Isniin-13-May-2024 {HMC} Waa sidee Jawiga Goobta Lagu Caano Shubay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
{DAAWO MUUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu Caano Shubay Daaro Ugaas.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu Caano Shubay Daaro Ugaas.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka qeeyb Galay Caleemasaarka Ugaas Yuusuf.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka qeeyb Galay Caleemasaarka Ugaas Yuusuf.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sacuudiga oo dilaya dadka diido inay ka guurin meel laga dhisayo magaalo cusub
Isniin-13-May-2024 {HMC} Sacuudiga oo dilaya dadka diido inay ka guurin meel laga dhisayo magaalo cusub
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Faah-faahinno kasoo baxaysa qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay magaalada Baydhaba
Isniin-13-May-2024 {HMC} Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka dambeeyeen AS.
Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lagu weeraray guryo ay magaaladaasi ka dagan yihiib mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas.
Weerarka koowaad ee qaraxa ah ayaa waxaa lagu qaaday hoy uu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar, waxaana kadib xigay ka hortag ay sameeyeen ciidamada ammaanka.
Sidoo kale waxaa qaraxa labaad lagu weeraray guriga wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeer Ilyaas Cali Nuur oo haatan ah agaasimaha xarunta Tubsan ee maamulkaasi.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddooda ay sheegteen maleeshiyaadka kooxda AS.
Dhinaca kale ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa saaka baaritaano dheeraad ah ka wada Baydhaba, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaas iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada ammaanka.
Baydhaba ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo weeraro ay soo abaabulaan kooxda AS oo go’doomin ku haayo magaaladaas iyo deegaanada kale ee maamulka Koonfur Galbeed Soonaaliya.
{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka SCC Khaatumo ayaa isku shaandheyn ku Sameeyey Qaar kamid ah Golaha wasiirada.
Isniin-13-May-2024 {HMC} Hogaanka SCC Khaatumo ayaa isku shaandheyn ku Sameeyey Qaar kamid ah Golaha wasiirada.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ugaas Yuusf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta lagu caano shubayo gobolka Hiiraan
Isniin-13-May-2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Kahliif Ugaas Rooble oo noqonaya Ugaaskii 21-aad ee beesha Xawaadle ayaa maanta lagu caano-shubayaa deegaanka Daharo Ugaas oo ka tirsan magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Ugaas Yuusuf ayaa badalaya aabihii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Muqdisho ku geeriyeeday bishii Febraayo 2021.
Madax sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa lagu wadaa in ay ka qaybgalaan caano-shubka Ugaaska, waxana magaalada Halgan maalmihii ugu dameeyay ku qulqulayay boqollaal qof oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, Duqa Baladweyne Cabdulaahi Salaad Iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha NISA Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe iyo xubno ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne Si ay uga qeeyb galaan Caleema-saarka Ugaaska.
Saldanadda beeshan ayaa kamid ah kuwa ugu faca weyn dhulka Soomaalida, waxana si weyn reerka dhexdiisa looga ixtiraamaa Ugaaska markaas xukunka haya.
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale” Ganacsatada iyo Culumada waa in ay Caawiyaan dadka Danta yar.”
Isniin-13-May-2024 {HMC} Gudoomiye Madaale” Ganacsatada iyo Culumada waa in ay Caawiyaan dadka Danta yar.”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ugaas Yuusuf oo Gaaray Daara-Ugaas iyo Caano Shubkii oo Biloowday.caano shub
Isniin-13-May-2024 {HMC} Ugaas Yuusuf oo Gaaray Daara-Ugaas iyo Caano Shubkii oo Biloowday.caano shub
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.05.2024}
Isniin-13-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussein
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud



