Home Blog Page 2453

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya

Arbaco-08-may -2024 {HMC} Nairobi — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga.

Qorshaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka, taas oo ah tallaabo muhiim u ah dhanka dimoqraadiyadda dalka.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan wax badan ka ogaanno siyaasadaha, nidaamyada, hababka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo guuleysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa xusay hannaanka loo maro doorashada Kenya, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ay horseedeen qabsoomidda doorasho caddaalad ah, taas oo Soomaaliya u ah casharo ay tahay in ay ka dheegato, hab maamulka doorasho ee Kenya.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey guddiga soo dhaweynta iyo warbixinta ay siiyeen, isaga oo tilmaamay in gudaha dalka ay ku casuumi doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka Kenya, si casharo ay uga bartaan guddiyada ka shaqeyn doona doorashada dalkeenna.

Dowladda Federalka Soomaaliya oo beenisay eedeyntii Amnesty International

Arbaco-08-may -2024 {HMC} MUQDISHO — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warbixin hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shalay ku sheegtay in duqeymo mataano ah ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay dad rayid ah bishii March.

 

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, ayna ku dhinteen 23 qof oo rayid ah, kuna dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan,

 

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal uu soo Saaray ku yiri “Ma hayno illaa hadda xogo ku saabsan in hawlgallada ciidamada ay Wwaxyeelo kasoo gaartay shacabka, waana waajib na saaran dawlad ahaan in aan hubino badqabka muwaadiniinta xilli kasta.”

 

Al-Cadaala ayaa qoraalkaasi ku sheegay in ciidamada Soomaaliya uu halbeeggooda koowaad yahay “xaqiijinta inaan waxyeello soo gaarin shacabka.”

 

Hay’adda Amensty International ayaa warbixinteedii shalay ku sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weeraradii ay fuliyeen diyaaradaha drone-ka TB2 ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

FESOJ held Panel Discussion on Press Freedom in Somalia in marking the WPFD in Beledweyne city, Hirshabelle State

Mogadishu, Wednesday, May 8, 2024 The Federation of Somali Journalists (FESOJ) has organized One – day Panel Discussion on press freedom in Somalia held on Wednesday, May 8, 2024 in signifying the World Press Freedom Day in Beledweyne city, Hirshabelle State, Somalia.

The panel discussion in remembrance of World Press Freedom Day, an event annually celebrated on May 3, 2024 was dedicated to strengthening the importance of press Freedom Day in Somalia and to stress environmental issues and their significance to Somalia.

Five-member lead panelists comprising of Mohamed Ibrahim, office of the Prosecutor, Hirshabelle State, Lieutenant Yusuf Abdulkadir Ahmed, police officer, Hawa Ahmed Rajaal , Ministry of Environment/Member of the Regional State, Farhan Anshur , Senior journalist and Abdifatah Adan Osman , expert of environmental issues were the key in roundtable discussin.

The discussions touched on issues related with freedom of expression, press freedom and environment protection. The discussions have highlighted the number of violations against the Somali Media and journalists that have taken place.

The need of the media in reporting environmental matters was also discussed.

The one -day panel discussion event has been participated by 35 selected persons including members from editors, journalists, media directors, police, prosecutor, district authorities and civil society activists.

Furthermore, in signifying the occasion of this year’s World Press Freedom Day May 3, 2024, the Federation of Somali Journalists (FESOJ) has prepared, produced and circulated Somalia Annual Press Freedom Report 2023 – 2024 entitled: – “Somalia: Government Violated Media Law it Previously Endorsed, Undermining Press Freedom.” Following is the link of the report: –

FESOJ ANNUAL REPORT 2023-2024

Furthermore, FESOJ has displayed number of brochures in support of marking the World Press Freedom Day event highlighting expressions signifying the occasion.

In conclusion, in press conference, brief statement was made about the major points discussed during the panel discussion and the FESOJ Annual report presentation.

End

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Madaxweyne Qoorqoor oo ku amaanay Reer Caabudwaaq Hirgilinta Jaamacada Umada Faraceeda Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jiro Maxaabiistii ay Somaliland ku qabatay Dagaalkii SSC in lagu jir dilo Xabsiga Hargeysa

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Maxaa ka jiro Maxaabiistii ay Somaliland ku qabatay Dagaalkii SSC in lagu jir dilo Xabsiga Hargeysa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ka duceeyay Marti soon Maanta loogu sameeyay Magaaladda Buulo-Burte.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo ka duceeyay Marti soon Maanta loogu sameeyay Magaaladda Buulo-Burte.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa soo xiray Shir weynaha Qaran ee maareynta Hubka Rasaas

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa soo xiray Shir weynaha Qaran ee maareynta Hubka Rasaas

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qorshaha dib-u-eegista howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo la daahfuray.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Qorshaha dib-u-eegista howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo la daahfuray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dagmada Bulo burte

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dagmada Bulo burte

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shir dhaxmaray DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo war laga soo saaray.?

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Shir dhaxmaray DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo war laga soo saaray.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA