Home Blog Page 2440

kiis MURUGO badan ”Naxariistii Hooyo qadiijo ay ugu dambayn nafteeda ku waysay,,

Axad,12 May, 2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa la horgeeyay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, kaas oo ah xubin ka tirsan AS, isla markaana dil ka gaystay degmada Hodan.

Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiija Siyaad oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan.

Sababta loo dilay marxuumadda ayaa lagu sheegay inay wada shaqeyn ka dalbadeen Al-Shabaab, balse ay ka diiday, ayada oo maxkamadda lagu soo bandhigay farriimo hanjabaad ah oo ay usoo direen, kahor inta aysan dilin.

Gabar ay dhashay marxuumadda oo la joogtay xilliga la dilayay ayaa sheegtay in eedeysanaha uu yimid, iyaga oo shaax ku cabayay guriga hortiisa, uuna waydiistay biyo uu cabo, kadibna markii ay u doontay uu hooyadeed sidaas ku dilay.

“Aniga iyo hooyo oo banaanka shaax ku cabeyno aa nin meel uu ka imaaday aan la ogayn aa soo kor istaagay, kadib wuxuu dhahay biyo isii waxay igu tiri orod biyo soo sii Muslim waayee markaa laba talaabood qaaday xabad ayaa dhacday waan soo noqday xabaddii 2-aad ayaa dhacday, isla markiina waa u orday” ayay tiri gabar ay dhashay marxuumadda.

Allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

“Hooyadey degmada ayay ka shaqeyneysay, waana iska xamaalan jirtay” ayay mar kale tiri gabadha oo lagu wareystay maxkamadda.

Eedeysanaha oo isna ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo qaabka uu fuliyay dilkaasi “Sheeko iyo wax mana dhex marin biyo isii markaan dhahay maamada way isoo fiirisay, kadibna gabadha ayay ku dhahday orod biyo u keen” ayuu yiri.

Ninkan ayaa ka yimid degmada Jilib, wuxuuna sheegay inuu maalmo kooban uu joogay magaalada Muqdisho, uuna qaadaanayay mushaar ay usoo dirayeen AS.

“Mushaar waxaan qaadanaayay 3 bil, biishii koowaad waxaan qaatay 50 dollar, bishii labaad waxaa la’iisoo tuuray 70 dollar, bishii kalena waxay isoo direen 90 dollar” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu yiri “Maxkamdda waxaan ka codsanayaa inay arinta ii khafiifiso, maadaama aan kala ogayn dhulkaasna aan isaga soo koray, mana aaminsaneyn dowladda”

{DAAWO MUUQAALKA} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed ”Waxba kama ogeyn Markii Gadiidkeyga lagu soo weerarayay Baladweyne”

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Madaxweyne Dabageed ”Waxba kama ogeyn Markii Gadiidkeyga lagu soo weerarayay Baladweyne”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Warbixin argagax leh oo ku saabsan Xabsi Israel ka dhistay duleedka Gaza

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Telefishinka CNN ayaa soo bandhigay warbixin naxdin leh oo ay ku jireen sawirro si qarsoodi ah loo soo qaaday oo soo muujiyay xabsi ay Israa’iil ka hirgelisay saxaraha dulleedka Qasa, halkaa oo lagu xiray maxaabiista ragga ah ee Qasa ay ka soo qabteen tan iyo 7 October.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa loo ciqaabay si darran oo naxariis darro ah , waxaa laga jaray xubnaha jirkooda, waxaana loo ciqaabay iyadoo aan laga rabin in laga hadalsiiyo ee ciqaabka looga aargudanayo weerarkii Xamaas.

Kuwa dhaawaca daran loo gaysto waxaa laga xiraya gacmaha iyo lugaha intii sariirta la dulsaaro, iyagoo xiran xafaayad, cuno ahaanna maxaabiista oo dhan waxaa la siinaya cows,

Warbixintana waxay sheegtay in goobta ay tahay mid aad usoo uraysa oo kaliya dhawaqa ciqaabka ay la kulmayaan maxaabiista laga maqlayo, loomana oggala inay maxaabiista hadlaan.

Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee taageerra Israa’iil , oo warbixinta CNN ka hadlay waxay sheegeen warbixinta iyo sawirrada la soo qaaday inay yihiin kuwa argagax leh.

Aqalka Cad ayaa sheegay in warbixinta CNN ee ku saabsan tacaddiyada joogtada ah ee ka dhacaya xabsiga Israa’iil ay “aad uga walaacsan tahay” iyo in maamulka Biden uu la xiriiray saraakiisha Israel si ay jawaabo uga helaan.

“Waxaan aragnay warbixinnadan ku saabsan xadgudubka maxaabiista ee suurtagalka ah ee xabsigan,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby.

Sacuudiga oo dilaayo dadka ka dhaga adeey Amar ay ka so saareen Goob ay ka dhisayaan Magaalo Cusub

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa amartay in ciidamadu dili karaan dadka ka dhaga adayga inay ka guuraan goob loogu talagaay in la dhiso magaalada mustaqalka taas oo ay maalgalinta dhismaheeda fulinayaan shirkado reer galbeedka sida uu BBC u sheegay sarkaal hore oo wardoonka dalkaasi ka tirsanaa.

Kornayl Rabix Alenesi, ayaa sheegay in lagu armay dadka deeganas inay ka baxaan xariiqaa inta loo qorsheeyey mashruuca Neom.

Mid ka mida dadkii degganaa ayaa la toogtay k adib markii uu ka soo horjeensaday in gurigiisa laga saaro. Dowladda Sacuudiga iyo maamulka mashruuca Neom ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan.

Mashruuca Neom, oo ah mida y ku baxayso 500 oo bilyan oo dollar ee Sacuudi Carabiya, waa qayb ka mid ah istaraatijiyaddeeda Hiigsiga 2030 ee Sacuudi Carabiya taasoo ujeeddadeedu tahay in dhaqaalaha boqortooyada laga saaro saliidda kaliya aysan ku ekana ee ay abuuraan mashaariic dhaqaale oo kale.

Magaaladan waxaa la sheegay in ballacedu dhan yahay labo boqol miter halka dhererkeedu dhan yahay 170km balse 2.4km oo kaliya oo ka mida mashruuca ayaa la sheegay in la dhamaystirayo sanadka 2030-ka.

Daraasiin shirkado caalami ah, oo dhowr ka mid ah ay yihiin Ingiriis, ayaa ku lug leh dhismaha Neom.

Meesha laga dhisayo Neom ayaa lagu tilmaamay inay tahay “sharaca maran” ee ugu habboon ee uu leeyahay hoggaamiyaha dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Laakiin in ka badan 6,000 oo qof ayaa loo raray mashruuca sida ay dawladdiisu sheegtay

Kooxaha xuquuqul insaanka ee ALQST ee fadhigeedu yahay UK ayaa qiyaastay in tiradan ay intaas ka badan tahay.

BBC-da ayaa falanqeysay sawirada dayax-gacmeedka ee saddex ka mid ah tuulooyinka la burburiyay – al-Khuraybah, Sharma iyo Gayal. Guryaha, dugsiyada, iyo isbitaallada ayaa laga tirtiray khariidada.

Kornayl Alenezi, oo musaafuris ku aaday UK sanadkii hore, ayaa sheegay in amarka fasaxa ee la weydiistay in uu dhaqangeliyo uu ahaa Al-Khuraybah, oo dhan 4.5km dhanka koonfureed kaga beegan xariiqda ‘The Line’. Tuulooyinka waxaa inta badan deganaa qabiilka Xuweytat, kuwaas oo qarniyo badan deganaa gobolka Tabuuk ee waqooyi-galbeed ee dalka.

Wuxuu sheegay in amarki Bishii Abriil 2020-kii uu ahaa in deegaanka Xuweyntat oo ka kooban qaybo badan Mucaarado ah, qofkasta oo iska caabiya amarka saaritsa in la dilo , sababtoo ah cidda fulinaysa amarkaas ayaa haystay ruqsada adeegsiga awood wax dil ah.

Meesha laga dhisayo Neom ayaa lagu tilmaamay inay tahay “sharaca maran” ee ugu habboon ee uu leeyahay hoggaamiyaha dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Laakiin in ka badan 6,000 oo qof ayaa loo raray mashruuca sida ay dawladdiisu sheegtay

Kooxaha xuquuqul insaanka ee ALQST ee fadhigeedu yahay UK ayaa qiyaastay in tiradan ay intaas ka badan tahay.

BBC-da ayaa falanqeysay sawirada dayax-gacmeedka ee saddex ka mid ah tuulooyinka la burburiyay – al-Khuraybah, Sharma iyo Gayal. Guryaha, dugsiyada, iyo isbitaallada ayaa laga tirtiray khariidada.

