Home Blog Page 2442

{DAAWO MUUQAALKA} Hooyo Nadaafada ka shaqeeyneysay ayuu dilay , asigane waala qabtay.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Hooyo Nadaafada ka shaqeeyneysay ayuu dilay , asigane waala qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay Mashaariic Laga Fulinayo Dhuusa-mareeb

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay Mashaariic Laga Fulinayo Dhuusa-mareeb

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Abuukar Cismaan ”30-Sano ka dib Waxaa ii muuqdo wax qofwalba oo wax garad ah uu ku farxo”

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Abuukar Cismaan ”30-Sano ka dib Waxaa ii muuqdo wax qofwalba oo wax garad ah uu ku farxo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Beesha Agoon Cabdalle Oo Taageertay in Ugaaska Lagu Duubo Daaru-Ugaas

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Beesha Agoon Cabdalle Oo Taageertay in Ugaaska Lagu Duubo Daaru-Ugaas

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 11/5/2024

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 11/5/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Halka lagu caanashubayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu heshiiyay.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Halka lagu caanashubayo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo lagu heshiiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Qoor Qoor oo maanta dhagax-dhigay xarunta Mashruuca Nagaad

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhagax-dhigay xafiiska howlgalinta mashruuca Nagaad, oo ka shaqeyn doona dib u dhiska iyo bilicada caasimadda.

Xafiiskaan waxa uu maamuli doonaa dhismaha 11 waddo oo caasimadda Dhuusmarreeb dhex marta iyo laamiga weyn ee oo laba dhinac ah, sidoo kale waxaa qayb ah dhismaha waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha iyo waddo weyn oo marta galbeedka magaalada oo laami ah & qaar kale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu dambeyn kaga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii gacanta ka siiyay taabba gelinta mashruucan lagu dhisayo waddooyinka magaalada Dhuusomareeb.

Waddooyinka magaalada Dhuusomareeb ayaa ah kuwa aad u bur bursan oon wax dhismo ah helin mudadii uu xilka hayay Qoorqoor, waxaana mashruucan uu maanta dhagax-dhigay u muuqataa mid uu ku galayo olole doorasho uuna cod ku raadinayo.

Xubin katirsanaa kooxda AS oo nolosha lagu qabtay isaga iyo hubkiisa

Sabti, 11 May, 2024 {HMC}  Ciidanka daraawiishta maamulak Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanka Kuunyabuurow oo hoostaga degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay ku qabtay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Sargaalkan ciidanka qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Cali Dhaayow, waxaana sargaalkan markii la qabanayay la sheegay in uu watay qoray iyo booshah uu ku dagaal geli jiray.

Ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaana sargaalkan u kaxeeyay magaalada Buurhakaba , waxa ayna ku wareejiyeen ciidanka nabad sugida ,kuwaa oo baaritaanno ku bilaabay sargaalka la qabtay.

Ciidanka nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed ayaana dhawaan howlgalo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo kusoo qab qabtay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

{DHAGEYSO} warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.05.2024}

sabti, 11, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf cali cadoow & Shugri Baryare maxamuud

Farsamadii :Abdiqani osoble

Waa Tee Doowlada Soomaliya uga dayaneeso in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay

Sabti, 11 May, 2024 {HMC}  Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa heshay dukumiinti sir ah oo muujinaya dalab dowladda Ciraaq ku dooneyso in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee hawlgalka taageerada dalkaasi ee UNAMI.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani ayaa qoraal uu u diray Golaha Ammaanka ee QM ugu sheegay in ay doonayaan in la xiro 31-bisha December ee sannadka soo socda ee 2025-ka xafiiska QM ee UNAMI.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Al-Suudaani in xukuumadihii ka horreeyay ay hormaro ka gaareen sidii looga maarmi lahaa shaqada uu hayo xafiiska UNAMI oo dalka Ciraaq laga furay sannadkii 2003-dii.

Codsigan kasoo yeeray dowladda Ciraaq ayaa kusoo aadaya xilli isbuucan gudihiisa kulan khaas ah kaga doodi doonaan xubnaha golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cusbooneysiinta xilli hawleedka hawlgalka UNAMI oo ku eg dhammaadka bishan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Qaramada Midoobay uga dalbatay in la xiro oo meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.