Home Blog Page 2443

Waa Tee Doowlada Soomaliya uga dayaneeso in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay

Sabti, 11 May, 2024 {HMC}  Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa heshay dukumiinti sir ah oo muujinaya dalab dowladda Ciraaq ku dooneyso in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee hawlgalka taageerada dalkaasi ee UNAMI.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani ayaa qoraal uu u diray Golaha Ammaanka ee QM ugu sheegay in ay doonayaan in la xiro 31-bisha December ee sannadka soo socda ee 2025-ka xafiiska QM ee UNAMI.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Al-Suudaani in xukuumadihii ka horreeyay ay hormaro ka gaareen sidii looga maarmi lahaa shaqada uu hayo xafiiska UNAMI oo dalka Ciraaq laga furay sannadkii 2003-dii.

Codsigan kasoo yeeray dowladda Ciraaq ayaa kusoo aadaya xilli isbuucan gudihiisa kulan khaas ah kaga doodi doonaan xubnaha golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cusbooneysiinta xilli hawleedka hawlgalka UNAMI oo ku eg dhammaadka bishan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Qaramada Midoobay uga dalbatay in la xiro oo meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.

RW Xamse iyo Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer.

Xamse iyo Mike Hammer ayaa kulanka ay yeesheen uga wada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ma run baa in Ciidanka PMPF ay noqdeen kuwa ugu tababarka sarreeya Soomaaliya?

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ma run baa in Ciidanka PMPF ay noqdeen kuwa ugu tababarka sarreeya Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka qaateen samatabixinta dadka Soomaaliye

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Wasiir Fiqi Qurbajoogta Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka qaateen samatabixinta dadka Soomaaliye

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQALKA} Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay rag horay dil u geystay oo baxsad ahaa.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay rag horay dil u geystay oo baxsad ahaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Agaasimaha waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Qurbajoogta waxaa laga rabaa in ay dalkooda maalgasha

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Agaasimaha waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Qurbajoogta waxaa laga rabaa in ay dalkooda maalgasha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka dowladda oo qabtay shidaal badan oo u socday AS.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ciidanka dowladda oo qabtay shidaal badan oo u socday AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Kooxda Manchester City oo qabatay hoggaanka horyaalka Premier League

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Kooxda Manchester City ayaa qabatay hoggaanka horyaalka Premier League kadib markii ay 4-0 kaga badisay Fulham, waxyan hadda hoggaanka ku haysaa 85 dhibcood. City ayaa sidoo kale soo yareysay farqiga goolasha iyada iyo Arsenal, waxaana hadda u dhaxeeyo oo kaliya 2 gool oo ay Arsenal ku sarreyso.

Arsenal waxa ay birri la ciyaari doontaa kooxda Manchester United , haddi ay badisana waxa ay kusoo laabaneysaa hoggaanka horyaalka sida ay markii horeba ay ugu hoggaamineysay hal dhibic inkasta oo kooxda City ay u harsantahay hal ciyaar oo dheeri ah, Taas oo siineysa fursad wanaagsan in markii afaraad oo isku xiggo ay horyaalka ku guuleeysato.

DF oo ka laabatay go’aankii UNSOM taas badelkeedane wado qorshe kale oo xasaasi ah.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay todobaadkii hore ku dalbatay in lagu xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), iyada oo markaas sheegtay in horumar ballaaran ay ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Kadib cadaadis ay la kulantay dowladda federaalka ayaa ka laabatay go’aankaas ay ku dalbatay in la hakiyo shaqada xafiiska UNSOM, ayada oo qoraal toos ah u dirtay QM.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loo qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale warqada cusub oo ay dirtay dowladda ayaa waxaa lagu cadeeyey in ay diyaar u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka ee UNSOM.

Tallabadan kadib ayaa waxaa si toos ah u wada-hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM oo sameeyay xiriir khadka taleefoonka ah, iyaga oo heshiis ku gaaray magacaabida guddi gaar ah oo dib u qiimeynaya shaqada xafiiska UNSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo waajibaadka xafiiska QM EE (UNSOM) uu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

{DAAWO MUUQAALKA} Cudur ku cusub dhulka soomaaliya oo baa’biyay mid ka mid ah Dalagyadda aadka looga beero dalkeena.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Cudur ku cusub dhulka soomaaliya oo baa’biyay mid ka mid ah Dalagyadda aadka looga beero dalkeena.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA