Home Blog Page 2439

Dowlada Somaliya oo dacwad ku soo oogtay mid kamid ah Shirkaddaha ka howlgala gudaha dalka.

Axad,12 May, 2024 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shirkadda Automative Management Service ka dib markii uu dacwad ka soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirkadda ayaa loo heysto dembiyo ay ka mid yihiin iney bixin weysay canshuurtii ku waajibtay, iyo qabashada howlo sharci daro ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maxkamada gobolka Banaadir

Maxkamadda racfaanka oo maanta fadhigii ugu dambayay ka yeelaneysa kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Axad,12 May, 2024 {HMC} Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhiga saddexaad ka yeelaneysa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa ka qayb-galaya dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maanta ayaa qorshaha waxa uu yahay in la dhageysto difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay.

Xeer ilaalinta oo iyadu inta badan doodda qaadatay fadhigii hore ayaa waxa ay kusoo bandhigtay muuqaalka guriga lagu gubay Luul, sidoo kale waxa ay keentay marqaatiyeyaal cusub oo ay ku jiraan dadkii ugu horreeyay ee marxuumadda ugu galay guriga iyo dhaqaatiirka isbitaalka la geeyaykahor inta aysan geeriyooon.

Dooddan ayaa si toos ah loogala socon doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu kiiskan yahay mid aad isha loogu wada hayo.

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Haween Nin ku dilay Magaalada Gaal-kacyo

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} FAAH-FAAHIN: Haween Nin ku dilay Magaalada Gaal-kacyo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Burcad-badeed Soomaali ah oo la qabtay kadib Howgal ay sameeyeen Ciidamo Maraykan ah.

Axad,12 May, 2024 {HMC} Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa qabtay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay ee ciidamada badda Midowga Yurub.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka, iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta howlgallada ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga.

Burcad-badeedda ayaa sitay qoriga nooca Kalashnikov iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey, weerarkaas ayaa kusoo aaday iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerareen maraakiibta maraysay Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb.

Markabka waxaa saarnaa ciidamo hubeysan, waxayna Burcad-badeedu ku fureen rasaas markii hore, balse rasaas kale ayey ugu jawaabeen ciidamadii saaraa markabka, taasi waxay sababtay inuu dab ka dhasho doontii ay wateen ragga burcadda ah.

Rasaastii laga soo riday markabka ayaa la sheegay inay haleeshay fuusto shidaal ku jiray oo saareyd doonta burcadda, taasi oo sababtay in dab ka dhashay doontiina gubato.

Ugu dambeytii qoladii la weeraray ee markabka waxay gurmad u fidiyeen oo badda kasoo badbaadiyeen burcadii, kuwaas oo la sheegay inay qabaan dhaawacyo aan la kala xaqiijin inay dab yihiin iyo rasaas yihiin.

Weerarrada badda ee muddooyinkaan socday ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

{DAAWO MUUQAALKA} Qas qaas hadal hayn Xoogan ka dhalatay qaabkii loo fuliyay oo ka dhacday Magaalada Cabudwaaq.

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Qas qaas hadal hayn Xoogan ka dhalatay qaabkii loo fuliyay oo ka dhacday Magaalada Cabudwaaq.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shirka Maalgashiga Qurba joogtaa Soomaaliyeed oo lagu Qabtay Muqdisho.

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Shirka Maalgashiga Qurba joogtaa Soomaaliyeed oo lagu Qabtay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

kiis MURUGO badan ”Naxariistii Hooyo qadiijo ay ugu dambayn nafteeda ku waysay,,

Axad,12 May, 2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa la horgeeyay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, kaas oo ah xubin ka tirsan AS, isla markaana dil ka gaystay degmada Hodan.

Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiija Siyaad oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan.

Sababta loo dilay marxuumadda ayaa lagu sheegay inay wada shaqeyn ka dalbadeen Al-Shabaab, balse ay ka diiday, ayada oo maxkamadda lagu soo bandhigay farriimo hanjabaad ah oo ay usoo direen, kahor inta aysan dilin.