Kornayl Alenezi, oo musaafuris ku aaday UK sanadkii hore, ayaa sheegay in amarka fasaxa ee la weydiistay in uu dhaqangeliyo uu ahaa Al-Khuraybah, oo dhan 4.5km dhanka koonfureed kaga beegan xariiqda ‘The Line’. Tuulooyinka waxaa inta badan deganaa qabiilka Xuweytat, kuwaas oo qarniyo badan deganaa gobolka Tabuuk ee waqooyi-galbeed ee dalka.

Wuxuu sheegay in amarki Bishii Abriil 2020-kii uu ahaa in deegaanka Xuweyntat oo ka kooban qaybo badan Mucaarado ah, qofkasta oo iska caabiya amarka saaritsa in la dilo , sababtoo ah cidda fulinaysa amarkaas ayaa haystay ruqsada adeegsiga awood wax dil ah.

Wuxuu ka gaabsaday howlgalka sababo caafimaad oo la ikhtiraacay, ayuu u sheegay BBC-da, laakiin si kastaba ha ahaatee way sii socotay.

Cabdiraxim Al-Xuweyti, oo diiday in guddiga diiwan gelinta dhulku ay qiimeeyaan hantidisa uu ku lahaa deegaankaas ayaa maalin ka dib ay toogteen masuuliyiin ka tirsan Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen howl galka nadiifinta. Waxa uu hore muuqaalo kala duwan u soo dhigay baraha bulshada oo uu kaga soo horjeedo raritaannada.

War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha ammaanka ee dowladda Sacuudiga xilligaasi oo lagu eedeeyay in Al-Xuweynti, ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, waxaana lagu qasbay inay ka jawaabaan. Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo dilay si fudud in uu u diiday in laga saaro dhulkiisa.

BBC ma aysan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso hadalka Col. Alenezi ee ku saabsan habka xoogga wax dilka.

Laakiin qof xog-ogaal u ah shaqada hoggaanka sirdoonka Sucuudiga ayaa noo sheegay marag-furka kornaylka ee la xirirta sida amarka caddaynta loo gaadhsiiyey iyo waxa uu sheegayba – in ay waafaqsan tahay waxa ay ka og yihiin hawlgalladan oo kale.

Ugu yaraan 47 kale oo dad reer tuulo ah ayaa la xiray ka dib markii ay iska caabiyeen raritaan, kuwaas oo intooda badan lagu soo oogay dacwado la xidhiidha argagixisanimo, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo ALQST.

Afartan ka mida dadkaas ayaa weli ku jira xabsiga, kuwaas oo shan ka mid ah ay ku dhaceen xukun dil sida ay sheegtay ALQST. Dhowr qof oo kale ayaa la xiray iyagoo ka baroor diiqaya geeida Al-Xuweynti kuna soo bandigay baraha bulshada.

Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay u guuraan khadka ‘The lne’ la siiyay magdhow. Laakin tirooyinka la bixiyay ayaa aad uga yar intii la ballanqaaday, sida ay sheegtay AlQst.

Sida laga soo xigtay Col Alenezi, “[Neom] waa udub dhexaadka fikradaha Mohamed Bin Salmaan. Taasi waa sababta uu si naxariis darro ah ula dhaqmay Xuweynti.”

Maamule sare oo hore uga ahaan jiray Neom ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dilka CabdulraximAl- Xuweynti dhowr todobaad ka hor inta uusan u tagin Mareykanka . Andy Wirth waxa uu sheegay in uu si isdaba joog ah u waydiiyey shaqaalihii uu u shaqaynayay, laakiin kuma qancin jawaabaha.

Waxa uu ka tagay mashruuca wax ka yar hal sano ka dib markii uu ku biiray, isaga oo ka xumaaday maamulkiisa.

Maamulaha shirkada Solar Wataer PLC oo laga leeyahay Ingiriiska qaybna ka ahayd mashruuca qoondadeeda lacageed ee mashruucana dhamaa 100 milyan ayaa ku tilmaamay wax daran mashruuca.

Dadkii tuulada ka barakacay aad ayay uga gaabsadeen inay ka hadlaan, iyagoo ka baqaya in la hadalka warbaahinta shisheeye ay khatar kale sii gelin karto ehelladooda xiran.

Nader Xijaazi, kani maha magaciisa saxda ah, wuxuu ku koray Casisiyah, mid ka mid ah ku dhawaad 63 xaafadood oo ay saameeyeen burburka. Guriga aabbihii ayaa la dumiyey 2021, kaas oo uu helay digniin wax ka yar bil. Xijaazi ayaa sheegay in sawiradii uu ku arkay xaafadiisii hore ay ahaayeen kuwo laga naxo.

“Waxay dagaal ku qaadayaan dadka, dagaal ayay ku hayaan aqoonsigeenna” ayuu intaas raaciyey.

