Isniin 15 Dec 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::yaasiin cali axmed
Farsamadii ::cabdi nuur caraboow xasan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Isniin 15 Dec 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::yaasiin cali axmed
Farsamadii ::cabdi nuur caraboow xasan
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Taliye ka tirsan ciidamada RSF oo kaalintii uu ka qaatay xasuuqii el-Fasher oo ay Warbaahinta soo bandhigtay ayey dowladda UK saartay cunaqabateyn.
Janaraal Al-Fateh Abdullah Idris oo sidoo kale loo yaqlaan Abu Lulu ayaa waxaa laga duubay muuqaal isagoo tooganaya ugu yaraan 10 la hayste oo aan hubeysneyn kaddib markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Kumanyaal qof ayaa la rumeysan yahay in ay dileen ciidamada RSF kaddib markii militeriga Sudan ay ka baxeen el-Fashar.
Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in tacadiyada ka dhcaya Sudan ay noqdeen “boog ku taal adduunka”, waxaana loo baahan yahay in loo ciqaabo kuwa ka dambeeyay.
UK waxay cunaqabateyn saartay saddex taliye oo ka tirsan RSF, waxaana ka mid ah saraakiishaas taliye ku xigeenka ciidamada Abdul Rahim Hamdan Dagalo.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Taliyaha gutada 6aad qaybta 60aad ee Ciidanka Dhulka ee XDS Col libaan yusuf garre oo garay magaalada Shalaanbood ee taliska ururka 62aad guutada 6aad qabta 60aad waxana halkas kuso dhaweyay dhaweyay Taliyaha ururka 62aad gutada 6aad qabta 60aad gashanle farax wayne.
Taliye Liibaan Yuusuf garre ayaa uga mahad celiyay sida quruxdabadn ee loogu soo dhaweeyay magaalada.
Taliyaha ayaa ka xalwaraysty halka uu marayo la dagaalanka cadawga kula jiraan geesiyaasha ayagoona uga waramay Taliyaha in ay diyaar u yihiin baacsiga Al shabaab dalka looga saarayo.
Taliyaha ayaa halkaan maalmo ku sugnaadona mudo badan isagoona ujeedkisu yahay dhisida iyo tayeenta ciidanka.

Axad 14, Dec 2025 {HMC} Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay xeebta Bondi ee dalka Australia. Dhaawaca ayaa ku dhow 30 qof kaddib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay xaflad ay dadka Yahuuda isugu yimaadeen sida ay boolisku sheegeen.
Boqollaal qof ayaa u dabaaldagayay maalintii ugu horeysay sideeda maalmood ee dabaaldegga Hanukkah. Booliska iyo madaxda Australia waxay ku tilmaameen fal argagixiso.
Mid ka mid ah ragga weerarka lagu tuhunsan yahay ayaa la dilay halka mid kalena uu dhaawac halis ah yahay sidaasina waxaa shir jaraa’id ka sheegay booliska New South Wales. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira labo sarkaal oo boolis ah, waxaana loo qaaday dhaawaca isbitaalka.
Booliska ayaa baaraya hadii nin saddexaad uu weerarka ku luga lahaa. Kooxaha kala furfura bambooyinka ayaa eegaya waxyaabo loo maleynayo in ay yihiin waxahaha qarxa.
Mike Burgess oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Australia ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga looga shakisan yahay weerarka uu ahaa nin ay mas’uuliyiintu la socdeen balse aan laga fileynin in uu la yimaado khatar degdeg ah.
Weerarka ka dhacay Australia maanta ayaa ahaa kii ugu xumaa weerarada lagu beegsado macbadyada, dhismooyinka iyo gawaarid Yahuuda ee Australia ilaa markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii Oktoobar ee 2023-kii.
In si wadar ah dadka loo toogto waa wax aan lagu aqoon Australia oo ka mid ah dalalka ugu nabdoon adduunka.
Weerarka ka dhacay Axadda maanta waa kii ugu xumaa ee soo mara Australia ilaa iyo 1996-dii markaas oo nin hubeysan uu ku dilay 35 qof meel dalxiiska loo yimaado oo ku taal koonfurta gobolka Tasmania.
Raysalwasaare, Anthony Albanese, wuxuu kulan isugu yeeray dhammaan golaha ammaanka qaranka ee dalka, wuxuuna cambaareeyay weerarka isagoo sheegay in dhibaatada dhacay ay aheyd mid “aan la fahmi karin”.
“Wuxuu ahaa weerar lagu beegsaday Yahuuda Australia maalintii ugu horeysay Hanukkha oo ah maalin farxad iyo dabaaldeg diin”, ayuu yiri raysalwasaaraha oo intaas ku daray, “Waqtigan mugdiga ah wuxuu qarankeena, booliska iyo hay’adaha ammaanka ka shaqeynayaan in ay heleen cid kasta oo lala xiriirinayo dambigan”.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka ka dhacay xeebta uu socday ilaa 10 daqiiqo iyadoo dadka ay u kala carareen meelo kala duwan. Boolisku waxay sheegeen ku dhawaad kun qof in ay joogeen xafladda Hanukkah.
“Waxaan isu diyaarinay in aan guriga aado, waxaan xirxiranay boorsado, kabo dacas ah ayaan watay, waxaana diyaar u ahaa in aan raaco bas kadidb waxaan maqlay rasaas”, ayey tiri Bondi Junction oo deggan Marcos Carvalho.
Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa sheegay in Yahuudii ugu horeysay ee daartay shumaca dabaadegga Haunukkah ay weerareen “argagixiso dambiilayaal ah”.
Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa sheegay in uu ka naxay weerarka, wuxuuna sheegay in dowladda Ausralia “ay la timaado caqli” maadama dhowr jeer loo digay.
Xeebta Bondi ee Australia waxay ka mid tahay xeebaha ay inta badan joogaan dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha.
Muslmiinta dalka Australia ayaa cambaareeyay weerarka iyagoo ku tilmaamay in weeraradan aysan boos ku laheyn diintooda.
“Falalkan iyo dambiyada kuma jiraan dhaqankeena. Kuwa mas’uulka ka ah waa in lala xisaabtamaa oo ay sharciga wajahaan” ayey yiraahdeen golaha Imaamyada Australia iyo golaha Muslimiinta.
Muuqaallo la soo dhigay barta X ayaa lagu arkayay dad jooga xeebta oo dhinac kasta u ordaya iyadoo la maqlayo rasaas iyo dhawaqa gawaarida booliska. Mid ka mid fidiyoowyada ayaa lagu arkayay nin ku labisan shaar madow oo sita qori weyn ka hor inta aan la weerarin. Waxaa kaloo ka muuqda fidiwiyoga nin kale oo rasaas ku furaya dadka socda buundada.
Weerarkan ayaa dhacay 11 sano kadidb markii nin hubeysan uu 18 qof uu ku qabsaday Lindt Café Sydney. 16 saacadoo oo lays horfadhiyay waxaa la dilay ninkii hubeysnaa iyo labo la hayste.
Xeebta Bondi waxa uu gabalka ugu dhacay iyadoo meel kasta ay joogaan gawaarida booliska iyo helikobtarada booliska.
XIGASHOO BBC
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Sheekada Axmed Al Axmed, ninka naftiisa ku biimeeyay nin toogasho ka waday Australia.
Xeebta Bondi beach ee Sydney ayey Rag hubeysan toogasho ku billaabeen dad Yuhuud u badnaa, 15+ ayey dileen.
Muuqaalka qof duubayay ayaa soo qabtay Axmed oo dukaan khudaar ku iibinayay meel aan ka fogeyn goobta toogashada isaga oo Gawaari parking ku jirta ku soo gambaday .
Waxaa uu gadaal uga yimid ninka toogashada waday, qorigii ayuu ka qaaday.
Ma uusan aqoon sida loo rido qariga darbi ayuu ku tiiriyay kaddibna ninkii ayuu dhagax ku tuuray isaga oo cararaya.
Isbitaal ayaa la dhigay Axmed oo uu dhaawac soo gaaray.
Intii uu weerarka socday barta X ama twitter waxa qabsaday nacaynka dadka Islaamka ah iyada oo aan kuwa toogashada waday la kala caddeyn cidda ay yihiin.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xoojinayaano iskaashiga dhinaca tamarta sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.
Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in Turkiga iyo Soomaaliya ay xoojinayaan iskaashiga dhinaca tamarta, iyagoo ku daraya heshiis cusub oo istiraatiiji ah. Ujeeddadu waa in la fuliyo qodista saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee ugu horreysa sanadka 2026.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in heshiis rasmi ah la saxiixay, kaas oo oggolaanaya baaritaan iyo sahamin lagu sameeyo aba goobood oo dhulka ah iyo saddex goobood oo badda ah, taas oo fure u noqon karta horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} kulamada Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, ayaa maanta galay maalintii labaad ee Kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah, kaas oo ka socda magaalada Muqdisho.
Khabiirro ka kala socda dalalka xubnaha ka ah EASF ayaa dib-u-eegis ku sameynaya xaaladda amni ee gobolka, qorshaha hawl-galka EASF ee sanadka 2026, Warbixinta Kormeerka Dibadda, iyo natiijooyinka qiimeyn madax-bannaan oo lagu sameeyay saameynta ka dhalatay colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), taas oo saameyn ku yeelatay dalalka Bariga Afrika.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni, wada-shaqeynta difaaca, iyo doorka EASF ee sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana maalmaha soo socda kusoo biiri doona Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay EASF.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Netanyahu ayaa lagu warramayaa inuu hadyad ahaan u sii madaxweynaha Kenya , William Ruto nidaamka difaaca hawada SPYDER, kaasoo ka mid ah nidaamyada difaaca ee ay Israa’iil soo saarto, sida ay werisey The Kenya Times.
Nidaamkan wuxuu awooddaa inuu ka hortaggo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , gantaallada iyo la socodka dhaqdhaqaaqa hawada.
Arintan waxa ay ku soo aadeysaa Xili israaill ay iska difaaciwaayeen nidaamkeeda Hawada Gantaaladii Iran ku garaacday in uu uu socday Dagaalka u dhaxeeyay iran iyo Israiil.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin aargoosi ah oo looga jawaabayo weerar shalay ka dhacay Suuriya oo lagu dilay labo askari oo Mareykan ah, iyadoo dhimashadan ay ka dhalatay markii gaadiid kolonyo ah oo ciidanka Mareykanka iyo askar ka tirsan ciidanka Suuriya galinkii dambe ee shalay rasaas lagu furay.
Weerarkan ka dhacay gudaha Dalka suuriya waxaa la sheegay inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo goobta lagu dilay.
Axad 14, Dec 2025 {HMC} 1- Dable Xoogga Cabdiraxmaan Nuur Axmed (Nashqadeeye) ayaa lagu xukumay.
– Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Dalxiiska Degmadda Dayniile, Falkaas oo ka dhacay Dayniile Todobadii Bishii Juun ee sanadkaan.
– In uu Bixiyo Mobile Iphone Mini ah iyo Bistoolad Biljim ah oo uu ka dhacay Marxuum Cabdalle Sheekh Ibraahim.
2- Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) ayaa lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Clidan ah.
3- Dable Xoogga Maxamed Abuukar Cabdulle (Yake) 4- Nuur Cabdiqaadir Aadan (Dhiinka) 5- Dable Xoogga Jibriil Xasan Maxamed Cali (Waji Caag) ayey Maxkamaddu ku wada xukuntay Min Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.
6- Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) ayaa isna lagu xukumay seddex Sano oo Xabsi ciidan ah.
Sidoo kale waxay Maxkamaddu ku kala Xukuntay In ay wada bixiyaan Moobeeladii iyo hantidii ay ka dhaceen Dhibaneyaasha.
Maxkamadda, ayaa Sidoo kale Dable Xoogga Xasan Ibraahim Maxamuud (Xasan Bile) lyo Maxamed Cabdi Cusmaan (Wadna qabad) si gaar ah ugu xukuntay In ay wada bixiyaan magta iyo Qarashka ku baxay dhibaneyaasha ay dhaawaca u geysteen.
7- Dable Xoogga Cabdishakuur Eelaay oo (Maqane) ah iyo 8- Cabdishakuur Cumar Xaashi (Cadde Seyga) oo (Maqane) ah ,ayaa lagu Xukumay Min Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.
9- Dable Xoogga Maxamuud Cabdulle Maxamuud (Maan-Daguuro) ayey Maxkamaddu ku Xukuntay Hal Sano oo Xabsi Ciidan ah.
10- Halka Saabir Cabdinaasir Saalim (Saabka) ay maxkamaddu siisay xorriyadiisa.
Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda Ciidamada المحكمة للقوات المسلحة