Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Xiisad u dhaxeeysa ciidama ka wada tirsan dowlada oo ka taagan Degmada Buloburde
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.05.2024}
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Yaasiin Cali Axmed
Farsamadii :Abdiqani osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo
DFS oo ka codsatay Qaramada Midoobay in la joojiyo shaqada xafiiska UNSOM
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay Joojinta Shaqada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya {UNSOM}.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda dowladda, waxayna dowladdu sheegtay inay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.
“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar 2024.
Warkaan ayaa kusoo beegmay, xilli wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay shaqada ka tagayso, ka dib muddo hal sano ah oo ay xafiiska joogtay.

Maxaa Ka Jiro in Tigrey ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda Sudan?
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Maamulka Tigrey ee ka arrimiya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Sudan , kaa oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo ciidanka kale ee gurmadka deg dega ee RSF.
Taliska ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigrey in ay qeyb ka yihiin dagaalka ayna garab siinayaan ciidanka milatariga, waxa ayna RSF sheegeen in ay hayaan caddeymo muujinaya in TPLF qeyb ka yihiin dagaalka.
War kasoo baxay maamulka Tigrey ayaana lagu beeniyay eedeynta uga timid ciidamada RSF, waxa ayna sheegeen ciidamada daacada u ah TPLF in aysan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka ka socda dalka Sudan.
Maamulka Tigrey ayaa sheegay in ay qorsheenayaan sidii ay guryahooda ugu soo celin lahaayeen boqolaal kun oo kasoo jeeda qowmiyada Tigrey, kuwaa oo gudaha Sudan u qaxay xilligii uu dagaalka ka socday gobolka Tigrey.
Eedeyntan kasoo yeertay ciidanka RSF ayaa imaaneysa xilli ay jiraan tuhuno la xariira in rag badan oo calooshood u shaqeestayaal ah kana soo jeedaan dalal kala duwan qeyb ka yuhiin dagaalka Sudan ka socda, iyaga oo u dagaallamaya dhinacyada is haya.
Nin Dil argagax leh ka geestay Hargeysa oo la qabtay
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaa uu geestay nin mindi ku hubeysnaa.
Dilka oo ka dhacay xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa loo geestay Cabdixakiin Aadan C/laahi , waxaana dilkaasi ku eedeysan oo toorey ku fuliyay Jimcaale Maxamed Maxamuud.
Ciidamada booliiska magaalada Hargeysa ayaana howlgallo deg deg ah ay sameeyeen ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan ninka dilka geestay, waxaana ninkan hadda ku xiran yahay saldhig kuyaalla Hargeysa, iyadoona ku socdaan baaritaanno.
”Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud ina Nasra X Cabdi da’da17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Mindi ku dilay Marxuum: Cabdixakiin Aadan C/laahi ina Hinda Cismaan da’da18 jir ah, eedeysanaha gacanta ciidanka ayuu hadda ku jiraa” ayaa lagu yiri warka booliiska.
Booliiska Somaliland ayaana sheegay in gacankudhiiglaha loo gudbin doono laamaha garsoorka marka baarista dhammaato, waxa ayna sheegeen cid kasta oo dambi geesata aysan ka baxsan doonin gacanta laamaha ammaanka iyo tan caddaaladda.
{DAAWO MUUQAALKA} Hay adda SODMA oo gargaar gaarsiisay shacabka degaanka Eji ee gobalka Hiiraan
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Hay adda SODMA oo gargaar gaarsiisay shacabka degaanka Eji ee gobalka Hiiraan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidamada RSF iyo Xulufadooda Carabta oo lagu eedeyay xasuuqa beel gaar ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Nisa oo Gacanta ku dhigay 12 Xubnood oo ka tirsan AS
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidamada Nisa oo Gacanta ku dhigay 12 Xubnood oo ka tirsan AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Gaadiidkii ugu badnaa oo ku Xayirnaa Wala-weyn oo la Fasaxay.
Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Gaadiidkii ugu badnaa oo ku Xayirnaa Wala-weyn oo la Fasaxay.



