Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Kulamo looga arinsanayo dhismaha maamul cusub oo ka dhacay Muqdisho
Madaxweynaha Somaliland oo ka qeyb galay Shirka Golaha Fulinta Xisbiga Kulmiye
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay shirkii guddida fulinta ee xisbiga oo maanta ka qabsoomay xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa.
Ugu horrayn, waxa shirka ibo furay madaxweynahana halkaas kusoo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha hoggaanka ee xisbiga oo xarunta ku sugnaa, isaga oo ka warbixiyey hawlaha xisbiga iyo sida uu ugu hawllan yahay isu diyaarinta hawlaha doorashooyinka.
Shirka guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardargelinta iyo u diyaargarowga doorashooyinka, heshiiskii u dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia oo meel wanaagsan maraya iyo xaaladda amni ee dalka.
Xubnaha guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa madasha kasoo jeediyey talooyin iyo aragtiyo aqoon iyo waayo-aragnimo ku dhisan, kuwaas oo wax ka tari kara dedaalka uu xisbigu ugu jiro inuu markii saddexaad oo xidhiidh ah ugu guulaysan lahaa talada dalka, kuwaas oo ay murrashaxa iyo hoggaanka kale ee xisbigu si weyn ugu riyaaqeen.
Guddoomiyaha guddida farsamo ee heshiiska dhex maray Somaliland iyo dalka Ethiopia, ayaa isaguna xubnaha guddida uga warbixiyey halka ay marayaan hawlihii qaran ee loo igmaday, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu heshiiska guul ku dhaw yahay, labada dhinacna ku hawllan yihiin sidii uu heshiisku u hirgeli lahaa.
Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna dhankiisa xubnaha guddida fulinta uga warbixiyey heshiiska, waxana uu xusay in ka dawlad ahaan ay diyaariyeen heshiis hufan oo qarankani ka dheefi doono wixii uu ku taamayey muddada dhawr iyo soddonka sanno ah.
Markii shirku soo dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo tilmaamay in la meelayn doono aragtiyaha kala duwan ee ay xubnaha guddida fulinta jeediyeen, waxana uu yidhi,“Shirkeenna maantu waxa u ku saabsanaa u diyaargarowga doorashooyina, ra’yiyo badan oo wax ku ool ah oo danta xisbiga iyo ta qarankaba ah oo tabaabulshaha doorashada ahna waynu ka doodnay, go’aammadaana waa la ururin oo ficil baa loo rogi, waqtiganna waxaynu ku jirnaa waqti doorasho, madaxweynuhuna laba koofayadood buu xidhan yahay oo tii qaranka iyo tii xisbigaba waan xidhanahay, immikana ta loo badan yahay waa tii hawlgalka xisbiga.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaan caaddifadda dadka la gaadhsiinin meel aan laga soo celin karin, isaga oo digniin u diray murrashaxiinta kursiga u hanqal taagaya,“Shacbigu wuu codaynayaa oo qof waliba ninka uu doonayo ayuu u codayn doonaa, laakiin waxa laga midaysan yahay doorashadu inaanay khilaaf inagu keenin oo aan dadka caaddifaddooda nin kursi doonayaa aanu meel daran oo aan laga soo qaban karayn ka tuurin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“KUMIYE ahaan doorashooyinkii waynu gelaynaa, nasiib wanaag inta madaxweyneyaasha u sharraxani waa qolo aynu hore u wada ciyaarnay oo aynu aad isu naqaan, koox cusub oo tolo maxay yeeli doonaan la leeyahay ma aha, dadkuna way is garanayaan, murrashaxiintuna way is garanayaan oo masuuliyaddu iyagay saaran tahay.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu dadka dib u xasuusiyey dhacdooyinkii ay axsaabta qaranka qaarkood ku lugta lahaayeen ee dalka ka dhacay, bulshaduna kala garanayso cid waliba sidii ay u dhaqantay, waxana uu yidhi,“Doorashadii 2017-kii intii ka dambaysay sidii ay wax u dhaceen iyo qof kasta iyo xisbi walba sidii uu u dhaqmay shacabka ayaa xukumi doona, ninkii u xiiray, kii u hool-hoolay, kii hagardaameeyey iyo kii u hagar baxay shacabka ayaa qiimayn doona, KULMIYE-na waxa uu ku kalsoon yahay intii uu xukunka hayey ee 2010-kii ilaa iyo maanta inuu ku guulaysan doono doorashan iyo ta soo socotaba.”
