Home Blog Page 242

Shirka looga Hadlaayo Amniga Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho Lagu qabtay.

0

Isniin Dec 15, 2025 {HMC} Xafiiska Amniga Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magalada Muqdisho ku qabtey shir ay ka soo qayb galeen madaxda xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), saaxiibadda caalamiga ah, masuuliyiin ka socda Wasaaradda Gaashandhiga, Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka shirka ayaa salka ku hayay sidii loo soo xoojin lahaa taageerada iyo garab istaaga Sanduuqa Kalsoonida Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed (Somali Security Forces Trust Fund).

Wakiiladda UNSOS, AUSSOM iyo saaxiibaddii kale ee ka qayb galay shirka oo hadalo ka jeediyay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin is-beddalada deg deg ah ee ku yimid xoojinta Amniga iyo gaarsiinta deegaanada laga saarayay kooxaha Argagaxisada addeegyada muhiim-ka ah ee dowladda.

Saraakiil u hadashey Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka waramay howlaha hor-tabinta leh ee ciidanka iyo mamulkooda u qabsoomey waxayna hoos ka xariiqeen inay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo taageerada Sanduuqa Kalsoonida Ciidamada Ammaanka.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliyeed Danjire Aweys Xaaji Yusuf Axmed oo shirka soo xiray ayaa marka hore uga mahad celiyay ka soo qayb galayaasha sida wanaagsan ee ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ka garab siinta horumarinta Ciidanka Qalabka Sida, wuxuuna tilmaamey iney muhiim tahay xoojinta sidii loo sii taageeri lahaa Sanduuqa Horumarinta Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida.

“Doodihii maanta waxay mar kale xaqiijiyeen in iskaashi, daahfurnaan, iyo is-ixtiraam wadajir ah aan ku gaari karno horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

Sanduuqa Kalsoonidu wuxuu yahay tiir muhiim u ah dadaalladeenna, isagoo hubinaya in kheyraadka si hufan loo qaybiyo isla markaana aan diiradda saarno mudnaanta siinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagaxisada ah iyo kor u qaadista adeegyada bulshada goobihii kooxahaa laga xoreeyay”.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgallo qorsheysan ka sameeyay Magaalada Baraawe.

0

Isniin Dec 15, 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu baacsanayo Kooxda Al shabaab ka sameeyay daafaha Magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa Geesiyaal ka tirsan ururka 61aad G/tada 6aad Q/ta 60aad Ciidanka Dhulka ee XDS

Geesiyaasha Ururka 61aad G/tada 6aad Q/ta 60aad ayaa howlgalka ka fuliyey 1-Buur,coloow 2-fiiida,banaan 3-Ceel,Qardhaale 4-Xarshaanleey goobaahas oo gabaad u ahaaa Cadowga khawaarijta

Taliyaha Ururka 61aad G/tada 6aad Q/ta 60aad dhamme jamaal cilmi aadan oo Howlgalka Hogaaminayay ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyey goobihii khawaarijta ay kaga dhuumaaleysanayeen duleedka baraawe

Taliyuhu waxa uu xusay in howlgalada ay sii socon doonaan, ilaa laga xaqiijinayo badbaadada shacabka iyo xoraynta dhammaan deegaannada ay Khawaarijtu isku dayaan inay kaga dhuuntaan ciidanka xoogga dalka.

Dowladda Sacuudiga oo Dadkii Ugu Badnaa Dil ku fulisay Sanadkan 2025.

0

Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa ku fuliyay 340 qof dil toogasho, tan iyo bilowgii sannadkan 2025, taa oo ah tirada ugu badan ee dil toogasho oo Sacuudigu uu fuliyo, sida lagu sheegay warbixin ay maanta baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Kororkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay tirada dadka lagu soo qabtay gudbinta iyo ka ganacsiga daroogada oo la dagaallankeeda uu Sacuudiga uu sare u qaaday sannadkii 2023.

Madaxweynaha Finland oo Sheegay in ay labo mar iska difaaci karaan Duulaanka Ruushka.

0

Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Madaxweynaha Finland , Alexander Stubb ayaa sheegay inay Finland tahay dalka keliya ee daris la ah Ruushka oo awooday inuu labo mar iska difaaco Ruushka , balse wuxuu qiray si duullaanka uga imaanaya Ruushka loo joojiyo inay uga tanaasuleen 10% dhulka Finland.

Ruushka wuxuu hadda doonaya wax ka badan 30% dhulka Ukraine , si uu u joojiyo dagaalka Ukraine , iyadoo madaxweynaha Finland uu muujinayo inaysan jirin waddo aan ahayn Ruushka in looga tanaasulo dhulka uu ka heysto Ukraine.

Netanyahu oo sheegay in uu horey uga Digay weerarkii ka dhacay shalay Australia.

0

Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Ra iisulwasaaraha Netanyahu ayaa sheegay inuu horey digniin ugu diray Ra’iisul wasaaraha Australia,isagoo ku wargelinaya inuu wax ka qabto nacaybka sii kordhaya ee dalkiisa ka jira , halkii digniintan la dhageysan lahaa wuxuu sheegay inay Australia ku dhaqaaqday tallaabo ay ku aqoonsanayso dawladda Falastiin.

Hadalladan ayaa wax laga waydiiyay maanta Ra’iisul wasaaraha Australia, Anthony Albanese, balse isagoo aan dooneyn inuu ka jawaabo wuxuu ku baaqay midnimo qaran, markaa oo uu caddeeyay dawladdiisu diyaar u tahay inay qaaddo tallaabo kasta oo loo arko inay lagama maarmaan tahay.

Wuxuu iskudayayaa Netanyahu inuu ka faa’iideysto weerarkii shalay ka dhacay Australia, isagoo cadaadis ku kordhinaya Albanese iyo xukuumadiisa, balse sida lagu baahiyay baraha bulshada mid ka mid ah labada qof ee weerarka fuliyay ayaa toddobaad ka hor weerarka wuxuu booqday Telaabiib, wallow aan si cad loo soo bandhigay.

Dawladda Australia waxay muujisay inay si taxaddar leh u soo bandhigayso faahfaahinta la xiriirta labada qof ee weerarka fuliyay oo ah Aabbe iyo wiilkiisa,lamana soo bandhigin halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, taa beddelkeeda waxaa la soo bandhigay in Sajid Akram oo ah 50 jirka weerarka fuliyay ee goobta weerarka lagu toogtay inuu Australia ku yimid fiiso waxbarasho sannadkii 1998 , wuxuuna 2001 guursaday haweenay heysata dhalashada Australia , halka wiilkiisa oo weerarka fuliyay Naveed Akram oo hadda Isbitaal ku jira uu ku dhashay Australia..

Hogaamiyaha milatariga Suudaan iyo wafdigiisa la socday oo maanta gaaray Magaalada Riyadh.

0

Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku yaalla qasriga Al-Yamaamah ee Riyadh, wuxuu ku qaabilay hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, iyo wafdigiisa la socday oo maanta gaaray Riyadh.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay xaaladdii u dambeeysay ee Suudaan, saameyntooda, iyo dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amni iyo xasillooni.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa:
•Khaalid bin Salmaan bin Cabdulcasiis, Wasiirka Difaaca
•Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga.
•Musaad bin Maxamed Al-Caybaan, la-taliyaha amniga qaranka Sacuudiga.
•Maxamed bin Cabdullaah Al-Jadaan, Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga.

•Cali Xasan Jacfar, safiirka Suudaan u fadhiya Sacuudiga.

Isla waqtiga uu kulanka dhammaaday Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga , wuxuu telefoon kula xiriiray Wasiirka arrimaha dibadda Masar, oo la sheegay inay ka wadahadleen sidii loo furi lahaa marino amni ah oo gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiiyo shacabka Suudaan.

Sacuudiga , wuxuu muujinaya sida uu u ilaalinayo saameyntiisa Suudaan, isagoo markab ka baxaya doorkiisa dhex dhexaadnimada , iskuna dayaya inuu hoggaamiyo taageerro milatari iyo diblomaasiyadeed oo la siiyo milatariga Suudaan, balse tan ma cadda sida ay wax uga beddeli karto xaaladda Suudaan, xilli milatariga uu burbur kulmayo goobaha dagaalka , isla markaana RSF oo helaysa taageerro milatari oo ka imaanaysa Imaaraadka Carabta ay isku ballaarinayso dhulalka istaraatijiga ah ee Suudaan.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Kumaandooska Danab oo Fuliyay Howlgal Qorsheysan.

0

Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), iyo kuwa jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa si guul leh u fuliyay hawlgal isugu jiray dhulka iyo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Khawaarijta Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaannada Baladu Raxma, Maana Moofo, Magaanbo, Fagaan, iyo Kabsuuma oo dhamaantod hoostaga Degmada Jamaame, Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana hawgalka dhexdiisa la fuliyay ilaa 8 duqeyn dhanka cirka ah iyo dagaal toos ah , taasoo keentay in khasaaro weyn lagu gaarsiiyo kooxda argagixisada. Waxaana la burburiyay.

• 3 mooto
• 5 doonyood.

kuwaas oo maleeshiyaadku u adeegsanayen dagaalka iyo weerarro ka dhan ah shacabka iyo Ciidamada Qaranka.

Inta lagu jiro howlgalka, ciidamadu waxa ay dileen 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, islamarkaana burburiyeen hub iyo qalab militari oo argagixisadu lahayd, taasoo si weyn u daciiftay awooddii maleeshiyaadka ee deegaanka.

Hawlgalkan qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Danab, kuwa Jubbaland, iyo Saxiibada Caalamka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee loogu jiro in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee dalka ka howlgala, lagana hortago dhibaatooyinka ay u gaysan karaan shacabka rayidka ah iyo amniga dalka.

Ciidanka Kumandooska Soomaaliyeed ee Danab waxay mar kale ku adkaynayaan go’aankooda ah inay sii wadaan howlgallada lagula dagaalamayo khawaarijta
Dhamaad.

Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Kahadshay hadallada naceybka Ee Madaxweyne Donald Trump .

0

Isiin December 15, 2025 {HMC}Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka, ayaa mar kale ka hadashay hadallada naceybka leh ee maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ay sheegtay in ay si gaar ah u saameeyeen Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo wareysi gaar ah siisay telefishinka CBS ayaa sheegtay in Soomaalida Mareykanka ay yihiin muwaadiniin canshuur-bixiyeyaal ah oo aan marna lagu xad gudbi karin.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa ka hadashay howlgallada ay maalmihii la soo dhaafay wadeen ciidamada Mareykanka, gaar ahaan laanta socdaalka, ee ka socda gobolka Minnesota, iyadoo tilmaamtay in lagu beegsanayo bulsho gaar ah.

Markii wax laga weydiiyay eedeymaha sheegaya in lacagaha ay Soomaalida Mareykanka u diraan gudaha Soomaaliya ay gaari karaan AS, ayay tilmaamtay in eedaasi u baahan tahay hubin.

“Soomaalida iyagaa la dhiban weerarada AS oo markasta qoysaskooda la beegsada, marka Dowladda Mareykanka iyadaa laga rabaa in ay baarto halka Soomaalida Minnesota ku taageeraan Kooxdaasi” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Iyadoo hadalkeeda sii waday, Ilhaan Cumar ayaa xustay in mid ka mid ah carruurteeda uu la kulmay howlgallada ay wadaan ciidamada ammaanka gobolka

“Wiil yar oo aan dhalay oo u socda Masjidka ayay bartilmaameydsadeen ciidanka Mareykanka, isagoo wata Baasaboorkiisa, markuu tusayna waa la sii daayay” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Saraakiil ka tirsan Turkiga Oo gaarey magaalada Baydhabo.

0

Isiin December 15, 2025 {HMC}  Saraakiil sare oo ka socda Talista Kulliyada Turksom oo uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Sebahattin ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Saraakiisha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxda sare ee Maamulka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Amniga, Tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Kulanka sido kale waxaa diiradda lagu saaray doorka Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka kor u qaadista xirfadaha Ciidanka iyo wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasilloonida guud ee Dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah u muujisay Soomaaliya, isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta.

 

Rickshaw operator who won U.S. Visa Lottery shot dead in Mogadishu

0

Monday December 15, 2025 {HMC} – An armed man believed to be a Somali government soldier shot and killed a rickshaw operator identified as Abdirisaq Abuukar Mohamud in Mogadishu’s Dayniile district on Sunday night, relatives said.

The killing occurred in the Barwaqo area of Dayniile and was allegedly carried out by a member of the Somali National Army, reportedly among troops trained in Eritrea.

Witnesses said the soldier fled the scene after the shooting and fired randomly as he escaped.

A relative told Hiiraan Online that Abdirisaq’s body remains at a hospital and that the family will not proceed with burial until the suspect is arrested and brought to justice.

“A soldier who we were told was a coward killed my brother Abdirisaq Abuukar. He escaped and is known, and another soldier who was with him has been arrested,” said Yusuf Absuge, a relative of the deceased.

Yusuf said Abdirisaq and his wife, Aa’isha Abdi, had been preparing to travel to the United States after winning a diversity visa lottery.

“The deceased Abdirisaq and his wife Aa’isha Abdi were preparing for a trip to the United States, and the visa is ready. All they needed was an interview in Bangkok, Thailand,” he said.

The killing comes at a time when incidents involving the shooting of civilians by government soldiers have become less frequent in Mogadishu, following heightened security measures and public pressure for accountability.

Source Hiiraan Online