Isniin-13-May-2024 {HMC} Odoyaasha Dhaqanka Gaalkacyo oo War Kasoo Saaray Nin dhimirka ka xanuunsan oo aano qabiil loo dilay.
Ardey jaamacadeed oo Afduub loo haystay dalka Nigeria oo la soo furtay
Isniin-13-May-2024 {HMC} Koox ardey jaamacadeed ah iyo dhibanayaal kale oo lagu afduubtay waqooyiga Nigeria ayaa la soo badbaadiyay Axadii, sida masuuliyiinta wadankaasi ay sheegeen.
Rag hubeysan ayaa weerarray Jaamacadda Confluence ee gobolka Kogi habeenimadii khamiista, iyagoo halkaa ka afduubtay sagaal ardey.
Dadka afduubka loo haystay ayaa soo badbaadiyay ciidamo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada amaanka ka tirsan, kuwaas oo ragga afduubka sameeyay ay isweydaarsadeen rasaas, sida uu sheegay xoghayaha warfaafinta gobolka Kogi Kingsley Femi Fanwo.
Mr Fanwo ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo badbaadiyay loo qaaday isbitaalka, si caafimaadkooda loo hubiyo.
‘’Ciidamada amaanka wali waxay hawgal ka wadaan keymaha si ay u hubiyaan in dhammaan aredyda la afduubtay la helo, guryahoodana dib loogu soo celiyo.’’ Ayuu intaas ku daray.
Nigeria ayaa waayadan la tiicaysay afduub ay geysanayaan rag mishiidiya ah, kuwaas oo afduubtay boqollaal dad ah, tan iyo markii uu bilowday sanad kan, kuwaas oo badan kood ka dhacay waqooyiga galbeed ee wadankaasi.
In badan oo kamid ah dadka la afduubtay ayaa la sii daayay, qaarkood lacago madax furasho ah ayaa laga bixiyay.
{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Beerray oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Xildhibaan Beerray oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA}Laftagareen oo Muqdisho USoo Gaaray ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Isniin-13-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Qeybaha Kala Duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho
Socdaalka Madaxweyne Laftagareen ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu Wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 13 /5 /2024
Isniin-13-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 13 /5 /2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada dowlada oo Howlgal Qorsheeysan ka Fuliyay degmada Berdaale
Isniin-13-May-2024 {HMC} Ciidamada dowlada oo Howlgal Qorsheeysan ka Fuliyay degmada Berdaale
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Odoyaasha Dhaqanka oo Degmada Halgan Kasoo Sagootiyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Odoyaasha Dhaqanka oo Degmada Halgan Kasoo Sagootiyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dhaqter Cusub oo ka Shaqo Bilaabay Isbitaalka Taqasusiga ah ee Hilaal.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Dhaqter Cusub oo ka Shaqo Bilaabay Isbitaalka Taqasusiga ah ee Hilaal.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRAD} Gudoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Somaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Almuwallad.
Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashi u dhexeeya labada dal, isagoo uga mahad celiyay kaalinta walaaltinimo ee boqorotooyadu ugu jirto shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
Dhanka kale Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo guulihii ay gaartay Dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka AS, ku biiritaankii Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, dayn cafinta iyo ansaxinta afarta cututb ee ugu horraysay Dastuurka KMG ah.

Dalal kuyaalla Bariga Afrika oo Wajahayo Internet xumo baahsan
Isniin-13-May-2024 {HMC} Internet xumo baahsan ayaa laga dareemay saacadihii lasoo dhaafay dalal kuyaalla Bariga Afrika, waxaana shalay iyo maanta culees badan ka jiraa internetka ka shaqeeya dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda .
Shirakadaha bixiya adeegga internetka ayaa la daaladhacaya sidii ay xal ugu heli lahaayeen culeeska ka jira internetka, waxa ay sidoo kale dhibaato kala kulmayaan macaamiishooda oo ka cabanaya internet xumada.
Internet xumada ka jirta dalalkan kuyaalla geeska Afrika ayaa sabab looga dhigay cilad ku timid mid kamid ah xargaha Viber obtica ee badda hoostooda mara, kaas oo gobolka ku xira dunidda inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika.
Dalka Tanzania ayaa la sheegay in uu yahay dalka saameynta ugu daran uu ku reebay internet xumada, sida uu shaaciyay raadaarka Cloudflare oo la socda dhaqdhaqaaqa internetka, Tanzania ayaa 30% uu hoos uga dhacay heerkii la filayay ee dhinaca internetka.
Shirkado waa weyn , hay’addo dowladeed ayaa saameyn xooggan kala kulmaya internet xumada, lamana oga xilliga la xallin doono culeeskan ka jira adeegga internetka dalalkan kuyaala Bariga Afrika.