Gabar ay dhashay marxuumadda oo la joogtay xilliga la dilayay ayaa sheegtay in eedeysanaha uu yimid, iyaga oo shaax ku cabayay guriga hortiisa, uuna waydiistay biyo uu cabo, kadibna markii ay u doontay uu hooyadeed sidaas ku dilay.

“Aniga iyo hooyo oo banaanka shaax ku cabeyno aa nin meel uu ka imaaday aan la ogayn aa soo kor istaagay, kadib wuxuu dhahay biyo isii waxay igu tiri orod biyo soo sii Muslim waayee markaa laba talaabood qaaday xabad ayaa dhacday waan soo noqday xabaddii 2-aad ayaa dhacday, isla markiina waa u orday” ayay tiri gabar ay dhashay marxuumadda.

Allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

“Hooyadey degmada ayay ka shaqeyneysay, waana iska xamaalan jirtay” ayay mar kale tiri gabadha oo lagu wareystay maxkamadda.

Eedeysanaha oo isna ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo qaabka uu fuliyay dilkaasi “Sheeko iyo wax mana dhex marin biyo isii markaan dhahay maamada way isoo fiirisay, kadibna gabadha ayay ku dhahday orod biyo u keen” ayuu yiri.

Ninkan ayaa ka yimid degmada Jilib, wuxuuna sheegay inuu maalmo kooban uu joogay magaalada Muqdisho, uuna qaadaanayay mushaar ay usoo dirayeen AS.

“Mushaar waxaan qaadanaayay 3 bil, biishii koowaad waxaan qaatay 50 dollar, bishii labaad waxaa la’iisoo tuuray 70 dollar, bishii kalena waxay isoo direen 90 dollar” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu yiri “Maxkamdda waxaan ka codsanayaa inay arinta ii khafiifiso, maadaama aan kala ogayn dhulkaasna aan isaga soo koray, mana aaminsaneyn dowladda”

{DAAWO MUUQAALKA} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed ”Waxba kama ogeyn Markii Gadiidkeyga lagu soo weerarayay Baladweyne”

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Madaxweyne Dabageed ”Waxba kama ogeyn Markii Gadiidkeyga lagu soo weerarayay Baladweyne”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Warbixin argagax leh oo ku saabsan Xabsi Israel ka dhistay duleedka Gaza

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Telefishinka CNN ayaa soo bandhigay warbixin naxdin leh oo ay ku jireen sawirro si qarsoodi ah loo soo qaaday oo soo muujiyay xabsi ay Israa’iil ka hirgelisay saxaraha dulleedka Qasa, halkaa oo lagu xiray maxaabiista ragga ah ee Qasa ay ka soo qabteen tan iyo 7 October.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa loo ciqaabay si darran oo naxariis darro ah , waxaa laga jaray xubnaha jirkooda, waxaana loo ciqaabay iyadoo aan laga rabin in laga hadalsiiyo ee ciqaabka looga aargudanayo weerarkii Xamaas.

Kuwa dhaawaca daran loo gaysto waxaa laga xiraya gacmaha iyo lugaha intii sariirta la dulsaaro, iyagoo xiran xafaayad, cuno ahaanna maxaabiista oo dhan waxaa la siinaya cows,

Warbixintana waxay sheegtay in goobta ay tahay mid aad usoo uraysa oo kaliya dhawaqa ciqaabka ay la kulmayaan maxaabiista laga maqlayo, loomana oggala inay maxaabiista hadlaan.

Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee taageerra Israa’iil , oo warbixinta CNN ka hadlay waxay sheegeen warbixinta iyo sawirrada la soo qaaday inay yihiin kuwa argagax leh.

Aqalka Cad ayaa sheegay in warbixinta CNN ee ku saabsan tacaddiyada joogtada ah ee ka dhacaya xabsiga Israa’iil ay “aad uga walaacsan tahay” iyo in maamulka Biden uu la xiriiray saraakiisha Israel si ay jawaabo uga helaan.

“Waxaan aragnay warbixinnadan ku saabsan xadgudubka maxaabiista ee suurtagalka ah ee xabsigan,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby.