Home Blog Page 243

Askari magaalada Muqdisho ku dilay wiil Bajaajle ahaa .

0

Isiin December 15, 2025 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dil Xalay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Muxumed.

Dilka wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa Xalay ka dhacay waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, waxaana dilkiisa geystay askari ka tirsan ciidanka Militariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii lagu soo tababaray dalka Eretariya.

Allah u naxariiste marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaana goobta isaga baxsaday askarigii geystay dilkiisa oo la sheegay inuu xabadaha si bareer ah u ridaayay.

Mid ka mid ah ehalada wiilka la dilay ayaa HOL u sheegay in wiilkooda uu ku jiro meydkiisa Firinjeer, islamarkaana aysan aasi doonin ilaa inta cadaaladda laga horkeenayo askriga dilkiisa geystay.

“Askari naloo sheegay inuu cabsana ayaa dilay Walaalkey Cabdirisaaq Abuukar wuu baxsaday waana la yaqaan oo waxa gacanta lagu soo dhigay askari kale oo la socday askariga dilka geystay” ayuu yiri Yuusuf Absuge oo ka mid ah ehelada marxuumka la dilay.

Yuusuf ayaa sidoo kale Shabakada HOL u sheegay in marxuumka dhintay iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Caa’isha Cabdi dhawaan safar u ahayeen dalka Mareykanka, islamarkaana Ku guuleesteen Lottory, Vissahii ay ku socdaali lahayeen uu diyaar u ahaa.

“Marxuum Cabdirisaaq iyo marwadiisa Caa’isha Cabdi waxay isku diyaarinayeen safar dalka Mareykanka ah oo waxaa u diyaarsana Vissaha, kaliya waxa u dhina in Interview ama Wareysi ku maraan Safaraada Bangkok ee dalka Thailand” ayuu yiri Yuusuf Absuge oo ka mid ah ehelada marxuumka la dilay.

Ugu dambeyntii dilka wiilkan Bajaajlaha aha ayaa kusoo aadaya, iyadoo dilalka askarta u geystaan dadka shacabka ah mudooyinkii dambe u muuqdeen kuwa ka yaaraanayay gudaha magaalada Muqdisho.

65 years on, China-Somalia relations thrive

0

Monday December 15, 2025 {HMC}  marks the 65th anniversary of diplomatic relations between China and Somalia. As the first East African nation to establish ties with China, the Horn of African nation has cultivated a friendship built on mutual respect, shared aspirations, and enduring historical connections.

Today, this bond continues to strengthen, resonating from the highest levels of government to the daily lives of both peoples.

High‑level Exchanges

In September 2024, Chinese President Xi Jinping met with Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Beijing during the Forum on China–Africa Cooperation (FOCAC) Summit. The two leaders jointly announced the elevation of China–Somalia relations to a strategic partnership, marking a historic deepening of political trust and future cooperation.

Source Sonna

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha XFS oo maanta loo dhaariyay

0

Isniin 15, Dec 2025 {HMC} Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta loo dhaariyay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Dhaarinta Wasiir Jamaal waxa ay ka dhacday Aqalka uu ku shaqeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu wadaa in uu xilka kala wareego wasiirkii ka horreeyay.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa horay usoo qabtay xilal kala duwan waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka, waxa uu dhowaan u tartamay Xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi-bari oo Firdhiye uga adkaaday.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 15-12-2025

0

Isniin  15, Dec 2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 15-12-2025

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Jeesoow ”MW Shariif lama aflagaadeeyn karo Muungaaboow digniintaada waa qabtaa”

0

Isniin  15, Dec 2025 {HMC}  Xildhibaan Jeesoow ”MW Shariif lama aflagaadeeyn karo Muungaaboow digniintaada waa qabtaa”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Senator Muuse ”15 Sano ayey Qaan gaarnimada dinta islamka ay qabta wixii kasoo horay nama quseeyaan