Madaxweynuhu waxa uu is dultaagay sida uu xisbiga KULMIYE haldoorka ugu yahay axsaabta dhiggiisa ah ee la tartamaysa iyo sida ay u adag tahay in la helo cid isku dhererisa, waxana uu caddeeyey in KULMIYE diyaar u yahay qabashada doorasho hufan, natiijadeedana la aqbalo,“Waa’ayo xisbiga kale ee taariikhdaa leh ee 14-kaa sano iyo taariikhdii hore ee dalka waxaas u qabtay, yaa ku dherersan kara, waa kuma xisbiga leh waan soo halgamay, oo xorriyaddii baan wax ku lahaa, waa’ayo xisbiga odhan kara dhibaatooyinkii dhacay baan difaac ka galay lugtaan jiiday mooyaane, sidaa darteen xisbiyada tartamaya warwar kama qabno, waxana aanu ballan qaadaynaa, doorasho, dartan hufan, edeb leh, tudhaale leh iyo natiijada oo la aqbalo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Shir Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Muqdisho
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa shir guddoominayay shirka amniga dalka gaar ahaan caasimadda, waxaana shirkan uu ka dhacay xarunta taliska ciidanka booliiska.
Shirkan ayaa intii uu socday waxaa lagu gor feeyay waxyaabihii ciidanka u qabsoomay isbuucaan, waxayaabihii qaldamay iyo sidii loo sixi lahaa qalaadka xlliyada qaar ka dhaca ciidanka ammaanka.
Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliiska gobolka Banaadir G/ Sare Macalin Mahdi ayaa ka warbixiyay Xaalada guud ee amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda , waxa uuna xusay in ciidanka qabteen shaqooyin fiican kana hortageen dhagaraha cadawga maleegeen.
S/guuto Sulub Axmed Firin taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa ka mahadceliyay shaqada wannaagsan ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ka hayaan dalka, gaar ahaan caasimada Dalka ee Muqdisho.
Dhanka kale taliyaha ciidanka booliiska S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa amray dhammaan hoggaanada, fadhiyada Madaxa bannaan ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed in la dardar galiyo howlaha amni u gar gaarida dadka danta yar ka hortaga falalka lidka ku ah amniga.
Taliyaha ciidanka Dhulka oo Baydhabo kula kulmay Saraakiil u dhashay Ingiriiska
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ku sugan taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle, kaa oo howlo shaqo u jooga magaaladaasi.
Generaal Dayax Cabdi uu wehliyo taliyaha qaybta 60-aad Gen Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa maanta magaalada Baydhabo kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka Ingiriiska ee jooga magaalada Baydhabo.
Taliyaashan katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sargaalka hoggaamiya ciidanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Lieutenant Colonel Richard , kala hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin kordhinta tababarada iyo taageerada ay ciidanka siiyaan .
Lieutenant Richard ayaa u sheegay taliyaha ciidanka Dhulka ee Soomaaliya in ay diyaar u yihiin tayeynta iyo kordhinta tababarada ay siiyaan ciidanka xoogga, waxa uuna sheegay in Soomaaliya u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen ciidanka xoogga dalka.
Magaalaa Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan saraakiil iyo ciidamo u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaa oo tababarao joogta ah siiya ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Somaliland oo guddida fulinta Xisbiga Kulmiye kala hadlay doorashooyinka
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland oo guddida fulinta Xisbiga Kulmiye kala hadlay doorashooyinka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 09/5/2024
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 09/5/2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Cusub ee Kaaraaan “Askari ayaan iska ahaa Amniga ka shaqeeya .”
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Gudoomiyaha Cusub ee Kaaraaan “Askari ayaan iska ahaa Amniga ka shaqeeya .”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Abshir Kaaraan”Dad ayaa u waashay Wadada Sodonka ee Fagax
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Abshir Kaaraan”Dad ayaa u waashay Wadada Sodonka ee Fagax
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Maxakamadda G/Galgaduud ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Cabdullaahi Muuse Seeraar oo ku eedeysnaa
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Maxakamadda G/Galgaduud ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Cabdullaahi Muuse Seeraar oo ku eedeysnaa
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dil argagax leh oo ka dhacay Hargeysa iyo Somaliland oo tallaabo qaaday.
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Dil argagax leh oo ka dhacay Hargeysa iyo Somaliland oo tallaabo qaaday.