Laakin Col. Alenezi kama qoomameyn go’aanka uu ku diiday amarada la xiriira magaalada mustaqbalka ee Sacuudiga.

“Maxamed Bin Salmaan ma ogolaan doono in aan waxba hor istaagin dhismaha Neom… Waxaan bilaabay in aan aad uga walwalo waxa la i waydiin karo in aan ku sameeyo dadkayga.”

XIGASHO BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11-05-2024}

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahman Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Kulan Baladweyne ku dhaxmaray Taliyaha NISA Xildhibaano iyo Odayaal Dhaqameed.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Al shabaab ah.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan doorkooda ciribtirka Al shabaab.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in dhowaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

 

Kenya hosts China-Africa economic trade expo amid growing Sino-African ties

Saturday 11 May, 2024 {HMC} The China-Africa Economic and Trade Expo (CAETE) in Africa (Kenya) 2024 kicked off on Thursday in the Kenyan capital of Nairobi as trade and investment between the two sides continue to expand.

The event in Kenya attracted a high-level delegation from central China’s Hunan Province.

Rebecca Miano, cabinet secretary for the Ministry of Investments, Trade and Industry, said the three-day event is a living testament to the long-standing cooperation and friendship between China and Africa. “The real focus of the event is to serve as a catalyst for unlocking Africa’s unexplored potential by seamlessly connecting with China’s investment and trade community.”

Eric Rutto, president of the Kenya National Chamber of Commerce and Industry, said the event is a springboard for breakthrough advances that will propel China and Africa into a more competitive and sustainable future. He added that the event also provides unparalleled opportunities to forge new connections and partnerships with industry leaders, investors, and potential collaborators, paving the way for mutually beneficial collaborations that drive economic growth.

The CAETE is a follow-up action of the “eight major initiatives” at the 2018 Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC). Cao Zhiqiang, vice governor of China’s Hunan Province, said the CAETE is a key pillar of the growing China-Africa cooperation, which has already brought mutual benefits to the two regions.

Hunan Province is committed to facilitating the entry of more African agricultural and food products into the Chinese market to boost Africa’s foreign exchange earnings, he added.

According to the Hunan delegation, for five consecutive years, Hunan’s import and export trade with Africa has remained the eighth largest in China and the largest in the central and western regions.

SOURCE 

Hunters join search for kidnapped Nigerian students

Saturday, 11 May, 2024 {HMC} Local reports say the gunmen attacked the Confluence University of Science and Technology late on Thursday night.

They entered classrooms where students were preparing for upcoming examinations and reportedly started shooting sporadically into the air.

They then gathered a group of students and whisked them away.

The Kogi state government confirmed that there were nine abductees but there are fears this number could be higher.

The state government said it has mobilized security forces in a search and rescue operation.

“Hundreds of local hunters who understand the terrain as well as the conventional security agents are currently combing the area to ensure safe rescue of the abducted students who were kidnapped in the classrooms,” a statement said.

Nigeria has experienced a rise in kidnappings – hundreds of people, including children, have been abducted in recent months.

Some families said they were made to pay ransoms running into thousands of dollars before their loved ones were freed.

{DAAWO SAWIRADA} Ku dhawaad 150 qof oo ku dhintay daadadka ku dhuftay Dalka Brazil.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhintay guud ahaan gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil., iyadoo magaalooyin badan ay biyuha iyo daadadku gooyeen, rajada laga qabo in la helo in ka badan 140 qof oo weli la la’yahay ayaa sii yaraaneysa.

Inta badan Caasimadda gobolka Porto Alegreaxaa mugdi ka dhigayfatahaada, taasi oo waxyeelo u geysatay xarumaha korontada iyo biyaha, sidoo kale dadka deegaanka ayaa intooda badan ay ku dhacday biyo la’aan

“Markii aan shaqada aaday isniintii, wali waxaan mari karayay waddada biyaha badan aniga oo baabuurkeyga wata. Galabtii, ciidanku waxay dadka ku badbaadinayeen gawaarida xamuulka ah,” ayay tiri Magda Moura oo degan Porto Alegre.

Waa maalintii ay daadadku burburiyeen qaybo ka mid ah koonfurta Brazil oo ay biyhu gooyeen dhismihii ay ku noolayd.

“Arbacadii, biyuhu waxay gaareen [dherer] 1.7m (5ft 6in),” ayay sheegtay

45-jirkan ku taqasusay daweynta jirdhiska ayaa ka mid ah 408,100 qof oo ku barakacay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil.

XIGASHO BBC