0

Isniin  15, Dec 2025 {HMC}  Senator Muuse ”15 Sano ayey Qaan gaarnimada dinta islamka ay qabta wixii kasoo horay nama quseeyaan

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga oo lagu dhaariyey Xarunta Golaha shacabka

0

Isniin  15, Dec 2025 {HMC} Wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga oo lagu dhaariyey Xarunta Golaha shacabka

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Maraykanka oo joojiyay siyaasaddii difaaci jirtay Itoobiyaanka ku nool dalkaas

Isniin 15, Dec 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa saddex sano ka hor soo afjartay siyaasad u oggolaanaysay dadka Itoobiyaanka ah inay ku noolaadaan dalkaas iyagoo haysta ilaalin sharci oo ku meel gaar ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ilaalintan sharciyeed ee ku meel gaarka ah siisa dadka soo galootiga ah ee ka yimid dalal ay ka jiraan colaado, musiibooyin dabiici ah, ama dhacdooyin kale oo gaar ah oo khatar gelinaya ammaankooda.

Qaxootiga lagu aqbalo nidaamkan magangalyada ah waxay helaan ilaalin ku meel gaar ah oo u oggolaanaysa inay ka shaqeystaan gudaha Mareykanka oo ay ka fogaadaan in dalkooda dib loogu celiyo.

Ilaalintan sharci ee ku meel gaarka ah oo uu maamulka Madaxweyne Joe Biden siiyay magangalya-doonka Itoobiyaanka ah ka dib dagaalkii Tigray, ayaa hadda waxaa soo afjaray maamulka Madaxweyne Trump, kaasoo mowqif adag ka taagan arrimaha soo galootiga.

Go’aanka ayaa looga dhawaaqay war-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Christie Noam intii lagu jiray shirka sannadlaha ah ee Dowladda Federaalka, halkaasoo lagu gaaro go’aannada dowladda.

Siyaasaddan ayaa dhowaan laga joojiyay dalalka Soomaaliya, Haiti, Myanmar, Suudaanta Koofureed, Syria iyo Venezuela

Raysal wasaaraha New South Wales oo isbitaalka ku booqday Axmed

Isniin 15, Dec 2025 {HMC} Raysal wasaaraha New South Wales, Chris Minns, ayaa isbitaalka ku booqday Axmed al Axmed oo 43 sano jir ah, kaas oo kasoo muuqday muuqaal isaga oo ka qaadaya qoriga mid kamid ah kuwii soo weeraray Bondi Beach

“Axmed waa geesi dhab ah,” ayuu yiri Minns.

“Xalay, geesinimmadiisa cajiibka ah ayaa shaki la’aan badbaadisay nolosha dad badan markii uu hubka kaqaaday argagixiso isagoo halis weyn naftiisa u geliyay.

“Waxay ii ahayd sharaf inaan waqti la qaato hadda oo aan gudbiyo mahadcelinta dadka ku nool New South Wales oo dhan.

“Shaki kuma jiro in dad badan ay dhiman lahaayeen haddii aanu Axmed muujin geesinimo is-xilqaameed.”, ayuu yiri.

Somali, Swedish Ministers Meet in Mogadishu to Boost Economic Ties.

0

Monday December 15, 2025 {HMC} The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, H.E. Bihi Iman Egeh, on Tuesday welcomed the Swedish Minister for International Development Cooperation and Foreign Trade, Mr. Benjamin Dousa, and his delegation upon their arrival in Mogadishu.

During a reception held at the VIP section of Mogadishu International Airport, the two ministers held discussions focused on strengthening economic cooperation, enhancing bilateral relations, and exploring investment opportunities in Somalia. Both sides emphasized the importance of productive and mutually beneficial partnership.

Mr. Dousa’s two-day visit to Somalia is expected to include high-level meetings with government officials and Somali business leaders, aimed at advancing discussions on investment and development projects that benefit the country and its people.