Isniin-13-May-2024 {HMC} Maxaa Saakay ka Socda Degmada Halgan iyo Daara-Ugaas.?
{DAAWO MUUQAALKA} Qaban qaabadda duubka Ugaas Yuusuf oo ka socota Daara_ugaas.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Qaban qaabadda duubka Ugaas Yuusuf oo ka socota Daara_ugaas.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Faah-faahinta Heshiis cusub oo Somaliland iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa
Isniin-13-May-2024 {HMC} Faah-faahinta Heshiis cusub oo Somaliland iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Kumannaan ka barakacay dagaalka ka socda Ukraine oo xaalada adag wajahaya.
Isniin-13-May-2024 {HMC} In ka badan 4,000 oo qof ayaa ka qaxay aagagga ku xeeran gobolka waqooyi bari ee Ukraine ee Kharkiv tan iyo Jimcihii, ka dib markii ciidamada Ruushku ay weeraro rogaal celis ah oo lama filaan ah ku qaadeen aagaas.
Guddoomiyaha deegaankaas Oleg Syniehubov ayaa Axaddii shalay sheegay in guud ahaan, in ka badan 4, kun oo qof laga saarayg goobahaas.
Ciidamada Ruushka oo adeegsanaya madaafiic iyo hoobiyeyaal ayaa si weyn u garaacayay magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow dhow Kharkiv.
Ugu yaraan hal cutub oo ciidamada Ukraine ah ayaa isaga baxay gobolka Kharkiv iyadoo ciidamada Ruushku ay la wareegayaan aagagga ku yaalla xadka Ruushka.
Qasaare kala oo ka dhashay Daadad Xoogan oo ku dhuftay Gudaha Dalka Afghanstan.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Saraakiisha Afgaanistaan ayaa sheegay Axadii shalay, in tirada dadka ku dhintay daadadkii Jimcihii ku dhuftay waqooyiga gobolka Baghlan ee dalkaasi ay gaartay ugu yaraan 315, iyadoo in ka badan 1,600 oo qof ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda qaxootiga ee Afghanistan ayaa warkan khasaaraha la xiriira ee ugu dambeeyay ku soo bandhigtay, barteeda X oo hore loo oran jiray Twitter.
Waxa ay sheegtay in in ka badan 2,600 oo guri ay āgebi ahaan burbureenā gobolka tan iyo markii ay masiibadu dhacday kadib roobabkii lixaadka lahaa ee daāay.
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay inay ka warbixinayso qiimayn horudhac ah oo laga sameeyay xafiiskeeda Baghlan, iyadoo sheegtay in khasaaraha maaliyadeed iyo midka biniāaadamkaba uu kordhi karo.
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa Axaddii isna barta X ku baahiyay, in inta badan meelaha ay dhibaatadu saameysey ee gobolka aaney baaburta gargaarka gaari karin, hase yeeshee ay isticmaaleysay Dameerro.
Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yirahdo IOM, ayaa isna ku raacay tirada khasaaraha ay soo sheegeen maamulka Talibaan ee dalkaasi Afgaanistaan ka taliya.
IOM waxay sheegtay in dhimashadu ay kor u dhaaftay 300 oo qof, waxaana la filayaa inay tiradu intaa ka badato .
Hayāadda ayaa sheegtay in daadadkaasi ay burburiyeen in ka badan 2,000 oo guri.
Israa’iil oo Hub culus ku weerartay Marinka Gaza.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii shalay , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culcus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.
Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.
Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israaāiil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.
ILHAAN CUMAR oo mar kale taariikh cusub qortay kadib markiii….
Isniin-13-May-2024 {HMC} Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.
Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto.
Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb suāaalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shirarka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga waydiiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilmaantay āxasuuq.ā
āMa jirto qaab aan anaga muwaadiniinta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabiāinayo dadka rayidka ah,ā ayey Ilhaan Cumar ku tiri hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybgalayaasha.
Don Bacon oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Nebraska ayaa soo bandhigay qaraar lagu canaananayo Ilhaan Cumar oo uu ka sheegay eedeymo la xiriira qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha Yuhuudda inay ka qayb qaateen xasuuq. Samuels waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu ku sii jiro tartanka degmadan ee xisbiga dimuqraadiga si xooggan.
Halka Samuels uu ku doodayo hadallada Ilhaan Cumar in ay yihiin kuwo dadka kala fogeynaya isla markaana kala qaybinaya degmada, waxa uu mooshinka canaanta ah ee Bacon ugu yeeray siyaasad. Isaga oo isla suāaashaas ka jawaabaya, Samuels waxa uu dagaalka ugu yeeray āxaalad qalafsan oo aad u gurracan.ā
āInaad hoggaamiso degmo ay ku badan yihiin Yuhuuda iyo Muslimiinta, halkii ay kulamadu ka noqon lahaayeen shirweyne wada hadal, halkaas oo khatartu aad uga yar tahay xiisadduna ka hooseeyso tan Bariga Dhexe lafteeda, iyadu waxay dooratay hal dhinac,ā Samuels ayaa sidaas u sheegay warbaahinta MPR.
Labada tartamayaal Samuels iyo Ilhaan Cumar ayaa khudbado kala duwan kula hadlay taageerayaashoodii ku sugnaa dugsiga sare ee South High ee Minneapolis.
Samuels ayaa helay 85 cod halka xildhibaan Ilhaan Cumar ay heshay 133 cod. Samuels ayaa wacad ku maray inuu ku sii jiri doono tartanka, kaasoo noqon doona mid si dhow isha loogu hayo marka ay noqoto tartanka xisbiga Dimuqraadiga ee dalka oo dhan.
Somaliland iyo Itoobiya oo kala saxiixday Heshiis cusub
Isniin-13-May-2024 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.
Heshiiskan oo ah mid caafimaad ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo uu wehlinayo agaasimaha isbitaalka guud ee Hargaysa oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Heshiisyadan oo sidoo kale ah kuwo hordhac ah ayaa waxaa lagu mataanaynaya isbitaallada kala; APEX Indian Hospital iyo Hargeysa Group Hospital.
Heshiisyadan caafimaad ee lagu mataanaynayo labada isbitaal ayaa wax weyn ka tari doona bukaannadii waddanka dibadiisa u doonan jiray adeegyada caafimaad.
Sidoo kale heshiiskan ayaa suuro-gellin doona in dhakhaatiirta ka hawl-gasha isbitaalka Hargaysa ay tababaro ka helaan Indian APEX Hospital, islamarkaana markaana Hargeysa Group Hospital ay iman doonaan dhakhaatiirtii loo tagi jiray dalka India.
Isbitaalka weyn ee Hargeysa oo muddooyinkii dambe si weyn looga deyrinayay adeegyada uu bulshada u hayo ayaa waxaa la filayaa in tallaabadan ay wax badan ka tari doonto tayada adeega caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka.
{DAAWO MUUQAALKA} Ciyaar dhaqameedyo Cajiib ah oo lagu so dhaweynaayo Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan
Axad,12 May, 2024 {HMC} Ciyaar dhaqameedyo Cajiib ah oo lagu so dhaweynaayo Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12-05-2024}
Axad,12 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud



