa ay dadaal badan ku bixiyaan in inku uu noqdo mid meel iskasoo saara oo qurux badan dhinac dhaqaale iyo dhinac nololeedba.

Marka la eego dhinacan, lacagtu waxay ka dhigan tahay xaalad muujinaysa dhaqdhaqaaqa bulshada, helitaanka faa’iido, badbaadada, iyo dhammaan qodobbada aan daboolnay ilaa hadda.

In kasta oo dumar badan oo casri ah ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku helaan xasillooni dhaqaale, haddana waxay raadiyaan ragga inay sidaas oo kale sameeyaan ama dhaqaale ahaan ka wanaagsan yihiin. Dumarka ugu fiicanna waxay raadinayaan rag horay usii socodsiin kara wixii ay hore u dhiseen oo u gudbin kara heerka xiga.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil“ Garaadkii Muuqufkiisa Cadeeyn waayo Talaabo ayaa Laga qaadayaa”

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Meel fagaaro ah kula hadlayay dadweyne reer laascaanood ayaa yiri “Garaadkii Muuqufkiisa Cadeeyn waayo Talaabo ayaa Laga qaadayaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Fallaagada ADF ee ka dagaallanta Koongo iyo Uganda iyo kooxda Daacish?

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Miliishiyo lala xiriirinayo kooxda Daacish ayaa nolosha ku gubay ugu yaraan 10 qof oo rayid ah, ka dib markii ay weerar ku qaadeen magaalo ku taalla koofurta galbeed ee Uganda, sida uu booliska dalkaas sheegay.

Dableyda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda ADF, oo ah koox laayaan ah oo ka jirta Koongada dimoqaraadiga, ayaa ka soo gudbay xuduudda, ayagoo weerar ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada kamwenge.

“Arrimaha hordhaca ah ee aan baaritaanka ku ogaannay waxay muujinayaan in 10 dagaallame oo qoryaha fudud ku hubaysan ay weerareen oo nolosha ku gubeen 10 qof” ayuu yiri afhayeenka booliska ee gobolkaas Vincent Twesige.

Waxay kaloo dab qabadsiiyeen mootooyin, ayagoo dukaamana bililiqaystay.

Muxuu yahay Xiriirka ka dhaxeeya Fallaagada ADF ee ka dagaallanta Koongo iyo Uganda iyo kooxda Daacish 1

Weerarka oo dhacay 2dii aroornimo ee Talaadadii ayaa yimid maalmo ka dib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay in ilaa 200 oo dagaallame oo ka tirsan fallaagada ADF lagu dilay weerar cirka ah oo Uganda ay hogaaminaysay, kaasoo ka dhacay gudaha Koongada Dimoqaraadiga.

Kooxda Daacish waxay sheegtaa in ADF ay tahay farac ayaga ka mid ah.

1 5

Maxay tahay Kooxda ADF

Kooxda oo magaceeda oo buuxa uu yahay Allied Democratic Foces (ADF), waxaa la sheegaa inay abuureen oo dhaqaale ku bixiyeen hogaamiyihii hore ee Koongada Dimoqraadiga (ee la oran jiray Zaire) Mobuto Sese Seko iyo madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al Bashiir, si ay weerarro uga gaystaan gudaha Uganda oo ahayd cadawga kaliya ee labada dal lahaayeen sannadihii sagaashameeyadii.

Xilligii la sameeyey oo ahayd 1995 ADF waxay ka koobnayd laba koox. Kooxda hore waa National Army for the liberation of Uganda oo saldhigoodu ahaa hareeraha gobolka Rwenzori ee ay degaan dadka masiixiyiinta u badan ee Bakonjo Baamba ee galbeedka Uaganda, una dhow xuduudda Koongo DR.

Kooxda Labaad waa urur ka kooban dagaallamayaal ka soo jeeda kooxda Uganda Islamic Salafi Foundation. Kooxdaas waxay ka cabanayeen isku day, sida la sheegay, ay Uganda doonaysay inay ku koontaroosho isu imaatinnada muslimiinta dalkaas horraantii sannadihii sagaashameeyadii.

Sida uu sheegayo Stig Jarle Hansen oo ah professor ka tirsan Jaamacadda Norwegian University of Life Sciences, “kooxda cusub waxay askarta Uganda ku riixeen Gobollada bariga Koongo, halkaasoo uu taageero ku siin jiray Mobuto ilaa xukunka laga tuuray 1997”.

Laakin halkaas kuma dhamaan jiritaanka ururkaas, waxayna kooxda dib ugu sii gurteen gudaha kaymaha ku yaalla xudduudda Koongo iyo Uganda.

2 4
Sidee isugu xirmeen ADF iyo Daacish
Xilliba xilliga ka dambeeyey kooxda ADF waxay noqonaysay mid islaam ahaan balaarata, qayb ahaanna sababtu waxay ahayd cafisyo ay Uganda u fidisay dhowr ka mid ah hogaamiyeyaashii qunyar socodka ahaa ee ADF si ay u goostaan.

Ifafaale muujinaya in urur mayal adag uu soo bixi doono ayaa durba soo muuqday, gaar ahaan wixi ka dambeeyey 2011.

Kooxda Daacish waxay ururka u aqoonsatay gobol ahaan 2019. Markii hogaamiyaha ADF uu ku dhawaaqay inuu xulafo la noqonayo Daacish, waxaa soo goostay taliyeyaal ciidanka ka tirsanaa.

Sidaas ayey istaraatijiyada Daacishta bartamaha Afrika ugu hirgashay, waxayna weerarradii ugu horreeyey ku qaadeen Uganda.

Wixii ka dambeeyey 2022, waxay kooxdu qaadday duullaanno waaweyn oo ay ku beegsatay Uganda, waxaana ku jiray weerar lagu qaaday iskuul bishii Juun ee sannadkan, kaasoo ku yaalla magaalo u dhow xudduudda Uganda iyo Koongo.

Warbixin ay shaaciyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay bishii Juun ee sannadkan waxay sheegaysaa in in kooxda Daacish ay taageero dhaqaale siinaysay ADF tan iyo 2019.

Maraykanka ayaa sannadkii hore ADF ku daray “Liiska ururrada argagixisada” ee xiriirka la leh Daacish

XIGASHO BBS SOMALI

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwayn 21/12/2023.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY SOMALIA IYO CAALAMKA