Home Blog Page 2448

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadeynta Askari si bareer tima jare ugu dhax dilay Muwaadin soomaaliyeed.

0

jimco , 10, May, 2024 {HMC}  Maxkamadeynta Askari si bareer tima jare ugu dhax dilay Muwaadin soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10/05/2024}

Jimco 10, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirxman macalin muuse

Farsamadii ::Abdi Qani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Xarunta kuleejka Waxbarashada Maamo Caasho.

0

jimco , 10, May, 2024 {HMC} Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Xarunta kuleejka Waxbarashada Maamo Caasho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israel oo ku Adkeeysaneysa Weerarka Magaalada Rafah

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa waraysi uu siiyay CNN, ku sheegay inuu Mareykanka go’aansaday inay joojiyaan hubka ay ka iibin jireen Israa’iil, haddii ay go’aansato inay ku sii socoto howlgalkeeda Rafah oo ay ku duusho aagga ay dadka rayidka ku badanyihiin. Wuxuu sheegay inay Israa’iil hubka Mareykanka u adeegsanayso inay ku disho dadka rayidka ah.

 

Go’aankan ayaa lagu sheegay inay sare u qaadayso khilaafka Mareykanka iyo Netanyahu oo dhankiisa ku adkaysanaya inay si dhammaystiran ugu duuli doonaan Rafah oo ah halka u dambeysa ee Falastiiniyiinta ay gabaad ka dhigteen, xilligana ay gudaha u galeen taangiyada Israa’iil, halka diyaaradaha ay joogteeyeen duqeynta ay ka gaysanayaan.

 

Saraakiisha Israa’iil, ayaa dhanka kale laga soo xigtay haddii Mareykanka uu ku adkaysto joojinta bambooyinka la hago iyo hubka kale ee uu ka xannibay inay ku qasbannaan doonaan adeegsiga bambooyinka mamnuuca ah in lagu riddo goobaha rayidka ee Dumb Bombs.

 

Bambada Dumb Bombs, looma oggala in lagu rido goobaha ay rayidku degganyihiin, sababto ah ma aha bambo la hagi karo, taa oo gaysata burbur aan qiyaas lahayn , isku darka dhowr bambo oo nooca Dumb Bombs, ayaa ku soo dhawaanaya heer gaarsiisan nukliyeerka oo ah hubka ugu halista badan ee bani’aadamku haysto.

 

CNN waxay soo bandhigtay bishii December ee sannadkii hore inay sirdoonka Mareykanka ay oggaadeen Israa’iil inay u adeegsatay waqooyiga Qasa bambooyinka Dumb Bombs oo lagu naynaaso bambada ‘doqonta ah’, sababo la xiriira sida halista ah ee burburka ay u gaysato, mid ka mid ah goobaha la sheegay inay Israa’iil hubkan ku riday waa xerada qaxootiga ee Maghazi, oo ku taalla Qasa

 

Isla markii ay bambadan ku dhacday xeradan waxaa ku geeriyooday in ka badan boqol qof — dhul ka badan 1 km ayaa sidoo kale dhismayaashii ku yaalay ay burbureen, iyadoo halistaa xasuusan ayay Israa’iil rabta inay ugu hanjabto Mareykanka inay ku ridi doonto bambadan Rafah oo 1 km kasta ay ku noolyihiin in ka badan toban kun oo deggan teendhooyin, taa oo ka dhigan haddii hubkan lagu rido isla daqiiqadiiba inay ka dhalanayso dhimashada tobannaan kun. Dunidana ayaana looga arka Rafah inay tahay goob halis ugu jirta dhiiga ugu badan ee bani’aadamka inuu ku daato

Qaxooti Suudaan dagaallo ka cararay oo mar kale ka baxsanaya dalkii ay miciinka bideen

Jimco, 10, May, 2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay “aad uga walaacsan tahay” qaxootiga Suudaan ee ka soo cararaya xeryahooda ku yaal woqooyiga galbeed ee Itoobiya sababo dhinaca ammaanka ah.

Bayaan ay soo Saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa lagu sheegay in ku dhawaad kun qof oo qaxooti ah ay ka qaxeen xero la dajiyay oo lagu magacaabo Awlala oo ku taal gobolka Amxaarada halka ugu yaraanna saddex boqol oo kalena ay ka tageen xero kale.

Qaxootiga ka soo guuray xeryahooda ayaa ku sugnaa ” meel u dhow waddo” sida lagu sheegay bayaanka.

Qaxootiga  ayaa horay u sheegay in tirada dadka ka cararay xeryahooda ay gaari karto ilaa 7000 kun oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in tallaabada ay qaadeen qaxootiga ay daba socoto “warbixinno dhowr ah oo ku saabsan dhacdooyin amni, oo ay ku jiraan dambiyo, xatooyo, dhac hubeysan, toogasho iyo afduub la sheegay in laga halkaa.

Gobolka Axmaarada ee Itoobiya ee horey u marti galiyay qaxootiga Suudaan ayaa hadda waxaa uu ku jiraa xaalad degdeg ah oo ka dhalatay iskahorimaadyo hubaysan oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidanka.

Israa’iil oo ku gacan-saydhay go’aan ka soo baxay Maraykanka

Jimco, 10, May, 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa Khamiistii ka soo horjeesatay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee uu ku hakiyey shixnad hub ah oo loo waday Israa’iil, isaga oo ka walaacsan hawlgalka Milateri ay Israa’iil qorshaysay inay ku qaaddo magaalada Rafah, kaas oo Maraykanku uu sheegay inaanu taageersanayn.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa tallaabada uu qaaday madaxweyne Biden ku tilmaamay inay tahay “mi adag oo aad looga xumaado, inay ka soo yeedho, madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka” ayuu yidhi.

Wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir oo ah shakhsi si weyn ugu janjeedha midigta-fog, ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku sheegay in “Xamaas ay jeceshahay Biden”.

Madaxweyne Biden ayaa habeenimadii Arbacadii, xilli uu waraysi siinayey telefiishanka CNN, wucuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono inuu Israa’iil siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyey, inuu u caddeeyey Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato inay gasho Rafax, inaanu siin doonin hubkii ay hore u siin jireen, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09-05-2024}

Khamiis 9 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii ::Abdirahman macalin muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA}RW Xamse oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda South Sudan.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qeyb ka ah kulan looga hadlayey wada-hadallada Nabadda ee South Sudan oo ka socda Madaxtooyada Dalka Kenya, taas oo uu garwadeyn ka yahay Madaxwaynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hannaan nabadeed oo loo dhan yahay uu xal-waara u noqon karo xasilloonida Koonfurta Suudaan, taas oo haddii ay sii socoto saameyn ku yeelan karta nabadda guud ee dalalka geeska afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey dadaallada socda ee lagu soo afjaro colaadda Koonfurta Suudaan.

Wuxuu dhinacyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaa xasilloonida dalka, wixii colaad ahna lagu dhammeeyo wada-hadal.

{DAAWO MUUQAALKA} Dr Suleymaan Maxamed “Madaxweyne Xasan way ka go’an tahay tayeynta Garsoorka dalka”

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Dr Suleymaan Maxamed “Madaxweyne Xasan way ka go’an tahay tayeynta Garsoorka dalka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay…

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  FAAH FAAHIN Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA