Home Blog Page 2444

DF oo ka laabatay go’aankii UNSOM taas badelkeedane wado qorshe kale oo xasaasi ah.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay todobaadkii hore ku dalbatay in lagu xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), iyada oo markaas sheegtay in horumar ballaaran ay ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Kadib cadaadis ay la kulantay dowladda federaalka ayaa ka laabatay go’aankaas ay ku dalbatay in la hakiyo shaqada xafiiska UNSOM, ayada oo qoraal toos ah u dirtay QM.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loo qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale warqada cusub oo ay dirtay dowladda ayaa waxaa lagu cadeeyey in ay diyaar u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka ee UNSOM.

Tallabadan kadib ayaa waxaa si toos ah u wada-hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM oo sameeyay xiriir khadka taleefoonka ah, iyaga oo heshiis ku gaaray magacaabida guddi gaar ah oo dib u qiimeynaya shaqada xafiiska UNSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo waajibaadka xafiiska QM EE (UNSOM) uu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

{DAAWO MUUQAALKA} Cudur ku cusub dhulka soomaaliya oo baa’biyay mid ka mid ah Dalagyadda aadka looga beero dalkeena.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Cudur ku cusub dhulka soomaaliya oo baa’biyay mid ka mid ah Dalagyadda aadka looga beero dalkeena.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} QM oo wada hadalo ku saabsan mustaqbalka xafiiskeeda UNSOM kula jirta dowladda Soomaaliya.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} QM oo wada hadalo ku saabsan mustaqbalka xafiiskeeda UNSOM kula jirta dowladda Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka gobalka togdheer oo ku baxay dil dhawaan ka dhacay deegaan hoostaga degmada burco.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Maamulka gobalka togdheer oo ku baxay dil dhawaan ka dhacay deegaan hoostaga degmada burco.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamada Somaliland oo gacanta kusoo dhigay labo nin oo dil geestay magaaalada Hargaysa.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtay labo nin oo ku eedeysan in ay dil geesteen, labadan nin ayaana ciidamada baadigoob ugu jireen labadii maalin ee lasoo dhaafay.

War kasoo baxay taliska booliiska maamulka Somalliland ayaa lagu sheegay in ciidamada kasoo qabteen labada nin ee dilka ku eedeysan deegaan lagu magacaabo Naq-dhibiijo ee kuyaalla hawdka Magaalada Burco.

Raggan ciidamada booliiska Somaliland soo qabteen oo lagu kala magacaabo Cabdilaahi Aadan Cigaal oo 20 sanno jir ah iyo Cabdiqani Kayse Hayaan oo 25-sanno jir ah ayaa ku eedeysan dil ay 8-deedii bishan u geesteen marxuum Mustafe Cali Xasan.

Taliska booliiska Somaliland ayaana sheegay in raggan dilka ku eedeysan ee ku jira gacanta ciidanka booliiska si deg deg ah loo horgeyn doono hay’adaha caddaaladda , si loogu qaado dambiga ay galeen.

South Africa’s top court hears Zuma election challenge

Saturday 11 May, 2024 {HMC} South Africa’s top court is hearing a challenge to the decision to allow former President Jacob Zuma to contest this month’s elections.

The electoral body originally barred Mr Zuma because of his conviction for contempt of court.

That ruling was overturned on appeal, prompting the Independent Electoral Commission (IEC) to take the case to the Constitutional Court.

Mr Zuma heads the newly formed uMkonto weSizwe (MK) party, which is challenging the ruling African National Congress (ANC), which he once led.

He has been suspended from the ANC but remains a member.

The former president has been embroiled in numerous court battles ahead of the 29 May elections.

So far, the 81-year-old and the MK have won several cases.

The MK is named after the disbanded military arm of the ANC, which wanted the courts to order it to find a new name. However, this was rejected.

Mr Zuma was president of South Africa from 2009 until 2018, when he was ousted over corruption allegations, which he has always denied.

The IEC initially barred Mr Zuma, arguing that the constitution prevented people from holding public office if convicted of a crime and sentenced to more than 12 months in prison.

Mr Zuma was sentenced to 15 months in jail in 2021 for failing to testify in a corruption investigation, though he only served three months on health grounds.

Opinion polls suggest this will be the most hotly contested election since the ANC came to power in 1994, ending decades of white-minority rule.

It is predicted to get less than 50% of the vote for the first time since then.

The MK is expected to do well in Mr Zuma’s home province of KwaZulu-Natal.

SOURCE BBC

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.05.2024}

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirxman Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad ka og tahay Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha dib loo faago.

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Maxaad ka og tahay Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha dib loo faago.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xasan sheikh oo markale ka hadlay nuuca doorashada ee dhacayso iyo qadiyadda Somaliland

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Xasan sheikh oo markale ka hadlay nuuca doorashada ee dhacayso iyo qadiyadda Somaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Kuuriyada Koonfureed looga hadal hayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed?

0

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Maxaa Kuuriyada Koonfureed looga hadal hayaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA